2014-08-20
Today from Hiiraan Online:  _
Filinkii la Qariyay

Qore: Cabdullaahi Janno
Friday, October 07, 2011

 

Qol ayuu hoosta ka soo xirtay.  Magaciisu waa Shiikh Halaage.  Wuxuu ka mid yahay madaxda ururka Habaarane.  Waxa uu shitay kaamiro wax lagu duubo.  Muraayad weyn oo derbiga qolka ugu dhegganeyd ayuu isku eegay, oo hadba garkiisa weyn faraha ku masaxayaa—marna carabka ku findhicilayaa ilkihiisa.  Kaamiradu waa bililiqo.  Oo uu ka soo bililiqeystay mid ka mid ah idaacadaha Soomaalida.  Hayeeshee isagu xoolaha uu bililiqeysto wuxuu u yaqaannaa “qaniimo” oo waa u xalaal. 

 

Gabyaa u kuur-galay qiyaannada ninkan oo kale iyo anshax-xumadiisa ayaa la helay magaca caanka baxay ee “mooryaan-garreey.”  Caalim Soomaaliyeedna waxa uu carrabaabay inay soo baxeen qolo markii wax ay bililiqeystaan waayay u soo jeestay bililiqeysiga Diinta Islaamka—oo dadkii ka cilmi iyo caqli badnaaba ku gacan-seeray.  Wuxuu Sheekh Halaage u soo jeestay kaamiradii oo sidii inuu ka xishoonayo kaamirada ayuu dhoolla-caddeys ku jiiday.  Wuxuu riixay meeshii laga shidayay kaamirada.  Oo inuu filin iska duubo billaabay.

 

“Jeclaan lahaayaa in la iga qaado wareysi,” ayuu hadal ku billaabay.

 

Il-biriqsiyo ayuu aamusnaa.  Oo dhankii iridda iska eegay sidii qof tuhunsan in la dhageysanayo.

 

“Jeclaan lahaayaa in carabka la igu hayo,” ayuu misana yiri, “waa kaa Shiikhunaa Cusaama nolol iyo geeriba—istaqfirullaahi—yaan la i maqlin Sheekhu ma geeriyoone wuu shahiiday.  Soomaalidaan xaasidiin waaye, libta iyo geesinnimada iima oggola.  Bal eeg sida ay ummadaha kale ugu jidboodaan markii la soo hadal-qaado Sheekhunaa Cusaama.  Aniga oo Soomaalida ka celiyay salliibiyiintii Itoobiya iyo kuwa hadda joogaba la iima oggola inaan hoggaamiyo, oo amiir u noqdo.”

 

Sheekh Halaage inta u orday dhankii iridda ayuu derbiga dhegta saaray cabsi darteed.  Misana wuxuu ku soo jeestay kaamiradii.  Oo garkana faraha ku masaxay.

 

“Ama xaasid igu noqo,” ayuu hadal ku billaabay, “ama xabbad ii soo qaado—qawlkeygu waa Aayaddii Allaah ee oraneysay ‘Qul muwtuw biqaydikum’—oo macnaheedu ahaa ‘U dhinta caradiinna’.  Haa, ‘U dhinta caradiinna’ xaasidiinyahey.  Maxaad ka taqaanaan jihaad?  Maxaad ka taqaanaan mujaahid?  Maxaad ka taqaanaan Islaam?  Waa iga su’aalee miyaad i taqaanaan?  Maxaadse igu taqaanaan?  Yaqiinse ma u leedahay aqoonta aad ii leedahay in ay tahay mid ka run-sheegaysa cidda aan ahay?  Horta aan iskaa baro, haddii aad su’aal i weyddiisidna murtad baad noqoneysaa—oo dhiiggaagaa xalaal ii noqonaya.  I dhageyso.  Waxna ha i weyddiin.  Ruuxii su’aasha igu badiyana waxaa leefaysa seeftii caddaaladda ee Islaamka.  Hadalkaygu waa Aayad Quraan iyo Xaddiis saxiix ah.  Mujaahid ayaan ahay.  Har iyo habeen waxaan u soo jeedaa difaaca Diinta Islaamka iyo la dagaalanka murtaddiinta iyo salliibiyiinta.  Shicibka dhimanayana waa yeelkadood, maadaama ay diideen inay jihaadka ku soo biiraan.

