4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Somalia : Taladaad Hore U Seegtay Maantana Ha Seegin
fiogf49gjkf0d

Ibrahim Hassan Gagale
Sunday, January 18, 2009

Marka hore waa wax shanta (5) Somaliyeed ku farxaan in Dalka Somalia xoog iyo xabbad looga saaro Cadowga Itoobiya oo shan boqol (500) oo sano dagaal cad ku hayay Diinta Islaamka ee Geeska Afrika kuna taamayay sidii uu u wada qabsan lahaa dhulka Somaliyeed. Guushaas weyn ee laga soo hooyay cadowga waxay u baahantahay talo iyo go`aan aad looga baaraandego si loo dhiso dawlad dhab ah oo matasha dadka iyo dalka Somalia una horseedda nabadgelyo iyo horumar lagaga badbaado dhibaato dambe.
 
Ummadda Somalia waxay 19 sano ku jirtaa dil, xasuuq, macaluul, burbur, barakac iyo kadeed nololeed oo aan hore loo arag xaqna ahayn in la mariyo. Dhibaatooyinka laxaadkaas leh waxaa toos uga mas`uul ah Siyaasiyiinta iyo dagaal ogayaasha Somalia oo aan marnaba dadkooda u oggolaan inay dhistaan dawlad ay iyagu leeyihiin oo ka talisa wanaagooda. Waxaa markasta fursadaha qaaliga ah ee dib-u-heshiisiinta looga qaadaa xukuumado iyo baarlamaano lagu magacaabo “Sal-ballaar” oo ka kala socda 5ta Somaliyeed ( Somalia , Somaliland, Jabuuti, Somali Galbeed (Itoobiya) iyo Waqooyiga Bari ( Kenya ). Kooxaha ku jira “Sal-ballaartaas” ee kala socda Somaliland, Jabuuti, Somali Galbeed (Itoobiya) iyo Waqooyiga Bari (Kenya) cidna ma matalaan, awoodna uma laha inay tagaan dalalka iyo gobollada ay sheegtaan inay matalaan. Kuma laha Somalia meel laga soo doorto mustablka. Waxay halkaas u tagaan oo keliya inay fushadaan dano gaar ah. In badan oo ka mid ah kooxahan waxay dadka iyo dalka Somalia ka galeen qiyaamo-qaran iyo dembiyo culus iyaga oo ka qaybqaatay ku soo hoggaamintii Somalia Cadowga Itoobiya ee geystay dhibaatada laxaadka leh una adeegeen intii uu dalka hastay. Waa danaystayaal aan ka naxayn masiibada ku habsatay ummadaas.
 
Dhammaan wasiiradii iyo xubnihii baarlamaanada ee loo dhisayay Somalia laga soo bilaabo 1991 kana kala socday Somaliland, Jabuuti, Somali Galbeed (Itoobiya) iyo Waqooyi Bari (Kenya) waxay hagardaamo, maro-habaabin, jaah-wareer siyaasadeed iyo lugooyo ku hayeen Somalia kana lumiyeen fursadaha is-fahamka iyo dib-u-heshiinta ay Somalia ku dhisan lahayd dawlad ay leedahay oo u horseedda nabadgelyo iyo horumar. Waa arrin la yaab leh in kooxo aan cidna matalin oo dulsaar ah ay ka tirsanyihiin awoodna ku leeyihiin xukuumadda iyo baarlamaanka Somalia sida ay raabaana uga hadlaan waxay rabaana ku kacaan. Haddaad eegto xukuumadaha iyo baarlamaanada Somaliland iyo Jabuuti kuma jiraan xubno ka socda Somalia, Somali Galbeed iyo Waqooyi bari Kenya waayo waxay gef weyn ku tahay qaranimadooda in dad aan u dhalan ay la qaybsadaan dawladnimadooda kana dhigaan dal iyo dawlad aan la kala lahayn sida Somalia oo noqotay raq cid kastaaba cunto.
 
