4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Cadaaladda Xilliga Kala Guurka

Qore: Maxamed Cali Carkow
Saturday, July 28, 2012

Sida muuqata in maamul dowladeed oo meel ku gaar ah loo beddelo mid rasmi ah ma qaadaneyso muddo dheer. Waxa waqti dheer u baahan waa ka-soo kabashada halaaggii nafeed, burburkii hantiyeed, dhaawicii dhimir-nafsiyeed iyo hoos u dhicii qiyem-qab ee ku dhacay muwaadinka Soomaaliyeed. Arrinta kale oo dhibta badan in laga gudbo waa sida muwaadinku uga aamin baxay caddaalad iyo sinnaan laga helikaro dowlad Soomaaliyeed. Shirarkii faraha badnaa ee loo qabtey arrimaha Soomaaliya waxaa saldhig u ahaa dib-u-heshiin nuxurkeedu yahay in jagooyinka sare ee qaranka ay qeybsadaan dad wakiil ka ah beelihii dagaallamay. Mar kaste waxaa meesha ka maqnaa su’aalaha ah (1) Maxaa qarankii dumiyey? (2) Maxaa khaldamay? Su’aal la’aan waxay dhashay jawaab la’aan iyo ayadoo ayna jirin istaraatijiad qaran oo ka hortegeysa in wixii horey u dhacay ay soo noqdaan.

Bulsho halaag dagaal ka soo baxdey waxay u baahantahay in la baanto. Haddii qofku u bahanyahay nasiino iyo nafaqo, bulshadu waxey u baahantahay nidaam caddaaladeed oo ay dadku u arki-karaan mid la aaminikaro. Inta anan u gudbin abuuritaanka nindaam caddaladeed oo muwaadinka Soomaaliyeed ku kalsoonaan-karo, bal dulmar an ku sameeyo sida dalalka South Africa, Rwanda iyo Sierra Leone u hirgaliyeen caddaaladda xilliga kala-guurka (Transitional Justice) ama geedi-socadka nabadda.

SOUTH AFICA

1995-tii waxaa South Africa laga abuurey Guddiga Runta iyo Dib-u-heshinsiinta (Truth and Reconciliation Commission). Guddiga waxaa loo xilsaarey inuu baaro ku-xadgudubkii xagga bani-adanimo oo ka dhacay dalka sanadihii 1960-1994. Kuwii galay dambiyada waxaa loo fidiyey cafis haddii ay sheegaan runta ayagoo an waxba qarin. Ujeedada Guddigu waxay ahayd in qofka dambiga galay uu muujiyo shallayti iyo inuu ka xunyahay waxaa uu sameeyey. Dhinaca kale, dhibanaha dambiga laga galay wuxuu cafinayaa dambiilaha. Guddiga TRC (Truth and Reconciliation Commission) waxaa madax u ahaa baadariga (Anglican bishop) Desmond Tutu kaasoo iscafiska ku saleeyey aragtida diinta. Dhinaca kale, Guddigu wuxuu cuskadey xikamada dhaqanka Xhosa (Kosa) ee loo yaqaanUBUNTU. Khosa waa beel ku nool Koonfur iyo koonfur-bari ee qaaradda Africa. Afka Khosa wuxuu ka mid yahay afafka rasmiga ah ee South Africa. Beesha Tembu ee uu ka dhashay Nelson Mandela waxay ku hadashaa afka Khosa. Waxaa jira oraah ku saleysaan xigmada Ubuntu oo dhahaysa “Umuntu ngumuntu ngabanye bantu”, taasoo macnaheedu yahay “dad waxey dad ku yihiin dad”. Haddii la-sii faahfaahiyo “waxa qofka ku dhaca waa wax bulshada ku dhacay”. Qofku wuxuu oran-karaa “Anigu waan ahay waayo annagu waa nahay, mar haddaan nahay, sidaas darteed anigu waan ahay” (fasiiraada Graybill L. Iyo Lanegran K. African Studies Quarterly, 2004). Markaad si qoto-dheer u fiiriso xigmada Ubuntu, waxaa isku milmey oo isku mid noqdey qofka iyo bulshada taasoo xoojineysa awoodda is-cafiska. 7000 kun oo qof ayaa codsadey in cafis loo fidiyo. Guddigu wuxuu cafis u fidiyey 1000 (Kun) qof kuwaasoo loo aqoonsadey in ay galeen dembiyo la xiriira siyaasdda iyo midab-takoorka.

RWANDA

Bishii ‘April’ 1994, waxaa Rwanda lagu xasuuqey dad dhan 800,000 (sided boqol oo kun) oo ka tirsan beesha Tutsi. Xasuuqaas waxaa geystey gacan ku-dhiiglayaal ka tirsan beesha Hutus. Falkaas waxaa lagu fuliyey 100 maalmood gudohood. Waxaa cirib-tirkaas lagu tilmaamey xasuuqii ugu dhaqso badnaa taariikhda qoran. Waxaa xasuuqii joojiyey dalkana qabsadey jabhaddii Tutsiga (Rwanda Patriotic Front). Meesha South Africa ay hirgelisey caddaalad ku saleysan is-cafis, Rwanda waxay ka codsatey UN-ka in gacan laga siiyo dhisidda maxkamad lagu ciqaabo dadkii geystey xasuuqa. Taasu waxey keentey in UN-ku oggolaato sameynta maxkamad lagu magacaabey ‘International Criminal Tribunal for Rwanda (ICTR). Dowladda Rwanda waxey xabisyada geysey dad dhan 100,000 (boqol Kun). Isla markiiba waxaa caddaatey in maxkamadda ICTR ayna haysan dhqaale iyo waqti ay ku xukunto dad ka badan 100. 1999-kii Rwanda waxey xaqiiqsatey in ay haboontahay in la ciqaabo dadkii abaabuley xasuuqa isla markaasna cafis loo fidiyo dadka xiran intooda badan ayadoo la caskunayo dhaqanka soo-jireenka ah ee loo yaqaan‘GACACA’. Sanadkii 2001-dii waxaa Rwanda ka furmey 11,000 maxkamadood oo ku saleysan caddaalad-bulshadeedka ‘GACACA’ kuwaasoo la hor-keeney dad ka badan 60,000. Xukunka Gacaca wuxuu farayaa dambiilaha inuu qirto dambiga ka dibna muujiyo siduu uga xunyahay dhibta uu geystey. Ciqaabta lagu xukumay dambiilayaasha waxaa ka mid ahaa xabsi muddo yar, mag-dhow la siiyo dhibanaha iyo hawlo adeeg ee dambiiluhu u qabto bulshada.

