4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Waa waqtigii qof reer Banaadir u dhashay laga dhigi lahaa Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

Danjire Maxamed Cusman Cumar
Arboco, September 12, 2012

Somalia waxay u jeesatay dhanka wax garashada iyo oggolaashaha awoodda Odayaasha Dhaqanka oo in muddo ah la aasay. Runtii isma lahayn si fudud ayaa looga dhaadhici karaa in ay ka tanasulaan xubin-nimadooda nuskii la go’aamiyay in laga saaro Baarlamaankii 475 xubin lahaa, inkastoo nuska haray loo qorsheeyay Aqalka Odeyaasha.

Wax kasta waxaa sahal ka dhigay aqoonta oo la addegsanaayo, halkii qoriga laga adeegdsan lahaa. Maanta Baarlamaanka waxaa ku jira tiro badan ee Qurba Joogga Soomaaliyeed oo diyaar u ah in ay ka qayb qaataan dib-u-dhiska dalka.

Inkastoo ay guusha Madaxweynenimada Soomaaliya ay raacday qof dalka deggan, haddana, Qurba-joog sumcad weyn ku leh dalalka Europe iyo Waqooyinga Amerika ayaa ka qayb qaatay doorashada Madaxweynaha dalka oo lagu qabtay Muqdisho maalintii 10 September 2012.

Hawshaas si fiican ayeey ku dhamaatay, waxaanna la doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in uu noqdo madaxweynaha afarta sano ee soo socota. Doorashadaan waxaa ka horeysay doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenada Baarlamaanka oo iyagana si demoqraadi ah loo doortay.

Sanooyinkii la soo dhaafay ma dhicin in Soomaaliya ay yeelatay hoggaan heerkooda aqooneed sidaan u sareeya. Sidaas darteed rajada ummadda Soomaaliyeed ay qabaan waxay tahay in halkii ay qabiil iyo quursi u addegsan jireen ayeey u adeegsadaan aqoon iyo is-tixgelin.

Dawladnimada intii nala siiyay waxaa laga joogaa 52 sano - 1960-2012 -. Nus qarnigaas, dalka waxaa maamulkiisa soo haayay qabaa’ilka lagu tilmaamo inay yihiin kuwa sar-sare, ama ha noqdeen Madaxweyne ama Ra’iisul Wasaare.

Calaamadaha aan arkeyno waxay muujinaayaan in qaranka Soomaaliyeed uu u bislaaday is beddel xagga siyaasada in uu sameeyo.

Runtii marar badan ayan maqlay Soomaalida qaar ka mid ah oo leh in ay fiicnaan lahayd hoggaanka dalka in loo dhibo “Soomaalida kale”, oo ula jeedaan Reer Banaadir, oo wax dad kale leeyahay damac ka galaynin, iskaba daa, wax dawlad leedahay oo ummadda oo dhan ka dhexeeyo oo ishooda ku soo haayaan.

Wax kasto mar ayuu bilaawdaa, is-beddelna, si lama filaan ama si kale waa ku yimaadaan. Madaxweynaha cusub, Guddoonka Baarlamaanka cusub, Xubnaha cusub oo barlaamaankaan hadda furmay ku soo biiray oo ay u badan yihiin dad aqoon leh oo ku soo barbaaray wax ku soo bartay waxna ku baraayo mujtamac aan is takoor lahayn oo runtii bogga ay maanta u fureen is-beddelka taariikhiga ah in Ilahay ka dhigo mid ku sajilan bilawgii dhammaadka dhibaatadii ay ummadda Soomaaliyeed soo martay lixdankii sano ee la soo dhaafay.

Si is-beddelka taariikhiga ah u dhameystirmo waxuu ku dhameystiri kara iyadoo Ra’iisul Wasaaraha laga dhigo qof “u dhashay” Reer Banaadir – dadka loo yaqaan – Asligii.

Si waxaan oo wada cusub loo soo dhoweeyay, ayaa loo soo weyn lahay Ra’iisul Wasaare cusub oo ka yimaada qowmiyadda Reer Banaadir.