Dadka Somalia weli ma is-weydiiyaan cidda ay matalaan iyo meesha laga soo dooranyo mustaqbalka dadka ka buuxa baarlamaankooda iyo xukuumadooda ee u dhashay Somaliland iyo Jabuuti kuwaas oo aan tegikarin dhulkooda. Dadka Somalia ma is-weydiiyaan kooxaha ka socda gobollada la gumaysto ee Somaliyeed cidda ay matalayaan iyo meelaha laga soo dooranyo mustaqbalka. Miyaanay waajib ahayn inay dadkaasi xoreeyaan dhulkooda la haysto inta ay ku soo qulqulayaan Somalia una ordayaan jagooyin dawlad dal kale oo ka jeedinaya xoraynta dhulkooda, hagardaamo, boob iyo dibindaabyana ku ah dawladnimada Somalia . Sidee suurto gal u tahay in dad la gumaysto ay dawladnimo dal kale boobaan. Adduunyada waxaa maanta ka jira 200 dal waxayna arrintaasu ka dhacdaa Somalia oo qura. Xubininmada Baarlamaanka iyo jagooyinka wasiiradda xukuumadda dal waa halbowlaha iyo tiirarka dawladnimada astaanta u ah ummad madaxbanaan markaas waa mustaxiil inay noqdaan waxaan la kala lahayn ama lagu khamaaro dabadeedna laga dhaxlo dawlad la`aan iyo bur bur.
 
Dadka qaar marka ay faaladan akhriyaan, waxaa laga yaabaa inay igu eedeeyaan inaan Somalida kala qaybinayo ama aqoonsi u doonayo Somaliland . Kuwaas waxaan leeyahay, Somalida gumaysi ayaa shan (5) meelood u kala qaybiyay qarnigii 19aad, Afrika oo dhanna kala qoqobay xuduudahana u sameeyay. Jabuuti waxay dooratay dawladnimo gaar ah oo diiday inay ku soo biirto Somalida xorta ah. Somaliland iyo Somalia waxay ahaayeen laba dal oo xoroobay 1960 dabadeedna kala noqday 1991 kadib markii dhibaatoweyni soo gaadhay dadka Somaliland haddana dhistay dawlad u gaar ah. Somali Galbeedka (Itoobiya) iyo Waqooyi Bariga ( Kenya ) weli waa la gumaystaa lamana oga waqtiga ay xoroobayaan. Markaas qofka ku doodaya waxbaa la kala qaybinayaa miyuu  hayaa figrad iyo awood uu isugu keenayo maanta 5ta Somaliyeed?  Jawaabtu waa maya. Waxay noqonlahayd  xoog iyo sharaf u soo hoyata Somalida haddii la helilahaa dalweyne Somaliyeed oo ka kooban 5ta Somaliyeed kana dhasha Geeska Afrika laakiin maanta lama hayo. Somalidu waxay ku maahmaahdaa, “Miro gunti ku jira looma daadiyo miro geed saaran." Waxaan uga jeedaa Somaliyaay aayahaaga ka tasho oo hadimada iyo hoosaasinta diid.
 
Waxaan kula talinayaa siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka iyo aqoonyahanada Somalia (Koonfurta) inay joojiyaan hodidda ay ku hayaan ummadooda, inay khayaaliga iska dhaafaan oo xaqiiqda iyo runta u soo noqdaan. Maanta ama xilligan la joogo suurto gal ma aha hirgelinta figradda Somaliweyn oo ah shanta (5) Somaliyeed oo la wada hoos keeno hal calan iyo hal dawlad. Riyadan ama hammigan qof kasta oo Somaliyeed waa qabaa laakiin macquul maaha in waxaan suurtogal ahayn maanta lagu sii baabi`iyo ummadda Somalia . Figradda ah Somalidu waa isku dhaqan, af iyo Diin dabadeedna waxba lama kala laha waa figrad halis ah waayo waxay horseedaysaa dawladnimo la`aan, fawdo iyo jaahwareer. Dalalka Carbeed oo ka kooban 18 dal waa isku af, dhaqan iyo Diin haddana waa kala dawlado mana jirto maanta wax lagu magacaabo Carabweyn. Masar, Suuriya iyo Leebiya ayaa mar midoobay waysa burburtay muddo yar ka dib markii ay heshiinwaayeen. Xilligan Somaliweyn waa rajo la mid ah Carabweyn oo aan la ogayn waqtiga ay hirgelayso markaas dadka Somalia yaan waqtiga qaaliga looga lumin loogana horjoogsan dawladnimadooda dhibaata daba-dheeraatay ka saarilahayd.
 
