4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Gaza : Geeridu ma aha guuldarro
fiogf49gjkf0d

Maxamed C. Cibaar
Friday, January 16, 2009

Billowga qarniga 21aad, waxaan ku sugannahay adduunyo ilbax ah, naxariis badan, oo noole iyo manooleba in lagu xadgudbaa ay xaaraan tahay, xuquuqdooduna dhowrantahay.
Waxaanan joognaa adduunyo arxandaran oo la isku dhiirrigeliyo in dhulka lagu malaaso magaalooyin ay malaayiin qofood ku noolyihiin, caruur iyo cirroole midkoodna aan la badbaadin. Kaaga sii darane in dadka la dulminayaa ay is difaacaan waa dambi argagixiso, halka kuwa wax dabargoynaya dooddooda la xalaaleynayo. Waa duni dadka qaarkiis dilkiisa iyo darxumeyntiisa darajo iyo dallacaad lagu helo, taasina ay keentayba in gumaadkooda la isku garbiyo.

Aakhiro waa xisaabteedee, ceebta iyo waji gabaxa  ifka ku haysta guud ahaan umadda Muslimiinta ah ee walaalahood maanta lagu xasuuqayo marinka Gaza ee Falastiin, miyaysan aheyn tii Nabigeennii Muxamed (nnkh) uu ka digay 14 Qarni ka hor? Adduunyadoo la jeclaado iyo geeridoo la dhibsado, sow natiijadeedii ma noqon; ummaddii muslimiinta aheyd ee adduunka ugu badneyd in itaalkeedii uu ku soo ururo indho guluc ka siin iyadoo maalinba afartii xulka aheyd agteeda lagu dubanayo?

 

Gabayga cusub ee Gaza, oo soo baxay 15kii Jannaayo, 2009ka, wuxuu ku saabsanyahay xasuuqa naxariisdarrada ah ee lagu hayo shacbiga Gaza,waxaanan Rabbi (swt) ka baryayaa in uu naxariistiisa waasica ah u soo dedejiyo, dulmiga ku habsadayna degdeg uga dulqaado.

 

Wuxuu gabaygu ku billaabanayaa:

 

Gooreysadaa muuqatiyo sekenka gowleeya

Waagii guduutiyo waqtigu galabba waa ceyne

Waa hooska guurguurayoo gelinba meel jiraye

Galalkaa mar buuxoy xareed galac leh jiiftaaye

Marna geyigu waa wada abaar baahi loo go’iye

Gu’ waa nabad kalgacal lagu nastoo guurku fidayaaye

Gu’na waa colaad goxoshka iyo gablamin waayeele

Inkastoo gegsigu waa nimcee aad gob tahay yaab leh

Haddana gugaca samadii qarshee gubaya ciiddaada

Ubadkaada la gumaadayee nacabku gowracayo

Oon gacal u hiilliya laheyn gocasho waa ciile

Guutooyin kuu dagaallamoo buuxsha garabkaada

Gurmad kale haddaan kuu heleyn maal wax kuu gooya

Hagran maayo gabaygoo ducaan soo gudbinayaaye

Guullaan baryeynaa inuu gacan na siiyaaye

Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.

 

Iney dunidu sii gaddoomeysoy gebi ka laallaaddo

Ficillada gurracan ee dulliga yaad ka garataaye

Gunta badaha xayawaan ku jira dhibi iney gaarto

Gooddin baa ka taalloo guddiyo dhowrayaa jiraye

Dhagaxaanta qaar lama gurtoo waa ganaax culuse

Garsooraaba loo sheegayaa geed ninkii jaraye

Adigana malaayiin guryiyo gogolba loo diiday

Gasiinkana ku diimaaya oy gaajo bi’ineyso

Yaa gantaalo quud loo dhigay gumuc rasaaseede

Maatida gamaareysa ee goob walbaba daadsan

Haddaan loo garaabeyninoo gefba la sii saari

Waa inaan gutaa waajiboon geysto tabarteeye

Guutooyin kuu dagaallamoo buuxsha garabkaada

Gurmad kale haddaan kuu heleyn maal wax kuu gooya

Hagran maayo gabaygoo ducaan soo gudbinayaaye

Guullaan baryeynaa inuu gacan na siiyaaye

Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.

 

Sida galley la muufeeyay iyo garow la ruugaayo

Ummad xeero lagu soo gurtoo la isku goobeeyay

Gashigeedna loo kala tartami goosi hilibkeeda

Wax Xadiis uu goor hore ka digaa meesha galaye

Garwadeennadaa waashay iyo geeshka kaa hiilshay

Markii diinta ay ka gaabiyeen xumana loo guuray

Gafaniyo markey caabudeen Jaahilkii gawiya

Oo aakhiro in loo geeddi yahay gini hilmaansiiyay

Giirrey lo’aad iyo sidii ariga geesaha leh

Guunyuu Ilaahey ka dhigay geel dad leeyahaye

Guudkaa barkood laga raraa geenyadoo kalaye

Kuwo waa la gadayaa intey gaar gorgoriyaane

Qaarna waa la gaballeynayaa oo la googgooye

Adigaaba gaashaan leh iyo ciidan aar-gudanne

Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.

 

Gorofkii Fircoon iyo Abraha laga gol roonaaye

Hitlerkii is yiri gabagabee gabi ahaan dunida

Gendi kibir la qooqaaya iyo gale awood sheegtay

Gabgableynta maalmaha yar iyo gujinta kii liita

Waa garasho daaquud inuu gaabso diidaaye

Gumeysigu qareenkuu lahaa iyo gabbaadkiisi

Golihii la sheegsheegi jiray goob Ibleys noqoye

Waa kaa xishoodkii gambiyoo lagu gabraartaaye

Waa kaa go’ii tuurayuu guray damiirkiiye

Waa kaa gaggabayoo herdiyay biro gidaarro ahe

Waa kaa gafuurkii jaboo goon ka dhaawacane

Waa kaa nabsigii gaaxsanaa buuxshay gaawahaye

Bari iyo Galbeed laga dareen godobta teenna ahe

Gamuunkiina liishaamanoo giigsan qaansaduye

Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.

 

Gunnimaa xanuun badan leh iyo gaalo-raacnimaye

Gobonnimo inaan daafacnaa wey gudboontahaye

kuwa maanta ku go’doomiyee gaaska kugu buufin

Garaadxumo haddii ay la tahay inu gantaal taliyo

Dhiiggaada laga ganacsadiyo gardarradaa qaawan

Xaqaad gowska ku adkeysan iyo geesinnimadaadu

Dhanbaal gaar ah yey insha-Allaah sii gudbinayaane

Waa gaddii asxaabtii Ukhduud saan gareysnahaye

Wiilkuu Ilaahey galladee geliyay iimaanka

Gurbaankii khalqiga loo tumiyo gegidii buuxdhaaftay

Garbadduubiddiisii la eed maalintuu go’aye

In sheydaan go’aankiis fuloo la isku guulguulo

Boqorkii gagruurasho halkuu gaardis filanaayay

Siduu shacabkii u gadoodayee geerida u doortay

Oo godad la hurinaayo uu uga gabboon waayay

Una  yiri Allihii gabanka iyo Guullahaan raacnay

Arligaa gilgilan oo runtaa guudka soo mariye

Muslimiintii wada gama’sanaa wey gurxamayaane

Goonyaha adduunkoo dhan buu guux ka baxayaaye

Iska daa dar kaa goosta iyo gaabis kaa haraye

Gacaltooyo qaar kuu qabaa diinta soo geliye

Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.

 

Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.

Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.

Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.


Maxamed C. Cibaar

[email protected]



 





Click here