 

“Horta waxaa ciil igu dilay kuwa markii ay sawirkeyga ka arkaan internetyada wax iga sheega, oo indhaheyga guduudkooda wax ka sheega, oo i yiraahda indhihiisa waxaa ka muuqda dhiigga Muslimka.  Wallaahi ikhwaaniiy haakadaa al-fusuwq wal-buhtaan.  Haddii ay Soomaali ogaan laheyd sababka ay indhaheygu la guduuteen….laakiin iga daa isma sheegsheegayee oo Qawlkii Allaah ayaa ahaa ‘Falaa tuzakkuw anfusakum’—oo tafsiirkeedu yahay ‘Naftiinna ha ammaanina’.  Bal sug…haa, inaan is faansho ma doonayo, laakiin haddii aan ku siiyo sirta ay indhaheygu la guduuteen waa dhafarka aan habeenkii u soo jeedo sidii aan ifka uga ciribtiri lahaa Soomaali walba oo aan ku tuhmayo inuu caqli iyo karti leeyahay—oo kaaga daranee misana cilmi ku darsaday.  Waxaa ciil iga qabto qof Allaah ugu nicmeeyay caqli iyo cilmi oo misana jihaadka ka soo horjeedo—oo tacliin tacliin iyo ganacsi ganacsi iyo nolol qayaali ah isaga jiro.  Wallaahi, suma wallaahi, waa la idin weyddiinayaa nicmooyinka oo waa tuu Allaah yiri ‘Suma la tus’alunna yawma idin canin naciim’. 

 

“Sabab labaad baa jiro, oo ay indhaheygu la guduuteen ee sir ma kugu qarsan karaa?  Haddee runta ii sheeg, sir ma kugu qarsan karaa?  Haddaba i dhageyso, ikhwaaniiy waxaa i dilay qaraw iyo walaac hurdada ii diiday oo habeen walba waxaan ku riyoodaa hooyooyin aan caruurtooda ka dilay ama ka curyaamiyay oo i habaaraya oo ii dhaaranaya—oo Rabbul Kacbah igu dacweynaya.  Waxaan ku riyoodaa anigoo mar qar buur ah ka sii dhacaya, oo hoosna ay igu sugayaan mas iyo abeeso weyn oo afka kala haya, oo markii aan afkooda ku dhex-dhacana hilibkeyga faqanaya.  Waaba shakiyaye habaarka gaala-raaca ma aqbal baa?  Ma iga rumeysaneysaa weligey xitaa Rasuulkii Allaah riyo kuma aan arkin—tanina shaki kale ayay igu abuurtay waayo dhammaan ragga aan isla hoggaaminno ururkan mujaahidiinta kuma jiro nin riyo ku arkay Rasuulkii Allaah.  Sidee wax u jiraan waanba yaabanahaye?  Wallaahi yaqiintaa igu yar, oo ma aqaan sababka aan riyo ugu arki waayay Rasuulkii Allaah anigoo mujaahid ah oo u gargaaraya Diintii Allaah. 

 

“Haa, xaggee hadalka ii marayay…iska daa haddii aan hilmaamay mujaahid baan ahayoo hadalkii aan ku hadlaaba waa mid leh firaaso iyo xikmad—oo waa tuu Rasuulkii Allaah yiri ‘man yuridillaahu bihi khairan yufaqihfu fid-diini’ oo macnaheedu ahaa ‘Ruuxuu Allaah kheyr la doono waxa uu fahansiiyaa Diinta Islaamka.’  Haa, haddaan soo xasuustayee waxa cadow nagu ah, oo in la qaarijiyo naga mudan, murtad, salliib, iyo gaalo-raaca jihaadka diiday.  Shacabkana waa cadow, laakiin iyaga toos uguma sheegno inay cadow noo yihiin—oo iyaga si caqlicaqliyeey ah ayaa loo gummaadaa oo la qarxiyaa.  Markuu qaraxa dhacana waxaa shacabka lagu sasabaa qaraxa waxaa loola qasday wasiir ama AMISOM, ee shacabka looma dan laheyn.  Haddee waa Soomaali oo durbaba way iska key aaminayaan maadaama aan wadaad ahey soo daliishanaya Quraan iyo Xaddiis.  Falillaahil xamdu.

