4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
DKMG: Ma Xil-doon Mise Xal-doon?

Qore: Cabdullaahi Janno
Tuesday, April 19, 2011

 

Soomaalida waqtigeedii wuxuu ku dhammaaday shalay oo ay raadineysay xorriyadda iyo maanta oo ay raadineyso dowladnimadeedii*
 
Timaaddaan eegay, waxaan arkay 10 milyan oo ah waddaniyiin Soomaaliyeed oo aan weli dhalan oo i guulguulaya.  Tagtadaan eegay, mise waxaan arkay arwaaxda halyeeydii Xaqa u hiilliyay oo i haruufaya.  Waxaan damcay in aan labada jiilba dhabarka aaddiyo oo aan inkiro, mise waxaan arkay arrinkii aan inaan inkiro damacsanaa oo aakhiro su’aal igu noqday.  Su’aal ah: maadaama Ilaah wax ku baray, go’aankii ay qaadatay Dawladda Soomaaliyeed ee ay ku kororsatay xilliga iyo kii ay ku diidday ka qeyb-galka shirkii Nairobi, ma xil-doon bay  ka ahayd mise xal-doon?

            
Bismillaahi:

Bal aan gogol-xaar kooban u sameeyo meesha ay dooddaydu ka duulayso.  Horta dawladda Soomaaliya waxaa leh Soomaali.  Talada qarankana waxa ay ka soo go’daa Dawladda.  Si walba ha u tabar-yaraato, Soomaaliya waxa matala hal dawlad.  Si walba horumar iyo awood baaxad leh ha u ahaadaan maamul goboleedyada, waxa ay go’aamada siyaasadeed ee qaranka uga danbeynayaan Dawladda fadhigeedu yahay caasimadda Muqdisho.  Ka kaalay. 

 

Dawladdu waa tii ay muddadeeda ku darsatay hal sano.  Sidoo kale waa tii ay ku gacan-seertay inay ka qeyb-gasho shirkii Nairobi.  Labo dood oo is garab ordayaa soo if baxay.  Kow, Dawladdu waxay jebisay Axdiga Qaranka oo oranayay bisha Agoosto waa in la dhiso xukuumad cusub; iyo labo, Dawladdu kalsooni iskuma qabto maadaama ay diidday in ay ka qeyb-gasho shirka Nairobi.

Doodda koowaad baa oraneysa in tallaabada ay Dawladdu qaadday ay tahay mid xad-gudub ku ah Axdiga Qaranka u degsan.  Sidaa awgeed, Dawladda sharci uma lahan kororsiga oo waa in ay doorasho cusub gasho bisha Agoosto ee soo socoto.  Dawladdu maxay taa ka tiri?  Dawladdu waxa ay ku doodday in hawsha hor taalla ay u baahan tahay waqti aan hal sano ka yareyn.

Maxaa talo ah?

Murti Soomaaliyeed oo waxa jirta oraneysa beri baa nin labo fallaarood galeen: midna barida ayay ka gashay, midna isha.  Saa waxa la weyddiiyay middee lagaa hor saaraa.  Wuxuu sheegtay in marka hore laga saaro midda barida kaga taagan si uu salka dhulka u dhigo. 

Isha ayaaba qatar iyo halis badanee, waa maxay xikmadda uu ku doortay in uu iska saaro fallaarta barida uga taagan?  Jawaabtu way sahlan tahay.  Isha oo xubin muhiim ah, taxaddar gooni ahna mudan, waxa ay u baahan tahay sal iyo kaadsiinyo—iyo haddii ay lama huran noqotana galgalasho markii fallaarta laga siibayo isha.  Xaggee bay ku arooraysaa dulucda murtidan?

Soomaali walba wuu og yahay in hawsha hor taallo Dawladda aysan aheyn mid fudud.  Meel waa hanashada iyo sugidda ammaanka caasimadda iyo gobollada gacanteeda ka maqan.  Meel waa maareynta soohdimaha bad iyo berriba.  Meel waa dhaqan-celinta dhallinyarada iyo abuurista shaqo iyo rugo waxbarasho.  Meel waa dib u soo celintii hantidii qaranka ee dibada ku lumay sida safaarradaha, iwm.  Meel waa dib u soo nooleynta xiriirrada caalamiga ah iyo muuqa calanka Soomaaliyeed.  Meel waa la dagaallanka burcad-badeedda.  Meel waa dib-u-dejinta barakacayaasha iyo taakuleynta Soomaalida ay abaaruhu saameeyeen.  Intaas waxa u sii dheer, jallaafooyin sokeeye iyo shisheeye oo loo dhigo Dawladda.

