4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Xagee ayuu ku socdaa mustaqbalka caruurtayada ku nool dhulka reer Galbeedka?

Waxaa Qoray:
Cabdi Guuleed Cilmi “AGE”
Khamiis, April 11, 2013

Sidii waayadanba caadada ii aheyd, subax subaxyada ka mid ah ayaa la i weydiistay in aan tarjubaan ka noqdo dhageysi maxkaadaha caruurta ah oo ka dhacayey magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota. Ka dib markii aanu sugeynay in muddo ah, waxaa bilowday dhageysigii maxkmadda waxaana kala dhex fariistay labada waalid ee ilmaha dhalay oo aan hoos ahaan ugula shawrayey kalmad kasta oo qaaliga, xeer ilaainta iyo qareenka ilmaha difaacaya ay ku sheegaan Afka Ingiriisiga. Waxa uu ahaa dhageysi gaaban oo ilmaha iyo waalidkiis lagu wargeliyo dambiyada lagu soo oogay (si rasmi ah diiwaanka loo geliyo). Ilmha yar waxaa maxkamadda la hor kenay isaga oo lagu soo eedeyey inuu jabiyey bandooga caruurta, macluumaad been ah oo uu u sheegay boliiska iyo gacan siin uu gacan ka geystay tuuganimo. Dhamaadlkii dhageysiga ayaa qaaligu waxa uu waalidka weydiiyey haddii ay wax su’aal ah weydiinayaan maxkamadda, xeer ilaalinta ama qareenka difaaca. Hooyada oo aad u dooneysay in ay u hadasho ayaa ku bilowday “ Wiilkeygu waxa uu heystaa dhalashada Mareykanka; maxkamadda iyo xeer ilaalintu yaaney u maleyn inuu heysto deganaasho rasmi ah kaliya “green card” kaliya; waxaan u maleynayaa in xeer ilaalintu aanay sidaas u ogeyn.” Dhageysigii wuu dhamaaday!!

Intii aynu sugeynay in xogheynta maxkamaddu noo keento balanta xigta iyo goorta la qabanayo, aniga, ilamaha yar iyo waaalidkiis waxaanu istaagnay dibadda qolka maxkamadda. Aniga oo aan cidna la wadaagin ayaan is weydiiyey dhawr su’aalood oo aan nafteyda kula faqay. Sidee ayaaney waalidiintu u ogeyn halka uu ilmahoodu ku sugan yahay 10:30 habeenimo? Sidee ayaa ilmaha yari uga baxay guriga isaga oo ilmo kale raacay oo meel guriga u jirta dhawr iyo sodon mayl (ilaa 43 kiilo mitir) ugu galay dambi (dambiyo)? Side ayaa ilmuhu ugu dhiiraday inuu been ka sheego magaciisa iyo halka uu degan yahay; xitaa uga been sheego waalidka uu la nool yahay? Iyo su’aalo kale oo dheeraad ah. Waxaan garawsaday in dhibaatadu inta ka balaaran tahay!

Shaki kuma jiro in waalidkani aanay garan calaamdo digniin ah oo horey u soo maray ayna ku garan kareen waxyaabaha ka soo socda ilmaha ka hor inta aan guriga loogu keenin isaga oo gacmaha ka xiran ama aan looga yeerin saldhigga boliiska si ay u soo kaxeytsaan ilmahooda oo halkaas ku xiran laguna heyso dambi uu galay.

Shilalka noocan kale ah waxyaabo kala duwan aaya sabab u noqon kara laakiin midda aasaaska u ah waa waalidka oo aan la socon ilmaha ama dayac ku sameeya.Sharciyadaq aarkood ee heer gobol sida bandowga caruurta iyo ka maqnaashaha dusgiga (waxbarashada) waxaa loo sameeyey in ay caawiyaan dhalinyarada laakiin ma aha kuwo loogu tlo galay in ay bedelaan doorka waalidka ee la socoshada ilmaha iyo dhaqdhaqaaqooda.

Nidaamka (maxkamadaha caruurta) waxa ay u heysataan marka ilmuhu dhibaato geysto, in ay dhibaatadu intaas ka qoto dheer tahay oo dhibaatadu tahay mid baahsan oo ka timid qoyska ilmuhu ka soo jeedo. Fikradaas uu nidaamku qabo waa mid ka dhaadhici la’a waalidiin fara badan. Waalidiinta Soomaaliyeed waxa ay u heystaan in haddii uu ilmuhu dhibaato geysto aanay waaalidiintu wax mas’uuliyad ah ku laheyn oo aan loo qaban karin. Dhibaatadaas waa mid u baahan in la xaliyo oo wax laga qabto. Su’aashu waxa ay tahay yaa xalinaya?