Dawlad lagu saleeyo shanta (5) Somaliyeed waa dawlad la`aan, waa jaah-wareeraan bilow iyo dhammaad midna lahayn, waa hugun beenaad aan waxqabad lahayn, waa hagardaamo iyo hadimo, waa lugooyo waana arrinta Somalia u horseeday 19ka sano halaagga iyo buruburka. Somaliyaay taladaad hore u seegtay maantana ha seegin. Maanta ayay fursad dawladnimo idiinku dhawdahay, sameeya baarlamaan iyo xukuumad ka soo jeedda dadka iyo dalka Somalia ee ka kooban:Banaadir, Sh/Hoose, J/Hoose, J/Dhexe,Gedo, Bay, Bakool, Sh/dhexe, Hiiraan, Galguduud, Mudug, Nugaal iyo Bari dhistana dawlad idiin gaar ah oo u naxda dadkeeda, midaysa waxna u qabata, iska erya dadka aan cidna matalin ee hantidiina iyo dawladnimadiina boobka ku haya idiinna diiidan inaad heshaan nabadgelyo iyo dawladnimo aad ku nasataan kuna horuumartaan.
 
Shirka dhawaan lagu qabadoono Jabuuti  ee la rabo in lagu soo dhiso baarlamaan, madaxweyne iyo xukuumad waxaa ka muuqda saansaanka kuwii hore ee la majaro-habaabiyay kuna salaysnaa wufuud ka kala socota 5ta Somaliyeed (Sal-Ballaar). Waxaa dadka Somalia looga digayaa in SHIRKAAS JABUUTI lagu soo dhiso dawlad kale oo sal-ballaar ah oo fashilanta sida kuwii hore waxaana loogu baaqayaa in baarlamaanka, madaxweynaha iyo xukuumadda lagu dooranayo ka soo wada jeedaan dadka Somalia (Koonfurta) si dhibaatada Somalia guul looga gaadho. Haddii maantana lagu saleeyo Somaliweyn oo aanay imanayn Somaliland iyo Jabuuti welina Somali Galbeed iyo Somali Waqooyi Bari la gumaysto sow markaas u fashilmayso sida kuwii hore lagana dhaxlimaayo dhibaatooyinka oo ku sii socda ummadda Somalia oo aan la garanayn waqtiga ay dhammaan. Haddii arrintaasu maantana dhacdo waxaa mas`uuliyadeeda qaadidoona siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka iyo indheergaradka Somalia oo aan weli fahmin waxa xalka dhabta u ah Somalia maanta taas oo ah dawlad ka soo jeeda dadka iyo dalka Somalia (Koonfurta). Laga bilaabo dawladii sal-ballaarka ahayd ee lagu soo dhisay Shirkii Jabuuti sannadkii 2000 waxaan qoray dhawr maqaal oo aan Somalia uga digayo dawlad aan la kala lahayn oo lagu magacaabo Sal-Ballaar kuna dambaysa burbur sii dheereeya dhibaatada. Waxay u dhacday sidii aan u saadaaliyay maantana tii oo kale ayaa Jabuuti laga abaabulayaa iyadana waan ka digayaa. Maqaaladaas hore waxaa ka mid ahaa: Shadow Peace Talks For Somalia, The Only Road To Peace For Somalia, Jidka Nabadda Somalia iwm.
 
Waxaa siyaasiyiinta Somalia looga digayaa qadafka iyo xad-gudubka joogtada ah ee ay kula kacaan walaalahooda Somaliland iyaga oo markasta u nisbeeya dad ay u uruursadaan oo aan matalin. Ummadi ummad kale xoog kuma keenikarto shakhsiyaadna dal iyo dad ma keenikaraan. Arrintaas waxay sii kala fogaynaysaa labada ummadood ee walaalaha ah isla markaana waxay caqabad ku noqondoontaa wadahadalada mustaqbalka.


Ibrahim Hassan Gagale
[email protected]


 





Click here