4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
DOOD QARAN

Qore: Cabdulqaadir Aaden Maxamed "Jangeli"
Sunday, July 01, 2012

Akhriste qaab qoraalkaan waxuu u sameysanyahay sidii riwaayad haseyeeshee wuxu ku saleysanyahay dood qaran oo muujineysa xaaladdaa Soomaaliya, wuxuuna ka koobanyahy qyebo taxane ah oo labo ama saddex bog ku soo baxaya marwalba. Magacyada aad halkaan ka akhriyidoontid qaarkood waa sarbeeb ka soo jeeda magac qof jira.

DIIRIYE HINGO:Waa laguu yaqaan! Ilaahayna waa ibaray in aan siyaasiyiinta Soomaalida maantay garto ujeedooyinkooda iyo nuxurka siyaasaddooda.

TIMIRO:Bal soo daah walaalkeen Sahal-na ha maqlo khaanaddu gelaayee.

DIIRYE HINGO:Saan horey kugu sheegay qeybta ugu badani raggaani waxay u socdaan:KU QABSO KU QADIMEYSIDAoo awal guryaha, dhulalka iyo wixii hanti-ah oo la kala boobay bay ku koobneyd, si fiicanna dad wax uga heleen balse way soo yaraatay oo dhammaad bay ku dhowdahay hanti ku qabsashadii. Markaasa rag badan oo lixaad-koodu kasoo jeedo Qurba-joogta badankoodana is-buufis qabaan, gabayna carrutoodii ayaa odorosay in ay wax ka dhigi karto baahida Soomaalidu u qabato madax hoggaamisa oo madax-dhaqmmedka iyo reeraha ay ka soo jeedaan Madaxweyne ka dhigikaraan. Haddi taas la-waayena ra’y-isul-wasaare, haddi lawaayana wasiisr ama xildhibaan. Marka intaas oo dhan la waayo tuulada qabiilku ama reeruhu degganyihiin ayey inta xaarxaartaan dowlad goboleed ku magacaaban ayaguna madaxweyne isagu yeeraan.

TIMIRO:oo walaalow, horta maxay madaxweyne isugu bixiyaan nimankaan gobolada heystaa?

DIIRYE HINGO:Timiro ma-kuu-dhabba! Ragga Soomaalida waxaa ku filnaanwaayey magacyadoodii. Anigu musiibadaani meel ay ka socoto ma’aqaan likiin in doctor, professor, madaxweyne, wasiir, xildhibaan, Generaal ama ugas, islow, garaad, malaaq, boqor iyo wabar midkood loogu yeera mooyaane is-buufis baa ku dhacaaya.

TIMIRO:Marka ma daawey u tahay sheegashada darajadu?

DIIRIYE HINGO:Maxaan kaloo ku fasarikarnaa, nin aan daraja uusan lahayn ama gaarin sheeganaya soo howl waali la xiriirta uma eka.

SAHAL: Waryaah, waxaad tirineysid maad Shariif-na ku dartid, taasiba haatan darajooyinkay ka midtahay.

DIIRIYE HINGO:Waa runtaa oo Sheikh iyo Shariif-ba waa ku jiraan magac lamaansika darajo ee waayahaan socday. Beri hore Xaaji-baa la jeclaanjiray lakiin haatan waa laga tegay oo kuwaan baa casri ah.

TIMIRO:Allaah! Warheedhaha ma waxaad ileedihiin shariifyadaan madaxdaahi way laba labaysteen oo Shariif iyo madaxdweyne iyo Shariif iyo ra’isul barlamaankii bay isku darsadeen?

DIIRIYE HINGO:Haddas hee! Madweynuhu saddex-buba isku darsaday: Shariif, Sheykh iyo Madaxweyne.

TIMIRO:Oo walaalow asagu qurbo-joog-na ma ahayne xagge is-buufisku uga dhacay?

DIIRIYE HINGO:Waa wareey! Timiro qurba-joogta waa la’iskaleeyahay gude-joogta ayaa isbuufiku ku badanyahay. Qurba-joogto waaba is-daaweyn-karaan oo dhakhaatiir farsamada is-buufiska taqaan ayey haystaan ee ragga jabay waa kuwa gudaha.

TIMIRO:Oo seebay ku barteen dhakhaatiirta qurba-joogta daweysaa Mingiska sida lootumo?

DIIRIYE HINGO:kkkkk Allow nimaan warqabin ha cadaabin! Timiro gaaladaa naga is-buufis badan. Boqolkiiba toddobaatan iyo saddex baa gaalada is-buufis qabta, laakiin waa isuku garaabaan waana isdaaweeyaan ee dadka kulama meereystaan dhibtooda, dowladaha deriskana kuma wareeriyaan darajaan doonayaaya ee dalka iyo dadkiisaba hala ii xakameeyo.

TIIMIRO:Diiriye, taas gartaye, aan ku noqonno: ku qabso ku qadi meyside.Guriyaha iyo dhulka dadku xooley ka helaan oo waan garanay ee maxaa madaxweyne ay ogyihiin in aysan noqoneyn kharaj badan ugu bixiyaan sida tigidhada dayuuradaha, hudheelada iyo xafladaha aan“youtube-ka” ku aragno?

DIIRIYE HINGO: Timiro, Mays-yelyeelaysaa! Ninna kharaj aan waxba laga helayn ma gelaayo. Marka aad is-sharaxdid waxaa suurowda in laba ama saddex xildhibaan oo qoyskaahi kuu codeeyaan, dabadeedna aad kula gorgoranto labada qof oo wareega ugu dambeeya ugu xildhibaano badan.

TIMIRO:Oo ma lacag baay siisanayaa xildhibaanadaas codkooda?

