4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Sheekh Shariif ma hanan doonaa nabaddii uu gaari waayay Cabdulaahi Yuusuf
fiogf49gjkf0d

W/D: tifaftiraha Radio SIMBA
Mustafa Xaaji Cabdinuur
Monday, February 09, 2009

Kulamo is daba joog ah ayaa ka soconaya xarunta madaxtooyada Villa Somaliya kuwaasoo dhexmaraya madaxweynaha dhowaantan Soomaliya loo caleemo saarey ee Shariif Sheekh Axmed oo isagu hogaaminayay kacdoonkii Islaamiga ahaa ee sida aan kala harka lahayn uga hano qaadey bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya sanadkii 2006-dii kaasoo markii dambe ay daciifiyeen ciidamadii Itoobiya oo gacan siinayay dowladda federaalka Soomaliya oo uu xiligaasi hogaanka u hayay Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed kadib dagaalo faraha looga gubtay oo labada dhinac ku dhex maray deegaanada Iidaale iyo Deynuunaay oo labadaba katirsan gobolka Bay oo saldhig u ahaa dowladda kumeelgaarka ah halkaasoo ay ku siqayeen ciidamadii Jihaadiyiinta ahaa ee midowgii maxaakiimta
 
Shariikh Sheekh Axmed oo soo gaarey magaalada muqdisho todobaad kadib markii loo dhaariyay jagada madaxweynenimo ee Soomaliya ayaa wuxuu saxaafada ugu sheegay gegidda dayaaradaha ee Adan Cadde in ulajeedada socdaalkiisu ay u weyntahay sidii uu kulamo iyo wada tashiyo ula yeelan lahaa hogaanka muqaawamada gudaha kuwaasoo qaarkood si weyn uga hor yimid qorshihii nabadeedka Shariif uu horboodayay ee lagu hirgeliyay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti wuxuuna sheegay in ay doonayaan la kulanka qeybaha kala gedisan ee bulshada.
 
Masuuliyiin sare oo katirsan ragga mucaaradsan siyaasadaha Shariif kuna tilmaamay dowladiisa inaanay ka duwanayn tii Cabdulaahi Yuusuf ayaa markiiba saxaafadda la hadlay si ay u muujiyaan halka ay ka taaganyihiin dowladda baarlamaankeeda la balaariyay ee uu madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu hogaaminayo, Sheekh Dr Cumar Iimaan Abu Bakar oo ay halgankii maxkamadaha saaxiibo ku ahaayeen madaxweynaha cusub ayaa isla maalintii uu soo degay Shariif Sheekh isna shaaciyay mowqifka xubnaha ku bahoobay xisbi Islaami ah oo ay ku jiraan garabyo ka soo wada horjeeda dowladda iyo joogitaanka ciidamada midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho, Dr. Cumar wuxuu sheegay in aysan marnaba aqbali doonin dowladda sheikh shariif islamarkaana dagaalka ay sii wadi doonaan.
 
In kastoo madaxweyne Shariif teegaro aan la dhayalsan Karin uu kuleeyahay gudaha dalka iyo dibadaba hadana waxaa markiiba ka dhacday magaalada Muqdisho arin dadka ku ahayd nabar la filanayay kadib markii dhowr iyo toban madfac lagu weeraray xarunta madaxtooyada inkastoo saraakiishii halkaasi joogtay ay sheegeen inaanay ku dhicin dhismaha madaxtooyada islamarkaana aysan jirin wax qasaare ah oo ay gaysteen oo la soo weriyay.
 
Ma jirin wax jawaabo ah oo laga soo ridey dhinaca madaxtooyada taasoo dad faro badan maskaxdooda gelisay in isbedel haba yaraadee uu jiro waxaase dadka siyaasadda lafa gura ay tibaaxayaan in taasi ay yareynayso cabsida laga qabay in mar kale ay dhacaan qasaarooyin baaxad leh oo ay gaystaan madaafiic la is weydaarsado oo sida caadadu ahayd ay ku dhiman jireen dad magas ah oo howl maalmeedkooda bursanaya.
 
Kulamada ka soconaya madaxtooyada ee Shariif uu la yeelanayo qeybaha kala gedisan ee muqaawamada, culimada suluxa iyo odayaasha beelaha hawiye ayaa waxay uga hadleen arimaha nabadgelyada iyo sidii kooxaha diidan dowladda looga dhaadhicin lahaa inay wax la qaybsadaan maamulka cusub balse waxaa ka maqan qorshahan oo si ba'an u diidan madaxweynaha dagaalyahanada Shabaabka oo kaalin weyn ku leh arimaha siyaasadda dalka xiligan islamarkaana gacanta ku haya qeybo balaaran oo muhiim u ah cidda maamulaysa Somaliya. mudaaharaadyo ayaa ka dhacay goobahaasi qaar oo lagu diidanyahay dowladda Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku guda jira xulidda ninka la daadihin doona arimaha siyaasadeed ee soomaaliya xiligan adag.
 
Culumida Suluxa ayaa ku baaqaya in la raaco madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo la sheegay inuu ugu yeerayo kooxaha diidan siyaasadiisa inay ka doodaan waxyaabaha ay isku diidanyihiin islamarkaana dib loogu laabto Kitaabka quraanka iyo Sunada rasuulka nabadgelyo korkiisa ha ahaatee iyadoo qodobka ku saabsan in dagaalka la sii wado ay ka doorbidayaan in la joojiyo, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah culumaaudiinkaasi ayaa ka hadlay kulamadan wuxuuna sheegay in aysan aqbali doonin dadka Soomaliyeed dagaal hor leh oo xiligan loo iclaamiyo.
 
Dad badan ayaa isweydiinaya halka uu xaal ku dambeyn doono iyo sida ay isugu soo dhowaan karaan ururka Al Shabaab oo mowqifkiisu yahay in dagaal lala galo ciidamo kastaa oo shisheeye iyo xukuumad walba oo taageerta  iyo dowladda Shariif Sheekh Axmed uu hogaamiyo oo ay ku midaysanyihiin xubnaha baarlamaankii TFG-da, Isbahaysiga dib u xoreynta garabkii Jabuuti iyo ururrada bulshada rayidka ah. Waxyaabaha ay adagtahay in si sahal ah la isugu soo dhowaado ayaa waxaa kamid ah ciidamada Shisheeye ee ilaalinaya dowladda kumeel gaarka ah iyo beesha caalamka oo diidan kooxda Alshabaab kadib markii ay ku tilmaameen koox xag jir ah.
 
Maalmahan ayaa waxaa soo ifbaxayay warar la isla dhexmarayay oo tilmaamay in kulamada uu madaxweyne Shariif la yeelanayo qeybahaasi kala gedisan ay barbar socdaan wadahadalo uu la qaadanayo rag sare oo ka tirsan xarakada Shabaabka balse wararkaasi waxaa si kulul u beeniyay afhayeenka xarakada Al Shabaabka Sheekh Mukhtaar Roobow  Abu-Mansuur oo mar aanu la xiriirnay sheegay in aysan haba yaraatee waxba ka jirin wararkaasi.
 
Arintu si kastoo loo dhigo waxaa is weydiin badani ay ka taagantahay Sheekh Shariif maku guuleysan doonaa wixii uu ku guuldaresytay Cabdulaahi Yuusuf mise Soomaaliya waxay sii geli doontaa marxalad kale oo ay dhibaato hor leh ka soo wajahdo shacabka Soomaaliyeed oo mudo ku dhow 20 sano la daalaa dhacayay dagaalo sokeeye.

Mustafa Haji Abdinur
E-mail: [email protected]



 





Click here