 

“Wallaahi, suma wallaahi, cadowgii Allow meel walba gala, sidaad doontaan isku ilaaliya, gacantii mujaahidiinta Allaah ayaad ku halaagsami doontaan.  Haddaynu nahay mujaahidiin, kama liidanno Sheydaankii ku dhaartay inuu bin’aadamka halaagi doono isagoo leh, ‘La’aqcudanna lahum siraataka al-mustaqiim.  Suma la’aatiyannahum min bayni aydiihim wa min khalfihim wa can aymaanihim wa can shamaa’ilihim’ oo macnaheedu yahay, ‘Waxaan u fadhiisan Jidkaaga toosan.  Waxaana kaga imaan hortooda, gadaashooda, midigta iyo bidixda.’  Shacabow idinkuna ha hilmaamina inaad tihiin cadowga aan la shaacin, balse cadowga noo ah.  Xaggee naga geli doontaa?  Ma Soomaaliya ayaad nooga qixi doontaan? 

 

“Haa…waxaan ka hadlayay dhaartii Sheydaankee annaguna haddii aynu nahay mujaahidiintii Allaah, kama caqli iyo taaktiko liidanno Sheydiinkaas malcuunka ahaa.  Sidiisoo kale ayaa waxaa anagana naga go’an inaan idiin fadhiisanno waddo walba.  Mar baxsatayaa, mar labaad baxsatayaa, waxaa cibaado iyo camal ii ah inaan ku sugo, oo aan Allaah dartiis u sabro, oo aan liwajhillaahi habeenkii u dhafro si aan kuu qaarijiyo, oo aan miino kuugu aaso, ama aan isugu kaa qarxiyo si aad nolosha ugu gubatid.  Hana hilmaamin cadaabkii aakhiro ayaa kuu sii dheer, oo Qawlkii Allaah ayaa ahaa: ‘Uwlaa’ika lahum suuw’ul xisaabi wa ma’waahum jahannamu wa bi’sal mihad’—oo tafsiirkeedu yahay, ‘Kuwaasina waxaa u sugnaaday xisaab xun, hooygooduna waa Jahannamo iyadaana u xun gogol.’  Igama harsan doontid.  Igama neefsan doontid.  Igama badbaadi doontid illaa aad ii qirtid inaan ahay amiirkaaga.

 

“Sirtii guduudka indhaheyga waan idiin sheegayee sir kale ma idiin sheegaa?”

 

Waxa uu Sheekh Halaage misana iska eegay dhinacyada.  Wuu istaagay, oo sidii in derbiyada loogu naban yahay ayuu dhegta saaray derbiga qolkii uu ku dhex-jiray.  Wuxuu ku soo noqday kaamiradii—oo garkiisii masaxay.

 

“Haa, xaggee hadalka ii marayay?  Acawdu billaahi minal shaydhaani rajiim…haa, haa, waxaan ka hadlayay sirta mujaahidiinta.  Laakiin waxaa ciil iga haayo walaalaheenna Ansaarta ee Carabta nooga yimid.  Sidaan uga sugeynay inay noo soo dejiyaan qorshe iyo qandaraas lagu qarxinayo xerooyinka salliibiyiinta AMISOM ama murtaddiinta marya-calasta ah ayay waxay Ansaartii Carabta aheyd caawa noo keeneen qorshe ah in camaliyad barakeysan lagu fuliyo Wasaaradda Waxbarashada.  Waa yaabee ikhwaaninal Carab kuma aynaan aqoon marqaan iyo daroogadee maxay ka wadaan Wasaaradda Waxbarashada ha la isku dhex qarxiyo?  Miyeey isku dhex-yaaceen?  Maxaa loo qasaarinayaa dhiigga mujaahidiinta iyadoo la heli karo in la qarxiyo Wasaaradda Gaashaandhigga?  Laakiin maxaa iga galay, anigu shaqadeydu waa inaan run ama been ku keeno wiilashii camaliyaddan barakeysan sameyn lahaa.

