4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub)
fiogf49gjkf0d

Inj. Maxamed C. Cibaar

[email protected]

 

Dhayal xaalkii gudubyoo
Riyo laga dhursugo iyo
Dhadhab looma baahnee
Intaan DHAXALWAREEG iyo
Dhib la mudan adduunyada
Aakhirana dhinbilo naar
Dheddig iyo labkiinnuba
Dhallinyariyo waayeel
Dhimashadu mar weeyee
Shacbiyahow la dhaansado
Diin baad ku dhalatee
Xumaatada ka dhiidhiya!!”

 

(Maansadii Dhalanteed, maarso 2004)

 

Ereyada kor ku xusani waxay ka mid ahaayeen, maansadii Dhalanteed ee soo baxday bishii Maarso sanadkii 2004ta. Xilligaas waxaa xeradii Doofaarrey ee waddanka Kenya lagu shirinayay kooxo ay hormuud u ahaayeen qabqableyaashii dagaalku.  Maansadu waxay si aad ah uga digeysay, cawaaqibxumada ka dhalan kartay haddii aysan dadka Soomaaliyeed dhaqso ugu baraarugin dhagartii lala maagganaa, aayahoodana ay ku aaminaan Itoobiya, Kenya iyo adeegeyaal ay iyagu soo aruursadeen.

 

Nasiibdarro, shirqoolkii Doofaarrey shartii laga dhaxlay shaahid ayaa loo wada ahaa oo iskaga sheekeyn meyno. Waxaase maanta taagan arrin shiiqisay shiddooyinkii la soo maray shantii sono ee la soo dhaafay, taasoo ah shaxda cusub iyo sheegashooyinka  ay Kenya ku soo hunguriyaysay dhulbadeed Soomaaliyeed oo baaxaddiisu ay gaareyso 38000 km2 , sida ku cad cilmibaaris lagu kalsoonyahay oo ay sameysay Somalitalk.com.

 

Sida ay qirteen qolooyinkii Soomaalida heshiiskaan hagardaamo u saxiixay, waxaa ayaan darro ah in sasabasho sooreysan ka dib , saddex saac gudahood ay Kenya u ogolaadeen in ay sheegan karto dhul- badeedka barwaaqadu ceegaagto ee aan bedkiisa kor ku soo xusnay, kaasoo ay horeyba  Kenya u qoondeysatay iney ku darsato dhulkeeda badda ah ee ay batroolka ka baareyso. 

 

Gabayga Dhaxalwareeg oo soo baxay 11 April 2009, wuxuu mar kale ka digaayaa khatarta cusub ee soo foodsaartay ummadda Soomaaliyeed. Haddaan shalay maqleynay dhul keenna ah oo uu gumeysigii Ingiriisku ku wareejiyay Kenya iyo Itoobiya, maanta waxaan u joognaa baddii Soomaaliyeed oo qaar ay soori-qaadday Soomaalina sheeganayaa ay horteenna ku saxiixayaan, Saatirku ha naga samatabixiyee.  Haddaan horey uga maqalnay shaqsi mas’uul Soomaaliyeed sheeganaya in la baabi’inayo xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, hal baasaboorna la qaadanayo, maantana waxaan ka maqalnay mid kale oo mas’uuliyad sheeganaya in uusanba jirin xad u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya (dhinaca badda). Haddii arrinku uu sidaan ku sii socdana, berri waxaa dhici doonta iney soo baxaan dad ku doodaya in wax dhul Soomaaliyeed la yiraahdaba uusan jirin, sida maantaba ay qaar ugu doodayaan in ay wax Soomaali la yiraahdo aysan jirin.

 

Inta ay goori goor tahay, waxaa la gudboon ummadda Soomaaliyeed oo ay waxgaradkeedu horkacayaan in ay dhacdadaan ka dhiidhiyaan, dhulkoodana ay difaacdaan. Waa in lagu baraarugsanaado haddii sheegashada tijaabada ah ee ay hadda  Kenya waddo ay meelmarto, in arrintaasi ay hordhac uu noqon doonto sheegashooyin iyo heshiis-dhagareedyo ka sii khatar badan kan hadda la wadwado, kuwaas oo lagu boobayo badda iyo berriga Soomaaliyeed, Rabbi ha na badbaadiyee.

 

Waxaa amaan gaar ah mudan bahda Somalitalk.com oo boobka badaheenna lagu hayo nagu baraarujiyay, dadaal aan la qiyaasi karin oo nafhurnimo ahna  sameeyay. Cilmibaarista ay soo bandhigeen waa mid tusaale fiican u noqon karta doorka ay warbaahinta Soomaaliyeed ka qaadan karto waxkaqabashada halista soo foodsaartay ummaddooda.  

