2014-09-01
Today from Hiiraan Online:  _
Shariif Xasanow, Xilka Aan Kordhisano?


Baarlamaakna DKG ee Soomaaliya oo gacantaag ku ansixiyey in ay ku darsadaan muddo seddex sanno ah


by Yusufbile Abdi
Monday, February 14, 2011

 


Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG Soomaaliyeed Mudane Shariif Xasan

‘Shariif Xasanow, xilka aan kordhisano’ bay guddiga dastuurka ee baarlamaanka FKMG soo jeediyeen. Cod-bixin far-taagis ah oo ay jadbo ka muuqato ayaaa si dag-dag ah loo gudagalay iyadoon laga fiirsan cawaaqibka ay arintani yeelankarto amaba inay haboontahay iyo inkale.

 

“…Kulanka waxaa soo xaadiray 435-mudane, waxaana 421-xildhibaan ay u codeeyeen in saddex sano lagu kordhiyo xilliga uu shaqeynayo baarlamaanka, 11-mudane waa diideen, waxaana ka aamusay saddex mudane…,” bay jawaabtii Shariif Xassanna noqotay.

 

Waxaan xusuustaa caruurnimadaydii markii uu qof caruurta ka mida damco in uu shay ku mintido ama uu rabo in aan shaygaas laga qaadin wuxuu si kadis ah u dhihi jiray isagoo qaylinaya “TUSH IYO XALAAL!” isla markiina waa loo dhaafi jiray qofka waxaa uu qodobkaa ‘Tush’ la yiraahdo u cuskado. Hadaba, ‘tush iyo xalaal’ wax u eg bay Shariif Xassan iyo Xayntiisa la soo hor istaageen Soomlida iyo caalamkaba.

 

Waxaan aad ula yaabay sida ay hoolka far-taagista u soo buux dhaafiyeen markii la yiri xilka aan kordhisano. Waxaan maqli jiray iyagoo leh “looma dhama, qodobkaas si qaldan baa loo fasiray, cod hal dheeri ah ama mid qarsoodiya iyo xeer hoosaadka ma waaqsana arintan.” Lakin saddex sano iyada waa MUTTAFAQ oo circa ayaa gacmo dhaa-dheer loo wada taagay; inyar oo isku xishootay mooyaane.

 

Sida aan lasocono, akhristow “Waa wax laga naxo; waa wax laga xumaado; waa wax nasiibdarro ah, go’aankan waa in laga laabtaa, waa lagu dag-dagay iyo xaar-xaarin bilaa diblomaasiyada bay Mahiiga iyo intii masruufka bixin jirtay yiraahdeen.

 

“Go’aanka annagaa iska leh, Soomaliya waa dowlad xur ah, Qarankaan bad-baadinaynaa; Wax nala siiin jiray ma ay jiraan;  Shacabku ha kaco…” bay qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ku qayliyeen.

 

Nasiibdarase, shacabka ay sheegayaan waa mid ay macaluul, cuduro, cabsi, iyo colba isugu darsoomeen. Waa mid jeenankiisii ay iyaga boobayaan oo wuxuuba taaganyahay shacabku marxalad ah “Cadow ku hel oo Tuugo kuu ciidamisay!” Waayo waxa uu shacabku u dhaxeeyaa: Minida Shabaabka, Madaafiicda AMISOM; Tuuganimada madaxtooyada; Tabardarida dowladda; Tayo xumida baarlamaanka; Arxandarida caalamka iyo Abaaro kulul.

 

Inta aan xuuusto, markii lagaaro xilligan kala guurka ah ee uu dhammaad ku dhawaado waqtiga dowladaha Meelkugaarka ah ee Soomaalida waxaa soo baxa isjiid-jiid dhex-dooda ah iyo damac ah ‘meesha aan sii joogno.’ Lakiin xaqiiqdii meel la joogo oo xil loo qabtaayi ma jirto haddii aanan sidii Doorshaanka ama Xaar-wal-waalka loo dhaqmayn oo aan la xishoonayn. Waxay ila tahay in la joogo waqtigii la isku baryi jiray xilka oo laga cabsan jiray in mas’uuliyad laqaado waayo waa amaano aad u wayn oo aan xiliyadan oo kale laga bixi karin mas’uuliyadeeda. Ninbaa hadda ka hor wuxuu yiri “Ninkii xaal qabanayay ama sariiganayay mar horuu iska dhintay kii kalena sidaydan buu soo dhafoorro buuranyahay!”

  

Waxaa wanaagsanaan lahayd in kacadoonka caalamka Carabta ka socdaayi uu Soomaaliya ka billowdo oo ay dadku iska dul qaadaan cadawga iyo tuugada isku ceshatay. Lakin taas iima muuqato markii aan fiiriyo nooca shacab ee ay Soomaalidu tahay iyo duruufaha uu shacabku ku suganyahay.

 

Haddii aan waaqica ka hadlo, shacabkeenu 50 sano ka hor ayaa ugu dambaysay dhaqanaka ah qaran difaacidda, midnimada, wada shaqaynta guud iyo wadaniyadda. Intaan ogahay, dhowaanahanba waxaa wadankii ka jiray kacdoon qabiil oo fowdo iyo bili-liqo wato; dhaqan ah maxaa iga galay; maxaan ka qabankaraa; haddii aan aniga ka bad-baado Alxamdulillah; haddii ay aniga igu timaadana waan ka qaxayaa; kii ka qixi kari waayana oo ay duruuftu reebto nasiibkiis.

 

Waxaan xusuustaa iyadoo la dilayo qof aan waxba galabsan oo weliba masjidka ka soobaxay dadkiina ay leeyihiin markii ay maydkiisa dul yimaadaan “Wax luu sameeyay; annaga maanala soo raadsado; muu afkiisa xerto?!”   Maalinta ku xigtana mid kuwii sidan dhahayay ka mida la dilayo oo ay dadkiina isla sidii oo kale hadana leeyhiin. Waxaa kaloo iyana jira halbeeg aan cadaalad ahaynoo ‘Afar-Dhibic-Shan’ la yiraahdoo 4tiina wax ku noqonwaysay, Dhibicdiina qancinwaayay; ugu dambayntiina ‘Xasanoow xilka aanu kordhisano’ ku dambeeyay.

 

Hadaba, nasiibdaro, waxay ilatahay inaanu jirin Shacab Soomaaliyeed oo si  caqliyaysan, cilmiyaysan oo midaysan uga hortagi karo dhibaatada wadanka ka jirta duruufo badan oo isugu darsoomay dartiis. Lakin, nasiibwanaag,  midbaan ogahay, waxaanu leenahay shaqsiyaad aqoonyahanno tayo leh, daacad ah, magac ku leh wadanka gudihiisa iyo dibadiisa. Waxaana shaki ku jirin inay isbadal wayn samayn karaan oo ay badbaadin karaan shacabkaas jaahilnimada u dulman iyo wadankaba. Waxayna ila tahay in waqtigoodii la gaary…


Yusufbile Abdi
Faculty of Humanities
Language Centre (Student)
University of Leiden, The Netherlands
Yuusufbile1@hotmail.com

You can reach Yusufbile’s profile: http://www.trcb.com/author/yusufbile.htm





Post your comments