 

“Sirtii lagu keeni lahaa?  Inaad ogaatid miyaad dooneysaa?  Wallaahi waad ila yaabaysaa sida aan qibrad ugu yeeshay taaktikada jihaadka iyo soo uruurinta dhallinyaro naftii hurayaal ah.  Sug.  Tan waa mid culusee, bal sug aan iska hubiyo in derbiga laygu naban yahay,e.  Falillaahul xamdi, cidi iima muuqato.  Haa, intaan u galay dhallinyaro ku xareysan xerada ayaan hor istaagay.  Maashaa Allaah waxay isugu jireen kuwo salaad qushuuc ka muuqdo tukanaya iyagoo kabahooda qaba, qorigii jihaadkuna uu hor yaallo; kuwo fadhiyo oo Qowlkii Allaah cod quruxsan ku akhrinaya, dhabtana uu u saaran yahay qorigii jihaadka; kuwo dhinac dhinac u jiifa, qorigii jihaadkana labada lugood ku dhex heysta; iyo kuwo labo labo isula faqaya, oo qaniimadii iyo ku faraxsan guushii ay ka gaareen jihaadka. 

 

“Horta waxaan la yaabaa dadka nagu xanta af-duubashada.  Waxay ku leeyihiin sidey mujaahidiintu isku gartaan?  Caqli xumadooda sidee hooyadii dhashay labo wiil oo mataano ah oo isu eg ku kala garataa?  Sida ay hooyadaas u kala garato ilmaheeda mataanaha oo kalaan u kala garannaa mujaahidiinteenna.  Ma ka heshay sida xikmadda leh ee aan kaaga jaahil bixiyay su’aashaada?  Horaan kuu iri, mujaahidiinta wuxuu Allaah siiyay faham iyo xikmad fog. 

 

“Haa, sirtii weli kuuma sheegin.  Halmaan hadal kuma jiro…xikmad kale iga dheh, maashaa Allaah.  Wallaahi haddii aad ogaad laheydeen xayaatada jihaadka iyo sida uu iiga dhigay qof qiimo iyo qaayo leh, oo kaaga daranee lagu manneystay xikmad iyo caqli, adigoo guurguuranayaad nagu soo biiri laheyd.  Wayee wey, Quraankaa noo bayaanshay hadalkii ninkii shahiiday ee ahaa, ‘Qaala yaalayta qowmiy yaclamuun’ oo macnahiisu ahaa ‘Shallaytadaydee qowmkeygii muu ogaado.’

 

“Sirtii, haa, markan waa ballan.  Iga hoo.  I dhageyso.  I aamin.  Mujaahid been ma sheego.  Hadduu sheegana waa xeel.  Waana xalaal.  Taas anigaa sheekh isugu ah—oo cid kale lama weyddiinayo.  Markii aan u tegay dhallinyartii waxaan u akhriyay qudbad.  Waan is oohiyay.  Oo diif iyo dhareer iska keenay.  Nashiidooyin af-Carabi ahna ku tuurtay.  I aamin, dhallinyarada waxaa ku badan kuwo markii ay nashiido maqlaan bururo oo isu maleeyo inay Jannada dhex joogaan.  Miyaadan arkin in Youtube-ka aan soo gelinno filimo gaagaaban oo ku saabsan mujaahidiinta?  Ma maqashay nashiidada ku kor duuban?  Soo xaadda kuma istaageyso?  Ka warran haddee dhallinyarada lagu dul akhriyo nashiidooyinkaas subax iyo galab? 

 

“Way bururaan.  Oo ay weyraxaan.  Markii ay heerkaas marayaan, oo labo nashiido iyo labo kalmadood oo af-Carabi ah lagu tuurto, ayaa laga dhammeystaa dantii laga lahaa.  Markii ay ii jilcaan ayay u tartarmaan inay is qarxiyaan.  Markaasaan u qori tuuraa, oo hal mid baa ku guuleysta fulinta camaliyadda barakeysan.  Maxaadse igu taqaan?  Hadba doc ayaan ka soo galaa—oo waxaan u sheegaa been, istaqfirullaah, been ma ahee waxaan u sheegaa hadal xeel ah li’anna dagaalku waa xeel.  Tusaale, camaliyaddii barakeysneyd ee lagu qaaday ardaydii u dhoofeysay Turkiga waxaan mujaahidiinta ugu sheekeeyay waxaa meesha ka dhoofaya askar murtaddiin ah oo Suudaan lagu soo tababarayo.  Allaahu Akbar!  Haddee mujaahid intaas maqlay maxaad ku taqaan?  Allaahu Akbar! 