Hawlahaa baaxadda weyn leh, lama filan karo in muddo yar oo ciriiri ah lagu dhammeeyo.  Nidaam iyo dariiq la maro ayay hawl waliba leedahay.  Bal aan is dul taago tusaale fudud oo ay Soomaali badan waayo-aragnimo u leedahay.  Soomaalida badankeeda waxay qurbaha ku timid waxa loo yaqaan isboonsar.  Waa laga wada dheregsan yahay in markii ay ugu yar tahay ay qaadato lix bilood—mararka qaarkoodna labo sano—in ruux joogo Afrika la marsiiyo iskiriinin, deetana interfiyuu, deetana caafimaad loo diro, deetana uu sugo dhoofkii uu ku tegi lahaa Mareykanka.  Haddii ay hal qoys tartiibsigaas soo mareen, xaggee bay joogtaa Dawlad dhan oo qaran malaayiin qof leh mataleysa?  Ma tartiibsi waxaan aheyn bay mudan tahay?  Maxaa ka muhiimsan in hawsha ay u qabaneyso dalka ay sugto?  Oo tartiibsi iyo tallaabo tallaabo u fuliso hawsheeda?

Doodda ah Axdiga Qaranka ayay Dawladdu meel uga dhacday waa dood dhinac ku saxsan.  Hayeeshee cillad ayay yeelanaysaa markii la eego dhinac kale, qaasatan dabacsanaanta iyo cududaarka Sharciga Ilaaha Kariimka ah oo marxaladaha qaarkood la dabciyo si loo ilaaliyo maslaxad guud.  Bal eeg xikmadda Ilaah—baqtigu waa ku xaaraan Sharciga Islaamka, balse ruuxii gaajeysan waxa loo banneeyay in uu ka cuno wax uu nafta ku sasabo; salaadda qofkii aan istaagi karin waxa loo banneeyay in uu fadhiisto; musaafirkii waa laga qafiifiyay soonka inta uu safarka ku jiro; xitaa qofkii naftiisa dil uga baqo baa loo oggolaaday in uu naftiisa ku badbaadiyo gaalnimo uu afka ka sheegto. 

Haddii Sharcigii Raxmaanka sidaa loo dabciyay iyadoo maslaxadda ummadda la eegayo, maxaa Axdiga Qaranka ka dhigay mid aan loo eegin maslaxadda Soomaalida dhibaateysan?  Maxaan Dawladda loogu cududaarin in ay dhammeys-tirto qabashada hawsha ay u tafo-xeedatay?  Mudnaanta ma waxaa leh u ololeynta danaha iyo samata-bixinta Soomaaliya?  Mise ku doodista sadarrada ku qoran xaashi uu aadane xarriiqay?  Ma waxaa xal ah in ninkii fallaarta gashay uu ku hor maro siibidda fallaarta isha kaga taagan?  Mise in bal marka hore uu salka dhigo, deetana uu isagoo miyir qaba u soo jeesto hawsha xannuunka badan ee sugeyso?  Haddii hal qof uu mutay kaadsiinyahaas iyo tartiibsigaas, bal ka warran qaran dhan oo leh kun shaqaale iyo malaayiin shaqo?  Oo safiir iyo safaarrado leh?  Oo ciidan iyo saraakiil leh?  Oo dhammaantood faraha kula jiro hawl xawaare ku socoto?  Hawl tartiibsi mudan?  Maxaa loo tukhaantukheynayaa oo dedejiska biday Dawladda?  Soo danta Soomaalida iyo qaranka ma ahan in Dawladda la siiyo waqti ku filan?  Laguna garab istaago?  Oo loo garto in ay tahay xal-doon?

