4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Cirka Soomaaliya: Reer Ba’ow Yaa ku Leh


by Cabdullaahi Axmed Cabdulle (Azhari)
Friday, March 01, 2013     

Afeef iyo mahadcelin

Wixii dhaliilo iyo turxaan ah oo qormadaani la timaaddo waxaa iska leh qoraaga, wixii  bogaadin ahna waxaa ila wadaaga intii af ahaan, Ra'yi ahaan iyo Taariikh ahaanba ila turxaanbixisay.

 Hordhac

Dhibaatooyinka qaranjabkii Soomaaliya la yimid tiro waa dhaafeen. Qaarkood waa ay adag tahay si aad ku rumaysato haddii lagaaga sheekeeyo. Sidaas oo ay tahay baa haddana laga yaabaa in aysan  yaab iyo amakaag toona ku noqon Soomaalida qaarkood, maadaama ay soo mareen dhacdooyin xataa aysan ku dhicin in ay soo qaadaan. Haddana diiwaangelinta sooyaalku wax la dhayalsan karo ma aha. In la qoro wixii dhacay iyo sidii ay u dheceen intii laga xusuusan karo waa lama huraan, si jiilalka dambe dib u eegaan/u tixraacaan.

Si kastaba ha ahaatee, anigu waxa aan ka mid ahay duuliyeyaashii shirkaddii diyaaradaha ee Soomaaliya 1979 - 1991. Waxaan wax ka unkay dawlad-goboleedka Puntland waxaana noqday Agaasimaha guud ee wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka (Oktoobar1998- Juun1999). Waxa aan mar kale  noqday agaasimaha guud ee hay'adda shaqada iyo shaqaalaha (Juun 1999- Ogosto2004). Dabadeed waxa aan noqday Xildhibaan iyo wasiirku-xigeen  dawladdii ku-meel-gaarka ahayd ee Cabdullaahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geeddi  (Ogosto 2004- Janaayo 2009). Markaas kaddib, waxa aan noqday wasiirkii qurbajoogta iyo maalgelinta  ee dawladdii Shiikh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid  (Janaayo 2009-Diseembar 2010 iyo xildhibaan ilaa Ogosto 2012).

Haddaba, sooyaalka inyar oo aan ka xusuusto, waxa aan istusay in aan waxun ka iftiinsho sida dayaca iyo boobku uga  meel waayey cirka Soomaaliya, iyo waxa ku dhacay  hay'addii Duulista iyo Saadaashada hawada ee Soomaaliya.

Bililiqaysiga Cirka (Hawada Sare) Soomaaliya

Cirka Soomaaliya waxaa ka meel waayey bililiqo aan loo kala aabayeelin. Waa suurtogal in dad isweyddiiyaan sida cirka loo boobay. Marka bal aan si kooban u eegno sooyaalka.

Ilaa iyo hadda, inta dadku ogyahay, cirku ma laha derbi la soo taaban karo oo aan laga gudbi karin. Haddii aan xogtaas sida ay tahay u qaadano, dawladaha dunidaan la yaqaan ku sugan ayaa ku heshiiyey in cirka ilaa xad la kala lahaado. Arrintaas haddii aan rumaysano, dawladaha aduunka, mid walba waxaa loo qoondeeyey cir ( Airspace) ku aaddan dhulka iyo badaha ku xayndaaban inta looga qoondeeyey ee Khariiradda Waddankaasu  ku fadhido.

Sidaas awgeed, dawlad kasta waxa ay maamushaa dhammaan gaadiidka cirkeeda mara. Waxa ay siisaa hoggaamin iyo kala-jehayn. Sidaas oo kale , waxa ay bixisaa xog/akhbaar ku aaddan xaaladda  saadaasha hawada sida Cimilada iyo Gegooyinka diyaaradaha. Habkaas maamulka cirka ku saabsan waxaa loo yaqaan: Flight Information Region Boundary (  FIR Boundary).

Badanaaba, maammulidda cirka ee dawlad walba waxaa loogu magacdaraa magaalo-madaxda dalka, taas oo  noqonaysa xarunta laga hago gaadiidka cirkeeda isticmaala,  sida Muqdishu FIR, Nairobi FIR, Cairo FIR etc.

