4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Runta Reerka u Roon
fiogf49gjkf0d

13kii jannaayo, subaxnimadii xigtay habeenkii ay ciidamada Itoobiya ka huleeleen saldhigyo muhiim ah oo ay Muqdisho ku lahaayeen, ayay BBC-du wareysatay dhowr ka mid ah dadweyne fara badan oo dabbaaldeg isugu soo baxay. Hooyo qiyaastii 70 jir aheyd oo labo sano ka hor gurigii ay ka qaxday dib ugu soo noqotay, ayaa hadalkeedii ku billowday farxad ay qiiro ku dheehantahay:

 

 Allaahu akbar, Allaahu akbar,.. ha noolaato.., guul, guul,..guuleysta…”

 

Laakiin, daqiiqad gudaheed ayuu haddana dareenkeedii isku baddalay mid murugo iyo rajoxumo ay la soo deristay. Waxayna hadalkeedii ku soo afmeertay, ereyo xambaarsanaa digniin culus oo ay ka mid ahaayeen :

 

Midooba, midooba,… ha isku ridinnina xabbad, .., eeddo ha isku ridinnina,.. haddaad xabbadda isku riddaan waan qarracmayaaye, ha isku ridinnina…”(halkan ka dhageyso).

 

Waxaa haddaba isweydiin mudan; dhiiggii xoriyadda loo daadiyay oo aan weli dhulka ka qallalin, waa kuwee, kuwa ay hooyadu ka digeyso in farxaddii loo dabbaaldegayay ay u baddalaan fitno iyo fowdo lagu hoobto?

 

Meel kale ha ka goobin, waxbana yaysan su’aashu maankaada gadin; kuwa ay ka go’antahay iney guusheennii gambiyaan, god dheerna ku ridaan, waa Godinliqeyaashii uu tilmaamay gabaygii Guubaabo ee soo baxay muddo yar ka hor intii aan ciidamada Itoobiya Muqdisho laga ceyrin.

 

“Gaadiid in laga yeesho uu gorodda laalaadsho

Geeri bey ka doorteen shacbigu iney gumoobaane

Gantaal culus wixii aan gamuun uga jawaabeynay

Garruun  iyo wixii lagu diriray mindiyo gaalleef ah

Gaangiistarradii markey jabeen gooste badankoodna

Gegidii Muqdisho iyo markii goobo lagu owday

Oo ay  gabaabsiba yahiin godad ku hoos dhuunta

Guushii mekey soo dhowdoy gacantu haabhaaban

Inuu samuhu naga gaagaxoon seegno godolkeeda

Gabbal baasna uu noo dumoo dhiiggu galacleeyo

Gumeysigey bishaaro u tahoo waa gedduu rabaye

Kuwa gambin dadaalkeenniyoo balada goobaaya

Waa gurracni waxay doonayaan gacallayaaloowe

Ka gaashaanta godin qaar liqoo gabbanayaa jiraye”

 

(Guubaabo, Nofeembar 2008)

 

Nasiibdarro, inkastoo uu waxgarad badani horay uga digay foolxumada imaan karta; haddii aanan feejignaan iyo fiirodheeri lala imaan, hadddana maanta waxaa muuqata fitno nacabkeenna faa’ido u ah, fashilna u keeni karta halgankii ay kumannaanka geesi ku nafwaayeen.

 

Qoraalkan oo ay ujeeddadiisu tahay in si degdeg ah loo joojiyo colaadaha sokeeye ee sii baahaya, waxaan jeclahay in aan talooyin ugu soo jeediyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna, inta ku dhaqan gobolladda koofureed iyo kuwa dhexe oo ay musiibooyinka ugu ba’ani moddooyinkaan dambe martida u ahaayeen.

 

Qoraalka waxaan u kala qaadi doonaa saddex qaybood: Qaybta hore, waxey ku socotaa guud ahaan bulshada. Qaybta labaadna, kooxaha hubeysan, gaar ahaan kuwii shalay hubka u qaatay iney diintooda iyo dadkooda difaacaan, nasiibdarrose, maanta qaar badan oo ka mid ah la marihabaabiyay, hubna la isugu dhiibay. Qaybta ugu dambeysa waxaan ku soo qaadan doonaa kuwo ay la qurxoonaatay in dandarrada iyo dabargo’ a shacabkooda ay dano gaar ah ka dhex raadinayaan, ayagoo diin iyo direys culimo ku soo duggaalaya, kuna dagaya intii dar Ilaahey ku aaminta.

