4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Xildhibaanow: Tixgaliya Sifooyinkaan markaad Dooraneysaan Madaxweynaha

Qore:Cabdirizaaq Jiiqleey
Thursday, September 06, 2012

Maaddaama doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia ay kol dhow dhaceyso, annagoo  shacabka Soomaaliyeed ka mid ah aynaan si toos ah u dooraneynin madaxweynaheenna, waxaan kula dardaarmeynaa Xildhibaannada matalaaya Soomaalida inay aad u tix geliyaan rabitaankeena ah madaxwene Tayo iyo Tabarba leh. Madaxweynaha aad dooraneysaan, ugu yaraan waa inuu leeyahay 10-ka sifo ee hoos ku xusan - ruuxii ku sifoobana aad mdaxweyne noogu doorataan:  

Caddaalad In lagu yaqaanno wax qabad baahsan oo caddaalad ku salaysan; caddaalad, daacadnimo iyo eex la’aan,
Khibrad Hoggaan iyo wax-qabad  Inuu khibrad fiican u leeyahay baahida dadka iyo dalka; wax qabad muuqda shacabka iyo ummadda hore ugu soo qabtay.
Aqoon Fiican leh Inuu aqqon durugsan u leeyahy dhammaan; mid diineed, mid jaamacadeed, dhaqanka, dhaqaalaha & siyaasadda Soomaaliya
Sumcad wanaag  Inuu sumcad fiican ku dhex leeyahy; reerkiisa, ehelladiisa, asxaabtiisa & guud ahaan bulshada
Siyaasi ah  Inuu yahay qof meel marin kara siyaasadda gudaha, tan deriska, gobalka & tan caalamka
Dadka kala yaqaan  Inuu yahay ruux soo xuli kara ‘who is who’?, dad nadiif ah, wax qabad leh, dambi aan gelin oo u fiican dalka iyo dadka
Abaal Gala/Guda  Aan eexan laakiin abaal ka gudi yaqaanna, horumarin kara beelaha iyo goballada kala duwan, gacan saar iyo saameyn ku yeelan kara gobollada kala duwan iyo maamullada jira
Dhaqan Wanaag Ruux aan balwad lahayn, lagu yaqaanno asluub wanaag iyo inuu yahay xalaal quute; dhac, boob iyo is daba maryeyn ka fog
Dambiile Ahayn Nadiif ah, dad iyo dalba aan wax dambi ah lagu eedeyn, eedeysane iyo qabqable dagaal midna ahayn
Geesi ah Ruux isku kalsoo, codkar ah xagga luqadahana ku wanaagsan, cadkiisa dhacsan kara, heer qaran, heer gobal, iyo heer caalamiba

Abdirizak Jiiqleey
[email protected]



 





Click here