4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
HOGGAAMIYE (Buug Cusub)
fiogf49gjkf0d

Qoraha Buugan: Saciid Cali Shire
Saturday, April 04, 2009

 

Hoggaamintu waxay la cimri tahay aadamaha. Eebbe (SW), ka hor intuusan abuurin Nebi Aadam (CS), wuxuu malaa’igta ku wargeliyey in uu abuurayo ‘khaliifa’[1]. Sheekh Qurdubi, isagoo aayaddaas daliishanaya, ayuu ku doodaa in hoggaamiyaha Islaamka loo bixiyo khaliifa. In kastoo, hoggaamintu la fac tahay aadamaha, laga qoray buuggaag sare u dhaafaya 45,000[2] iyo qoraalo aan ka yarayn 155,000,000[3], sanadkii walbana lagu kharash gareeyo lacag sare u dhaafaysa $100 bilyan tababarista iyo hagidda hoggaamiyayaasha, haddana, waxa la isku waafaqsan yahay in aan weli wax weyn laga aqoon. Ragga qaarkiis, tusaale ahaan, Burns (1979) waxayba yiraahdaan ‘waa mawduuca loogu hadalhaynta badan yahay, looguna fahanka yar yahay’.

Inkastoo, adduunka oo dhammi baahi weyn u qabo fahanka hoggaaminta, haddana, Soomaalidu, baahi ka badan baahida ummadaha kale u qabaan ayay u qabtaa. Waayo, dhammaan dhibaatooyinkii soo maray Soomaaliya 500 sano ee la soo dhaafay waxay salka ku ku hayeen hoggaan xumo. Tusaale ahaan, Soo gelitaankii gumaysiga iyo qayb-qaybintii geyiga Soomaalida labadaba waxaa saldhig u ahaa hoos u dhac ku yimid tayadii hoggaamiyayaasha Soomaalida. Sidoo kale, faqriga, gaajada, jahliga, inxiraafka caqiidada, dagaallada micno-darrada ah, miyir-gaddoonka mujtamaca, xaalufinta degaammada, qashinka lagu aasayo dhulka Soomaalida, dhammaan waxaa mas’uul ka ah dad aan u qalmin hoggaamin ummadeed, dad aan samayn karin hiraal qaran, dad aan qiyam iyo sharaf midna lahayn oo marooqsaday masiirkii ummadda. 

Hoggaanka xumidu kuma koobna haykalka siyaasadda oo kaliya, ee waxay sidoo kale, saameeyeyn buuxda ku yeelatay dhammaan dhinacyada kala duwan ee nolosha Soomaalida. Tusaale ahaan, daraasad Shire (08) ku sameeyey sharikaadka dhexe iyo kuwa waaweyn ee Soomaalida ayaa muujisay in hoggaan xumidu (poor leadership) tahay darbiga ugu weyn ee ka hortaagan koboca iyo horumarka sharikaadka Soomaalida. Daraasaddaasi waxay sidoo kale muujisay in wax ka badan 90% fashilka ku yimaada sharikaadka Soomaalidu salka ku hayo hoggaan xumo. Daraasad kale oo Shire (08) ku sameeyey hoggaanka sharikaadka dhexe iyo kuwa waaweyn ee Soomaalida ayaa muujisay in qiyamka hoggaanka sharikaadkaasi ka soo hor jeedo qiyamkii Barker iyo Coy (2003) ku sifeeyeen hoggaanka sharikaadka Ustaraaliya. Meesha hoggaanka sharikaadka Ustaraaliya sifooyinkooda lagu daray: tawaadduc, naxariis, xikmad iyo farxad. Hoggaanka sharikaadka Soomaalidu waa kuwo: isla qabweyn, farxadu ku yartahay (gaar ahaan markay joogaan goobta shaqada), naxariistu ku yartahay (marka la fiiriyo siday ula dhaqmaan shaqaalaha, macaamiisha iyo tartamayaasha), aanna adeegsan xikmad iyo geesinnimo markay dhibaato xallinayaan.

Masaajiddada, maddaarista iyo hay’adaha khayriga ah laftoodu kama badbaadin dhibaatada hoggaan xumada. Daraasad Shire (08) ku sameeyey Masaajiddada iyo maddaarista Soomalida ee ku yaal waddanka Ingiriiska ayaa muujisay in masaajiddada iyo maddaarista xooggoodu qarka u saran yihiin bur-bur. Bur-burkaasna waxa sabab u ah hoggaan xumo. Daraasaddaasi waxay muujisay in masaajiddada xooggoodu lumiyeen ahmiyaddii loo aasaasay oo ahayd in ay noqdaan: goob cibaado, goob horumarin, goob walaaltinimo, goob waxbarasho, goob dadku ku soo hirtaan, goob qofku dhexdooda ku helo nabadgeliyo qalbiga.   

