4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Ku: Ka qaybgalayaasha Shirka Brussels ee dhaqaalaha loogu doonayo dalka Soomaaliya
fiogf49gjkf0d

Qorsha iyo barnaamijka  Soomaaliya waa ka weynyahay kan ay soo bandhigeen Xafiiska Siyaasadda ee qaramada midoobi ee loo yaqaano UNPOS

A R A G T I D A
Hiiraan Online
Tuesday, April 21, 2009

Xaafiiska Siyaasada ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaliya (UNPOS), ayaa dhawaanta waxaa uu soo saaray warbixin kooban oo uu ugu tala-galay, shir madaxda aduunku ay isugu imaanayaan Brussels, Belgium bishaan, April 23, si dowlada Soomaliya ee sadex-bilood jirka ah, iyo ciidamada AMISOM loogu uruuriyo lacago ay ku howlgalaan.

Lacag uruurintaas oo si wayan loo filayay inay wax wayn ka tarto socodsiinta howlaha dowlada iyo 4000 ee Ciidamad Midowga Africa, ayaad moodaa in qawad ka muuqdo habka ay warbixinta ugu qorantahay. Waxaa Xaafiisku tibaaxay in dhaqaalaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya hadda u baahantahay uu yahay $31 milyan oo lagu fuliyo howlaha  16,000 oo  ciidan boolis ah iyo sugida ammaanka. Haseyeeshee Ciidanka Midowga Africa oo ilaa hadda tiradoodu dhantahay 4300 oo isugu jira Burundi iyo Ugandha, waxay warbixintu ku talisay in loo qoondeeyo lacago gaaraya $134 milyan

Maxada siadaas soo jeedisay waa kuwii waqti iyo lacag badanba ku bixiyay  sidii dowlad Soomaaliyed loo dhisi lahaa. Mar hadii ay saas ula socdeen xanuunka Soomaali hayana, wxaa la malaynayay, in tilaabada labaad ay noqonayso sidii Soomaliya loo gu heli lahaa Balaayiin Lacag ah soo celin kara nabadgalaydii iyo shaqadii hay’adihii dowlada. Nasiibdaro, xaafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, wuxuu door biday in Ciidanka AMISOM, uu yahay kan maanta muhiimka u ah jiritanka nolosha dadka iyo dowlada Soomaaliyeed. Sida qiyaastooda ka muuqatana, askariga AMISOM ka mid ahi, wuxuu heli karayaa bishiiba $2,600, marka loo qoondeeyay askariga Boliiska ah ee Soomaaliyeed sanadka oo dhan wax la mid ah $ 1,900.

Waxaa haboon in shirka noocan oo kale ah uu si aad ah diirada u saaro baahida loo qabo nolol ku soo celinta qarankii Soomaaliyeed ee uu burburiyay dagaalka sokeeye iyo Siyaasada guracan. Waxaa marka meesha ku cad in in $31 milyan iyo wax la mid ah aysan wax ka tarikarin xal u helida nabad iyo hanaanka hogaan wanaagsan oo Soomaaliya ka hirgala

Labada arrimood (xagjirnimada iyo burcadbadeed) ee addunka ayaamahaan sida aadka ah uga salaliyay, ayaa beesha caalamka ugu filan tusaale ay ka arkaan baaxada ay leedahay dhibatooyinka horyaala Soomaaliya. Si marka wax looga qabto xaalada aad u liidatay ee baniaadaminimo, sharci la’aanta, iyo qaska ay Soomaliya ku jirtay ilaa 1991, ayaan ugu baaqaynaa madaxda Shirka Brussels inay wax ka fiirshaan meel ka durugsan, meesha ay wax ka qiyaaseen madaxda xaafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Waxaan is leenahay in ubucda baahida deg-dega ah ee Dowlada curdanka ah ay ka mid yihiin, dib-u-heshiisinta, hubka dhigida iyo dhaqan celinta dhalliyarada hubaysan, soo celinta amaankii iyo kala dambayntii, wax ka qabashada burcad badeedka,  dhismaha hay’adhii dowliga ahaa, iyo kubcinta dhaqaalaha.

Cabirka ku aadan xal u helidda mashaakilka Soomaaliya ee

Wixii fikrad ah fadlan noogu soo dira: [email protected]



 





Click here