4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Warqad furan oo ku socota Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliyeed

Qore: Dr. Augustine P. Mahiga
Jimco, September 07, 2012

Walaalayaal, Marwooyin iyo Mudanayaal, Asalaamu Caleykum, Waxaan warqaddan idiinku soo qorayaa iyadoo ay noo soo dhowdahay maalin dhab ahaantii aad muhiim ugu ah dhammaan dadka soomaaliyeed. Ka dib muddo labaatan sano ah oo lagu jiray dagaal sokeeye, burbur dowladeed iyo niyad jab aan la soo koobi karin oo ku dhacay dadka Soomaaliyeed ee sharafta leh, waxaan maanta ku jirnaa saacadihii ugu dambeeyey markii la qaban lahaa doorashada Madaxweyne cusub – arrintaasoo ah dhacdadii gebi ahaanba soo afjaraysa xilliga ku-meelgaarka ah waxaana loo gudbayaa marxalad ah isbedel siyaasadeed iyo mid bulsho-dhaqaale.
  
Ma dhib yareyn sidii heerkan aynu ku soo gaarnay.  Dhibkii badnaa ee dhammaantiin aad soo wada marten sannadihii dhibaatada badnaa ee la soo dhaafay waxaa idiin dheeraa in geeddi-socodka siyaasadda iyo xaaladda amniguba ayn ahayn mid sahlan.  Waxaa jirtay in marar ay rajadu u muuqatay mid luntay oo mararka qaar aynu qarka u saarneyn masiibo. 

Hase ahaatee, geesinimada, ku-adkeysiga iyo go’aanka dadka Soomaaliyeed ayaa waxay ka adkaadeen caqabadahan adadag waxay ina soo gaarsiiyeen halka aynu maanta joogno:  Laga soo billaabo ururintii Odeyaasha Dhaqanka, Golihii Ansaxinta Dastuurka, Xulitaankii Baarlamaanka iyo doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka, hanaanku wuxuu ahaa mid loo wada dhanyahay, hufan oo laga wada qaybgalay. Habkan la raacay ayaa sidoo kale qayb ka qaatay badbaadinta xaaladda. Guud ahaan, geeddi-socodka iyo natiijada ka dhalatayba waxaa ammaanay inta badan dadka Soomaaliyeed gudaha dalka iyo dibaddaba iyo weliba bulshada caalamka oo idil.

Yoolka la higsanayo waxaa la gaarsiiyay  meel aad u sareysa. Tani waa inay sii socotaa, maadaama, indinkoo ah xildhibaanadii Baarlamaanka ugu aqoonta sareeyay taariikhda Soomaaliya, aad diyaar u tihiin inaad doorataan Madaxweyne soo dhisa xukuumad cusub oo aan ku kalsoonahay inay ka soo bixi doonto shuruudihii aad horeba u dejiseen.

Labadan toddobaad, waxaad durbaba muujiseen hogaan wanaagsan iyo hanashada geeddisocodka idinkoo ka wakiil ah dadka Soomaaliyeed. Dhammaan dadka Soomaaliyeed, Waddamada Gobolka iyo bulshada caalamka inteeda kaleba waxay rajo iyo u hanqaltaagid ku eegayaan kuna dhowrayaan maalmahan yar ee haray. Waa inaan ka soo baxnaa rajadan iyo filashadan oo aan dooranaa Madaxweyne na siin doona xukuumad wanaagsan oo la aamini karo oo idiin noqonaysa hogaan wadajir ah ee Baarlamaankan cusub. 
Walaalayaal, Marwooyin iyo Mudaneyaal, hadda arrintu idinka ayay idiin taallaa. 

Idinkaa ah awoodda gobanimada ugu sareysa dalka. Mustaqbalka dalka hadda gacantiinuu ku jiraa. Maalmaha soo socda waxaa idin la hadli doona dhammaan musharaxiinta oo si fagaara ah u soo jeedin doona aragtidooda. Dhegeysta oo ka dhex xusha (go’aan ka gaara). 

Waxaynu dhammaan wada maqalnay warar ku-tiri-ku-teen ah oo la isla dhexmaraya oo ku saabsan musuqmaasuq iyo isku day laaluush.  Warbaahinta waaxa ka buuxa eedeymo ah in inaga dhammaanteena oo hawshan wadna aynu qaadanay lacago  ama naasnuujinno kale si loogu codeeyo musharax gaar ah ama la isku dayo in doorashada dhinac loo weeciyo.  Run ha ahaato ama been ha ahaato, runtu maalin bay soo bixi doontaa, laakiin hadda aan sii socono. Codeynta aad ka wada qayb qaadan doontaan waa mid qarsoodi ah gebi ahaanba. Ma jiro qof aan ahayn adiga iyo Eebbaha Ilaahay ah, ee ku eegaya, oo og magaca aad ku ridayso sanduuqa codeynta. Weligaa laguma ogaanayo waxaadna leedahay xasaanad oo lagaama aargoosan karo. Waxaan idinku goobaabinayaa inaad ka fikirtaan waxa dalkiina u fiican oo codkiina ku bixisaan damiirkiina oo saafi ah. Waa inaadan ka fikirin inaan ku qasban tihiin waajib gaar ah oo aan ahayn  danaha dalkiina iyo dadka Soomaaliyeed. Doorta musharaxa noqon doona mid daacad ah oo waxtarna u ah  inuu dalka ku hogaamiyo aragti ku haboon afarta sanno ee soo socota oo ah isbedel iyo  nabad ka dhalata Soomaaliya. Sharaftiina iyo fursadiinaba waxay ku jiraan codka qarsoodiga ah, ee marnaba fursadani yayna idinka siiban 10ka bisha September 2012.


Dr. Augustine P. Mahiga waa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya


 





Click here