Dhibaatooyinka soo wajahay qoysaska Soomaalida ee ku nool qurbaha nooc kasta oo ay yihiin (furriin, maandooriye, waalid caasi, xabsi, dhalinyarani-mo, ku liidasho iyo ka saaqidid waxbarasho, shaqo la’aanta iwm) dhammaantood waxay si toos aha ama si aan toos ahayn lug ugu leeyihiin hoggaan xun.  

Haddaba, si qofka Soomaaliga ahi u helo nolol wuxuu ku khasban yahay in uu wax ka fahmo hoggaaminta. Si masaajiddada, maddaarista iyo hay’aadka khayriga ahi u gutaan hawlihii loo aasaasay waxa muhiim ah in dadka hor boodaa fahmaan hoggaaminta. Si sharikaadka Soomaalidu ula saanqaadaan isbeddellada aan kala go’a lahayn ee hareeyey caalamka ganacsiga iyo tiknoolojiyada waxay ku khasban yihiin in ay fahmaan hoggaaminta. Si qaranimadeenii u soo noolaato, si aan uga biskoono cudur-bulshadeedka dilaaga ah, si aan u badbaadino dadkeena meel kasta ku tabaalaysan, si aan u helno sharaf iyo karaamo waxan u baahan nahay in aan fahanno hoggaaminta.

Maaddaama, masiibada ku habsatay Soomalidu ku urursan tahay hoggaan xun, sida kaliya ee lagu xalin karaa waa in la helo hoggaan fiican. Hoggaanka fiicani dhulka kama soo baxo, cirkana kama soo dhaco. Hoggaanka fiicani wuxuu ka soo dhexbaxaa mujtamaca. Si hoggaan fiicani uga soo dhex baxo mujtamaca, waa in mujtamaca isbeddel lagu sameeyo. Sida ugu fudud oo isbeddel lagu samayn karaa mujtamacuna waa in wax laga beddelo maskaxda iyo qaabfekerka qofka Soomaaliga ah. Waxa ugu fiican oo wax ka beddeli kara maskaxda iyo qaabfekerka dadkuna waa aqoonta. Idanka Eebbe, waxaan rajaynayaa in buuggaani qayb ka noqdo buugta kobcinaysa maskaxda iyo maanka Soomaalida. 

Buuggu, laba qaybood ayuu ka kooban yahay. Qaybta kowaad, irda-furka hoggaamintu, waxay ka kooban tahay saddex cutub. Cutubka 1aad, oo guud mar ku samaynaya hoggaamintu, wuxuu sharaxaad dheer oo kala dhig-dhigan ka bixinayaa: muhimadda hoggaaminta, waxa ay ku kala duwan yihiin hoggaamiye iyo maammule, xirfadda hoggaaminta, hilinka hoggaaminta, meesha hoggaamiyayaashu ka bartaan hoggaaminta, hawlaha hoggaamiyaha, iyo waxa ay ku kala duwan yihiin hoggaamiyaha fiican iyo hoggaamiyaha xumi. Cutubka 2aad, wuxuu toosh ku ifinayaa hoggaamiyayaashii hore ee Soomaalida. Saddex seben (era) ayuu si gaar ah wax uga taabanayaa: hoggaamiyayaashii Soomaaliya Islaamka hortiis; hoggaamiyayaashii Soomaaliya waqtigii Islaamka; iyo hoggaamiyayaashii Soomaaliya sebenkii gumaysiga.   Cutubka 3aad, wuxuu isna, dul mar kooban ku samaynayaa aragtiyaha hoggaaminta. Aragtiyaha uu dulmarka ku samaynayo waxaa ka mid ah: aragtiyiii hore ee hoggaaminta, aragtida sifada, aragtida qaabdhaqanka, aragtida ixtimaalka iyo aragtiyaha cusub. Aragtiyaha cusub ee cutubkani kor istaagayo waxaa ka mid ah: aragtida burjiga, aragtida xiriirka, adeege (servent leader), wax beddele (transformational leader). Cutubkaani wuxuu ugu danbayn si faah-faahsan ugu soo af-jarmayaa Islaamka iyo hoggaaminta.   

