4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Jawaab-celin iyo Sixid “SPEAKER IYO AFHAYEEN MAXAY KALA YIHIIN?”

Qore: Maxamed Xaaji Caddow
Sunday, September 02, 2012

Maqaalkan gaaban waxaan uga gonleeyahay toosin iyo sixid maqaal uu cinwaankiisu yahay “SPEAKER IYO AFHAYEEN MAXAY KALA YIHIIN?” oo uu qoray Danjire hore Maxamed Cusmaan Cumar, maqaalkaasoo lagu daabacay Hiiraan Online (eeg: /op4/2012/aug/25771/speaker_iyo_afhayeen_maxay_kala_yihiin.aspx), kaasoo uu Maxamed Cusmaan ku tusmeeyay “qaladaad/gefaf” uu sheegay inuu ka dhex helay ereybixnta loo adeegsaday dhigaalka qaar ka mid ah Qodobada Dastuurka cusub ee Soomaaliya, kassoo 1dii Agoosto, 2012 ay si ku meelgaar ah magaalada Muqdisho ugu ansixiyeen 621 ergo oo ka mid ahaa 825 ergo  kuwaasoo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka .

Maxamed Cusmaan Cumar wuxuu qoray:

Dastuurka cusub khodobkiisa 66d sida ku qoran, waxuu ku saabsanyahay doorashada “Afhayeenka iyo Ku-xigeenada Golaha Shacabka [...] Waxay ila tahay in darajada Madaxda Baarlamaanka rasmi ahaan laga dhigo “Guddoomiye” halka uu dastuurka kaga jiro oo saxaafadaha loo sheego in darajada rasmiga ah ee madaxa baarlamaanka yahay “Guddoomiye” oo aan ahayn “Af-hayeen” iyo “Guddoomiye ku-xigeenada” laguna beddelo waxa hadda khododbka 66d ku qoran” [...] Marka “Af-hayeen” oo khodobka 66d ee Dastuurka lagu sheegay in laga wado “madaxa baarlamaanka”, waxaan qabaa in fiiro dambe loo yeesho micnahiisa.

Sadarraada kor ku xusan waxaa laga dheehan karaa in Maxamed Cusmaan Cumar uu u cuskaday ama uu u soo minguuriyay Qodobka 66aad ee Dastuurka sidii uu ugu dhignaa/qornaa nuqulkii Qabyo-Qoraalka Dastuurka ee soo baxay taariikhdu markay ahayd 25/06/2012 (eeg: http://www.voasomali.com/content/qabyo-qoraalka-dastuurka-soomaaliya-161067615/1449935.html) ama (/PDF_files/Dastuurka/120622_HDC_Final_Signed.pdf). Nuqulka saxda ah oo la saxay, soona baxay taariikhdu markay ahayd  09/07/2012 oo u dhigan sida uu Maxamed soo jeediyay wuxuu Qodobkiis 65aad (“Guddoomiyaha iyo Ku-xigeennada Golaha Shacabka”) ku magacdhabayaa madaxda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya “Guddoomiyaha iyo Ku-xigeennada Golaha Shacabka”. (Eeg: http://unpos.unmissions.org/LinkClick.aspx?fileticket=Spo8a_aNQtQ%3d&tabid=9737&language=en-US).

Maxamed wuxuu kaloo qoray: “Sida aan weligey ku maqli jiray, hase yeeshee, aan shaki ku jirin in weli ay jiraan wax ii dhiman,  “Afhayeen” waxaan ku ogaay in uu yahay qof u hadlaayo qof kale ama qof  u hadlaayo xafiiska uu ka tirsan yahay.” Horta ma ogtahay Maxamed in ereyga “Afhayeen” inkastoo warbaahinta Soomaalida ah ee ayadu casriyaysay ereybixinta Af Soomaaliga ay u micnayso sida aad xustay uu haddana ereygan “Afhayeen” asal ahaan micno kale uu laahaa Soomaalidii hore, kaasoo ah “turjubaan”? Wuxuuna micnaha ereygan afhayeen (oo markiisii hore loola jeeday turjubaan ama qof af qalaad ku hadla oo Af Soomaaliga ku af-celiya) uu micnihiisa u doorsoomay sida uu u dhalanrogmay (u bedelmay) oo  micnihiisii asalka ahaa looga duway ereyga “Gaadiid” oo warfaafinta Soomaalida ee casriga ah u ah ula jeedo micne la mid ah “Wasaaradda Gaadiidka Cirka Dhulka iyo Badda” - waa Wasaarada qaabilsan dayuuradaha, baabuurta iyo maraakiibta - balse micnihiisa asalka ah (waa erayga gaadiid) loola jeeday laba awr/rati oo ka mid ah geela oo qofka Soomaaliga ah ee reer guuraaga ah uusan ka maarmi jirin inuu lahaado si uu hadba meel ugu guuro.

 

Raadraaca ereybixinta Af Soomaaliga yaanu ila tagine Maxamed wuxuu kaloo qoray:

 

Waxaa kale oo iyadana markasta saxaafadda isku qaldaan “Jamhuuriyadda” iyo “Dawladda”. Jamhuuriyadda waxaa madax u ah “Madaxweynaha”, Dawladda waxaa madax u ah “Raa’iisul wasaaraha.

