2014-08-20
Today from Hiiraan Online:  _
Dowladnimada Yaan La Cayn Wareejin

by Dr. Saciid Ciise Maxamud
Tuesday, November 13, 2012

Bisha Oktobar dhamaadkeeda ayaan ka soo baxay Muqdisho, waxaana safar gaaban ku imid wadanka Mareykanka, waxaana qorsheynayaa inaan dib ugu laabto Soomaaliya bilowga sannadka cusub. Waxaan soo arkay Soomaaliya oo hididiilada qalbigooda ay buuxisay rajo wanaagsan oo ay u qabaan dib u soo celinta ismaamulkii dowladnimada Soomaaliyeed.

Soomaaliya waxey fursad u heshay hogaan cusub, taas oo saddexda masuul ee ugu sareya dalka ay noqdeen aqoon yahan aan dalka horay wax dambiya uga soo gelin, waxaana ka muuqata masuuliyiintaas dadaal ay ugu jiraan dib u dhiska hanaan dowladnimo ku qotonta ismaamul Soomaaliyeed.

Inkastoo doorashadii madaxweynenimada dalka ka dhacday ay ahayd mid farxad gelisey dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, laguna diirsaday isbedelka ku yimid hogaanka dowlada, haddana doorashadaas ma ahayn mid ku timid xulasho fikir siyaasadeed, waxaana mudnaanta yeelatay baayac ku dhisan xodxodasho dhaqaale.

Inta badan musharixiinta u badnaa aqoon yahanka, codeynta ku saleysan dhaqaalaha waa ay ka soo horjeedeen, taasna waxey fursad u noqotay shaqsiyaadkii wadanka gudihiisa iyo wadamada Khaliijka iyo kuwa deriska ka abaabushey dhaqaale ay ku doorsadaan in la soo doorto. Waxaa xusid mudan in xeeladaas dhaqaale doorsiga ku dhisneyd lagu fuliyey madaxdii DKMG, kuwaas oo axdi hoosaad qarsoodiya heshiis looga gaarey in xoolaha looga furto, dibna aysan u soo noqon.

Waxaa baarlamaanka soo galay dad badan oo isku dheelitiran dhinaca aqoonta, heybta, labka iyo dhedig. Waxaan dhihi karaa maanta Soomaaliya waxey heshey xildhibaanadii ugu tayada wanaagsanaa ee taariikhdeeda soo mara. Waxaa fiiro gaara mudan in Soomaaliya aysan qaadi karin baarlamaan xildhibaanadiisu ka badan yihiin 175 xubnood. Wadanka waxaa ku dhacay burbur dhaqaale oo wax walba cuuryaamiyey, mana awoodo maanta Soomaaliya xuquuqsiinta 275 xildhibaan oo ay adag tahay sidii ay ku wadaagi lahayeen tala soo jeedin dhexmarta iyo dood cilmiyeysan oo ay isku dhageystaan. Haddii aysan helin xildhibaanadu xurmadii ay mudnaayeen iyo xuquuqdooda oo dhan, waxaan shaki ku jirin iney inta badan u rogmanayaan ku dhaqmida adeegsiga burcadnimada iyo musuqmaasuqa.

Baarlamaanka cusub wuxuu la kowsaday doorashadii gudoomiyaha baarlamaanka iyo kan madaxweynaha oo xildhibaanada ay codkooda ku doorsanayeen hanti. Waxey dad badan walaac ka qabaan in dhaqanxumadaas ay caado u noqoto xildhibaanada oo gaar ahaan xildhibaanada cusub oo da’da yar ay dhaqankaas u arkaan mid meel mara oo waafaqsan nidaamka dowliga ah. Ilaa iyo hadda gudoonka baarlamaanku dabagal kuma sameyn codbixinta sida qaldan loo adeegsanayo, tababarna xildhibaanada lagama siinin waxyeelada xildhibaanka uga iman karta adeegsiga codka aan raacsaneyn nidaamka codbixinta.

Waxaa laga warsugayaa baarlamaanka cusub sida uu wax uga qabto musuqmaasuqa codeynta iyo in gudihiisa looga dhaqmo sharciyada ay dadka u dejiyaan. Waxaa muuqata in Baarlamaanku soo doortay madaxweynaha, codka kalsoonidaana uu siiyey ra’isulwasaaraha, sidaas daradeedna uu isku arko inuu yahay hayada dowlada ugu sareysa oo ugu awooda weyn. Arrintaas waxaa ka dhalan karta in golahaas uu noqdo suuq codka lagu kala iibsado oo lagu dumiyo dowladnimada, haddana aysan jirin awood kala diri karta.

Wadanka Soomaaliya wuxuu maanta ka soo kabanaya burburkii ka soo gaarey qaranimadii duntey, wuxuuna wadanku maanta u baahan yahay madaxweyne awood leh oo go’aan adag wax ku socodsiiya, oo haddii ay timaado baahida xaalad khatara oo degdeg ah qaadan kara go’aan uu ku samatobixin karo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, taas oo aan meesha ka saareyn in la kala diri karo baarlamaanka haddii sidaas ay daruuftu kalifto inta la sugi lahaa xukun milateri oo afgembiya.

