4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
FALANQEYN: Codbixinta Mareykanka iyo Cududa Soomaalida Ku Nool

W/Q Cabdiqafaar Axmed Shire
Wednesday, November 07, 2012

Malaayiin Mareykan ah ayaa u dareeray goobaha codbixinta si ay wakhtiga ugu dheeraayeen musharaxa xisbiga Dimuquraadiga Barack Obama amaba ay caynaanka Washington ugu dhiibaan Musharaxa Jamhuuriga Mitt Romney.

Maanta waxaa si rasmiya u bilawday codbixintii tartanka madaxtinimada ee dalka mareykanka si shacbiga dalkaasi ay u doortaan madaxweynihii hogaamin lahaa Washington 4-ta sano ee soo socota, waxaana goobaha codbixinta albaabada loo furay aroornimadii saakay wakhtiga Mareykanka.

Tartantkan ayaa u muuqanaya mid ay si aad ah isugu dhaw yihiin labada musharax ee Obama iyo Romney, waxaana goobaha codbixinta albaabada loo laabayaa wixii ka dambeeya 6-da fiidnimo, iyadoona saacado gudahood lagu ogaanayo musharaxa ku guuleystay madaxtinimada mareykanka.

Loollanka labada musharaxa ayaa ah mid aad u xooggan, waxaana muuqata in ra'yi aruurinta la sameeyay uu waxoogaa Madaxweyne Obama ku horeeya codadka ka imaan kara Gobolada Isbadbadella ee Swing States loo yaqaano.

In kabadan 30 milyan oo Mareykan ah ayaa codeeyay ka hor intaanan si rasmiya talaadada loo furin gobaha codbixinta , iyadoona in kabadan 30 Gobol ay ogol yihiin in muwaadiniinta dalka dibadda uga maqan ay sameyn karaan codeyn wakhtigeeda laga soo hormariyay, taasoo u dhiganta in afar meelood, meel dadkii codeeyay doorashadii 2008 ee lagu doortay madaxweyne Obama.

Codeynta Musharaxiinta

Hogaamiyaha talada haya Barack Obama ayaa isagu bil kahor wakhtiga codbixinta ka codeeyay magaaladaa Chicago ee gobolka illinois, waxaana uu noqonayaa musharxihii ugu horeeyay ee isagoo xilka madaxtinimada ku fadhiya codeeya ka hor maalinta codbixinta taariikhda mareykanka.

Mit Romney iyo Afadiisa Ann ayaa ka hor abaarihii 9kii barqanimo codkooda ka dhiibtay nawaaxiga magaalada Boston ee gobolka Massachusetts, isagoona warfidiyeenada u sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka ay wax u socdaan.

Joe biden madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa isaga iyo xaaskiisu waxay ka codeeyeen xarunta codbixinta ee Greenvile, ee gobolka Deleware waxaana uu Biden cod bixiyayaasha ku booriyay iney xaqiijiyaan in codkaada ay dhiibtan si kasta oo uu laynku u dheer yahay, halka Paul Ryan oo ah musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Jamhuuriga ay isaga iyo marwadiisu ka codeeyeen Maktabada ku taalla deegaanka Janesvile ee gobolka Wisconsin.

Dhiiranaanta Codbixiyayaasha

Dadka codeynaya ayaa u muuqanaya iney si aad ah ugu adkeysanayaan iney dhiibtaan codkooda waxaana inta badan gobolada lagu arkayaa dadweyne aad u farabadan oo ku jira faylal dhaadheer kuwaasi oo quud dareynaya iney codkooda bixiyaan.

Inkastoo ay goobaha codbixintu kala duwan tahay marka la eego gobolada haddana waxaad arkaysaa dadka ka codeynaya iskuulada dowladda, maktabadaha, xarumaha internet-ka, goobaha Dealerska ah ee gawaarida lagu iibiyo amaba saldhigyada laga raaco gawaarida dadweynaha.

Musharixiinta waxay dadaal aad u dheer ku bixinayaan ololaha iyadoo madaxweyne Obama uu tagey gobolka Iowa, waxaana ugu dambeyntii uu gaaray magaalada uu deggan yahay ee Chicago halkaasii oo weli kasii wado inuu kala hadlo muwaadiniinta mareykanka, waxaana ay inta badan musharxiintu wakhti badan gelinayaan helitaanka codadka gobolada Iowa, Ohio, Florida iyo Gobolka Virginia si ay u hantaan guusha doorasahada.

Joe Biden, madaxweyne ku xigeenka mareykanka ayaa isagu gaaray magaalada Cleveland ee gobolka Ohio si ay dimuquraadigu u xaqiiqsadaan helitaanka codadka Ohio.