 

“Sir saddexaad ma idiin sheegaa?  Bal yara sug aan iska eego in derbiyada lagu naban yahay—caawa waxaan u maleynayaa in uu malakulmowtkeyga soo galay, oo sir badan ayaan bixiyay.  Haddee see yeelaa, ma anigaa aamusi karo?  Waxaan ahaa nin maalin walba laga wareysto al-Jazeera, al-Carabiya, iyo warbaahinta Islaamiga ah ee Soomaalida.  Laakiin sidii la iiga soo saarayba Xamar waxaan waayay cid i wareysata.  Hawada waxaa iga qabsaday oo la sheegsheegaa rag u soo jeestay waxqabad iyo dib-u-dhis.  Marka soo xaq ma ahan haddii aan anigu isku maaweeliyo filinkaan aan iska duubayo?  Oo aan niyeysto sidii anigoo al-Jazeera warbixin siinaya?  Horaan kuugu sheegay, mujaahidku waa xikmoodle, laakiin ima fahmeysid baan u maleynayaa.

 

“Sirta saddexaad weli kuuma sheegin miyaa?  Ii cudurdaar.  Haa, sirtan aan weligeey is lahaa ka dhawaaji waa arrin uur-ku-taallo igu aheyd tan iyo intaan ku soo biiray mujaahidiinta.  Allaahu Akbar.  Waxaan la yaabay, oo fajac iyo argagax igu noqday, dhallinyarada aan tababaro markii aan barto oo wareysto, waxaa badankooda ka dhaxeeyo lix sifo.  Kuma farxin lixdaas sifo—murugo ayay igu abuureen waayo jihaadka in uu Allaah naga aqbali waayo ayaan qatar ugu jirnaa. 

 

“Kow, horta dhallinta aan arko badankood waa caasi waaliddiin—oo waxay ii sheegeen in ay ka soo dhuunteen waalidkooda.  Labo, waxaa ka jira kuwo xabsi dibedaha ah ka soo fakaday ama denbi ka soo galay waddamo kale oo annaga nagu soo dhuuntay.  Saddex, beenta waa u xalaal—iyo af-xumada.  Haddee ha i qabsanin maadaama aan aniguba been sheego.  Teydu been ma ahan.  Waa xeel ayaan horey kuu iri.  Haa, waa xeel.  Xeel xalaal ah.  Ma i garatay?  Afar, waxaa dhallinyaradan ka maqan kalsoonida, oo markii loo shido nashiido af-Carabi ah keliya ayay qooqaan, oo weyraxaan, oo ay diin jaceyl iska baarbaaraan.  Shan, waxay ka siman yihiin xilkas-yari…waxaa iigu darneyd maalintii uu mid mujaahidiinta ka mid ah toogasho ku dilay nin dhaqtar ah li ajli sigaar uu cabayay dartiis.  Lix, dhallinyarta qaar waxaan kula yaabay, oo ku arkay, markii uu ka dego weyrixii nashiidada oo ay miyirsadaan ayay u baxsadaan dhankaa iyo dowlad-ku-sheegga.  Waxay ahaataba, hangaraarac hal lug uma dhutiyee waxaa noo dhooban kuwo aan rooxaamo ku kicinno, oo deetana aynu ku gaarno danta aan ka leennahay.  Falillaahil xamdu.

 

 “Sir afaraad ma idiin sheegaa?  Ha nixin, oo dhuux siraha aan kuu taxayo.  Horta ragga aan isla shaqeenno wadaaddo ma ahan.  Shir baa maalin la inooga yeeray.  Ma og tahay waxa lagu heshiiyay?  Yaqyaqsi.  Wallaahi.  Yaqyaqsi.  Waxaa lagu heshiiyay in hoggaanka mujaahidiinta loo qeybsado sidii dawlad-ku-sheegga: qeyb waxaa looga dayday kursiga af-hayeenka baarlamaanka dhaaguutka ah; qeyb kale waxaa looga dayday raysul wasaaraha; qeyb kalena waxaa looga dayday madaxweynaha.  Nin nin aaminsan mujaahidiinta naguma jiro.  Waad maqasheen in jagada laga rifo af-hayeen, deetana nin qabiil kale ah loo dhiibo jagadaas.  Misana maxaa hadaf ah oo ka dhaxeeyo hoggaamiyaasha mujaahidiinta ma taqaannaa?  Waxay raggaan ka wada siman yihiin naceybka dadka iyo afka Soomaaliga.  Naceybka cilmiga iyo culumada.  Iyo inay u nacamleeyaan oo isku dulleeyaan ikhwaaninal ansaarul mujaahideen oo Carabta nooga soo haajiray. 

