4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Dowladda Maqaar-saarka ah (TFG) ayaa Caqabad ku ah Nabadda Soomaliya
fiogf49gjkf0d

Mohamud M Uluso
Monday, January 12, 2009

advertisements
Dadweynaha ku nool Goballada Bartamaha iyo Konfurta Soomaliya aad ayey ugu diirsadeen is casiladda Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed saddex sababood darted. Kow, Madaxweynuhu wuxuu Soomalinnimo, dib u heshiisin iyo ku dhaqanka sharciga ka doortay isu dhiibidda iyo gacan siinta Ethiopia, ficiltan qabiileed iyo amar ku taagleyn. Labo, wuxuu ka hor istaagay haweenka, caruurta iyo waayeelka laga barakiciyay guryahooda gargaarka bani’aadannimo asagoo ku eedeyay inay yihiin argagixiso. Saddex, wuxuu oggolaaday burburinta iyo dhaca dhaqaalaha iyo hantida gaar ahaaneed ee dadweynaha ku nool Muqdishu. Hase yeeshe xaqiiqada waxay tahay in is casiladdiisa aysan waxba ka beddeli doonin xaaladda ba’an ee dadka iyo dalku ku jiraan. Sababta waxay tahay in taladu gacanta ugu jirto Taliska Ethiopia oo ka go’aan tahay in Soomaliya dib u soo kaban oo shan kale loo qaybiyo.

Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf wuxuu khudbadda is casiladdiisa ku sheegay in Dowladda Federaalka oo adeegsaneysay Ciidammada Ethiopia ku guuldareysatay afartii sano ee la soo dhaafay inay hanato xukunka dalka. Sidaa darted,  is casilaaddiisa waxay aheyd ku dhawaaqidda dhammaadka Dowladda Federaalka Soomaliya oo ah fidinta (extension) Xukunka Ethiopia. Xildhibannadii, Ciidammadii iyo Shaqaalihii ka amar qaadanayay Madaxweyne Abdullaahi Yusuf waa kala tageen. Yaa hadda amraya Madaaficda lagu garaacayo xaafadaha Magaalada Muqdisho?

Doodda la xiriirta bixidda Ciidammada Ethiopia waa marin habaabin lagu wiiqayo ujeedooyinka halganka difaaca xoreynta Soomaliya, ujeedooyinkaasoo ah in ciidammada Ethiopia ka baxaan dalka, aysan dib ugu soo noqon isla markaana Ethiopia joojiso faragelinta arrimaha gudaha Soomaliya. Tusaalaha marin habaabinta halganka waxaa noogu filan dagaallada cusub ee ka socda Gobollada Gedo, Bay, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo isbaheysi Ciidammo Ethiopian ah iyo Maleeshiyo Soomali ah dhinac ka yihiin. Sidoo kale, Sarkaal ka tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaliya Garabka Jabuuti ayaa markii ugu horreysay caddeeyay in Dowladda Federaalka aysan weli gudbin codsiga bixitaanka Ciidammada Ethiopia hadda kaddibna ay adag tahay inay  gudbiso codsi noocaas ah.

Waxaa  lagama maarmaan ah in la xaqiijiyo in Shacabka Soomaliyeed u qaybsamin kuwo u adeegaya Ethiopia iyo kuwo ka soo horjeeda ee  dhamman ahaadan kuwo difaacaya, u adeegaya danaha dadka iyo dalka Soomaliyeed. Dowladda Ethiopia waxay qaybaha Soomaliya u soo tababartay ciidammo isugu jira basaasin, boolis iyo militari tira badan, qaar ka mid ah kuwaas waxay ka amar qaatan saraakisha Ethiopia.

Is casiladdii Madaxweynaha kaddib, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha KMG waxaa looga yeeray Addis Ababa si loo siiyo awaamir la xiriirta doorashada Madaxweynaha cusub. Taas waxay muujineysa in doorashada Madaxweynaha ay tahay arrin Dowladda Ethiopia ka talineyso ee aysan aheyn arrin gooni u ah Soomaliya. Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia wuxuu faray Madaxda Soomalida in 30 maalmood gudahooda ku doortaan Madaxweyne cusub, la iskana iloobo wada hadallada Jabuuti. Si taas loo xoojiyo Guddomiyaha Barlamaanka wuxuu daboolka ka qaaday si rasmi ah in Barlamaanka weli si rasmi ah u ansixin heshiiskii Jabuuti, isla markaana jirin Madaxweyne ansixinaya go’aanka Barlamaanka.