Waddamada leh dhulka baaxadda weyn, sida Maraykanka, waxa ay leeyihiin dhawr xarumood oo gaadiidka cirka laga hago ( FIR Boundary). Haddana, dhammaan xadka cirka waddamada dariska ah waxaa ka dhexeysa wada-shaqayn. Maadaama dunidu isku wada xiran tahay, dalalku waxa ay isu gudbiyaan hagidda gaadiidka u kala gooshaya cirarkooda, si midiba tan kale ula socodsiiso gaadiidka xadkeeda soo gelaya ama ka baxaya. Waxaa markaas dawlad walba xeer caalami ahaan waajib ku noqonaysa dhammaan waxyaalaha gaadiidka cirkeeda marayaa u baahan yahay, sida nabadgelyada, gegiyada diyaaradaha, saadaasha hawada iyo wixii soo raaca. Gaadiidka  soo gala wadan xadkiisa cireed waxa uu kala baxaa labo, mid dalka ku eg iyo mid meel kale u sii dhaafaya.

Janaayo  26 ,1991,  Soomaaliya  waxa ay  gabtay waajibaadkii cirkeeda ka saarnaa waxa ayna  ka baxday Hawada. Hawlgabkaasi waxa uu la yimid noqday "Suldaanow sidii miro bardaa lay bashuuqsaday.." oo hawadii sare ee soomaaliya ugu yaraan waxa ay noqotay shan qaybood oo ay kala maamulaan: (b) Kenya (t) Ethiopia (J) Djibuuti (X) Yemen iyo (kh) Siishelis.

 Guud ahaan, cirka Soomaaliya waxa uu marin u yahay Afrika, bariga dhexe, bariga fog, jasiiradaha iyo dalalka ku teedsan bad weynta Hindiya (indian ocean), Uustaraaliya (Australia) iyo waddamada bariga Aasiya (Asia). Sidaas daraadeed, gaadiid faro badan baa isaga goosha cirka/hawada sare ee soomaalida, haddii ay tahay mid dalka ku eg iyo mid ka gudbaya.

Waxa aan ilaa iyo hadda dulmaryo ku soo samaynay sida dunidu u kala xadaysatay cirka. Weyddiintuse waxa ay noqonaysa marka, haddii maamulkii cirka Soomaalidu uu noqday  hal geel ah oo ninkii lahaa faylaha jaray kana tegey, sidee uu saamaysay gaadiidka cirka  guud ahaan iyo gaar ahaanba?

Inkasta oo ay adag tahay in la taxo dhammaan dhibaatooyinka ka dhashay qaranjabkii Soomaaliya, gooni ahaan cirka Soomaalida, waxa aan soo qaadanaynaa dhawr tusaale sida:

          Maadaama ay ku adkaysteen duullimaadyada qaarkood in ay maraan cirka Soomaaliya, iyaga oo la socda in aan cidina mas'uul ka ahayn nabadgelyadooda, adeeg la isku hallayn karaana uusan ka jirin, waxaa cirka isku shareeray caymiskoodii. Caymiska cirka ku dhegay waxaa ku sii kordhay saacadihii duullimaadka oo sii dheeraaday. Waa marag-ma-doonto marka, in kharashkii lagu raaci jirey diyaaradaha cirka Soomaalida adeegsanaya uu isna  noqday "danyuarow durug".

         Gaaddiidkii isagu isku aamini waayey cirka Soomaalida khadkii ayuu  beddeshay , taasina waxa ay keentay in ay baaqdaan khidmadiihii dhinacaas ka imaan jirey. Haddiiba aysan jirin hay'addii maamuli lahayd cirka Soomaalia waxaa suurtogal ah in gaadiidkaasi uusan dib dambe ugu soo laaban hawada Soomaalida ama  ay mudo dheer ka maqnaadaan.

 Imaatinkii UNISOM ee 1992 waxaa bilaabatay  in uu dib u hawlgalo  FIR boundary-gii Muqdisho , gegida diyaaradaha ee Muqishana waxa ay noqotay tan Afrika ugu mashquulsan. Hase yeeshee, xilligaas,  FIR -ka Muqdisho  ma hoos imaanayn dawlad Soomaaliyeed. Un-ka ayaa si ku-meel-gaar ah xilkaas ula wareegtay.