 

“Sirta ugu danbeysa haddii aan idiin boobsiiyo, walaalaheenna Carabta nooga yimid waxaan kula yaabay hal arrin: markii rag iyaga ka tirsan uu salliibul kubraa al-Amriika uu duqeyn ku dilo, ciilka ay u qabaan Mareykanka waxay kula dhacaan shacabka Soomaalida oo ay la beegtaan nabar gilgila dareenka adduunka.  Anigana kaalinta igu soo aadday waxay noqotay in aan shido, oo sun iyo been ku afuufo dhallinyarta, oo aan oggoleysiiyo inay ficil istish’haadi ah sameeyaan.  Oo isa soo qarxiyaan.  Marka, waxayba ii noqotay caado aan la qabsaday.  Haddii aanan iska gadin ikhwaaninal Carab, waxaa la igu beddelayaa nin kale oo amarkooda qaadanaya.  Runtiina, mujaahidiinta raggaan Soomaaliyeed ee horboodaya ma hoggaamiyaan: kulligeen waxaan ku soconnaa oo fulinnaa qorshe iyo fikrad ay noo dejiyaan ikhwaanunal ansaarul mujaahidiinta ee Carabaha nooga soo haajiray.  Haddii ay dawlad-ku-sheegga lahayste u tahay AMISOM, mujaahidiintuna waxay laheyste u yihiin al-Qaacida.  Mujaahid walba taa wuu og yahay, laakiin lama sheegsheego waa la qariyaa. 

 

“Haa waxaan ka hadlayay gummaadka shacabka Soomaaliyeed,e, markii wararka caalamka lagu soo qoro in duqeyn lagu dilay nin al-Qaacida ah, waxaan anigu sii diyaarsadaa qudbaddii aan la hor-tagi lahaa dhallinyarta mujaahidiinta maadaama ay kolleyba walaalaheen Carabta i amri doonaan in shicibka laga aaro wixii uu Maraykanku gaarsiiyo al-Qaacida.   Deetana waxaan diraa wiilal is-qarxiya oo boqolaal Soomaaliyeed ah hal mar meydkooda is dul dhigo iyadoo lagu marmarsiyoonayo in loo dan lahaa wasiir ama xildhibaan ama AMISOM.  Wallaahi filin ayaa meeshaan socdo.  Astaqfurillaahi, mujaahid filin ma daawado.  Oo kaalay aayadihii Quraanka waa iga dhammaadeen ee sidey wax u jiraan?  Goormaa iigu danbeysay inaan idiin soo daliishado aayad iyo xaddiis?  Ceebeey tacaal!  Cilmi-yaridayda armay soo baxdaa?

 

 “Waxaan u maleynayaa intaas ka badan haddii aan hadlo oo aan ku daaho qolkan dhexdiisa waxa iga shakinaya rag kale oo isha igu haya.  Meeshaan qandaraas ayaa ka socdo.  Waa la isla wada socdaa, oo la kala socdaa misana!  Ma la yaabtay?  Laakiin intaan deminin filinkan aan iska duubayo, waxaan ku siinayaa sirtii ugu danbeysay…ahna sirtii ugu cusleyd.  Runtii ugu horreysay ee aan weligey sheego hadda ayaan kuu sheegayaa ee iga dhuux.  Oo dhegta u raarici: anigu meeshaan jihaad uma joogo.  Qandaraas ayaan u joogaa.  Ma i maqashay?  Haa, jihaad uma joogo.  Qandaraas un.  Haa qandaraas! 

 

“Sababta ma taqaan?  Ogow qeyraadkii dalka waxa uu noqday mid lagu kala boobay xatooyo qalin, qori caaraddiis, iyo qasiido kitaab-gaablow.  Aniga oo gadaal ka gaar ah ayaan imid.  Qalin iyo tacliin igu filan ma heysto…oo in yar oo nooli ah kuma soo dhacsan karo.  Sidoo kale qori caaraddiisa haddii aan wax ku dhici lahaa waxaa meel ka gaari waayay qabqablayaashii dagaal.  Qasiidana haddee beryahakan lagama taajiro sidii berisamaadkii hore. 