Xujada hortaal Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaliya Garabka Jabuuti waxay tahay inay keenaan ciidan dhan 5,000 oo lagu dhafayo 5,000 ee Ciidanka Dowladda Federaalka si ay u sugaan Nabadgelyada Gobolka Benadir ka hor isku dhafka Siyaasadda. Madaxda Ishabeysiga waxay ku mashquulsan yihiin qoritaanka ciidan kooxeed habkaaso ah dariiqii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf ku hubeyay Maleeshiyo beeled gaareysa 17,000 qofood oo lagu soo tababaray Ethiopia, kaddibna xasuuq iyo tacadiyo ballaaran geystay. Qoritaanka Ciidan Dowladeed waxaa ka horreya jiritaanka haykal Siyaasadeed iyo Maamul oo haysta kalsoonida Shacabka intiisa badan, kaddibna dadweynaha loo soo bandhigo nidaamka dhismaha Ciidanka Dowladda.

Ciidammada TFG waa eedeysanayaal loo haysto dembiyo dagaal iyo ku xadgudub xuquuqul Insaanka.  Madaxdii Maamulka iyo Ciidammada ayaa weli horjooga dadkii ay gumaadeen, dhaceen, barakiciyeen, taaso ka soo horjeeda  mabaadi’da dib u heshiisinta, cadaaladda iyo nabadda. Dowladda Federaalka maqaar-saarka ah (TFG) waa caqabadda ugu weyn ee nabadda Soomaliya. Badbaadada Soomaliya waxay ku jirta iska tuuridda Dowladda Federaalka oo ah Dowlad markii horeba loo dhisay inay ka taliso Bartamaha iyo Koonfurta Soomaliya hase yeeshe aan hana qaadin.

Sida ku xusan Qodobka 11 lambarka 2 ee Axdiga KMG ah, Dowladda Federaalka waxay la siman tahay Ismaamul Goboledyada iyo degmooyinka madaxabannan ee dalka ka dhisan. Beesha Caalamka waxay taagersan tahay aragtidaas. Qorallada Qarammada Midoobay waxay caddeynayaan in Dowladda Federaalka ah ay tahay Dowladda Bartamaha iyo Konfuurta Soomaliya keli ah. Ismaamulkee/Gobolkee Madaxweynaha la dooranayo ka talinaya?

Dambiyada dagaal iyo xad gudubyada xuquuqul Insaanka ee lagu eedeynayo Dowladda Federaalka KMG ah waxay ku qeexan yihiin warbixinnada Haay’adda Ilaalinta Xuquuqka Aadamiga (Human Rights Watch) oo kala:                     

  1. www.hrw.org/sites/default/files/reports/somalia0807webcover.pdf (“Shell-Shocked”-Civilians under siege in Mogadishu) iyo
  2. www.hrw.org/sites/defaults/files/reports/somalia1208web.pdf (“So Much to Fear”- War Crimes and the devastation of Somalia).

Waxaa dadaal loogu jira in Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay magacaabo guddi soo baara arrintaas si dadkii ka qayb galay xasuuqa ka dhacay Soomaliya la horgeeyo Maxkamad caalami ah.                             

Nasiib darro Hay’ado kale ee Beesha Caalamka ayaa ilaa hadda xiriir la leh Madaxdii Mas’uulka ka aheyd dambiyadaas. Maanta waxaan mareynaa in tiro ka badan nus (1/2) Shacabka Soomaliyeed u baahan yihiin kaalmo cunto deg deg ah (emergency food aid), taaso aan horey u dhicin. 2006dii dad ka yar 260,000 qofood ayaa u baahna kaalmo cunto.                             

Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inuu xaqiijiyo dib u xoreynta dalka, isla markaana ku dhaqaaqo wada tashi ballaaran oo qoto dheer si loo qeexo mabaadi’da saldhigga u noqon karta dib u dhiska Qaran Soomaliyeed. 


Mohamud M Uluso
[email protected]

 





Click here