Waxaa la keenay qalab casri ah oo loo adeegsado dhanka hagidda diyaaradaha iyo saadaasha hawada. Waxaa dib u soo laabtay shaqaalihii hore qaarkood ee aqoonta iyo waayo-aragnimada u lahaa saadaasha hawada iyo hagidda gaadiidka cirka, sida hagayaashii diyaaradaha,  ( ATC Air traffic Controllers ) iyo shaqaalihii ka shaqayn jiray Qaybta saadaasha hawada. hawlgalkaasi haddana waa hakaday.

Sida la wada ogyhahay, UNISOM hawlgalkii Soomaaliya ee 1992-1994 waa ku fashilantay waana isaga baxday. Marka, waddamadii iyo hay'adii hawsha  wadday  oo UN-Ku mashruuc ahaanta ugu dhiibtay waxa ay  isugu yimaadeen shir  xiligii ay ka baxayeen wadanka, si looga falanqoodo cirka Soomaaliya. Dood iyo qaadaadhig badan kaddib waxaa la isku raacay qodobada ay ka mid yihiin:

         Maadaaama Soomaaliya ka mid tahay  dalalka xorta ah ee UN-ta ka tirsan in aan cirkeeda dal kale lagu wareejin karin. Haddana, waxaa dunida u cuntami weyday in cirka soomaalia oo ah silsilad muhiim ah oo isku xira waddamo badan  gebi ahaanba laga leexdo.

         Waxaa la isku raacay markaas in la aasaaso hay'ad fulisa hawlihii ay fulin jirtay  hay'addii duulista iyo saadaasha hawada ee Somalia, taasoo loo baxshay   CACAS ( Civil Aviation Caretaker Authority for Somalia) 1996, iyada oo hoos tegayso ICAO  (International civil Aviation Organization) oo  ah hay'adda UN-ka u qaabilsan duulista iyo saadaasha hawada oo horay   mashruuc  ahaan ( ICAO project 1993) u sii haysay  hawlahaas.

         In FIR-kii Muqdishu la geeyo guri ku yaal xaafadda  Girigiri ee UN-ku ku leeyahay magaalada Nairobi ee Kenya, si halkaas looga hago dhammaan duulimaadyada maraya cirka Soomaaliya .

         In hay'addaasi diyaariso shaqaale aqoon iyo tayo leh oo  la wareega shaqada iyo maamulka hay'addii  duulista iyo saadaasha  hawada Soomaaliya marka  dagaalka sokeeye dhammaado.

         In hay'adda CACAS u xilsaaran tahay arruurinta dhammaan khidmadaha laga qaadayo  gaadiidka cirdka  mara amaba ku dega iyo gegooyinka Soomaaliya.

         In dhaqaalaha  ka soo baxa lagu fuliyo hawlaha kala ah: Adeegga iyo dhaqdhaqaaqa xafiiska Hay'adda CACAS, mushaarka shaqaalaha ka hawlgala hay'adda, dayactirka iyo qalabaynta garoomada shaqaynaya ee Wadanka Soomaaliya, tababarka shaqaalaha ka hawlgala ha’yadda CACAS  iyo kuwii mustaqbalka fulin lahaa hawlaha Hay'addii duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya iyo wixii kale oo soo baxa .

         Mashaqadii hawlgabkii dawladdii Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca maammulidda arrimaha cirkeeda waa sii socotay. Qalabkii casriga ahaa ee UN-tu keentay 1992, waxaa loo raray Nayroobi.  Shaqaalihiina inyar oo kow iyo labo la oran karo maahine intii kale waa laga tegey.

         Samhalallo ahaan (sandareerto ahaan), waxaa dayactir magacu-yaal ah lagu sameeyey gegiyo dhawr ah lana siiyey qalab aan sidaas u sii tayo badnayn sida, Raadiyo ah HF iyo VHF. Dad aan badnayn oo ay ka mid yihiin  hagayaasha diyaaradaha ( Air traffic controllers) tababarro baa iyana la siiyey.

         Hay'addii cusbayd ee la sameeyey (CACAS) waxaa madax looga dhigay nin Kanadiyaan ah oo la oran jirey joe, sannadihii xigayna waxaa madaxnimadeeda isaga dambeeyay tira kale oo ajnabi ah (midna Soomaali ahayn).  ICAO waxa ay muddo kaddib wakiilatay UNDP in ay u kormeerto hawlaha ay waddo CACAS.