Qaybta labaad, tiirarka hoggaamintu, waxay soo bandhigaysaa moodeel iftiimin kara hoggaamiyaha wax ka beddeli kara xaaladda murugsan ee Soomaaliya. Moodeelkaasi wuxuu ka kooban yahay udub-dhexaad iyo afar tiir. Udub-dhexaadku waa qiyamka. Afarta tiirna waa horumarinta hiraalka, dad soo jiidashada, war-gaarsiinta iyo horseedidda isbeddel. Qiyamku waa bu’da ama aasaaska hoggaaminta. Qiyamku waa cabbir, waa miisaan, waa waxa qofku ku kala saaro xumaanta iyo samaanta. Qiyamku waa halbeegga ugu muhiimsan ee lagu cabbiro hoggaamiyaha. Sidaas aawadeed, waxa la yiraahdaa hoggaamiye aan qiyam lahayni hoggaamiye ma noqon karo.

Hiraalku (vision) waa waxa hoggaamiyaha ka sooca dadka intiisa kale. Hiraalku waa xiddig iftiinkeeda dadku ku wada hirtaan. Hiraalku waa buundo isku xirta maanta iyo mustaqbalka. Hiraalku waa waxa lagu kala sooco waddamada, sharikaadka iyo hay’aadka horumarka gaara iyo kuwa afka ciida darsadda (fashilma). Hawsha ugu weyn ee hoggaamiyuhu waa in uu sameeyo hiraal dadka soo jiidan kara. Marka hoggaamiyuhu sameeyo hiraalkaas, hawshiisa labaad waa in uu dadka soo jiito si uu ugu sharaxo, u fahansiiyo, uga dhaadhiciyo meesha loo socdo (hiraalka). Si hoggaamiyuhu dadka u soo jiito, waa in uu yaqaan sida dadka loola hadlo (communication). Ujeeddada ka danbaysa horumarinta hiraalka, dad soo jiidashada iyo dad la hadliduna waa in isbeddel la hirgeliyo.

Cutuubka 10 aad, ahna cutubka ugu danbeeya buuggu, isagoo ka duulaya taariikhdii dahabka ahayd ee hoggaamiyayaashii hore ee Soomaaliya, iftiiminaya khaladaadka iyo ceebaha hoggaamiyayashii danbe (hoggaamiyayaashuii shibilka ahaa, kuwii militariga ahaa, iyo kuwii ummadda halaajiyey) ayuu si tafa tiran u qaadaa dhigayaa hoggaamiyaha ku habboon Soomaaliya.

Buuggaan, sida buuggii ka horeeyey ee ‘Furaha Ganacsiga’, wuxuu u qoran yahay qaab cilmiyaysan oo akadeemig ah, sidaas aawadeed, waxaa si isku mid ah uga faa’iidaysan kara noocyada kala duwan ee hoggaamiyayaasha Soomaalida (kuwa siyaasadda, ganacsiga, iyo hay’adaha khayirga ah) iyo ardada barata hoggaaminta. Buuggu, wuxuu si gooni ah ugu habboon yahay ardada sanadka 3aad ee jaamicadaha dalka, siiba kuliyadaha maammulka, maaraynta, ganacsiga, siyaasadda iyo ciidammada. Buugga, waxaa sidoo kale wehel ka dhigan kara qof kasta oo rajo ka qaba in uu noqdo hoggaamiye la mahadiyey.


Saciid Cali Shire
(B.Sc (Hon), PGD, M.A., M.Sc., M. Phil., MIBC, MIIBF)
Saciid Cali Shire waa qoraa, cilmibaare, la-taliye iyo barre ku takhasusay antrabranoornimada iyo ganacsiga. Saciid wuxuu 16 sano ee la soo dhaafay ka soo shaqeeyey xarumo aqoon, cilmibaaris iyo la-talin oo ku yaala Norway iyo Ingiriiska (UK). Buugta kale ee Saciid qoray waxaa ka mid ah ‘Furaha Ganacsiga’. Buuggaas oo salka ku hayey daraasad qoto dheer oo lagu sameeyey ganacsiga iyo ganacsatada Soomaalida, wuxuu maanta muqarar ka yahay saddex ka mid ah jaamicadaha Soomaaliya. Waxaa sidoo kale si isku mid ah uga faa’iidaysta ganacsatada waaweyn, kuwa cusub iyo kuwa niyadda ku haya in ay ganacsi yagleelaan. 

Si laguugu sheego meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto buuggaan la soo xiriir qoraaga:

Saciid Cali Shire
e. [email protected]
t. 44 (0) 783 8236 171
----------------------------------------------------

[1] Suuratul Baqara, aayadda 30

[2] Maalinta aan qoraalkaan samaynayo, Amazon.com, waxay hayeen buuggaag sare u dhaafaya 45,000.

[3] Qoraaladaan waxaad arki kartaa haddaad google ku qortid kelmada ‘leadership’



 





Click here