 

Nin muraayad daawaday, muuqiisuu dayayaa

 

Dhinac kasta oo wax laga qiimeeyo, waxaan nahay ummad uu Ilaahey(swt) u nimceeyay. Haba ugu horreyso, inaan dhamaanteen Muslimiin nahaye. Haddana, mashaqo kama baxno. Maxaa khaldan?

 

Cidina ma inkiri karto; in shisheeye uu xaaladaha cakiran ee Soomaaliya ka jira calwinayo, siina ceynwareejinayo. Laakiin, haddana, in la iska celiyo oo la iska caabbiyo ha joogtee, miyey caqli tahay; in aan cadowgeenna ku eedeyno inuu col nala yahay, colaadda dhexdeenna ahna hurinayo? Shisheeye ha noo dambeeyee, horta annagu ma nahay shacab sharfan oo badi shardiid ah? Mise shilalka nalugu qalayo annaga ayaa is dhignay, walibana hilbaheennii wax ka shiileyna? Waa su’ aale; sifahee ayaan la wadaagnaa umadda silloon ee ay sugaantani suureyneyso?

 

“Ummad uu waxdarankii qabiil waabab ku xaraystay

Ummad tuugga wada  aamintoo uu u yahay waali

Ummad caaqilkeedii wid loo wadata maangaabka

Ummad aan wax hubinayninoo waa la yiri haysa

Ummad waawarey iyo colaad ka jecel waanwaanta

Ummad uu widaaygeedu yahay nacab wareemaaya

Ummad wadajirkii diiddanoo kala waswaasaysa

Ummad waddici gobonimadiyoo wacan gumaystiina

Ummad uu wadkeedii galoo waalo tumanaysa !! ”

 

 (Waajib, Juunyo 2005)

 

Hadii uu isku ekaansho badani jiro, walibana kuwa lagu tilmaamo iney noogu firfircoonyihiin uu habdhaqankoodii sidaas ku sifeysanyahay. Haddii intii kale ee samaddoonka aheyd maanta laga sad roonaaday, saameyntooduna ay xaddidantahay; sow markaa madaxdan aan miyirka qabin ee isku keen dabamaraysa iyo musiibooyinkan la maareyn la’yahay uma muuqdaan kuwo aan muteysannay, Mowle ha na badbaadiyee?

 

“Nin muraayad daawaday
Waxan doorsameyn iyo
Muuqii un buu dayi
Bulsho darawalkeeduna
Hummaaggii damiirkiyo
Dabcigeeda weeyaan”

 

 (Dadaal, Maajo 2004)

 

Sida uu Quraankeenna kariimka ahi noo sheegay; Alle (swt) qoom ma bedelo ilaa uu isagu isbeddel la yimaado. Sidaas darteed; in xumaanta sii faafeysa la fiirsado, xal suubban iyo madax xalaal ahna la fisho, sow xikmaddaro iyo xisaabtan la’aan laguma tilmaami karo? Runtaa reerka u roon.

 

Miyir qab ma lagu sheegi karaa; dad madaafiic ku garaacaya guriyihii qoysaskooda, ayagoo marmarsiinyo ka dhiganaya in meelo agagaarkaas ah laga soo weeraro, amaba cadow halkaas ku gabbanaya uu gantaalkoodu ku liishaamanyahay?  Waxaa taas ka sii daran, in maalmahaan dambe ay sii badanayaan shirar abaabulan oo u muuqda kuwo lagu taageerayo tacaddiyada socda. Qiyaas, qof subixii qabriga wax ka geeyay dad ehelkiisa ah oo dulmi bareer ah lagu laayay. Duhurkii ka qaybgalay oo u ololeeyay xaflad taageero  ah oo loogu hambalyeynayo, laguna dhiirrigelinayo kuwii dambigaas geystay. Galabnimadiina, dib ugu soo noqday gurigiisii oo ay gantaalihii dhoolla tuska ahaa ee lagu soo sagootiyay gudaha u galeen, geeri badanna sababeen!