 

“Waan u fiirsadayoo, shacabka Soomaaliyeed waxaa lagu dulmiyay qalin, qori, iyo qasiido.  Oo rag Soomaali ah baa ka taajiray, magac iyo maskabna sidaa ku yeeshay.  Waan u fekeray.  Oo hadba dhinac ka eegay arrinta.  Alleylehe waxaa ii soo baxday in aan aniguna markeyga sameysto waddo cusub oo aan horay loo marin.  Waddo aan wax ku soo dhacsado.  Waddo noocma ah?  Ha ila yaabin, oo jawaabta yeysan argagax kugu ridin.  Jawaab noocma ah?  Aniga waxaa ii soo baxday in habka keliya ee aan wax ku soo dhacsan karo oo aan awrka ku kacsan karo uu yahay ka been-sheegidda Quraanka Kariimka.  Oo aan iska dhigo wadaad jecel in uu Diintii Allaah ku xukumo dalka.  Oo aan sakaatul maalka gacanta ku dhigo.  Oo aan ganacsatada canshuuro.  Oo aan weerar gaadmo ah ku qaado xarumaha dawlad-ku-sheegga, wixii xoolo ah ee aan soo bililiqeystana aan dhaho waa ‘qaniimo’ oo waa xalaal.  Oo ninkii i qilaafana aan dhaho waa ‘murtad’ oo aan dilo ama aan gacmaha iyo lugaha jarjaro.  Soo kaarto shaqeynayso ma ahan?  Miskiin, yaa adiga wax kaa wareysanayo—Mareykanka ayaa xitaa wax naga qaban waayay saa waa adiga oo Soomaali miskiin ah. 

 

“Laakiin iska key dhageyso, aan kuu xan-warramee.  Anigu waxaan ku jiray raggii ka danbeeyay in Xisbul Islaam laga saaro Kismaayo si aysan noola qeybsan nafciga naga soo galo dekedda iyo eerbootka.  Sidoo kale waxaan misana ku jiray raggii ku taliyay in Xisbul Islaam lagala wareego Ceelasha Biyaha isla markaana la baabi’iyo magaca ururkooda si aan u helno magac iyo maskab.  Ma jecli inaan kuu sir-warramo, laakiin maxaan sameyn karaa waad aragtaa waa la iga soo saaray Xamar oo naf-la-caari ayaan ahaye.  Alla maxaan u xiisay wareysiyadii la iga qaadi jiray.  Iyo weriyayaashii caasha iga soo gelin raadiyaha wax lagu duubo iyo kaamirooyin—adduunka ku faafin jiray warkeyga iyo muuqeyga.  Macal asaf!  Maxayse kuugu taallaa weli waxaan leeyahay magac iyo maskab iyo taageerayaal u badan dhallinyaro caadifad iyo caqli yari heyso.  Hadalkii oo kooban, sidii qaar ka mid ah raggii iga horreeyayba ay shacabka Soomaaliyeed ugu dulmiyeen qalin, qori, iyo qasiido ayaan aniguna Quraanka uga dhex-arkay qandaraas aan laga faqriyaheyn.  ‘Tijaaratan lan tabuwr.’”

 

Sheekh Halaage waxa uu demiyay kaamaradii.  Waxa uu u dhaqaaqay dhankii illinka.  Misana wuxuu ku soo noqday kaamiradii isagoo si u degdegaya sidii ruux qaxaya oo la yiri alaabtaada la baxso.  Waxa uu shiday filinkii uu iska duubay.  Oo taabtay meeshii laga tirtirayay.  Markuu hubsaday inuu tirtiray wixii uu iska duubay ayuu u dhaqaaqay dhankii muraayadda, oo garkiisii weynaa masaxay, cimaamaddii madaxa ku toostoosiyay, ilkahiisana ku eegay muraayadda, sidii ruux wax malabsanayana carabkiisii dul mariyay faruuryaha.  Wuxuu furay iridda qolkiisa.  Xeradii Ururkii Habaarane ayuu u dhaqaaqay isagoo ku laafyoonayo qori AK47 ah, raxan dhallinyaro oo wejiga duubtayna ay geesaha ka socdaan.

Cabdullaahi Janno
E-mail: writersomali@gmail.com





Post your comments