4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Maalmuhu isu ekaa!!!

Qalinkii: Cabdicasiis Maxamed Mataan
Sunday, April 10, 2011

Garaadka, soo gocashada wixii dhaafey iyo goobeynta dhacdooyinka ayaa ah waxa looga sooco shan faroodlaha noolayaasha kale ee alle abuurey. Hadii dadka uu adeegsan waayo, hibadaa u gaarka ah, waxaa ka nolol iyo ammaan fiicnaanaya kuwa adeegsada urka iyo aragga oo kaliya.

Waxaa qofka wax garadka ah u muuqanaya marka uu dib u celiyo xasuustiisaba, dhacdooyinka hortiisa yaal sida ay ugu egyihiin kuwa kale oo horaan iasgga u soo marey.  Waxa ay ku kale duwan yihiin oo kali ah labada dhacdana ee hortiisa taalna ay tahay taariikhda iyo madashii ay ka dhacday.

Qofka garaadka fiican ama faaqidi kara oo faaleeya waxyaalaha hareerahiisa ka dhacaya waxaa uu awoodaa inta uu labo dhacdo is barbar dhigo inuu ka soo dheegto, oo uu ka soo saarto arimo dhaxal gal ah oo aayahiisa danbe u fiican isagga iyo ubadkiisa. Hadii uu hogaamiye yahayna u horseedi karta dadka uu hor kacay libin taariikhda gasha oo lama illaawaan ah.

Maanta waxaa meel dheer ka bidhaamaya ama muuqda, hadii caqli cudur aan laheyn la adeegsadaa, shirkii dib u hishiisiinta Soomaaliyeed ee socday 2 Sanno maalitii uu ka bilaabanayey Eldorate, markii la askumayey ee la abaabulayey ka qayb galayaashiisa. Maalinkaa waxaa ka maagey diidmana ka horkeenay sabab kasta ha ahaatee Dawladii ku meel gaarka aheyd ee xilligaa jirtey iyo hogaankeedii sare, ka dib markii lagu yiri ku imaada garba siman adinka iyo Dagaal oogayaashii jirey. 

Suubaan salaax iyo cadaadis laysku darey ayaa lagu qanciyey markii danbe inay garbo siman uga qayb galaan wafdigii dawladda iyo Dagaal oogayaashii, dabadeed waxaa ay dhashay in dadkii ay soo dirsatey Dawlada ay noqdaan matalayaal qabiil maalmo gaaban gudaheed.

Waxaa su’aal mudan shir qalqaaliyayaasha horta miyey aqoonsan yihiin Dawlada ku meel gaar ah ee mar kasta jirta? Hadii ay jawaabtu noqoto haa, maxaa mar walba Dawlada loo gacan dhaafaa oo ka dhigay dibad joog aan ogeyn meesha lagu diyaariyey doodaha shirarka arimaha Soomaliya lagu falanqeeyo?

Waxaa ka muuqda hab dhaqanka shir qalqaaliyayaasha inaysan aqoonsanyn Dawlada ku meel gaar ah oo ay isku si u arkaan, iyada iyo maalmulada ka jirah, garbo siman. Sidaa daraadeed ay mudnayn in si gaar ah ay dawr ugu yeelato Dawlada qaban qaabada iyo diyaarinta qodobada shirka looga doodayo.  

Shirkii Eldorate-embagathi, ee lagu abuuray Dawladaan hada jirta, waxaa ka qayb galayey Dawlad ku meel gaar ah iyo Dagaal oogayaal oo markii danbe u xuubsiibtey dad isku hayo dalka oo wada hogaan doon ah. Doodana waxaa sal looga dhigay qabiil iyo qaybsigii habar dugaag, qayb libaax leyda iyo inta  kale(4.5),  ka dibna doorashadii madaxda sare.

Shirka maanta waxaa ka qayb qaadanaya Dawlada ku meel gaarka ah iyo maamulada ka jira Soomaaliya. Waxana ka soo if bixi doono xarig jiidad aan dhammaad laheyn, garbo siman iyo qaysigii habar dugaag. Marka waxa is bedelay waa Dagaal ooge oo lagu bedelay maamulada ka jira soomaliaya oo sidii Dagaal oogayaasha ku saleysan reer iyo is gaashaan buursi oo dhinac ah iyo Dawlad ku meel gaar ah.

Dawladii ku meel gaarka aheyd maalintii hore ee Eldorate lagu casuumeyna ma ay ogeyn waxa gunta u ah madasha ay tagayso, maantana ma oga meesha xaalku u socdo mida hadda jirta shirka laoo yeeray ee Nairobi, marka Dawlada ku meel gaar ah iyada waa maqaar saar labada marba, kuwa kalana waa ka sii xag jiraan.   
Waxaa ay dadku is weydiinayaan goorma ayey dadka hor kacaya maamulada iyo Dawladaha ku meel gaarka ah horseed u noqon doonaan himmillooyinka dadkooda? Mise sidaan ayuu dalkii ku abaadi doonaa oo waxaa jiilalka danbe loo akhrini inay jireen ummad barigga Afrika degi jirtey oo ebbed u tirtirantay ayaa jirta?

Wallee xaalku waxaa uu marayaa dalkii iyo dadkii Soomaliyey in lagu baryootamo illaahow ur u bixi. Urkaas oo ah kan hogaamiya noolayaasha aan garaadka laheyn, sida shinida, si ay uga badbaadaan dhibta ama ay uga habaabin hilinkii ay higsanayeyeen.


Ir. Cabdicasiis Maxamed Mataan
[email protected]



 





Click here