 

Madaxweynaha waxuu matilaayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Marka la sheegaayo waa in la yiraahdaa, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya”. Marar badan saxaafadda waxaay qortaa ama idaacadaha ka sheegaan marka ay madaxweynaha soo qaadaayaan “Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya”.

 

Matalan Kuwait iyo Falastiin title-kooda ma aha “Jamhuuriyad” waa “States”. Sidaas darteeda madaxdooda waxay kala yihiin “Amir Dawlat Kuwait” iyo “Ra’iis dawlat al Falastiin”. Soomaaliya “Dawladda” waxaa madax u ah Ra’iisul Wasaare oo Gole Wasiirro leh. Marka la leeyahay Madaxa Dawladda waxaa loola jeeda Ra’iisul Wasaaraha.

 

Marka waxaa ila fiican in marka madaxweynaha lasoo qaadaayo la yiraahdo “Madaxweynaha Jamhuuriyadda” oo aan la dhihin madaxweynaha Dawladda ...

 

Soomaaliya ma aha sida dalka Maraykanka oo madaxweynaha isla asiga dawladana madax ka yahay.

 

Waxay igu noqotay filanwaa iyo amakaag in Maxamed Cusmaan Cumar oo hore Safiir u ahaan jiray uu isku qaldo micnaha ay kala leeyihiin eryada “Jamhuuriyadda” iyo “Dawladda” uuna ka dhigo sidii laba nidaam oo si gooni-gooni ah u kala taagan. Erayga “Jamhuuriyadda” oo uu Af Soomaaligu ka soo amaahday Luqadda Carabiga oo dawladihii hore Soomaaliya u soo marayna u ahaa magaca rasmiga ah ee dawladda sida Jamhuuriyadda Soomaaliya (Somali Republic (1960-1969)) iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya (Somali Democratic Republic (1969-1990)) micnihiisa haddii af fudud lagu fasiro wuxuu tilmaamayaa dal aan lahayn nidaam boqortooyo (aan lahyn Boqor ama Boqorad) oo ay xukumaan wakiillo shacabku soo doortay, uuna madax ka yahay Madaxweyne. Marka waa daw in madaxweynaha Soomaaliya loogu yeero “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya”, waana  mid waafaqsan Qodobka 87aad (1) (a) oo ku sifaynaya madaxawynaha erayadan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa: Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya”.

 

Waxaa iyaduna sax ah in madaxweynaha Soomaaliya loogu yeero “Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya” sababta oo ah ereyga dawlad oo asaguna aan ahayn erey af-guri ah balse uu Af  Soomaaligu ka soo amaahday Afka Carabiga micnihiisua waxaa loola jeedaa, uuna si duuduub ah oo aan la kala dhigdhigin u tilmaamayaa haykalka ama mu’assasaadka/hay’adaha dawladda ay ka koobantahay dawlada dhexe  ee Federaalka ah oo tusaale ahaan ay ku jiraan hay’adaha sharci-dejinta, fulinta iyo garsoorska- haddee waa Dawladda Qaran. Marka la leeyahay “Amir Dawlat Kuwait” iyo “Ra’iis dawlat al Falastiin” micnahooda wuxuu u dhigmaa “Madaxweynaha Dawladda  Soomaaliya” illeen lama oran “Madaxweynaha Xukuumadda  Soomaaliya” taasoo haddii ay saxaafaddu adeegsan lahayd ay qalad ahaan lahyd aadna ku saxsanaan lahayd  illeen xukuumad iyo dawlad waxay kala leyihiin laba micno oo kala duwan Luqadda Carabiga marka la eego dhinaca musdalaxa (ereybixinta). Sidaa aawadeed Soomaaliya way tahay Jamhuuriyad (Republic) iyo dawlad (state) labaduba, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya loogu yeeri karaa  “Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya” amaba “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya” kii la doono si la mid ah “Amir Dawlat Kuwait” iyo “Ra’iis dawlat al Falastiin”, waana is-barbardhig aan loo meel dayin inaad qorto “Kuwait iyo Falastiin title-kooda ma aha “Jamhuuriyad” waa “States” – malaha waxaa ku hobboonayd inaad qoraalkaaga u dhigtid  “Kuwait” title-keeda ma aha “Jamhuuriyad” ee waa Imaarad uu Amiir u taliyo oo aan ahayn nidaam dawladeed oo Jamhuuriyad ah ”. Sidaa aawadeed waad ku geftay inaad qorto ”. “Soomaaliya “Dawladda” waxaa madax u ah Ra’iisul Wasaare oo Gole Wasiirro leh. Marka la leeyahay Madaxa Dawladda waxaa loola jeeda Ra’iisul Wasaaraha”. Bal eeg oo u fiirso Qodobka 100aad (“Xilka iyo Awoodda Ra’iisul-wasaaraha”, faqradiida (a) oo u qoran sida tan : “ Awoodaha Ra’iisul-wasaaraha waa: (a) Madaxa Xukuumadda Federaalka ah [...]”. Waxaana lafdiga qodobkan Dastuuriga ah laga ilaaliyey in loo dhigo sida tan: “Awoodaha Ra’iisul-wasaaraha waa: (a) Madaxa Dawladda Federaalka ah”. Marka ereyga “dawladda” waa eray leh micne baahsan oo si dedan loola jeedo Dawladda Qaran guud ahaa, kana duwan ereyga “xukuumadda” oo leh micne cayiman oo ku kooban wadar ahaan Golaha Wasiirrada ee uu madaxda ka yahay Ra’iisul-wasaaraha iyo wixii hay’ado ah ee hoos yimaada. Baahsanaanta ereygan “dawladda” oo Dastuurka lagu xusay 176 jeer iyo inuusan ku koobnayn xukuumadda uu madaxda ka yahay Ra’iisul-wasaaraha balse uu yahay erey loola jeedo guud ahaan haykalka guud ee hay’adaha Dawladda Qaran oo Madaxweynaha Soomaaliyana si la mid ah “Amir Dawlat Kuwait” iyo “Ra’iis dawlat al Falastiin” uu u yahay Madaxda Dawladda (Head of State) waxaa tusaale ahaan daliil u ah Qodobka 90aad (“Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka”) faqradiisa  (11) oo dhigaysa: [Madaxweynaha] “Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dawladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu” – bal u fiirso sida lafdiga Dastuurka uu u kala soocay “Xukuumadda Federaalka” iyo “Hey’adaha Dawladda Federaalka”!