 

Gabayga Dhaxalwareeg, wuxuu ku halqabsanayaa tifaftiraha Somalitalk Inj. Maxamed Cali, oo aan si aad ah uga warhayo kaalinta lama illoobaanka ah ee ay isaga iyo saaxibadiisa howsha la wadaa ay uga jiraan halganka lagu badbaadinayo ummaddaan beylahan ee ba’a lala maagganyahay.

 

 Wuxuuna gabaygu ku bilaabanayaa:

 

Ilaahey dhureeyow Maxamed dhiirranow saaxib

Dhacadiid adoo heli kariyo dhereg inaad jiifto

Waxan aad la dhuudhuubatee gororin dhuuxaaga

Dhaxantaad lugeyneyso iyo dhafarka kaa muuqda

Dhididkaaga hooraaya iyo dheelmashiyo ciilka

Dhambaallada ad noo soo qorteen dhaciyo duullaanka

Dhaameelka qaar lagu hodoo dhunjin carruurtooda

Iyo ruux ogaalkii dhinmoo dhimirku naafoobay

Dheeldheel dabbaalkaa u qaba dhoohaniyo tuuge

Qofkii dhuuniraac aan aheyn hubanti dhiillooye.

 

Ruux dhadhamo kaa qaaddayoo dheri un eegaaya

Dhaqanxumida qaarkeed ninyahow waa dhaliil culuse

Waa dhaawac iimaanka gala dhayidna loo hayne

Bangiyada dhigaalkooda iyo dheeri lagu biirshay

Haddii dheeman waxa dunida yaal dahabka loo dhiibo

Dhururuqa miskiin yaabbanoo dhibbani uu haysto

Dhiilaha agoontoy xadaan iyo dhar jeexjeexan

Dhiitintey ka jecelyiin iney wax un dhag siiyaane

Maatida kuwii dhuuqayiyo maxasta dhiiggeeda

Ee dhamacda kulul quudan jiray dhuxulo qiiqaaya 

Ciiddii markey dhoofiyeen oo dhir lagu diimay

Waa kuwaa dhitadi keydsaneyd hoos u dhaadhacaye

Baddeennii dharaarta cad miyaa shilin la dhaafsiistay?

 

Dhadhaabaha is fuulfuula iyo dhagaxa mooyaane

Noolaha dhaqaaqiyo nafluhu weys dhageystaane

Innagaase dhub ah oon maqleyn dhawaqa noo roone

DHALANTEED markii aan tirshiyo maanso dhumuc weyn leh

DHAKAFAAR-na aan raacshay iyo dhowr la miisaan ah

Dha’leydaad walaalow ogeyd dhaanto ma aheyne

Dhurwaa iyo markey noo tashade Dhidar na gaadaaya

Oy dhimaneyaal shirinayeen wada dhareeraaya

Dhunkaashii la qooshaayayee dheefta lagu sheegay

Burcaddii la dhoodhoobayiyo dhismaha miineysan

Dhakhaatiirta kuwii sheegan jiray dhagar maleeggooda

Dhibishdhibishtii socotaan ka naxay oon la dheygagaye.

 

Afkoo dharaq leh indhahoo dhinbila iyo korkoo dhogor leh

Wuxuu nacabku dhuudhuunto oo dhabarku muuqdaaba

Dhangad iyo wixii uu ka baqo hanad dharbaaxyeeya

Dhacantiyo wuxuu ooddayada dhinacyo joogjoogo

Dhaadhaanno aaminay wuxuu dhaar u maro beena

Ama uu basaas dhaansadoo dhuro sir noo taallay

Dhuudhigiyo liitaha wuxuu dhakada saartaaba

Danaheenna waxa uu dhabqiyoo nabadda dhiiqeeyo

Colaadaha wuxuu laba is dhalay Suug isugu dhiibo

Malaayiin markey dhimata oo dhoobo lagu aaso

Waa tuu dhursugayee wuxuu qosol dhikhleeyaaba

Dhambacaad asoo siqi wuxuu nagu dhowaadaaba

Dhugashada markii uu hubsaday inan cid dhowreynin

Dhilqe-kibir waa kaa soo dhacoo hororkii soo dhigaye

Mar haddii dhulkeennii la yiri dhaqsada oo keena

Haddey xaajadii dhii tagtoo DHAXAWAREEG Muuqdo

Waa waajib inaan dhiidhinnoo wey dhanaantahaye

Dhiifoonaada  Soomaaliyey dheeshu waa halise.

 

Dhiifoonaada  Soomaaliyey dheeshu waa halise

Dhiifoonaada  Soomaaliyey dheeshu waa halise

Dhiifoonaada  Soomaaliyey dheeshu waa halise.

-----------------------------------------------------------------

 Dhamaad

Halkaan ka akhri maansadii DHALATEED

Halkaan ka akhri maansadii DHAKAFAAR

Halkaan ka akhri gabaygii  WAAJIB


 





Click here