4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
FINLAND: Hadaadan codayn soomaaliyeey yaa idiin fadhiya golaha dagaanka HELSINKI

Qore: Yasin Ali
Sunday, October 14, 2012


Musharax Golaha Deegaanka ee magaalada Helsinki
Waxaa ku nool dalkan Finland dad Soomaaliyeed oo ah jahliyadaha ku nool dalka Finland dadka uugu badan marka laga reebo jahliyada dalka Ruushka oo daris la ah dalkan Finland. Soomaalidu waxay dalkan u soo qaxeen horaantii dagaaladii sokeeye 1990 dhamaad kiisii. tirada Soomaalida ee dalkan ku nool ayaa ah ku dhawaad 30 000.oo isugu jira caruur iyo dhalinyaro iyo waayeelba. Dalka Finland waxa uu kuyaalaa cirifka waqooyi ee yurub waxa uu xad la leeyahay Norway, Sweden iyo Ruushka. Dadkiisu waa (5,000,000) shan malyuun, waana dal uu aad ugu yaryahay ajinabigu guud ahaanba. Soomaalidu waxay hada dagan tahay dalkaan mudo dhan 22 sanadood waxayna leeyihiin intooda badan shariciga dhalashada dalkaan Finland.

Mukhtar abib waxa uu kamid yahay dadka faro kutiriska ah ee ku guulaystay in uu heer ka gaaro nolasha dalkan isagoo kamid ah raacii hore ee soo galay sagaashameeyadii dalkaan Finland. waa aqoonyahan waxbarashadiisii hore kadib wax kabartay oo sii siyaad saday aqoontiisii taasoo uu ka gaaray heer isla markaana uu ku mutaystay shaqo wanaagsan oo maamul kana muuqata bulshada dhexdeeda. waxa uu ku leeyahay sumacad wanaagsan oo shaqo bulshadan finishka ah iyo jahliyada Soomaaliyeed labadaba kadib markuu usoo shaqeeyay wax muuqdana uu ka qabtay adeega bulsho labada dhanba gaar ahaan waxaa looga mahad sheegtaa toosinta iyo jihaynta dhalinayarada Soomaaliyeed ee ku nool casimada helsinki iyo nawaaxigeeda oo uu u sameeyay nidaam iyo jihayn xaga mustaqbalkooda mid waxbarasho iyo mid ciyaaraba taasoo hoos u dhigtay danbiyada iyo suuq meeraysigii dhalinta Soomaaliyeed ee ku nool dagaankan.

Arimahan waxa lagu siiyay Mudane aqoon yahan Mukhtar Abib abaalmarin ka imanaysa dhanka dalkan Finland iyo dhanka Soomaalidaba. Aqoonayahan Abib oo hada u taagan in uu kamid noqto golaha dagaanka ee magalada HELSINKI ayaa u baahan cod iyo taageero uu ku galo golaha degaanka taasoo wax aad u wayn ka tari doonta difaaca sharciyeed iyo ilaalinta xuquuqda jahliyada Soomaaliyeed in uu soo dhiciyo oo u ahaado wakiil u fadhiyo ilaalinta maslaxadooda taasoo uu horaba ugu taagnaa isagoo aan cidina codsiin balse damiirkiisa Soomaaliyeed ku caawin jiray kuna difaaci jiray xuquuqda jahliyada Soomaaliyeed ee uu kasoo jeedo abib.

Waxaa nasiib daro ah in dalkan finaland ay Soomaalidu ku joogaan cadad badan hadana aysan dareen sanayn in ay xuquqdooda cod bixin isticmaalaan kuna soo saaraan dad matala oo difaaca sida aqoonyahan Abib oo kale. dadka Soomaaliyeed oo aysan ka ahayn xumaan iyo ujeedo kale midna ayaan ku baraarugsanayn badankoodu in ay isku difaaci karaan in ay cod kooda dhiibtaan oo codeeyaan madama wadamadan galbeedka aan lagu noolaan karin kutiirsanaan jahliyadaada taasoo ah mid cod leh oo ka muuqata dalka hadaba Soomaaliyeey hurdada halaga kaco oo aan xuquuqdeena u istaagno fahano in codku yahay waxa aan wax ku helo wax isaga dhicin karo si taaloo gaaro sawma haboona in aan u codayno walaalkeen Abib oo ah ninka kaliya ee Soomaalidu isku raacday in uu bari ka yahay waxan dalkeenii baabi iyay ee jahliga ah Abib umada Soomaaliyeed waa isugu mid isku si buuna u difaacaa hadaba aynu gayno goobtii uu inaga difaaci lahaa oo ah in aan u codayno oo kaliya.

Jahliyada Soomaaliyeed ee Finland way amaanan yihiin marka loo eego qurba joogta kale ee wadamada galbeedka waayo waa dad is jecel oo isku duuban balse waxa ka dhiman inay ku baraarugaan qiimaha ah inay codeeyaan ragna iyo gabdhaba ay ku darsadaan golaha dagaanka ee HELSINKI taasoo hada Abiiib u taagan yahay.waxaan aad iyo aad uugu kalsoonahay in Abib si wayn uuga soobaxayo in uu Soomaalida ka caawiyo dhanka difaaca xuquuqdooda, jihaynta dhalinta, shaqo siin iyo qoondaynta tacliinta sare ee ajaanibta la siiyo.

Waxaa sidoo kale uu mushrax Abib Soomaalida ka kaalmeyndoonaa ilaalinta xuquuqda iyo xoriyada diineed iyo dhaqan iyo jinsiyad ee ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, waxaan amaain sanahay in uu yahay nin aad u fahmay dalkaan leh aqoon fiican iyo dhexgal bulsho isagoon ka tagin dhaqankiisa iyo diintiisa suuban hadana la shaqaynkara bulshadan oo luuqad garankaro waana shaqsiga maanta jaahliyada Soomaaliyeed ay ubaahan tahay.

Waxaan dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada HELSINKI ku boorinayaa in loo codeeyaa Mudane Abiib oo aan loo kala harin sanadkaan. Fadhiga halaga kaco oo aan u codeeyno Abib si caruurtu inoogu bad baado, sidaas ayaynu ku noqon karaa bulsho ka muuqata dalkaan Finland.

Yasin Ali
[email protected]



 





Click here