Nawaaxiga gobolada New Jersey iyo Newyork oo ah goobaha ay sida weyn dhaawaca ugu geysatay duufaantii Sandy todobaad ka hor, waxaad arkaysaa in dadweyne farabadan ay isugu soo baxeen goobaha cod bixinta si ay dadku u dhiibtaan codkooda.

"Mid kamida dugsiyada sare ee deegaanka oo gabaad u ahaa dadka barakacaayasha ahaa ayaa isu badalay goob codbixin, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay mid kamida dadka deegaanka.

Dhinaca kalena Gobolada kulaala xeebta ee ay kamid yihiin Florida iyo California waxaa la arkayaa codbixiyayaal safaf dhaadheer ku jira kuwaasi oo geedaha hoostooda ka hrsanaya qoraxda, waxaana ka muuqda dhiiranaan ah iney mar uun codkooda dhiibtaan oo ay xushaan hogaamiyahooda.

Loollanka doorashadan oo noqonaya mid aad u xooggan ayaa soo bilawday qiyaastii labo sano kahor waxaana la qiyaasayaa iney labada musharaxa kharash gareeyeen ku dhawaad laba bilyan oo lacagta mareykanka ah sida ka muuqaata qiyaasaadkii ugu dambeeyay ee lagu sameeyay miisaaniyadaha ololaha doorashooyinka ee labada musharax.

Guud ahaan rayi aruurinta ku aadan codbixinta mareykanka ee ay sameeyeen ABC News, Washington Post iyo xarunta cilmi Baarista ee Pew waxaa muuqata in madaxweyne Obama uu waxoogaa ka horeeyo Mitt Romney.Dad aad u farabadan o u ka tirsan Hispanic iyo madawga mareykanka ayaa ka muuqanaya inta badan goobaha codbixinta waxaana muuqda in natiijada labada msuaharax ay saacad waliba isbadeli karto.

Markii ugu horeysay Taariikhda magaalaada Chicago haweeney lagu magacaabo Galicia Malone oo foollaneysay ayaa wadadii loogu sii waday isbitaalka kusii martay goob codbixin ah si ay codkeeda u dhiibato sida ay sheegeyso Idaacadda BBC-da.

Yaa Go'aaminaya Doorashada Mareykanka

Doorashada hoggaanka xukuumadda mareykanka waxaa go'aamin doona tirada codbixinta ee Electro Colleg-ka oo ah codadka ay leeyihiin gobolada mareykanka, iyadoona musharaxa hella 270 Electro College uu ku guuleysan doono hoggaaminta mareykanka afarta sano ee soo socota.Waxaana Electro College walba uu ku sargo'an yahay tirada guud ee dadka ku nool gobol walba.

Doorashadani kaliya maahan mid loogu tartamayo madaxtinimada Dalka ee sidoo kalena waxaa lagu tartamayaa 11 guddoomiye gobol. Saddex meelood meel kamida tirada guud ee aqalka odayaasha iyo sidoo kale guud ahaanba 435 kursi ee aqalka wakiilada.

Jamhuuriga ayaa u hanqal taagaya iney weli sii haystaan awoodda aqalka, halka Dimuquraadigu ay quud dareynayaan iney caynaanka u qabtaan aqalka odayaasha si ay u koontaroolaan awoodda aqalkaasi.

Himilooyinka Labada Musharax

Madaxweyne Obama waxa uu ku doodayaa in mareykanku hadii ay mar kale doortaan uu suurta gelin karo in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii mareykanka looga soo weecin lahaa natiijada dhaqaale xumo, dagaalada, iyo shaqo la'aanta  dalka saameysay loona abuuri lahaa guul gaarid muuqata, oo suurta gal ka dhigta in dabaqada dhexe ay sare u kac sameeyaan, waxaana uu aaminsan yahay in hadii qof waliba uu fursad u hello shaqo iyo mushaar fiican, uu kobac fiican sameyn karo dhaqaalaha dalka, isagoona aaminsan inuu yahay halyeey wax badan ka qabtay dhibaatadii dhaqaale xumo, khatartii kooxda alqaacidda, xiriirka mareykanku uu la leeyahay Dalalka caalamka iyo sidoo kale fursad siinta ceymiska caafimaadka ee muwaadiniinta Mareykanka.