Doodda waqti kororsiga haddii aan halkaa ku dhaafo, waxaa jirto dood labaad oo ah in sababka ay Dawladdu ku diidday shirkii Nairobi uu ka yahay kursi-jaceyl iyo iyadoon ku kalsooneyn in la dooran doono.  Waxa lagu eedeeyay Dawladda in ay dano gaar ah ka leedahay diiditaanka shirka.  Dawladdu maxay taa ka tiri?  Waxa ay Dawladdu ku nuuxnuuxsatay in shirka Nairobi uu yahay mid kala dhantaalayo habsami-u-socodka hawlaheeda qaran, oo burbur siyaasadeed keeni karo, laguna kala qeybinayo dalka—iyo sidoo kale mid aan munaasab aheyn xilligan.

Maxaa talo ah?

Jawaabtu ma sahlana.  Hayeeshee waxaad mooddaa in talooyin iyo duruus dhaxal-gal ah loogu tegi karo buugga la yiraahdo Dal Dad Waayay iyo Duni Damiir Beeshay ee uu qoray Dr. Maxamed Daahir Afrax.  Sida uu Dr. Afrax dhigayo, waxaa Soomaaliya laga galay “godob aan ummad kale laga galin,” (bogga 128)*.  Fahamkayga, godobta ugu weyn waxay tahay in siyaasad iyo dhaqaale ahaan la hagardaameeyo dawlad waliba oo u askunto Soomaaliya—ama in laga dhex abuuro khilaaf siyaasadeed iyadoo la isticmaalayo dad af-Soomaali ku hadlo, magac Soomaaliyeed wato, iskuna halleenayo taakulo qabiil iyo talo shisheeye. 

Waxa uu buuggu xusayaa saddex xubnood oo qeyb libaax ka ciyaarta ilaalinta danta guud.  Haddii ay Soomaalida maanta heli laheyd xubnahan oo mideysan, waxa ay wax ka beddeli lahaayeen jahwareerka siyaasadda Soomaaliyeed oo maalinlaha noqotay.  Waxay xubnuhu kala yihiin sidatan:

 

  • gar-wadeenka siyaasadda
  • gar-wadeenka fikirka, iyo
  • gar-wadeenka dhaqaalaha

Waa ay jiraan Soomaali badan oo buuxin karto kaalinta gar-wadeennada kor ku xusani.  Hayeeshee tafaraaruq iyo talo-seeg awgood ayaysan uga muuqan kaalintoodii ay ku lahaayeen arrimaha cakiran ee dalka Soomaaliya.  Taa waxa ay dhalisay in ay meesha ka baxdo xarun dhexe oo danta guud ilaaliso, oo hagta aragtida shacabka, oo u ololeyso qarannimadii iyo heybaddii Soomaaliya. 

Markii ay bannaanaatay kaalintii gar-wadeennadaas maxaa dhacay?  Waxaa laga dhaxlay jahwareer iyo isku dhex-yaac—iyo Soomaalidii oo si sahal ah talo uga dhiibto arrin aysan aqoonteeda iyo waayo-aragnimadeeda laheyn…sida arrimaha siyaasadda qaranka iyo arrimo waaweyn oo Diinta Islaamka ku taxalluqo.  Waana kaalintaa bannaan awgeed sababka keenay in la kala saari waayo daneystihii iyo daacaddii; lillaahidii iyo laqdabaddii; waddanigii iyo shisheeye-kalkaalkii.

Haddii aan ku soo noqdo dooddan labaad, horta waa hal-ku-dheg ku batay (cliché) luuqadda siyaasadda in qofkii kursi-doon noqdaba uu qolyaha kursiga ku fadhiyo u raadiyo eed iyo dacaayad bah-dil ah.  Dawladda haatan jirto waxa ay bilooyinkii yaraa sameysay dhaqdhaqaaq muujinaya ifafaalo iyo natiijo wanaagsan. 