 

Hadda iyo dan; waxaan la hureynin waa heshiis, horayna Soomaalidu waxay ugu maahmaahday “ Isma hurtoy ha is halleyn”. Sidaas darteed; waxaa habboon in aan la sugin inta haadda loo warayo hilbaha kumannaan halyeeyadeenna ah. Waxaa habboon in maanka lagu hayo in cadowgii hororka ahaa ee hamuunta qabay uu weli soo haliilayo, halistiisuna intii hore ay aad uga badantahay. Doorashadu waa waa labo: in hurdada laga tooso, heeganna loo ahaado halista noo wada muuqata iyo in la dabagalo hawo dhalanteed ah iyo hunguri beenaad jab iyo hoog noo horseedi doona.

 

Haddii qof walba iyo qoys walbaa uu kan wax halaagaya ee hoyga la wadaaga ka horjoogsado, kan wanaagga u heellana la hinjiyo, howshu wey fududaaneysaa, himiladuna waa khayr Insha-Allaah. Haddiise dulmi la isugu hiilliyo, annagoo reer Huriye ah iyo annagoo reer Hambade ahna ay howli ka dhamaan weyso; hiille waa hiishiisii, hoobiya iyo hugunka madaafiicduna halkooda ayay ka soconayaan ee hambada maatida ha la daqabto.

 

Dilka walaalkaa ha ku dagmin

 

Nasiibdarrada ugu weyn ee maanta taagani waxay tahay; in geesiyaashii naftood-hureyaasha ahaa, ee uu Alle (swt) badbaada ummadaan sababta uga dhigay, qaar badan oo ka mid ah la marinhabaabiyay, la iskuna hubeeyay si loo wiiqo awooddii iyo wadajirkoodii la loodin waayay. Waa arrin aan sinnaba loo aqbali karin in walaalihii muslimiinta ahaa ee shalay dhufeyska ku wada jiray maanta dhiiggoodii la isku xalaaleeyo.

 

Maanta cadowgeenna isi soo gaashaanbuureysanaya ayaa ciiddaas ka badan. Cudur dhexdeenna ku beerma iyo cuddudeenna oo kala dhantaalantana waxaa laga dhaxlayaa cawaaqibxumo ay ka soo kabashadeedu adkaan doonto. In shalay markuu cadowgu na gumaadayay aan god yar ku wada gabbanno. Maanta, markaan guuleysannayna uu gayigii oo dhami nagu filnaan waayo, waa gaf aan garowshiinyo laheyn ee Godinliqeyaasha gurracnaanta wadana ha laga gaashaanto. Waa ayaandarro in wax shalay gumeysigii soo duulay uu ku guuldarreystay, maanta gacmo Soomaaliyeed lagu hirgaliyo, walaaluhuna ay is gowracaan.

 

“Ciidankii midnimo giigsanloo aan la kala gaynin

Dadweynuhuna garabsiinayaa laga gariiraaye

Haddii geeshku tafaraaruqoo hamigu soo gaabto

Garwadeen hadduu waayo uu gabo hoggaankiisu

Haddii gaasaskii qeybihiyo guuto kala yaacdo

Ururkuna uu kala gaardiyoo horinba gees aaddo

Haddey kooxdii sii googo’doo leysku geli waayo

Oo unugga gow iyo gish ma leh garashadii siiso

In sidii galley daadsan meel loo gurbiyo aayar

Gumeysigey bishaaro u tahoo waa gedduu rabaye

Kuwa wadajir ka gadoodayee goonni wax u raadin

Waa gurracni waxay doonayaan gacallayaaloowe

Ka gaashaanta godin qaar liqoo gabbanayaa jiraye.”