 

Ugu danbayntii, wuxuu Maxamed Cusman Cumar qoray:

 

“CUTUBKA KOWAAD”

                    “Baaqa Jamhuuriyada Federaalka Federaalka Somaliya

Saddexda meel oo aan hoosta ka xariiqay waxay kale yihiin, “Federaalka” oo laba jeer la qoray iyo “Somaliya” oo laga jaray labadii shaqal dheeraa iyadoo xuruufaha kale sidoodii u shaqal dheeryihiin.  Haddii weli laga la toosinin, waxaa hubaal in sadarkii kowaad ee Dastuurka Cusub weli sidiisi u khaldanyahay.  Dastuurka waa sharcigii ugu sareeyay dalka, haddii “Proof-Reading” oo dhab ah lagu sameynin, khaladaadka kale ee soo baxa oo ay ka cuslaan karaan kuwa aan kor ku sheegay, yaa loo saari doonaa? 

Khaladaadka ka iman kara garaacida waxaa ku jiri kara kuwo hallis ah. Hal hakad oo meel aan loo rabin kaga ayaa qof naftiisa ku badbaadi kara ama  lagu dili karaa. Sida tusaale ahaan: “hang him not, kill him” ama “hang him, not kill him”.

Waxaan qabaa Dastuurka Cusub intaan si rasmi ahaan loo daabicin, dib ay u aqriyaan dad aqrista ku fiican  iyo shaqallada oo haddii la isku qaldo micnacii loogu talo galay koo ka geddisan yeelan karo.

 

Waxaan mar kale tixraacayaa jawaabtaydii aan sadarrada kore ku bixiyey, waxaanna qaladaadka xagga higaadda ah ee uu Maxamed Cusmaan Cumar xusay ay ku jireen nuqulkii hore ee Qabyo-Qoraalka Dastuurka waxaana Nuqulka saxda ah ee soo baxay 09/07/2012 laga saxay qaladaadka uu Maxamed qoraalkiisa ku sheegay. Haddaba waxaan ku khatimayaa maqaalkan inaan sheego in ujeedada ka danbaysa jawaabta aan ka bixiyay maqaalka uu cinwaankiisu yahay “SPEAKER IYO AFHAYEEN MAXAY KALA YIHIIN?” oo uu qoray Danjire hore Maxamed Cusmaan Cumar, laguna daabacay Hiiraan Online aanay ahayn in aan si shakhsi ah asaga u duro. Xaashaalillaah Danjire hore Maxamed Cusmaan Cumar waxaan u hayaa xushmad weyn, waxaanna xusuustana in anoo arday ah oo baranaya culuumta siyaasadda aan si aad ah u daalacan jiray buugiisa la yiraahdo “The Road to Zero” oo uu ku tusmeeyay sidii gocashada lahayd ee ay u duntay Dawladdii Qaran ee dalkeenna Soomaaliyeed oo weliba xiisaha aan u qabay buugan awgiisa saacado badan u dhuganayay anoo fadhiya Maktabada Walthamstow Library ee ku taalla Waqooyiga Bari ee magaalada London (England). Balse ujeedkaygu waa in maadaama Soomaaliya ay u muuqato in ay caga saartay “wadadii caddayd” ee talinta iyo sarraynta sharciga ay lama huraan tahay (weliba waajib qaran ay nagu tahay) in si cilmiyaysan looga doodo, loona iftiimiyo wixii madmadow ah ee ku jira Dastuurka oo asagu saamayn ballaaran ku yeelan kara nolosha muwaadinka Soomaaliyeed kan gudaha jooga iyo kan dibadda joogaba.


Maxamed Xaaji Caddow

London, England
Email: [email protected]



 





Click here