Waxaa caruurta inta badan maxkamadaha loo keenaa dambiyo kooban oo ay ka mid yihiin jeeb siibka (dukaanada), askarta oo ay magac been ah u sheegtaan , iyo gaadiidka dadweynaha (basaska iyo tareenada) oo ay raacaan iyaga oo aan bixin wax lacag ah iyo dambiyo kale oo yaryar oo la mid ah. Waxaase jira marar kale oo dambiyo kuwaas ka khatartsan maxkmadaha loo keeno oo ay ka mid tahay burcadnimo hubeysan iyo marka ay ka qeyb qaataan kooxaha ranshadaha geysta (gaangiska).

Dambiyada noocan ah waa kuwo xiriir la leh waalidiinta iyo koritaanka caruurta. Haddii aanay labadii waalid wada joogin guriga, ama uu mid ka maqan yahay guriga, waxaa suurogal ah in ilmuhu fursda u helo in ay jirto xilli aan lala socon oo dunida ka baxsan guriga naftiisa u soo bandhigo iyada oo aanay jirin cid la talineysa ama la socota. Waalidiinta ayaa mas’uul ka ah in ay ubadka ku barbaariyaan waxyaabaha aasaaska u ah nolosha oo ay ka mid yihiin inuusan ilmuhu qaadan waxyaabao uusan laheyn ama aan loo fasixin inuu qaato. In ilmuhu fasax ka qaato waalidka meel kasta oo uu aadayo iyada oo waalidku mas’uul ka yahay inay ogaadaan caruurta kale ee ilmahoodu uu saaxiibka ka dhignayo. Waalidku waa inuu sharciyo adag u dajiyaa guriga kuwaas oo noqonaya kuwo ilmaha lagu ciqaabo haddii uu jabiyo. Waa in waqti go’an waalidku u sameeyaa daawashada telifishinka, ciyaaraha iyo seexashada. Tani waa mid aad muhim u ah marka da’da ilmuhu ay sii weynaataba waana arrin soo adkaata xilliyada qaarkood waxase loo sameynayaa in ilmuhu nolosha ku guuleysto darteed.

Nolosha reer galbeedku waa mid siyaabo badan uga duwan tii wadankeenii hooyo kaas oo waalidiintu aanay fara gelin fara badan ku laheyn waxbarashada ubadka iyo dhaqdhaqaaqiisa. Meelo badan oo dunida ka tirsan, oo waddankeenii hooyo ka mid yahay, mas’uuliyadda wasaaradda waxbarashada waxaa ku lamaan barbaarinta ubadka ee dhinaca edebta iyo dhaqanka suuban. Waddankeenii hooyo macalimiintu uma aanay joogin dugsiyada inay casharada u dhigaan ardeyda oo kaliya ee waxa kale oo ay mas’uul ka ahaayeen dhaqanka wanaagsan iyo tarbiyadda. Ardayda oo la baro gaarista go’aanada wanaagsan lagana caawiyo fikirka wanaagsan. Ardeyga io macalinku waxa ay wada jogaan in ka badan inta ardeygu la joogo waalidkiis taasoo ah qiyaastii sadex meelood oo meel afar iyo labaatanka saac. Waxa aan xasuustaa markii aan ilmaha yar ahaa ee dugsiyada aada waxa aan ka cabsan jirney deriska cabsi ka badan tan aan ka cabsano mararka qaarkood tan waalidka. Waaalidiinta xaafadda oo dhan si isku mid ah ayey caruurta ula dhaqmaan ugana celiyaan xumaanta marka ay ogaadaan iyada oo ay kuu dheer tahay in waalidkaana loo sheego. Waxa ay aheyd arrin waalidiinta oo dhan isku afgarteen oo iyada oo aan buug lagu qorinb la isku raacay meel adagna ay ka taagnaayeen.

Macalimiinta dhigta dugsiyada waxa ay ahaayeen waalidka labaad ee ardayga taasoo ah waxa ay waalidiintu ka filayaan. Askar boliis ah ma aanay joogi jirin dugsiyada waxaana macalimiinta iyo maamulka dugsiyadu mudnaayeen ixtiraamka ugu sareeya iyaga oo u madax banaanaa waxbarashada iyo ciqaabta ardayda. Waalidiinta waxaa loo yeeraa oo kaliya marka arrini faraha ka baxdo oo la doonayo in laga talo geliyo oo lala socodsiiyo xaaladda.

