4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Guantanamo Bay waxan ku soo arkay Nelson Mandellihii Soomaaliya
fiogf49gjkf0d

Qore: Cismaan Abokor
Sunday, February 08, 2009

Cori waa gabadh looyarad ah oo qareen u ah la’haystayaasha ku jira xabsiga Guantanamo Bay ee dalka Kuubba. Dhammaadkii bishii ina dhaaftay ayay waxa ay booqatay xabsigaas si ay ula kulanto maxaabiista kor u dhaaftay 500 ee muslimiinta ah ee Maraykanku u haysto in ay maleegayeen falal argagixiso oo ka dhan ah Maraykanka. Maxaabiistaas ay Cori la kulantay waxa ka mid ah Ismaaciil Caraale oo bishii lixaad ee 2007 ciidamada Maraykanku ka qafaasheen madaarka Jabuuti. Haddaba waa kuma Ismaaciil? Inta aynaan u gelin taariikhdiisa marka hore Cori ha inoo sheegto shakhsiyadda ay ku soo aragtay Guantanamo Bay. 
 
Xabsiga Guantanamo Bay waa meel aan niyadda u fiicnayn, wuxu ku yaallaa wareegga dambe ee jasiiradda Kuubba, waxay kugu qaadanaysaa saacado badan in aad badda la soo wareegto marka aad ka duusho Florida, markaa kaddib haddana waxad sii raacaysaa laash ku geeya xabsiga, waxa ku jira dad da’ kasta leh jinsiyad kastana ka kooban laakiin waa wada muslim. Cadaadis, ciqaab iyo caga juglayn ayaa ka jira, dadka xabsiga ku jiraa war kama hayaan waxa ka dhacaya adduunka kale, xataa in Obama madaxweyne noqday waxay ka ogaadeen askartii isu sheegaysay, ehelkoodiina hadalkiisa daa. Nolosha sidaas ah ayuu Ismaaciil dhexda ugu jiraa. Maxaabiista kale oo dhan waxay igala hadlayeen naftooda, waxay ka cabanayeen nolosha xabsiga, waxay dhaliilayeen hab dhaqanka askarta, laakiin waxa naftayda xusuus ku reebay in markii aan Ismaaciil weydiiyey xaalkiisa in uu ii sheegay in uu fiican yahay marka loo eego dhibta ay dadkiisii qabaan ee dhinac walba leh, iyo halista uu ku jiro dalkiisii. Waan u qaadan waayey ayay tidhi hadalkaas illaa uu si faahfaahsan iigu sheegay nolosha uu dadkiisa iyo dalkiisa la jeclaa iyo sida maanta xaalkoodu yahay. Waxa aan weydiiyey ayay tidhi Ismaaciil nolosha uu dalkiisa la jeclaan lahaa, wuxu ii sheegay ayay tidhi in uu doonayey in uu arko dadkiisa oo ku nool nolol deggan, dalkiisa oo midaysan, dadkiisa oo is jecel madaxdoodana iyagu doorta ee aan dibadda looga keenin.   Waa wax lala yaabo ayay tidhi Cori nin silsiladaysan oo ka fekeraya dad ku nool meel u jirta tobanaan kun oo kiilomitir. Waxa ka muuqday xasilooni, wuu ilka caddaynayey Englishka uu ka hadlayana waxad moodeysay in uu muddo dheer Maraykan joogey, waan ka xiise goyn waayey illaa aan gelinkii dambena u soo laabtay si aan in badan oo kale u dhegeysto Ismaaciil, markan dambe wuxu iiga sheekaynayey xabsiga iyo geerida in midkoodna aanu ahayn wax laga argagaxo, iyada oo la xidhay ama la dilay dad badan oo taariikhda adduunka kaga jira baal dahab ah sida Martin Luther King, Kwame Nakruma, Nelson Mandella ikm laakiin arrinta werwerka iyo naxdinta leh waxa weeye ayuu yidhi marka aad aragto dadkaaga iyo dalkaaga oo halis u ah in la waayo. Cori waxa ay hadalkeeda ku soo gebegebaysay runtii marka aan si daacad ah u hadlo anigu ma soo arag nin argagixiso ah ee waxan Guantanamo Bay ku soo arkay Nelson Mandellihii Soomaaliya.
 