Walow fikirka aan ka qaatay madaxweynaha uu yahay mid aan ka fogeyn dhaqankii madaxdii ka horeysey sida Mudane Aden Abdulle, Abdirashid Sharmarke, iyo Abdiqasim Salad, kuwaas oo inta ay xilka hayeen aan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxna u tarin waxna u dhimin. Waxaa intaas wehlisa inu sida mudane Sharmarke uu naftiisa ku waayi doono ama uusan dhameysan doonin afarta sanno ee la doortay haddii uusan siyaasda Soomaaliya u jiheyn mid hirgelisa rajada dhalisay isbedelka siyaasadeed ee lagu soo doortay.

Xisbiga Dadka wuxuu taageersanaa in xilka ra’isulwasaaraha loo magacaabo mudane Mohamed farmajo. Waxaa si cad u muuqatey in shacabka Soomaaliyeed uu hadlay, codkoodana ay kalsooni buuxda ku sheegeen in xilka ra’isulwasaaraha loo magacaabo mudane Farmajo. Dareenkaas shacabka ma noqon mid la tixgeliyo, laakiin waxaan meesha ka marneyn in shacabka Soomaaliyeed uu hiil la garab taagan yahay madaxweynaha Soomaaliyeed si uu u soo xulo cida uu u arko iney hubaal tahay daacad inuu dowladnimada dalka ugu adeegayo, waxeyna shacabku ku gaabsadeen ineysan ka hordhicin xulashada madaxweynaha. Sidaas oo ay tahay xaalada ka warsugida iyo dhinac marida rabitaanka shacabka, haddana aysan siyaasiyiinta Xisbiga Dadka ka tirsaneyn isbaheysiga wax ka soo dhisay dowlada, waxey taageerayaasha xisbigu si buuxda  horsed ugu yihiin siyaasada lagu doonayo isbedel dhaba oo ka hirgala Soomaaliya iyo in fursad la siiyo dowlada cusub oo aan lagala horimaan mucaarad xagjirnimo ah sannadka kowaad, lana taageero cida madaxweynuhu uu kalsooni ku soo magacaabo.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu soo magacaabay Mudane Abdi Farah oo xaqiiqda ah shaqsi ay ku weyntahay dhowrista sharafta Soomaaliyeed iyo inuu yahay qof u jiheysan waxqabad wanaagsan oo waxtar leh. Waxaan ku farax sanahay Mudane Saacid inuu soo dhisay dowlad kooban oo dadaalkeeda dul dhigta waxqabadka dowladnimo oo ay shacabku sugayaan sida amniga, dhaqaalaha, iyo xiriirka caalamka. Maanta Soomaaliya dhaqaalaheedu ma awoodo iney abuurto wasaarado badan oo danta laga leeyahay ay tahay in lagu qanciyo awood siinta koox gaara ama beel. Waxaase aan meesha ka maqneyn in Mudane Saaciid uu boqol xildhibaan ugu yabooho xilal u dhigma darajada xildhibaanimada si ay uga qeybqaataan maamulka dowlada ee gudaha iyo dibeda islamarkaasna arrintaas ay fudeyd weyn u geliso koobnaanta iyo maamul wanaaga baarlamaanka. Waa in nidaamka dowlada kooban ay tusaale ku dayasho mudan u noqota baarlamaanka oo u baahan iney sidaas si la mida ay isku soo koobaan.

Mudane Saacid dowlada kooban ee uu soo dhisay waxey fursad siineysa bulshada rayidka, hayadaha aan dowliga ahayn, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si ay u buuxiyaan adeegyada aysan dowladu awoodin ama aan ka mid ahayn mudnaanteeda kowaad. Waxaa baarlamaanka laga sugaya iney fursad qaaliya siiyaan madaxweynaha iyo ra’isulwasaarihiisa si ay u gutaan dib u soo celinta dowladnimadii Soomaaliyeed. Haddii dhismaha dowladan lagu xiro dhaqanxumadii ku dhisneyd dhaqaalaha oo xildhibaanadu ay codkooda kula gorgortamaan madaxda cusub, waxeysan ka fursaneyn khilaaf dhaliya inuu dhaco baarlamaanka, wadankana la geliyo xukun degdega oo aan u baahneyn ogolaashaha baarlamaanka.

Waxaan aaminsanahay in dowlada mudane Saacid ay wax weyn ka qaban doonto amaandarrida iyo dhaqaalexumida sababtay jiritaanka burcadnimada iyo musuqmaasuqa ku dhex milmay mehered kasta ee ka jirta wadanka Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeed iyo wadaniyiinta jecel horusocodka siyaasada Soomaaliyeed waxey ku mideysan yihiin in fursad iyo wada shaqeyn dhaba la siiyo xukuumada Mudane Saacid. Waxaa hubaala haddii ay guuleysato in ay waxtar wanaagsan u tahay dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo daneynaya dowlad ku dhisan ismaamul Soomaaliyeed, haddii ay guuldareysatana jidka uga wareegi doonto shaqsiga xiga ee soo dhisi kara dowlad Soomaaliyeed. Waxaan talo ahaan raacsanahay in mudnaanta kowaad la siiyo fursada ay Dowlada Saacid ku dooneyso in waxqabad ayatiin leh ay ummadda Soomaaliyeed ugu horseedo dowladnimo Soomaaliyeed.


 Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Saciidciise258@aol.com





Post your comments