Waxqabad xawaare ku socdo ayay muujisay Dawladdu.  Waxa ay furtay iskoolkii ugu horreeyay oo lacag la’aan ah oo caasimadda laga furo.  Sidoo kale waxay dib u furtay telefishinkii qaranka oo muddo 20 sano hawada ka maqnaa.  Waxa isagana sidoo kale shaqeynaya Raadiyo Muqdisho.  Bankigii Dhexe ayay Dawladdu dib u furtay.  Nalal ayaa lagu taxay jidadka Xamar.  Waa tii ay Dawladdu codsi u dirtay Jaamacadda Carabta si loogu gurmado Soomaalida Liibya ku go’doontay.  Haatan waxa ay Dawladdu qorsheynaysaa in xafiisyada UN-ta loo soo raro caasimadda—iyadoo ay caqabado hor taagan yihiin.  Sidoo kale waxay maalmahan Dawladdu hadal haysaa shir weyne ay iyadu horseed ka tahay oo bisha Juun la qabto…iwm.  Arrimahakan soo daliil uma ahan in ay Dawladdu dadaaleyso?  Danta Soomaalida ka shaqeynayso? 

Mid aan is xasuusinno: Soomaaliya waa waddan xor ah.  Oo leh cod dawladeed.  Oo wax oggolaan karto—waxna diidi karto.  Dawladdu waxa ay ku saxsan tahay aragtideeda ah in hawsha xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya (UNPOS) uu ku ekaado keliya in ay bixiso wixii tasiilaad ahee ay Dawladdu u baahato. 

Su’aal: maxaa ah sifooyinka kalsooni-darrada?  Kalsooni-darro dawlad qabto ma aysan dhinteen tirada xubnaha wasiirradeeda oo haatan ah 18, iyadoo ay tiradaasu horay u ahaan jirtay 39 wasiirradood.  Kalsooni-darro dawlad qabto qorshe iyo waxqabad la taaban karo lama soo shir tagteen.  Kalsooni-darro dawlad qabto si sharaf leh uma diiddeen markii farta loogu yeeray si ay uga soo qeyb-gasho shirkii Nairobi.  Kalsooni-darro dawlad qabto UN-ta uma aysan qaban laheyn muddo 90 cisho ah in ay xafiisyadeeda u soo rarto caasimadda.  Kalsooni-darro dawlad qabto ma aysan ku dhiirrateen hadalka ah in ay UN-ta kala wareegto hagista diyaaradaha dul-maraya hawada Soomaaliya.  Kalsooni-darro dawlad qabto ma aysan yeelan laheyn guddi la dagaallamo musuqmaasuqa; mana aysan casriyeyn laheyn garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.  Kalsooni-darro dawlad isku qabto ma aysan ku faanteen waxqabadkeeda, kumana dhiirran laheyn in ay waqtiga kororsato maadaama ay is hubto, oo qorshe ballaaran miiska u saaran yahay.  

Dhanka kale, waa godob in Dawladdii oo ka talineyso waddankeeda ay UNPOS talada ka muquuniso Dawladda.  Waa godob in ay UNPOS go’aamiso shir Nairobi lagu qabanayo…oo ay go’aamiso shir waxyaalaha laga hadlayo (ajandaha) aysan Dawladdu diyaarinin…oo ay go’aamiso cidda iman karto iyo cidda aan iman kirin…oo ay go’aamiso goobta iyo goorta uu ka dhacayo. 

Waxaa sidoo kale gef iyo godob ah in aan dheg jalaq loo siinin digniintii ay Dawladdu u dirtay Soomaalidii kale ee ka qeyb-gashay shirka—iyadoo talada iyo amarka looga danbeeyay UNPOS halkii ay sida runta ahi ay talada iyo amarkuba ay xaq u leedahay Dawladda Soomaaliya si kastaba ha u itaal darnaatee.  Yaa xil-doon ah?  Ma cidda diidday taladii Dawladda Soomaaliyeed balse ku qanacday gacan-haadintii UNPOS iyo shirkii Nairobi?  Mise cidda ku baraarugtay shirqoolka UNPOS oo ku gacan-seeray shirkii Nairobi si ay ugu qidmeyso dalkeeda iyo dadkeeda?

