fiogf49gjkf0d
GABAY KU SOCDA XARAKADA ASHABAAB IYO KUWA DHIIGA MUSLIMKA KU DAADINAYA MAGACA DIINTA
Curiye: Mahdi Warsame
Saturday, May 16, 2009
Allahayoow fidnada naga dulqaad Ducadu waa khaase
Degenaansho eeboow nasii Deeqsi baad tahaye
Shareeciyo Alloow noogu deeq Dawlad koruqaada
Sadexdaasi waa duco yaroo Anigu aan doortay
Sadex kalena waa reer Shabaab Midaan u duubaayo
Dadkuna uma sinee Ina Aweys Daacad ugu sheega
Nimankaa wejiga duubtayee Dumarka laynaaya
Xukun doon nin kugu dilahayoo Diin ku magacaabay
Daliil xume Jihaadkii kadhigay Nin iyo dookhiisa
Dagaal ooge maatada u daran Wada duqeynaaya
Dilka shacabka nimankaa u qaba Diinta badankeeda
Dawlad diidka nimankaa noqdee Dunida aafeeyey
Nimankaa Jihaadkii duwee Dhiigga door bidaya
Dadku gaalo inuu wada yahay Qalin ku duugeene
Culimada waxay uga durkeen Waa dan gooniyahe
Waa dacal mareen Khulafadiyo Cali Abuu Daalib
Qur’aan uma daliishane Shubhaa loogu dawgalaye
Diiwaanada Sunnaha kuma qoree Dood xumaa yiriye
Da’yarteey xushaan iyo nimaan Diinta garaneyne
Dagaalada Fidnada kama hadhaan Daa’in abidkoode
Waa doqomo aan lagu aqoon Danaha guud eega
Midhihii dacwada laga heliyo Shacabkii soo duubmay
Habeen bey ku kala daadiyeen Degeladiisiiye
Dab wax guba diyaarado ku filan Daawo lagu caynto
Iyagoon dabaabado lahayn Lagu difaacaayo
Waa waxay dagaal ula galaan Dawlad xoog badane
Gaalada danteedey wadaan Mana dareemaane
Daalibaan wixii lagu galay Dibuu unkaayaane
Daan daansi baa lagu bartiyo Waalli aan damine
Daarihii markii ay dunsheen Doortay Ina Laadin
Iyagaa Bush nagu soo diroo Dumiyey Kaabuule (Kabul)
Muqdishana waxay doonayaaan Iney duqeeyaane
Markii horeba iyagaa dunshoo Sababay diiftiiye
Itoobiyaanku waxay doonayeen Sabab daliilkeede
Dibuheshiin hadii aan lahelin Dawladnimo waarta
Markaloo laguu soo diraad Dibu filaysaaye
Nimanyohow dantiinii gartoo Dirir ka waantooba
Damac siyaasad dano khaasa iyo Ururo loo doortay
Dad si gaara loo shirinayiyo Magacyo deel qaafa
Xizbiyada danteen kuma jirtee Dib uga waantooba
Denbuu galay waxbuu diley Qof kale diin hakaga saarin
Haw daliishan aayado Adoon deyin tafsiirkooda
Adigoon daliil waadixiyo Dayin shuruudeeda
Diin ka saarku waa ba’anyehee Dib uga waantooba
Qof Muslima dilkii laguma helo Darajo dheeraada
Dab baa lagu mutaystaa cadaab Naarta dacalkeede
Adigoon daliil waadixiyo Dayin shuruudeeda
Oo aan maxkamad loo dalbano Qaadi dabajoogin
Dil qorsheysan waa ba’anyehee Dib uga waantooba
Dadka Salafka kugu xidhahayee Damac ka dheeraaday
Culimadu siday doorbidaan Diinta ugu hiisha
Dacwada fidiya ehelkana u diga Deriska soo jiita
Dadku waa walaalee xikmada Hadal ku deeqsiiya
Wixii diinta lagu soo daree Diidey salafkeenu
Oo aan daliil haysan iyo Aayad taba taagan
Bidcada diida Sunnahana daryeel Nebigu noo dooray
Dalab culimo loo haajiriyo Diinta baradkeeda
Ku dadaala aakhiro Waxbaa naga dahsoonaaye
Dhammaad
Mahdi Warsama
Email: [email protected]