Iyagoo ay iga mudan yihiin ixtiraam iyo sharaf weyn, waxay ila tahay, iyadoo la dar-yeelaayo danta guud ee

dalka iyo dadka Soomaaliyeed, in markaan mansabka ama xilka Ra’iisul Wasaaraha loo dhiibo qof ka mid ah qowmiyadda Reer Banaadir oo aan horey loogu dhiibin mansabkaas. Waa hubaal in qofkaas Reer Banaadirka ah si habsami ah uu u gudan doono waajibkiisa qaran dalkana ku maamuli doono sinnaan iyo cadaalad.

Lixdan sano ku dhowaad ayaa laga joogaa inta aan sheeganayno dawladnimo. Ma jiraan, haba yaraatee, wax lagu amaani karo dadkii ilaa hadda dalka soo maamuli jiray. Sababaha waxay u badan yihiin in dadka loo magacaabay Ra’iisul Wasare aysan lahayn awood uu xitaa booqasho hawleed ugu tago meelo ka mid ah dalka gudahiisa iyadoo loo aaneynaayo xiriirka ka dhexeeyo qabiilkiisa iyo qabaa’ilka deggan meelaha kale oo aan fiicneen.

Reer Baanaadir waa wadani, waa daacad iyo in uu wax dhiso ma ahee, wax ma dumiyo. Soomaalida kale cid aan lagu dayin hawshaas ma jiraan ilaa hadda oo waxii ay dalka u soo qabteen natiijadiisa ma qarsana.

Dhanka nabaddana, Reer Banaadir cid ay cadaw la yihiin ama col ka yihiin ma jiraan. Sidaas darteed, madaama uu qof kasta wada hadal la yeelan karo Ra’iisul Wasaare reer Banaadir ah sida ugu sahlan ayuu u keeni karaa nabadda uu shacabweynaha Soomaaliya u baahanyahay si uu noolashiisa u hor-mariyo iyo ilmahiisa u korsado.

Madaama uu dalkenna maraayo duruufo adag, suurto gal ma aha in hoggaanka uu ku dhex wareego isla dadkii lixdan sano wax natiijo wax-ku-ool ah ummadda tusi waayay.

Waxaan Mudane Madaxweyne Xasan Shaikh Maxamuud u soo jeedinaayaa in uu siiyo tixgelin gaar ah fikraddaan ah in uu Ra’iisul Wasaaraha cusub ka dhigo qof Reer Banaadir u dhashay. Waa hubaal in 100% qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan wakiiladooda ku jira Baarlamaanka ay gacmo furan ku soo dhoweynaayaan go’aan noocaan ah oo noqon doono mid taariikhi ah.

Waxaan rajeynaa in boggaan cusub oo bilawday 10kii Sebtember 2012 uusan noqon boggii kowaad ee 20ka sano soo socda oo sida kuwii hore oo burbur ma ahee aan barwaaqo u keenin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Laga soo bilaabo 1949 waxaa ii soo baxay in 20 sano walba ama ku dhowaad, in dalka lala degay oo dumis ma ahee aan daryeel dhicin: 1950-1969 (19 sano) siyaasadda Soomaaliyeed waxaa faraha ku haayay AFIS/SYL. Laga soo bilaabo 1969-1991 (22 sano) Maamulkii Military ayaa gacanta ku haayay. Sannadahii 1991-2012 (21 sano) Dagaal Oogeyaal iyo Dawlado kmg ayaa soo haayay.

Bishaan Sebtember 12, 2012, waxaa bilawday 20kii sano oo magaca iyo sumcadda Soomaaliyeed dib loogu soo

celin lahay, haddii Shacabka Soomaaliyeed uu helo hoggaan wax garad ah oo ugu shaqeeyo si haggar la’aan. Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Shaikh Maxamuud waa in uu noqdaa nin geesi ah oo u daneenayno ummadda iyo dalka Soomaaliyeed si ay gaaraan bash iyo barwaaqo asiga oo miiska soo saaraayo Card-ka aan weli la isticmaalin oo ah in uu Magacaabo Ra’iisil Wasaare oo Reer Banaadir u dhashay.

Wa billahi At Towfiiq.

Maxamed Cusman Cumar.


Danjire Maxamed Cusman Cumar (Hawlgab) dalal badan ayuu Danjire ka soo ahaa. Buugaag dhowr ah oo ku saabsan taariikhda Soomaaliyeed ayuu qoray.
Email: [email protected]


 





Click here