Haddaba maaddaama aynu aragnay faaladii Cori, su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay waa kuma Ismaaciil?  Ismaaciil Maxamuud Caraale wuxu bishii August 1970kii ku dhashay cusbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, wuxu dugsiga hoose kaga baxay dugsigii H/Dhexe ee Hodan, dugsiga sarena wuxu ka baxay dugsigii sare ee Kaasa Bobolaare sanadkii 1989kii. Ismaaciil waxa aannu is barannay 25 sano ka hor (1984kii) oo aannu foom one ka wada bilownay dugsigii sare ee Kaasabobolaare, wixii waqtigaa ka dambeeyeyna waxa aannu ahayn saaxiibbo aad iyo aad isugu dhow, waqtiyo adagna soo wada qaatay.  Markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay 1991kii Ismaaciil waxa uu u soo qaxay magaalada Burco. Intii muddadaa ka dambaysayna Ismaaciil wuxu ka mid ahaa hormuudkii ummadda, wuxu ahaa dhalinyaradii wax ka hirgelisay mid ka mid ah jariiradihii ugu horreysay ee ka soo baxa magaalada Hargeisa ee Codka Hargeisa isaga oo mar masuul ka noqday jariidadda, waxa kale oo uu ka mid ahaa dhalinyaradii ugu horreysay ee aasaasta dugsiyada gaarka loo leeyahay ee loo yaqaan private schoolka ee luqadda lagu barto waxaanu lahaa dugsigii ugu horreeyey ee Hargeisa laga furo ee loo yiqiin Puntland Institute of Languages, sidoo kale wuxu si weyn uga soo qayb qaatay hawlihii nabadda iyo wacyigelinta dhalinyarada.
 
Ismaaciil muddadaa aannu saaxiibka ahayn waxa aan ku bartay dagaal nacayb iyo nabad jacayl. Waxan xusuustaa sanadkii 1995kii markii dagaalada sokeeye socdeen waxa aannu isu raacnay Ethioipa oo aannu muddo ku noolayn illaa ay ka qaboobeen dagaaladii. Ismaaciil waxa kale oo aan ku iqiin indheer garadnimo. Aniga oo suxufi ahaa xiligaas oo saxaafadduna tahay cidda ugu horreysa ee warka hesha haddana Ismaaciil wuxu ahaa qofkii ugu horreeyey ee aan ka maqlo magaca Daahir Riyaale. Dhammaadkii 1995kii ayuu ii sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Soomaliland uu noqon doono nin la yidhaahdo Daahir Riyaale, waan iska illaaway sheekadii illaa 23kii Februery 1997kii aan ku waabariistay Riyaale oo Madaxweyne ku xigeen u ah Cigaal.
 
Wixii ka dambeeyey sanadkii 1999kii Ismaaciil waxa uu waxbarasho u aaday dalka Pakistan oo muddo 7 sano ah uu jaamacad kaga jirey isaga oo deganaa magaalada Islamapad. Wixii ka dambeeyey 2006 Ismaaciil Caraale waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii sare ee Maxkamadaha Islaamiga ah isaga oo ahaa masuulkii u xilsaarnaa maamullo u samaynta gobolada, meelihii uu maamulka u sameeyeyna waxa ka mid ahaa Gobolada Jubbooyinka, markii maxkamadihii la kala eryeyna Ismaaciil wuxu ka mid noqday dadkii sida weyn uga hor yimi ciidamada Ethiopia ee duullaanka ku soo qaaday Soomaaliya.
 
Waxa kale oo xusid mudan in Ismaaciil aannu wada hadlaynay dhowr maalmood ka hor intii aanay ciidamada Maraykanku ka afduubin madaarka Jabuuti, waqtigaas oo uu qorshaynayey in uu macallin ka noqdo Jaamacadda Burco, kuna soo kordhiyo kulliyad cusub oo lagu barto maamulka iyo maaraynta iyo weliba qayb cilmi baadhis ah.
 
Maraykanku waxa ay ku eedeeyeen in uu ka mid ahaa hoggaankii sare ee Maxkamadaha Islaamida ah (UIC), taas oo aan filayo in qofkastaaba garan karo in aanay dembi ahayn maaddaama guddoomiyahoodii Shiikh Shariifba maanta uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Maraykankuna yihiin dowladdii ugu horreysay ee u soo hambalyaysay.
 
Culeyska ugu weyni hadda wuxu ka imayaa carruurtiisii oo dhigata dugsiga hoose dhexe ee Qasabka ee magaalada Burco oo subax kasta inta aanay dugsiga aadin weydiiya hooyadood sababta aabahood ugu iman waayey ama ula soo hadli waayey.
 
Si kastaba ha ahaatee looyaradda Cori waxa ay ina xusuusisay haldoor inaga mid ah oo inooga gacan haadinaya god dheer oo uu gardarro ugu garba duuban yahay.
 
Aan ku soo gebegebayno beydadkii murugada lahaa ee Cabdi Aadan Qays markii uu ku xidhnaa xabsiga Laanta Buur ee gobolka Shabeelada Hoose ee uu lahaa:
 
Shimbiryahay lalaysaa: Adna Laydha guud baad leexaysanaysaa
Ragna Laba diblaa geed: Xadhig loogu loolshoo: Luguhuu ka xidhan yahay
 
Waa qormo baroordiiq ah oo aan murugada, cidlada iyo dulmiga uu ku xidhan yahay  kula wadaagayo saaxiibkay:  Ismaaciil Maxamuud Caraale.


Waxa qoray Cismaan Abokor
[email protected]



 





Click here