4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Madaxweynaha Cusub: Fursadaha iyo Dhibaatooyinka Horyaala
fiogf49gjkf0d

A R A G T I D A
Monday, February 09, 2009


Madaxweynaha Cusub Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed - Sawirka Irada Humbatova/Reuters
Doorashada Sheekh Shariif oo ah nin dhallinyaro oo firfircoon ayaa waxay ummadda Soomaaliyeed u noqon kartaa guul u soo hoyatay, guushaas oo horseedikarta rajo iyo siyaasad cusb oo yididiilo galisa shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif ayaa madaxtinimadiisu ku soo beegantay xili ay madaxweynayaashii ka horeey loo tiranyo in ay ku fashilmeen hogaanka Soomaaliya. Madaxweynaha cusub ayaa gudaha iyo dibaddaba si fiican laga soo dhaweeyey taas oo ay sabab u tahay dagaalkii oo lagu daalay iyo beesha caalamka oo hadda daneyneysa dalka Soomaaliya. Kalsoonidaas Shariifka ayaad moodaa mid u dhaw tan madaweyne Obama uu ka helay adduunka.

Soomaalida badankeeda waxay isugu jiraan qaar taageersan madaxweyanah iyo qaar u rajeynaya in uu guuleysto taas oo salka ku haysa guushii laga gaaray bixitaanka Ciidamada Itoobiya, isbedelka ku dhacay hoggaankii Markeynka, dagaal oogayaashii oo meesha ka baxay iyo Sheekh Shariif  oo ku yeeshay in ka badan kal bar xubnaha baarlamaanka.

Dhibaatooyinka horyaala madaweyanah cusub ayaan yareyn. Waxaana ka mid koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya oo ay ka taliyaan kooxda Al-Shabaab, ku waas oo si aad  ah uga soo horjeeda nabadda uu Sheekh Shariif ku baaqayo, xiriirka uu rabo in uu la yeesho beesha caalamka iyo dowladaha dariska ah. Dhanka kale, waxaa jira shaki ay qabaan beesha caalamka oo ah barnaamijka uu la immaan karo wadaad iso beddelay siyaasi

Caqabad kaloo weyn ayna waxay tahay magacaabista iyo sida uu u soo xulayo Ra’iisul Wasaaraha soo dhisdoona  xukoomadda, taas oo keeni karta guusha ama fashilka xilka madaxweynaha.

Waxaan qarsoodi ahayn in madaxweyninmada Sheekh Shariif aysan ku immaanin doorasho dadweyne balse ay ahayd mashruuc gacan ku rimis ah oo ay soo abuubushay beesha caalamka horseedna uu ka ahaa wakiika gaar ahaaneed ee qarmada midoobe ee Soomaaliya Danjire Ould Abdalla ayna soo dhaweeyeen dadweynaha Soomaaliyeed ee dagaalka ku daalay. Hadaba dowladdaas ku meel gaar ah waxay ku hirgalikartaa marka ay u isticmaasho awoodeeda (maal iyo muruq) si waafaqsan maslaxadda guud ee dalka, uuna hoggaansho xukuumadda Ra’iisul wasaare aqoon iyo karti u leh maamulka dowladeed isla markaasna hanan kara kalsoonida iyo taageerada shacabka Soomaaliyeed. Madaweyne Shariif wuxuu hadda haystaa fursad uu ku saxo khaladaadkii kuwii ka horeeyey ee wax ku soo xulijiray hab qabyaaladeed.

Waxaan si gaar ah ugu dhiirigalineynaa madaxweynaha cusub in uu wadatishiga iyo dib u heshiisiinta uu ka dhigto mudnaanta kowaad.

Sidoo kale waxaan u soo jeedineynaa kooxaha mucaaradka ah, gaar ahaan madaxda Al-Shabaab in ay joojiyaan dagaal aan ujeeda lahayn ee lagu xasuuqayo shacabka aan waxba galabsan; isla markaana curyaaminkara dowladda cusub ee shacabka Soomaaliyeed aad ugu baahanyahay.

 Wixii fikrad ah fadlan noogu soo dira: [email protected]



 





Click here