Mushraxa Jamhuuriga Mitt. Romney waxa uu ku doodayaa in mareykanku uu yahay Dal lagu ilaaliyo xoriyadda loona dagaallamo, iyadoono uu aaminsan yahay in ruux waliba oo mareykana uu ku naaloonayo himilo wanaagssan balse uu isagu hayo qorshe wax looga qaban karo fashilka dhaqaalle iyo tan siyaasadeed ee xisbiga dimuquraadiga  iyo madaxweyne Obama, waxa uu ku doodayaa inuu qaadi karo tilaabooyin muuqda oo lagu kobcinayo awooda dhaqaalalaha, tan ammaanka iyo tan siyaasadda arimaha dibedda ee mareykanka, waxa uu Romney ku adkeysanayaa inuu hayo qorshe saldhigiisu yahay isbadel dhab ah iyo ikhtiyaar xaqiiqi ah oo mareykanka Badbaado u noqon kara.

Doorka Soomaalida Mareykanka

Soomaali aad u farabadan oo gaareysa kumanaan ayaa ku nool dalka mareykanka kuwaasi oo ay qaarkooda nasiib u hellaan iney kamid noqdaan dadka codeynaya, balse si rasmiya looma hayo tirada rasmiga ah ee ka qeyb galeysa codbixinta mareykanka.

Waxaa la filayaa in tirada ugu badan ay codkooda ka dhiibtaan magaalooyinka mataanaha ah ee St. Paul iyo Minneapolis ee gobolka Minnesota oo isagu leh 10 Electro College, waxaana uu kamid yahay gobolada banaanka u yaalla xisbiga dimuquraadiga ee uu matalayo madaxweyne Obama.

Goobjoogayaal ku sugan gobolada ay Soomaalidu deggan tahay ayaa sheegaya in Soomaalidu ay si wanaagsan ugu soo baxday goobaha codbixinta si ay codkooda u dhiibtaan, balse weli ma cadda inta u gaarsiisan tahay tirada Soomaalida ah ee codkooda dhiibanaya.

Goobaha codbixinta ee magaalooyinka St.Paul, Minneapolis, Rochester, St. Cloud oo katirsan gobolka Minnesota ayaa kamida goobaha sida aadka ah loogu arkayay Soomaalida codeynaysa, iyadoo sidoo kale magaalada Columbus ee gobolka Ohio ay Soomaali farabadan usoo baxday iney ka qeyb qaadato cod bixinta.

Gobolka Ohio oo kamida gobolada isbadbedala waxa uu kamid yahay goobaha ay Soomaali farabadan codkooda ka dhiibaneyso, waxaana goobaha codbixinta ka shaqeynaya Soomaali aad u farabadan kuwaasi oo door muuqda ka ciyaari kara doorashada Mareykanka, waxa uu Gobolku leeyahay 18 Electro College, waana gobol lafdhabar u noqonaya hoggaamiyaha raba inuu ku guuleysto hoggaanka Dalka.

Magaalada Sandiego waxaa ku nool Soomaali farabadan waxayna ka tirsan tahay Gobolka cod hodanka ah leh ee California oo heysta 55 Electro College, waxaana uu Gobolku ka mid yahay gobolada ay ku xisaabtamayaan xisbiga Dimuquraadiga.

Ma muuqata door aad u wanaagsan amaba lagu gorgortami karo oo ay Soomaalidu weli ku leedahay doorashada mareykanka, maxaa yeelay cidina si rasmiya uma garan karto tirada guud ee mareykanka ku nool iyo sidoo kale lambarka Soomaalida heysta dhalashada wadankaasi oo qeyb ka noqon kara codbixinta Dalkaasi, iyadoo sidoo kalena uu jiro in Soomaali farabadan ay heystaan degnanaasho kaliya oo aanay heysan dhalashada wadankaas.

Dhinaca kale meelaha ay Soomaalidu ku sugan tahay ayaa waxaa kamida magaalada Atlanta ee Gobolka Georgia oo leh ilaa iyo 16 Electro College, Seattle oo ka tirsan Gobolka Washington oo leh 12 Electro College iyadoo sidoo kalena ay jiraan tirooyin yaryar oo ku kala firirsan gobolada Virginia, Iowa, Texas, Nebraska, Illinois, Newyork, Massachusetts, Michigan, Missouri, Kentucky, Maine, Indiana iyo Pennsylvania, hase ahaatee waxaa muuqata inaan weli la gaarin xiligii ay Soomaalida mareykanka ah ay ogaan lahaayeen awoodda codkooda si ay markaasi ugu gorgortamaan amaba ay si dadban Dalkooda ugaga faa'iideeyaan.


W/Q Cabdiqafaar Axmed Shire
Saxafi Deggan Dalka Kenya
[email protected]



 





Click here