4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Dowladda xalaal ah ma dhalan doontaa August 20keeda

By: Sh. Xasan Jaamici,          
Monday, August 06, 2012 
 
Soomaaliya xanuun badan baa haya wayna foolanaysaa .  Waxaana la filayaa inay dhali doonto August 20, 2012 sida ay dhaqaatiirta qaar ka mid ah ay sheegeen.  In kastoo aan shakhsiyan u arka uurkan ay Soomaaliya qaaday uu qasab ka sameysmay.  Soomaalida badankeeda waxay walaac ka qabaan sida uu u ekaan doono iyo ciduu raaci doona waxa dhalan doona August 20, 2012 in saa Allah.

Waxaan ula jeedaa Soomaalida badankeeda waxay walaac ka muujiyeen xulushada baarlamaanka iyo ka madaxweynaha inay wax xalaal ah ay ka soo baxayaan iyo in kale.  Ereyga xulasho (selection) ayaan isticmaali doonaa meesha aan ka dhihi lahaa doorasho (election).  Waayo isticmaalka ereyga doorasho (election) waa marin habaabin dhanka shacabka iyo kuwa sharaxan.  Shacabkana waxay moodayaan inay wax doorteen.  Ka sharaxan wuxuu moodayaa in la doortay.  Waxaan aaminsannahay inay Soomaaliya ay doorasha xor iyo caddaalad (free and fair election) ay muddooyinkan dhow adag tahay inay ka dhacdo asbaabo badan oo la wada garanayo darteeda.  Waxaa jira warbixinno isa soo tarayo oo tilmaamayo in laaluush fara badan lagu kala bixinayo kuraasta baarlamaanka iyo ka madaxweynaha.  fadlan akhri warbixintan: http://www.moqokori.net/main/news.php?readmore=1703.
 
Nin aan saaxiib (ahaan jirnay) ayaa Maraykanka ka tegay oo soomaaliya ku laabtay si uu noogu soo sahmiyo haddii waddankii lagu noqon karo oo shaqo xalaal ah aan ka qaban karno si aan u helno miro xalaal ah oo uu shacab nafcado oo kolkaa u dib u soo noolaado si uu u hanto sharafta qarannimo iyo dowladnimo.  Sanad ka dib ayaan la kulmay saaxiibkeygii hore, ka dibna sidan ayaa isku wareysannay:
 
Anniga: " Waa soo qurux badnaatay, maxaa loo lahaa waddanka waa gaajo"
Saaxiibkey hore: " Hawada Soomaaliya ee nadiifka ah iyo raashiinka freshka ah ayaa ugu wacan".
Anniga:  " Warar xiiso badan ayaad heysaa. Ma soo laabannaa si aan dhulkeena hooyo, shacabka iyo dowladda TFG aan u kaalmeeyno?".

Saaxiibkeygii hore: "dadka xaaraamta iska dhowrayo way adag tahay dowladda inay ka dhex shaqeeyaan".
Anniga: "Waxaan u fahmay sunta (xaaraamta) inay wax kaa taabatay".
 
Nin wax akhriya diintaan wax ka yaqaan ayuu ahaa.
 
Saaxiibkeygii hore: "sow tii fiqiga aan ku soo barannay:  haddii labo mafsado ( dhibaatooyin ku soo waajahaan) ku hor yimaadaan ka yar baa la qaataa".
Anniga " Maxaad ula jeeddaa".

Saaxiibkeygii hore: " Xaaraamta wayn si aadan ugu dhicin waa in midda yar aad sameysaa haddii ay lama huraan noqoto".

Anniga: "sow tii Nabiga NNK yiray: Khamrada inteeda yar iyo teeda badan waa wada xaaraam".
Saaxiibkeygii hore: "Markaad dibadda ka joogto dowladda iyo Soomaaliya iyo markaad gudaha soo gasho waa kala labo".

Anniga:  "Ilaahay inaan ka cabsanno  sow ma ahan markaan dibadda iyo gudaha aan joogno".
Saaxiibkeyga: "Soomaaliya Soomaali keligeed ma maamusho sidaa darteeda waxaad ku qasbanaaneysaa mararka qaarkood inaad sameyso wax damiirkaada kuu diidayo laakiin aad maslaxad moodo".
Anniga " Maxaad ula jeeddaa".
Saaxiibkeygii hore: "bixinta iyo qaadashada laaluushka waa qeyb nolosha ka mid ah".
 
Markaasaan ku dhahay ma qasab baa inaad laaluush bixiso?  Wuxuu igu yiray: " Waa qeyb nolosha ka mid ah".
 