 

 (Guubaabo, Nofeembar 2008)

 

Dabin halis ah iyo Deel-boqol-dhibcoodle:

 

Muddo dheer waxaa ummadda Soomaaliyeed ku socotay qeybqeybin reereed iyo mid degaan, ayadoo ujeeddadu ay tahay in la wiiqo quwaddeeda iyo qarannimadeeda. Waxaa loo qurbay; jilibjilib, jufojufo, degmodegmo iyo tuulotuulo. Kala hormeyntaas ku dhisan dhalashada iyo degaanku inkastoo ay ilaa xad hirgashay, haddana waxay u muuqatay mid heerkii la rabay ka hooseysa. Taasina waa tan keentay in mar kale la maleego hagardaamooyin cusub oo howl iyo hanti badan lagu bixinayo.

 

Maanta, waxaa si aad ah loogu ololeynayaa qorshe-dhagareed lagu abuurayo qoqob cusub oo diineed. Waxaa sii badanaya  kooxo kala aragti ah oo iska soo horjeeda una muuqda kuwo aan ku baraarugsaneyn qorshaha cadowga ee ah “ Qeybi oo xukun” iyo halista uu kalataggu leeyahay.

 

Marka laga reebo hurinta dagaallo sokeeye oo lagu hoobto, danta ugu muhiimsan ee dabinkan cusub laga leeyahay waxey tahay; in dad badan oo aan waxgarad aheyn loo muujiyo in diintuba ay tahay wax kooxo damaaciyiin ahi ay danahooda gaarka ah ku raadsadaan. Wuxuu ku talagalku yahay in la jihowareeriyo oo shaki lagu abuuro inta daacadda u ah ee u heellan difaacidda diintooda iyo dalkooda, is aaminaaddii iyo kalsoonidiina meesha laga saaro. Si gaar ah waxaa duullaan loogu yahay oo ceebo loo daydayayaa culimada diinta iyo doorkooda sharfan. Midda ugu daran ee maanta Soomaalida ka dagi la’ina waxay tahay; in dibindaabyadaan halista ah iyo dirir-doqomeedka socota loo adeegsado ayna hormuud ka yihiin qaar duub culimo leh, damiirkuse uu wax kale yahay.

 

“Dadka Shiikh wacdinayoo
Dusha taqi la moodoo
Ilmadiisu daaddoo
Wax is daba marsiiyoo
Dir kaleba qalbigu yahay
Deel boqol dhibcood liyo
Amuuro lagu diimaa

Ku soo biiray dunidoo

Yaab baa dig soo yiri”

 

(Dawo, Nofeembar 2003)

 

Waxaa haddaba lagama maarmaan ah; in si aad ah looga digtoonaado kuwa dabinnada maleegaya, kana faa’ideysanaya jacaylka ay dadka Soomaaliyeed u qabaan diintooda Islaamka ah. Arrinkaan wuxuu si gaar ah waajib uga saaranyahay culimada xalaalmiiratada ah ee waligood u taagnaa badbaadinta ummaddooda. Shacabkana waxaa la gudboon in ay ciseeyaan culimadooda, kuna garabgalaan howsha hiilka u baahan ee maanta hortaalla.

 

Ugu dambeyntii, kuwa uu shaydaanku u qurxiyay in ummaddii dar-Ilaaheyku aamintay ay dabinno dhagareed u maleegaan, waxaan dhihi lahaa; haddaad diin leedihiin dib u xisaabtama, Daa’inkii idin abuurayna ka baqa oo dulmiga qaawan daaya. Kan diida ee weli uu damac ka hayo inuu dux ka helo dirir sokeeye iyo dhiigga maatida ee durduraya waxaan isna leeyahay;

 

“Danmooge Danmooge

Direys culumoodle

Hoostana dibindaabyo

Duul kale u adeegga

Siraha dusintooda

Guureynta ma daaye

Markuu digsi soora

Diinnaarro u jeedo

Dhareerku ka daate

Dibnaha dhaqdhaqaaqa

Inaad digrineysood

Quraanka dareerin

Xadiisyo daliishan

Kii daacad u haysta

Haddaad ku dabeysood

Shacbiga ku dageyso

Inuu Daa’in weyne

Ku daalacanaayo

Malaa’ig diyaar ah

Iney dambigaada

Diiwaanno ku keydin

Ku daabaco buugga.”

 

(Danmooge, Sebteembar 2008)


Maxamed C. Cibaar
[email protected]



 





Click here