4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Qurbajoogta iyo ganacsatada Soomaaliyeed waa ineey maalgeliyaan soocelinta amniga qaranka.

W.Q: Maxamed Faarax Xuseen (Maxamed-Rashid)
Monday, November 12, 2012

Telefishinada iyo websiteyada soomaalida waxaad marwalba ku arkeysaa Soomaali adduunka dacaladiisa ku qabanaya xaflado lagu taageerayo isbaddellada siyaasadeed ee ka dhaca Soomaaliya. Qurbajoogta soomaaliyeed wexey marwalba muujiyaan hilowga ey u qabaan in dalkeenni soo hagaago oo qarannidi iyo sharafti soomaaliya dib u soo noqoto. Laakiin soomaalidu waxey ku mahmaahdaa meel hoo u baahan hadal wax kama taro. Sidaas darteed taageeradu yaaney ku ekaanin afka oo keli ah ee hoona hallagu daro. Muhimadda koowaad waa in la siiyaa soocelinta amniga iyo kala danbeynta sababtoo ah haddaan amni jirin nololi ma jireyso wax horumar ahna laguma tallaabsan karo. Maqabo inaan ku halleyno adduunyada inteeda kale in ey noosoo celiyaan qarannimadeenni, madaxda soomaaliyeed oo aan taageereynana ku kallifno eney dunida noogu baryo tagaan. Anigu waxaan qabaa in soomaalidu isku tashatto, dhaqaalihi lagu dhisi lahaa hey’adaha amniga iyo nabadsugiddana annagu baxsanno haddii kale AMISON oo ey hadda kamid noqotey Kenya oo baddeena damac uga jiro ayaa weligood na dul degganaandoona.

Waxaan qabaa in qurbajoogta soomaaliyeed badankeedu igu raacsanyihiin fikirkaas laakiin su’aasha jawaabta u baahan ey tahay sidee ugu macquulsan ee dhaqaale uruurintaas loo wajihi karaa loona hirgelin karaa. Aniga waxey ila tahay inaan isticmaalno hey’adaha dhaqaale ee maanta jira. Waxaan soo jeedin lahaa in tallaabooyinka soo socda sida ugu dhaqsaha badan loogu dhaqaaqo:

1.     In Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ugu dhaqsaha badan isugu yeero milkiileyaasha sharikadaha xawaaladaha, kulana shiro magaalada Dubai

2.     In sharikadaha xawaaladuhu oggolaadaan iney hormood ka noqdaan dhaqaale uruurinta loo sameynayo hey’adaha amniga qaran oo ey kamid yihiin xoogga dalka, booliska, ilaalada xabsiyada iyo maxkamadaha

3.     Xawaaladahu waxey qaattaan khidmad dhan 5% taas oo isugu jirta qayb wakiillada qaattaan iyo qayb sharikadda xawaaladdu qaadatto

4.     In sharikadaha xawaaladuhu ugu tabarrucaan 1% oo kamid ah khidmadooda hey’adaha amniga qaranka

5.     In ey ku kordhiyaan 2% khidmada ay macaamiishooda ka qaadaan oo ey noqotto 7% laga billaabo waqti leysla gartey. Waxaay halkaas hey’adaha amnigu ka helayaan 3% qofkasta oo lacag xawilanaya

6.     Xawilaadaha Soomaalida waxaa sannadki gacantooda soo martaa ilaa USD 2 billion (World Bank 2005), iyadoo taas laga ambaqaadayo, hey’adaha ammaanku waxey helayaan USD 5 malyan bishii

7.     Marki uu madaxweynuhu kusoo laabto Xamar waa in uu isugu yeeraa sharikadaha isgaarsiinta una soo bandhigaa in ey macaamiishooda biilkasta ku kordhiyaan USD1

8.     Dhaqaalaha ku xusan qodobka 6 iyo 7 oo kor ku xusan haddii dowladdu ku biirsato waxa kasoo gala dekedda iyo garoonka diyaaradaha wax weyn ayey ku qaban kartaa

9.     Xawaaladaha iyo sharikadaha isgaarsiinta waa iney bilwalba soo bandhigaan dhaqaalaha ey dowladda ku wareejiyeen, dowladduna soo bandhigtaa habki ey u isticmaashey.

Waxaan ka afeefana in ujeedadeydu aaney aheyn in wax loo dhimo ama la jajajuubo sharikadaha xawaaladaha iyo isgaarsiinta laakiin maaddaama ey waqtigan yihiin sharikadaha ugu waaweyn dalka mas’uuliyad dheeraad ah ayaa ka saran dalka iyo dadka. Xawaaladuhu wexey noqon doonaan bangiyada dalka sidaas daraadeed mustaqbalka dhaqaale ee dalka ayaa ayaga ku xiran. Dhanka kale waxaa lawada ogyahay in sharikadaha xawaaladaha iyo isgaarsiinta ey dhaqaale badan ku bixiyaan sugidda amniga hantidooda iyo shaqaalahooda, sidaas darteed ayaga ayaa danta ugu weyn ka leh in lasugo amniga. Markaa 1% oo ay ugu tabarucaan sugidda amniga maalgelin wanaagsan ayey u noqoneysaa. Xawaaladdi ama shirkaddii diidda ama si hagarbax leh uga qeybqaadan weysa marki laga baxo xaaladdan adag ee dalku ku jiro waxaa loo diidi doona shatti ey uga ganacsatto dalka oo waxaa sharikad walba lagu xiri doonaa iney arjigooda kusoo lifaaqdo caddeymo ku saabsan dowrki ey ka qaadatey gurmadki qaran.

Modelkani wuxuu ku wanaagsanyahay waxaa la isticmaalayaa infrastructure jira oo uma baahna waqti badan iyo maalgelin cusub. Waa dhaqaale si fudud loo kontrooli karo (auditable). Qofka bixinaya lacagta culeys ma dareemayo sababta oo ah 100 iyo 102 doollar wax weyn uma dhaxeeyaan. Midda kale dadku waa iney fahmaan khidmada xawilaadaha soomaalida marki horeba iney aad u hooseeyeen haddii la barbardhigo sharikadaha dhisheeye sida Western Union, Forex iyo moneyGram. Waxaa kale ee modeelkani ku fiicanyahay in dowladda eysoo geleyso bilwalba lacag ey ogtahay oo ay miisaaniyaddeeda ku darsan karto. Qarshahani wuxuu soconaa inta dowladdu kasoo celineyso kaabbayaashi dhaqaalaha oo ey isku filnaan ka gaareyso.

Waxwalbase waxey ku xiranyihiin inta uu gaarsiisanyahay jaceylka aan u qabno dalkeenni hooyo.


Maxamed Faarax Xuseen (Maxamed-Rashid)
[email protected]
London, UK.



 





Click here