4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Siyaasad Cusub: Wuxuu Riyaalle garan waayey buu Faysal Gartay
Cali Cabdi Fidhin
Saturday, July 28, 2012

Waayaha siyaasada inta badan waxaa ku dhaca is badel faro badan. Qofka garta kolba wacyiga siyaasadeed ee uu ku jiro ayaa ka aragti dheeraadda kuwa kale ee ay siyaasadda ku wadda jiraan. Maanta waxaan halkan hanbalyo balaadhan uga soo jeedinayaa is bedelka uu ku keenay xisbigiisa Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.
Faysal taariikhda Somaliland mar bay geed sharaf leh ku xardhi doontaa waayahii uu Somaliland la soo maray iyo isagoo gartay inuu xisbigiisii badbaadiyo oo musharaxnimadii madaxweynenimo uga tanaasulo Aqoonyahanka weyn ee Jamaal Cali Xuseen oo runtii siyaasadiisa cusubi ay durbaba waddankii gil-gishay dadkiina tusay inuu jiro waji cusub oo ka duwan siyaasiyiintii hore ee (do nothing politicianska ahaa). Xisbigii UCID (ama new UCID) waxa uu durbaba safka hore ka galay saddexda xisbi ee ay dadku saadaalinayaan in ay u soo bixi doonaan xisbi qarano doorashada golaha deegaanka ka dib. Siyaasadaasi waxaa sharafteeda iyo milgaheeda iska leh mudane Faysal Cali Waraabe oo ay maanta muuqatay inuu ka aragti dheeryahay kii aynu hore jagadda madaxweynenimo hore ugu dooranay ee DaahirRiyaale Kaahin.
 
Daahir maanta isaga keligii ayaa dhex fadhiya xisbigii laxaadka lahaa ee UDUB ee uu ka dhaxlay IHUN Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Daahir weli wuxuu dhegaystay afartii wasiir iyo kuwii ummadda cunay ee isaga xukunka ka riday maantana wuxuu taariikhda ku gelayaa ninkii burburiyey xisbiga UDUB ee uu qoorta iskaga duubay markuu ku soo caano maalay. Maanta way cadaatay inuu Riyaalle rabay inuu Jamaal lacag ka qaado, laakiin markuu Jamaal diiday ee uu xisbigii uga baxayba inuu iska baaba'ayo xisbigii laxaadka lahaa ee UDUB. Maanta Jamaal iyo Cabdirashiid ayaa Riyaalle kaga xoog weyn gobolka Awdal, waxaana markhaati ka ahaa xafladdii loo sameeyay waftigii uu Jamaal hogaaminaayey ee Boorama booqday laba todobaad ka hor.
 
Magaaladda Hargeysa iyo waddankoo dhan dadku waxay hadal hayaan siyaasada cusub ee uu xisbiga UCID uu waddo; iyo wajiyada ku cusub siyaasadda ee musharaxa iyo musharax ku xigeenka xisbigaasi ee Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan oo labaduba ah niman iyagoo nolol raaxo leh oo shaqooyin waaweeyn ka hayey caalamka ayaa imika diyaar u ah inay waddanka wax ka badalaan.
 
Waa aqoonyahano waaya aragnimo shaqo oo caalami ah leh. Somaliland waxaan leeyahay inta mid shaqo doon ah aad madaxweyne ka dhiganaysaan, niman iyagu caalamka meel sare ka gaadhay maanta ayaad fursad u hesheen ee ka faa'iidaysta. Niman la soo arkay waxay ummadda u qaban karaan wakhtiga yaan layskaga luminin. Waanay dhamaatay hebelbaa halyeey ahaa oo imika la siinayaa ee hebel muxuu ku soo kordhin karaa imika Somaliland iyo muxuu ka soo qabtay shaqooyinkii uu waddanka iyo caalamkaba ka soo qabtay ayaa la rabaa.
 
Waa xilligii dad caalamku siduu u shaqeeyo yaqaan aynu u dooran lahayn jagooyinka ugu sareeya , iyo weliba dad ummadda waxeeda yar u ilaaliya oo musuqmaasuqa joojiya, imikana new UCID ayaa safka hore ka ah; waadna aragtaan musharaxiinta golaha deegaanka ee durbaba ku soo qulqulaysa ee ay saaxada soo dhigayaan. Goob walba UCID baa laga hadal hayaaye isagoon 2 weeks jirinba Guul iyo gobanimo. Faysal wuxuu gartay inuu dhamaaday xilligii siyaasiyiintii hore maanatana wuxuu u ogalaaday inay iyagu is sharaxaan oo uu isagu oday u noqdo sidaasuuna taariikhda ku galay, markuu xisbigiisii soo saaro, halka uu isagu Riyaalle intaasi garan waayey.
 
Cali Cabdi Fidhin
[email protected]


 





Click here