 

Gunaanad:

Nin xil qaad, eed qaad.  Waxaase jiro labo nooc oo uu hoggaamiyuhu u kala baxo: the servant leader iyo self-serving leader—oo ah hoggaamiye ka shaqeeyo danta guud ee ummaddiisa iyo mid caksigiisa ahoo daneyste ah oo u shaqeeyo dano qaas ah.  Ficilka daahirka aynnu aragno wuxuu ka tarjumayaa hab-dhaqan ah in ay Dawladdu leedahay qorshe iyo himmad sare oo ay ku samata-bixineyso Soomaaliya.  Dhanka kale, Dawladda gef wuu ka dhici karaa—oo macsuum ma noqon karto.  Hayeeshee maanta waxa horyaalla hawl culus.  Dhawr furin ayaa colaad ama cadaadis uga furan yahay: furin dagaal, furin siyaasad, furin dhaqaale, furin abaarro, iwm. 

Hadalka ay warqaddani ku billaabatay ee Qoraa Khaliif Ashkir Diini waxa uu muujinayaa in cimrigeennaba uu ku dhammaaday mar aynnu raadineynay xorriyad iyo mar aan raadineynno dowladnimo.  Haddaba maanta oo la joogo, waddaniga Soomaaliyeed hawsha u furani maxay tahay?  Xikmad waxa jirta laga hayo halyeeydii hore ee Islaamka oo oraneysa: “Kun macal xaq bilaa khalq”—oo macnaheedu yahay u hiilli xaqa adigoon ku xisaabtamin cidda kula jireyso iyo cidda ku mucaaradeyso. 

Tallaabada u horreyso ee uu ruuxu xaqa ugu hiillin karo waa isagoo ka xorroobo dhageysiga iyo ku qancidda dacaayadaha bah-dilka ah.  Waddaniga Soomaaliyeed waa inuusan u nuglaan waswaaska iyo tashwiishka ku socdo Dawladda oo haatan tabar-yari mooyee aan talo-xumo ku sifoobin.  Nabi Nuux (c.s.) waa tii lagu jeesjeesay markii uu dhisayay doontii uu ku badbaadin lahaa qowmkiisa—aaqirkiina waa tii loo aayay doontii uu dhisay, fadli Eebbe.

Tallaabada xigto ee u habboon Soomaalida waa iyada oo aan lagu degdegin ka hadalka arrimo ka baxsan aqoonta iyo waayo-aragnimada qofeed.  Haddii ay duruuf timaaddo, waxa miisaan noqonaya wixii ay maslaxadda iyo danta guud ku ilaashamayaan.  Haatan oo aysan weli Dawladdu si rasmi cagaheeda ugu istaagin, maslaxad ayaa ku jirto haddii ay waqtiga kororsato si ay u dhidibada ugu aasto hannaan iyo hey’ado loo aayo.  Taasina macnaheedu ma ahan in ay Dawladdu kursi-jaceyl iyo xil-doon tahay.

 

Tallaabada ugu danbeyso ee waddaniga Soomaaliyeed u qurxoon waa inuu ka gudbaa inuu Dawladda ka fisho wax aysan awood u laheyn—oo uu u gudbaa in uu la garab istaago hiil iyo hoo.  Madaxweynihii Mareykanka ee John F. Kennedy waa tuu yiri, “Ha weyddiin su’aasha ah waxa uu waddanku kuu qaban karo; balse waxaad weyddiisaa su’aasha ah waxa aad adigu waddanka u qaban kartid.”  Sidoo kale ilbaxnimada Islaamka ayay ka mid tahay in wanaagga iyo sama-falka la iska kaashado…iyo in la isku cududaaro.  Bil xaqiiqan, iyadoo la tix-raacayo waxqabadka la taaban karo ee ay Dawladdu ku sameysay bilo gudahood, sansaanta muuqato waxa ay marqaati ka tahay in Dawladdu aysan aheyn xil-doon balse ay tahay xal-doon.  Allaahu aclam.


Kala xiriir qoraaga cinwaankan: [email protected]



* Buugga Waa Sirgaxannaye Sax Ma Jirinnaa! (bogga 7-aad); Qore: Khaliif Ashkir Diini

* Buugga Dal Dad Waayay iyo Duni Damiir Beeshay (bogga 128-aad); Qore: Dr. Maxamed Daahir Afrax



 





Click here