DIIRIYE HINGO:Maya, Maya lacag waa sahal ee marka hore waxay ku gorgortamyaan ra’iisul wasaare ama ku-xigeen ama wasiirka maaliyadda markii intaas la waayena laga ballanqaado in Furda (dekadda) looga dhigo Maareeyaha guud.

SAHAL:War dhammee waxaad sheegaysid maantay oo dhan meesha ha ka nac-nacleyne.

DIIRYE HINGO:Waa warey! Ma xanaaqday Sahal? Ma khaanaddaadii-baan soogalay oo aad iska dhax-aragtay? Waan maleynayey in aad igu soo boodidoontid, heseyeeshee aan dhameystiro saddexdii Timiro iga codsatay in aan u jilciyo ee daqiiqad raali-ahow.

TIMIRO:Maxay ahaayeen kuwii kale waaba kale iloobaye?

DIIRIYE HINGO:Anaan iloobine, ee Timiro, qeybta labaad ee madaxweynanimada Soomaaliya u ordaysa waa:DHERGAA WAALAN DHEDHENSHAN KA DARAN.Soo ma arag magacyada murashaxiinta madaxweynaha? Inaa lilaahi wa inaa Ilaahi raajacuun, Dr. Fanax ayaa Soomaali hor-imaanaya oo doorasho ka doonaya waligay miskaxdeydu ma keenteen arrintaas in aan goobjoog ka noqon-doono. Reer Xamarku way ku maah-maahaan : Cimrigii dheeraadaa geel dhalaayana waa ku tusaa. Meeshu ka dhuuman lahaa indho adeygiisa intu isa soo bandhigay yuu yiri madaxweyne ha la ii doorto. Waliba dowlado shisheeye oo dhowr ah ayaa iga dambeye ee ha la ogaado yuu ku bishay baaqiisii musharanimo.

TIMIRO:Waalida Dr. Fanax garaney yaa kala?

DIIRRIYE HINGO:Timiro, iska daah kuwii maalin madax noqday ee kuwii aan noqon ee loogu yeeray ama horray u haweystay in ay madax noqdaan ayaa madaxweyne u wada ordaaya maantay. Listka miyaadan arag!?

TIMIRO:Maya, ma-arage yaa kamida?

DIIRIYE HINGOI:Ma kuu dhabba, cid-bba kama maqna! Ka soo bilawo Hassan, Caddow, Maslax uguna dambaysii Sharrif, Abduweli ,Sharrif iyo intii u dhexsay Gacmow, farmajow Geedi xiirow iyo kuwo la yiri damacu horuu ugalay lamese wada- yaqaan.

TIIMIRO: Allahu akbar! Tanaa la leeyahay ha toosto. Walaalow ma waxay horey u qaban waayeen miyey hadda qabnayaa?

DIIRIYE HINGO: Oo yaa yiri wax qabad baa loo jeedaa? Waa dhedhenshaa waalan dhergaana ka darane. Yaa wax qabad raadinaaya!?

SAHAL:War sheeg qolada saddexaad aan meesha ka tagnee, howlbaa na sugeysaa.

TIMIRO:Maxay tahay howsha ku sugeysaa Ingriskaad-ba ka-timidee, ma carradaan baad howlgal u timid? War ninku warka hanoo fahfaahiyee noo dah dumaashiyow.

SAHAL:Timiro, ninna howl-laan carrada uma marayee, ii dhaqasada ama waan idin ka tegaayaa.

DIIRIYE HINGO:Aan sheego qyebtii saddexaad inta uusan na carron oo naga teggin Sahal. Qaybtaani saddexaad waa qyebta ARGTIDA DHEER LEH OO ISBADAL RAADINEYSA.Waa dad aan shaqo raadineyn meheradana haysta oo raaxa ugu nool wadamada ay degganyihiin, lakiin uu adkeysan waayey dhibtada soomaaliya ka haysata dhinaca hogaanka Siyaasadda oo amuurta Sooomaliya ay ka quruntay.

SAHAL:Bal wuxuu noogu sheekaynayo! Ragga dibadda ku raaxaysanya waa kuwama? War raaxo Soomaaliyeey taalaa, war la’aan baa ku-haysee iska aamus! Raaxo dibadda ma taal oo Wallahi waxaad sheegaysay iyo wax ka daran baa ragga debadda haysata.

TIMIRO: laa-Ilaaha Illallahu Muxammadu Rasulu-Allah, war maxay-tahay raxaada taalaa Soomaaliya . Soomaalida addunkii laga takooray oo dadkeedii xeryaha qaxootiga ugu waaweyn addunyada ka buuxaan, oo carrurtii ku dhalatay kuway dhaleen in ay wax sii dhalan ku dhawyihiin baad leedaxay raaxaa taal. Ummad aan labatan iyo saddex sano saansaan dowladnimoba arag, yaad maaantay tiri raaxaa dalkooda taal. 

DIIRIYE HINGO:Wakkaas raggeddi! Dayuurada ku fuulka deeqda maata soomaalida addunku u soodiray ayay raaxo moodayaan. Awl baa layirilibaax nimaan aqaan baa lax ka rita.Raggani maba oga umana muuqto culayska musuuliyadda saaran ama ay-doonayaan oo shirarka iyo xafladaha isgu soo bandhigayaan.

TIMIRO:Igaddaa ninkaan warkiise, ii sheeg ragaas isbadal doonka ah, yaa ka mida ah?

Waxaa dabasocota qyebtii saddexaad oo Jamcaha Lulyo 6deed soo baxidoonta.

[email protected]


Cabdulqaadir Aaden Mohamuud “Jangeli”
[email protected]

 



 





Click here