Waxaan soo xusuustay maalin nin aan saaxiib nahay oo ka sheekeynaya laaluushka iyo dowladda Yaman ayaa wuxuu u sheegay in shacabka reer Yaman ay u dacwoodeen Madaxweynahooda iyagoo ka cabanayo laaluush ay bixiyaan meel walboo ay tagaan.  Madaxweynihii wuxu igu jawaabay: " sadaqa u niyeysta markaad laaluushka bixineysaan ajar baad ka heleysaan". 
 
Waxaan is weydiiyey Sheekhii ama muftigii madaxweynaha Yaman haddii uu u xalaaleeyey laaluush ka bixinaya ama bixiyaha, kii qaadanayey (laaluush qaate) aaway?  Waayo xadiiska Nabiga NNK wuxuu leeyahay:  Ilaahey ha lacnado (inkaar ha dhacdo) ruuxa laaluushka bixinayo iyo ka qaadanayo".
 
Markaa u kuur galay waxaa Soomaaliya ka socdo ayaa su'aalahan is weydiiyey:
1. Haddii xulushada baarlamaanka iyo madaxweynaha ay ku dhamaato laaluush ma la dhihi karaa nidaam doorasho oo xalaal ah ma dhicin sida darteeda dowlad xalaal ah ma dhalan?
2-Mase la dhihi karaa haddii dowladda xalaal aan ahayn dhalan shacabka kuma qasbana inay dowladda xaaraanta ah raacdo?   Waayo nabiga wuxuu yiray: " qofna ha ku adeecin wax xaaraan ah".
3-Mase la dhihi karaa si nolol asaasi loo helo jiritaan dowlad waa lama huraan ama waa daruuri?
4-Ma la dhihi kartaa kolkaasi waa daruuro in dowladda layska raaco ma haddii ay daruuro timaaday? Waayo Islaamka wuxuu leeyahay: "daruurada waxay baneysaa xaaraanta".  Waa tan baqtiga loo baneeyey ruuxa gaajo u dhimanayo.  Waxaa kaloo jirta qaacido Islaamic ah oo dhahda: "daruurada waa in ay xad lahaataa".
5-Marka waxaa su'aal ah:  Daruurada laaluush bixinta iyo qaadashadeeda haddii daruuro ay qaar u fasirtaan, daruuradu waa la qiimeeyaa oo hal beeg bay leedahay waana la xadidaa  marka su'aasha waxay noqon:
6- Yaa xadidaya daruurada oo hal beeg isticmaalkiisa aqoon u leh?
 
Waxaan aaminsanahay waxa kaliya Soomaaliya u soo celin kara dowladnimadeeda inay tahay inaan la saaxibno xaqa (ku dhaqanka diinta Islaamka) oo si fiican loo fahmay taasoo horseedi karta xoriyad, nabad, barwaaqo  iyo caddaaladda.  Soomaaliya waa inay xor u ahaataa masiirkeeda iyo waxay rabto iyadoo al faragelin.  Si aan loo faragelinna Soomaalida waa inay ay israbtaa oo ay isqaadan kartaa.  Waa inay heshiiyaan oo isu tanaasulaan oo walaaloobaan isna ixtiraamaan si ay adduunka ixtiraam uga helaan.
 
Inta siyaasadda Soomaaliyeed ay qabiil iyo qabyaalad ay dabada ku hayso eex, dulmi iyo musuqmaasuq ma dhamaaneyso.
 
Si loo helo doorasho xalaal ah Soomaali weliba waa inuu la saaxibaa xaqa iyo caddaaladda.
 
Soomaali sax  waxaan noqon kara ka danta guud ka hormariya kan beesho iyo keena khaaska ah, markaa oo keliya ayaan ka hadli karnaa la dagaalanka dulmiga, eexda, musuqmaasuqa iyo laaluushka.
 
Xuluashada baarlamaanka iy madaxweynaha ee August 2012 ma dhali doontaa dowladda xalaal ah?  Haddii ay run noqota laaluushyada lays dhaafsanayaa sow lacnad Ilaahay naguma dhacayso? Haddii lacnad Ilaahay ay timaado nidaam dowladeed oo xalaal ah ma dhalan kartaa?  Somaali waxay ku maahmaaday: Hal xaaraan ah niriga xalaal ah ma dhasho
Sh. Hassan Jaamici is an adjunct professor at Islamic University of Minnesota and William Mitchell College of Law. Sh. Hassan is also Director of Minnesota Dawah Institute. He can be reached at [email protected]



 





Click here