Dhulka reer Galbeedku, xaaladdu sidaas way ka duwan tahay. Macalimiintu mas’uul kama aha dhaqanka ardayga mas’uuliyadooduna waa mid kooban; kuna kooban in ay ardeyga u dhigaan maadooyinka duruusta wixii ardayga ka soo kordhana u gudbiyaan sarkaalka boliiska ah ee jooga dugsiga. Maadaama ma’uuliyadda macalimiintu kooban tahay, waalidka ayaa la doonayaa in ay buuxiyaan doorka banaan. Waalidiinta waxaa laga filayaa in ay xiriir joogta ah la yeeshaan macalimiinta ooay booqdaan dugsiga todobaad kasta hal mar, ugu yaraan bishiiba laba mar.

Innaga ayaa dooranay in aan caruurteena kula noolaano dhulka reer Galbeedka sidaa darteed waa in aan la qabsanaa nidaamka halkan ka jira ee aynaan sugin in nidaamku isku keen hagaajiyo. Way jirtaa in nidaamku tixgelin kooban siiyo duruufaheena gaarka ah laakiin innaga weeye kuwa laga doonayo in aan noqono dad wanaagsan oo bulshada aan la nool nahay wax ku soo kordhiya.

Waa wax garawshiiyo leh haddii mararka qaarkood dhaqanku noqdo mid idinku adag siyaabo fara badan laakiin taasi cudurdaar uma noqoneyso in waalidiin badan ka soo bixi waayaan xilkooda waalidnimo oo aanay xitaa ogeyn halka ay caruurtooda joogaan xilligii la doonayey in ay guriga joogaan.

Inta badan caruurta waxaa dambiyada ay geystaan ku cadaadiya ama ay kaga daydaan dabeecadaha xunxun caruurta kale. Caruurtu waxa ay u maleynayaan awoodda maamulka oo laga hor yimaado (la isku taago) sida macalimiinta, maamulaha iyo ciidamada nabadgelyada inay magic iyo sumcad ku helayaan. Waalidka oo doorkiisu maqan yahay waxa ay ilmaha gacan ku siin kartaa inuu u dhago nuglaado caruurta kale ee ku hogaamiya dambiyada.

Gunta hadalku waa haddii aadan ilmhaaga noloshooda ka qeyb qaadan oo aadan waqti ku haboon gelin oo aadan saaxiib la noqon waxa ay saaxiib ka dhiganayaan saaxiib aad ka shaleyso mustaqbalka. Saaxiib aan dan ka laheyn mustaqbalka ubadka oo ku hogaaminaya dariiq aan ka soo noqod laheyn oo cawaaqib xumo u soo jiidaya noloshooda.

Wasaaraddaha waxbarashada ee reer galbeedka oo dhan way ku fashilmeen in ay wacyi gelin ku filan waalidiinta ka siiyaan muhimadda ay leedahay in ay ka qeyb qaataan waxbarashada ubadkooda. Waalidiinta intooda badan waxa ay ogaadaan dambiyada ay caruurtoodu galaan marka looga yeero maxkamadaha caruurta. Xitaa shilalka ka dhaca dugsiyada oo ay waajib tahay in waalidku marka ugu horeysa ogaado waalidiintu waa kuwa ugu dambeeya ee ogaada. Si kasta sababtu ha ahaato, maamulka dugsiyadu waa in ay gacan saar dhaw iyo wada shaqeyn la leeyihiin waalidiinta. Dugsiyadu waa in ay joojiyaan in caruurtu ay turjubaan uga noqdaan waalidiinta marka dugsiga looga yeero oo laga hadlayo waxyaabo ardayga khuseeya. Maadaama ay jiraan waalidiin fara badan oo aan ku hadlin afka ingiriisga, waxaa suurtogal ah in ardayga uu maamulka dugsigu ka dhiganayo turjubaanka uusan si sax ah u ugu gudbin waalidiinta waxyaabaha la doonayo in waalidiintu ogaadaan.

Ugu dambeyntii, sida caruurtayadu ugu guuleystaan dhaqanka iyo bulshada cusub waxa ay ku xiran tahay sida aanu uga qeyb qaadanio waxbarshadooda iyo barbaarintooda. Waalidiinu waa in aanay noqon kuwa dib isu dhiga oo suga inta looga yeero ee waa in ay noqdaan kuwo dhiifoon, jooga, si joogta ahna xiriir ula leh dugsiga iyo macalimiinta. Waa arrin aan dhamaad laheyn gacan balaaranna ka geysaneysa mustaqbalka caruurtayada.


Cabdi Guuleed Cilmi waa tarjubaan heysta leysinka (certified interpreter) ka tarjumidda maxkamadaha ee afka Soomaaliga ah ee gobolka Minnesota iyo Mareykanka oo dhan. Waxaa lagala soo xiriir karaa [email protected]


 





Click here