         Dabadeed waxaa  khidmadaha  qaadistooda iyo uruurintooda  ICAO u wakiilatay                  IATA  ( International Air transport  Association ) oo ah hay'ad shirkadaha diyaadaha dunida badankood ku bahoobeen.

Xaaladda gegiyada/Garoomada Diyaaradaha ee Soomaaliya ka hor 1991.

Gegi caalami ah (International Airport): waa gegi leh adeegyada cansuusharaha, sodcaalka iwm. Awoodaas waxaa lahaa magaalooyinka:  Muqdishu, Hargeisa ,Barbera, Erigavo, Boosaaso, Kismanyo, Borama iyo Calula waxaana ka duuli karay kuna soo degi karay diyaardaha debed iyo gudaha wadanka ka yimaada.

Gegiyada Baydhabo iyo Ballidoogle waxa ay xilligaas gaar u ahaayeen ciidamada qalabka sida. Gegida mogadishu oo qur ah ayaa lahayd awoodda diyaaraduhu ku soo degi karaan habeenkii oo lahaa Nalalka dhabaha gagooyinka ifiya iyo qalab kale.

Gegiyada Kismaayo, berbera, iyo Gaalkacyo waxaa ka wada hawlgeli jirey ciidamada iyo shacabkaba , halka gegida Kismaayo lagu tabobari jirey duuliyeyaasha ciidamada.

Gegiyada, kismayo, Mogadishu, Beledweyne,Ceel buur, Galkacayo, Qardho, Bossaso Calawla, Burco, Hargeysa iyo Berbera waxa ay lahaayeen qalabka haga Diyaardaha ee VOR ama ADF, waxa ayna ku khasbanaayeen in loo sheego afgaradka xuduudda Firka marka la dulmarayo.

Gegiyada mogadishu, Hargeysa iyo Berbera waxaa hay'adda duulista iyo saadaasha hawada u joogay Engineero qaabilsan koontaroolka Diyaaradaha soo dagaya, xaaladooda duulimaad, farsamo , socodsiinta hawlaha iyo caymiskooda.

Qiyaastii in ka badan 90%,  Hay'addii duulista iyo saadaasha hawadu waxa ay Gobolada wadanka iyo dagmooyin kaleba ku lahayd  xafiis qalabaysan  oo  soo tabiya xaaladda hawada xilli walba.   Gegiyada Muqdishu, Hargeysa, Burco, Kismanyo iyo Berbera waxa ay lahaayeen gaadiidka iyo qalabka dabdamiska iyo koox hawlahaas u tababaran, halka gegiyada Muqdishu, Hargeysa, Kismanyo, Bardheere , Garbahaarey, Berbera,Galkaio, Burco, Erigavi, Bossaso , Calula,  Borama , Garowe, iyo Qardho ay lahaayeen calanka dabaysha xawaaraheedaa/xawligeeda sheega (Windsock) . 

Hase yeeshee, gegeiyada Muqdishu, Hargeisa, Berbera,  Kismanyo iyo Ballidoogle ayaa lahaa laami/daamur adag, meesha kuwa Gaalkacyo iyo Baydhabo ay saarnaayeen jaan daamur ah, kuwaas oo loogu talogalay diyaaradaha jetka ah ee ciidanka qalabka sida in ay ka hawlgalaan.

Sidii aan horay ku soo xusnayba, gegi caalaami ah waa in ay yeelataa waaxda sodcaalka/socdaalka iyo jinsiyadaha (Immigiration), iyo canshuuraha ( Customs ), si loo ogaado wax kasta oo dalka soo gelaya amaba ka baxaya.

Marka gaar looga hadlayo bililiqaysiga ku dhacay gegiyada dalka burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya awgeed, gegi kasta waxa ay noqotay caalami ( International Airports) oo wixii la doono laga soo dejiyo lagana saaro. Xaaladoodu waxa ay ku qeexantay "...Suldaanow sidii miro Bardaa lay bashuuqsadaye" oo CACAS waa tii cidlada ka heshay.