SIERRA LEONE

Dagaalkii Sierra Leone waxaa ku dhintey 50,000-75,000 oo qof isla markaana waxaa ka qaxay guryohoodii dad gaaraya labo milyan. Dad aad u fara badan ayaa waxaa lagu sameeyey ku xad-gudub xagga jirka sida gacmo goyin iyo kufsi. Sanadkii 2002-dii waxaa la dhisey Guddiga Runta iyo Dib-u-heshinsiinta, Sierra Leone Truth and Reconciliation Commission (SLTRC). Guddiga waxaa loo xilsaare:

1) Diwaan-galin xaq ah xad-gudubkii ka dhacay dalka sanadihii 1991 illaa 1999.

2) Daraasadda iyo diwaan-galinta wixii sababay (root causes) dagaalka.

Guddiga SLTRC waxaa laga feer-abuurey Maxkamad Gaar ah oo UN-ku maal-galisey (UN-funded Special Court) taasoo awood loo siiyey in ay ciqaabto dadkii galay dambiyada. Meesha guddiga South Africa u lahaa awood wax cafis, midka Sierra Leone ma lahayn awooddaas. Taas waxey keentey in ay dad badan ka gaabsadaan in ay runta u sheegaan Guddiga ayagoo ka baqay in markii ay runta sheegaan la hor-geeyo Maxkamadda Gaarka ah. Ka dib markii Xeer-ilaaliyah Maxkamadda Gaarka ah caddeeyey in an Maxkamaddu isticmaaleyn wixii qofku ka hor-sheego Guddiga SLTRC, ayaa dad badan bilaaben in ay runta u sheegaan Guddiga. Dadkii hor-yimid guddiga, 13% ayaa ahaa kuwii dambyada galay. Daka intiisa badan waxey ahaayeen kwii dhibaatada loo geystey. Ugu dambeystii waxaa laga fursan waayey in la ciqaabo hoggaamiyaashii abaabuley ku xad-gudubka dadka isla markaana la cafiyo kwii faraha badnaa oo ahaa askarta lugta (foot soldiers).

SOOMALI MAXAA TALO U AH?

Sida keli ah oo lagu helikaro nabad waarta waa ayadoo dhammaan dadka Soomaaliyeed (beel kaste iyo gobol kaste) helaan islaa markaasna rumeystaan in ay dalka ka jirto caddaalad iyo sinnaan. Si loo dhiso qaran ku taagan tiirarka caddaaladda iyo sinnaanta, waa lagama maarmaan in la darso isla markaasna la diiwaan-galiyo wixii keeney burburka iyo dagaalka sokeeye. Daraasaddaas waxaa sameynkara guddi ama gole ka kooban dad la aaminikaro oo leh tayo iyo baaxad ay ku gudan-karaan hawsha loo xilsaarey. Markuu guddigu , si xaq ah, u uruuriyo una diwaan-galiyo wixii dhacay waa inuu mideeyaRunta. Haddii beelaha Soomaaliyeed la weydiyo sababta burburka, beel kaste waxey bixin jawaab ku dhisanRunbeeleed. Guddiga la qabto waa inuu diwaan-galiyo Run-beeleedyada isla markaasna ka-soo saaroRunguud oo lagu wada qanco. Sidaan horey u xusey, waxa muhiimka ah ma aha jiritaanka caddaalad oo keli ah; waxaa kale oo muhiim ah in dadweynaha deggen gobolloda oo dhan ay rumeysan-yihiin in ay caddaalad jirto. Xataa haddii ay caddaalad jirto hasa yeeshee beelaha iyo gobollada qaar rumeysan yihiin in ay dulma-yihiin, nidaamka la dhiso ma noqon-karo mid keena hor-u-mar iyo nabad waarta. Waxyaalaha ka dhashey burburka waxaa ka mid ah aamin-darro. Waxaa dhib badan in muwaadinka Soomaaliyedd aamino inuu caddaalad ka heli-karo hay’ad qaran oo u madax u yahay qof ka tirsan beel an beeshiisa ahayn. Si loo-soo celiyo is-aaminaaddii dhuntey, WAXAAN TALO AHAAN U SOO JEEDINAYAA IN INTA GALA-GUURKA LAGU JIRO (10-20 sano) MAXKAMADDA SARE IYO HANTI-DHOURKA GUUD MADAX LOOGA DHIGO DAD AJNABI AH. Dadkaas ajnabiga ah waxey noqonayaan labo qof oo an ku xulanno tayo isla markaasna mushaarkooda ay bixiso Somalia. Taasu waxey meesha ka saareysa welwelka kala sarreynta iyo tuhunka hanti boobka.


Maxamed Cali Carkow
[email protected]



 





Click here