4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Siyaasadaha Qoomiyadda Digil ee ku aadan Maamul Goboleedyada Koonfurta Soomaaliya
Qore: Cabdulqaadir Nour
Friday, January 14, 2011

Maamul gobleedyada ama dawlad goboleedyada Soomaaliya waxay ka mid yihiin barnaamijyada ugu waa-weyn dhanka nabadgeliyada iyo horumarka ummadaha ku nool goboladaas iyo badbaadinta dhulakaba. Waxyna barnaamijka maamul gobolledka ku hagaagaya haddii la raaco hab dhismeedka xeerka maamul goboleedyada ee ku dhisan sida kuwa haadan ka jira aduun weynaha. Waxaa mudnaan leh in lagu daydo sida maamul goboleedyada u dhisan yihiin dawladaha deriska ah sida Kenya. Maamul goboleedyada waxaa soo dhisay dadweyanah asalka u deganaa ama u leh goboladaasi, sidaasi ayeyna ku guuleysteen ayada oo wax dhibaato ah lagala kulmin. Maamul goboleedyada Soomaaliya gaar ahaan kuwa haadan la rabo in laga aasaaso koonfurta, waxaad moodaa in bilowga hore laga leexinaayo qaab dhismeedka ama haykalka maamul goboleedka.

 

Waxaa haboon inta aan lagu dhaqaaqin maamul goboleedka marka hore dadweynaha (Qabaa'ilada) degaanka degan la weydiiyo baahidooda maamul goboleedka in ay rabaan iyo in kale, maxaa yeelay waxaan araknaa waqtiyadan dambe in hal qabiil keliya uu rabo in uu ku dhaqaaqo in maamul goboleed u sameeyo goboladaasi ayada oo degaankana ay ula degan yihiin qabaa'ilo aad u fara badan oo welina asal ahaan gobolkaasi loogu yimid degaanadaasi. Waxaan misaal u soo qaadanaya labada qoomiayadood ee Digil iyo Mirifle ay haadan rabaan in maamul gobleed ay u sameeyaan gobolada koonfurta sida Bay, Bakool, Jubada Hoose, Gedo, Jubada Dhexe iyo Shabeelaha Hoose. Barnaamijkana waxaa aad u qorsheynayaan qoomiyadda Miriflaha oo ka dhega adeegeyso in qabaa'ilada kale ee degan koonfurta ay ula tashadaan ka dibna lagu dhaqaaqo waxii la go'aamiyo ee la xiriira aasaasida maamul goboleed. Qoomiayadda Digil marna raali kama aha in qoomiyadda Mirifle ay maamul goboleed la sameysato maxaa yeelaya sababo badan awgooda:

1. Qoomiyadda Digil waxay aaminsan tahay in deegaanka ay isla degaan qabaa'ilo badan oo aad u mudan in laga wada tashado barnaamijka maamul goboleedka meelna la isla dhigo sidii ama qaabkii loo wajahi lahaa maamulka.

 

2. Qoomiayadda Mirifle waxay aaminsan tahay in keligeeda ay goboladan ay ka arimiyaan ayna aamisan yihiin in ayaga tira ahaan ugu badan yihiin, sedbursigana Miriflaha loo badiyo xubnaha maamulka sida ay haadan uga caadeysteen xubnaha baarlamaanka DFKM.

 

3. Qoomiayadda Mirilfe waxay weli aaminsan tahay in maamul goboleedka lagu saleeyo nidaamka dulmiga ku dhisan ee 4.5

 

Qoomiyadda Digil waxay weligeeda ay aaminsaneed in goboladaan ay deegaan ahaan (asal) u degan yihiin qabaa'ilada kala ah Digil, Biimaal, Jareer weyne, iyo qabaa'ilada reer Xamarka iyo reer Baraawaha, iyo qabaa'ilo kale,  waxayna degan yihiin gobolada Banaadir, Shabeelaha Hoose, Jubada Dhexe, Jubada Hoose iyo Diinsoor. Qoomiyadda Miriflaha waxay deegaan ahaan ku ek yihiin Bay, Bakool iyo Gedo.

 

Sanadahan dambe waxaan aragnaa in indheergaradka, iyo aqoon-yahanad qoomiyadda Mirifle ay ku mashquuleyn aasaasidda maamul goboleedka gobolada koonfurta Soomaaliya, ayagii (Miriflaha) ayaa isku qabteen, kuna hardamayaan koox kasta in maamul gooni u sameysato isla goboladaan lixda ah ee aan kor ku soo xusnay. Kooxahan Miriflaha ayaga oo kala jira waxay ku magacaabeen maamuladan:

a) Dawlad Goboleeda Koonfur Galbeed (South-West)

b) Dawlad Goboleedka Jubaland

c) Azani

d) iyo magacyo kale ee aan la qaban karin

 

Qoomiyadda Digil waxay ka soo horjeedaa in maamul goboleed si qaldan loo aasaaso. Waxayna u sheegeysaa walaalahooda qoomiyadda Mirifle in ay salka dhulka  dhigaan kun jeerna ay fekiraan inta ay wax ku dhaqaaqin. Qoomiyadda Digil waxay aaminsan tahay in Maamul Goboleedka ay isla aasaasaan dadyowga asal ahaan (Indeginous) ee deegaanka loogu yimid, kuwaasi oo ay run ka tahay horumarka dadkooda iyo dhulkoodaba. Maamul Goboleedkana waxaa baahidiisa iska leh dadweynaha gobolodaasi degan. Qorshaha indheergardka iyo aqoonyanada dibadda ee fadhi ku diririka ku shaahaan barnaamijyadooda rakhiiska marna ka ma soconayaan koonfurta Soomaaliya.

 

Gunaandka qoraalka waxaan qoomiyadda Mirifle u sheegeynaa in qoomiyadda Digil ay idinka dhaxeeyaan oo keliya walaaltinimo iyo abtirsiimo, laakiin degaan iyo siyaasad ku kala duwan yahiin. Qoomiyadda Digil marna ma ogol nidaamka dulmiga ku dhisan 4.5 iyo waxay ogosha sedb-qeybsiga in lagu qeybsado tiro isla eg (a ratio of 1:1). Deegaanada Koonfurta Soomaaliya ee qoomiyadda Digil ay la  degan yihiin qabaa'ilada kale ee kor lagu soo xusay waxay wax u qeybsanyaan maamul isla eg Insha-Allah.

 

Qoomiayadda Mirifle keliya walaaltinimada ku ekaada, siyaasdaadiina xur baad u tahiin meeshaad rabtaana ula aada. Qoomiayadda Digil waxay leeyihiin deegaan iyo qabaa'ilo xigta ah ee isla degaan oo weligooda wanaag ka dhaxeeya. Waxayna Allah weyn ka baryayaan in deegaankooda nabad waarta u soo hooyo iyo horumar iyo barwaaqo.


Cadulqaadir Nour
[email protected]
Columbus, Ohio



 





Click here