Soomaalidu waxa ay haddana tiraahdaa "Lax walba shilalka ay isdhigto baa lagu qalaa". Maadaama ciddii lahaydba gabtay, CACAS iskuma lurin in ay waxka ogaato aqoonsiyada ay wataan diyaardaha ka soo dega gegiyadaas caalamiga isu rogay. Hawlaha hay'adda duulista iyo saadaasha hawada ay qaban jirtey waxaa ka mid ahaa: (b) in ay hubiso aqoonsiyada diyaaraduhu wataan asalkooda iyo jiritaankooda (airworthiness certificate), (t) in ay hubiso in diyaaruduhu aqoonsi caymis sugan ku jiraan (insurance certificate), (j) in ay hubiso in diyaaraduhu wataan caddayn dayactir (aircraft maintenance certificate), si aysan u halaagin waxa ay sidaan, (kh) iyo kuwo kale.

Inkasta oo Soomaaliya dadkeedii u keenay qaranjabka labaatanka sano ka badan socday, haddana, dhawr jeer bay isku dheceen CACAS iyo maamulada Somaliyeed qaarkood. CACAS, maadaama ay jegedaan meel bannaan ka heshay haddana qof Soomaali ahi uusan madax marnaba ka noqon, maammulada lama socodsiin jirin faahfaahinta waxa ay qabato iyo sida ay u qabato, iyo himilada hawsha ay hayso. Wixii cabasho ah oo dhanka soomaalida uga yimaada waxa ay isaga riixi jirtey UNDP iyo ICAO oo xarunteedu tahay Moontiriyaal ee kanada (Montreal, Canada). Xaaladdu waxa ay ku wada biyoshubatay "Reer Ba'ayow yaa ku Leh!"  

Inkasta oo ilaa maantadaan aysan jirin hal meel oo loogu hagaago maamulidda cirka Soomaaliya, haddana CACAS Waxaa looga baahnaa in ay qabato waxyaalihii horay ay ugu  qaban jirtay hayaddii Duulista iyo saadaasha hawada ee Somalia , sida dayactirka, qalabaynta gegiyada diyaaradaha, tababarida guud ee shaqaalaha iyo arrimaha kale ee la xiriira hab-maammulka guud ee cirka.

"Caano daatay dabadoodaa la qabtaa)'. ICAO hadda waa in ay dardar gelisaa  hawlihii ay qaban jirtay intii dawladda dhexe jirtey, maadaama lagu tirinayo in ay lacago badan u hayso Soomaaliya. labo lacagood baan filyaa ICAO in ay Soomaaliya u hayso, sida khidmadihii laga qaadi jirey diyaardaha adeegsada cirka iyo gegiyada dalka ( Mogadishu FIR )  iyo mid UN-ku ku bixiso sannad walba in lagu hormarsho  dayactirka iyo qalabaynta Gegooyinka Diyaaradaha  iyo arrimaha duulista iyo saadaasha hawada wadanka.

Xiligan oo ay u muuqato in nabadgelyada mogadishu  soo hagaagayso, waa suurtogal in la soo cesho FIR-kii mogadishu (Muqdishu FIR Region). Waxaase aan fududaan doonin sidii loo heli lahaa shaqaale u tababaran hawlahaas amaba loola qabsado farsamooyinka casriga ah ee maanta adduunka laga adeegsado.

Dhab ahaantii, ummad ahaan, cidna kuma eedayn karno in FIR-kii mogadishu la wareejiyo Soomaaliyana ay noqoto qaybo mid walba leedahay gegiyo laga dhoofiyo duurjoogta iyo xoolaha dheddig. Haddana, meel dagaal ka socdo korantaduna ka tegayso iyada oo aan digniin la bixin amaba aysanba lahayn, diyaaradaha imaanaya waxa ay yihiin bal adba saawee. Haddana, anigu ma qabo in nin isagu hashiisii faylaha jaray cidlana uga dhaqaaqay uu waraabe u caroodo. Hooyada waanagsan markii ilmaheedu kufo oo ay ooyaan waxa ay tiraahdaa, " hooyo ka bood waxba kuma gaarine". Ogow hadda in ay hanka/qabka/kalsoonida u dhisayso dhasheeda.

Haddaba, waxa aan qabaa in qabkii wanaagsanaa ee Soomaalinimo weli wax ka dhaqanyihiin. Soomaalidu waxa ay tiraahdaa, "cayri caymo ma diiddo". Waxaa kale oo ay tiraahdaa "nin faas/godin/gudin haysta qoryo/xaabo ma waayo". Haddii xasilooni la helyo, talana waa le heli doonaa.


Duuliye Sare : Cabdullaahi Axmed Cabdulle ( Azhari)
Email [email protected]


 





Click here