4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Qaaraan
fiogf49gjkf0d

Qore: Cabdullahi Jano
Sunday, September 21, 2008

 

Goobtu waa Minneapolis.  Waxa loo fadhiyaa tacsi.  Dad ayaa guriga dhooban.  Islaan ayaa kadiifadda geeskeeda fadhisa.  Tusbax ayey faraha ku haysataa.  Xabadba mar sii daynaysaa.  Soomaalidii si qalbi-fiicni iyo danqasho ku jirto ayay u soo garab-istaageen.  Halkii wiil ee lagu arkay ayaa meyd ah.  Labaatan jirkuu ku laqmaday.  Koox gaange ah ayuu ka tirsanaa, sidaa awgeedna loo dilay.  Hayeeshee hooyadiisa waxa laga dhowrayaa in ay ereygaasi maqasho.  ‘Gaange’ waa ku ceeb islaantu, umana quurto wiilkeeda. 

Dhimrin waa wanaag, inkiraadse waa luggooyo.  Dalkii Soomaaliya waxa uu u maqan yahay markii ay Soomaalidu inkirtay in ruux waliba la dhigo booskiisa—in la kala saaro shariif iyo sheydaan.  Taa waxa daliil u ah in qabqable walba oo dalka iyo dadkaba u daran uu leeyahay tol iyo xigto qaladka ugu hiilliya, una quuri la’ in uu yahay dhiigyo-cab mudan in umadda laga qabto.  Waa inkiraad.  Waa luggooyo.  Jahligu waa kan Soomaalida garab-mariyay danaheeda caamka ah; hungurina waa kan aqoonyahanka Soomaalida garab-mariyay in ay umadda u daneeyaan.  Waxa deetana beylah noqday maslaxaddii qofeed iyo tii qaranba.  Beylah kuma aysan ekaanin ee waxay maslaxaddii noqotay baadi.

 

Baarkinka ayey gabadhu barbar-dhig ku gashay.  Gaarigana ku ciriirisay.  Magaceedu waa Ugaaso.  Way xijaaban tahay.  Waxa ay gaariga ka soo dejisay kartoon biyo cad oo cabitaan ah.  Waxa ay ugu tala-gashay xaafadda ay tacsidu taallo.  Wiil baa kor ka eegayay, sigaarkana buufta ku hayay.

            “Oo maxaa loo lahaa gabdhaha Soomaaliyeed waxa dhiba baaraleel baarkinka?” ayuu ku kaftamay wiilkii oo dhoolla-caddeenaya.

            “Hadda xitaa nasiib baan ku galay,” ayay Ugaaso ugu jawaabtay.

            Wiilkii waa qoslay.  Ugaaso waxa ay labada gacmood ku qabsatay kartoonkii. 

            “Keen, keen, hays dhibin,” ayuu wiilkii la soo booday, “anigaa murqo hayo,e.”

            “Muruq haddaad leedahay sigaarka ha kaa joojiyo,” ayay Ugaaso tiri.

            Wiilkii afka ayaa kala tagay.  Ugaasana waxa ay xambaaratay kartoonkii biyaha.  Gurigii reerka tacsida u taallay ayay soo gashay.  Biyihii inta jekeda dhigtay bay u degdegtay islaantii geeridu gashay.  Way isku duubtay, oo ka dhunkatay gacmaha iyo madaxa iyo garbaha iyo daamankaba.

            “Habayar Allaha u naxariisto Cadde,” ayay Ugaaso tiri, “Allaha u naxariisto.”

            “Aamiin, habayareey aamiin, oo waa la wada dhiman,” ayey islaantii tiri, “adigana kheyr Allaha ku siiyo.  Geeridu waa xaq, laakiin isma laheyn waxaad aasaysaa wiilkii i barkin-dhigi lahaa geerideyda.”

            “Samir,” ayey Ugaaso tiri, “samir iyo iimaan habayareey, samir.  Waa qaddar.”

            Islaantii waxa ay eegtay Ugaaso.

            “Ugaaso,” ayay tiri islaantii oo gacantii tusbaxa madaxa ka saaraysa Ugaaso, “adiga iyo Cadde isku cawo ayaad dhalateen.  Habeenkii ay hooyadaa adiga ku foolaneysay waxa anna i haysay fooshiisa.  Labo cariish oo iska soo horjeeda baynu kala deganayn.   Allow kuu naxariiso Caddow.  Adduun wa kaa.  Cadde waa meyd.  Geeridu waa xaq.”

            “Aamiin, habayar,” ayay Ugaaso u tiri si qushuucsan.

“Hooyo Filsan ayaa i soo booqatay maanta duhuradii,” ayay islaantu tiri, “iyadaa ii sheegtay in aad shaqo jirtay.”

“Haa wallaahi,” ayay Ugaaso tiri, “anigu hadda socodkaan ayaan shaqo ka soo baxay.”

            “Kheyr hel,” ayay islaantii tiri, “kheyr hel.”

            Ugaaso mar kale ayay isku duubtay islaantii, una duceysay, oo bashqad lacag ahina si qarsoodi ah garba-saarkii ugu hoos-gelisay.  Islaantii way diidday, hayeeshee Ugaasaa ku dirqisay.  Deetana waa ay soo baxday, gaarigii ku dhacday, gurigii hooyadeedna u dhaqaajisay.

 

Ugaaso waxa ay soo gashay gurigii hooyadeeda Filsan.  Waxa gabadha saarnaa cajis iyo daal ruuxi ah.  Waxa ka maqnaa farxaddii looga bartay.  Hooyadeed ayay dhunkatay, deetana iska fadhiisatay. 

“Naa heedhe Ugaaso,” ayay Hooyo Filsan tiri, “maxaad maanta la niyad-jabsan tahay?  Markaan ku arkaba waad calool-xun tahay oo aad dheg-dhacsan tahay,e?”

“Cadde waa la dilay,” ayay Ugaaso tiri, “fursad uu ku waantoobana ma helin.”

“Maafish—dhallintii waa le’deen,” ayey tiri Hooyo Filsan.

“Kaaga daranee aysan jirin sabab ay u le’an karaan,” ayay tiri Ugaaso oo neef weyn soo tufayso, “iyaguna aysan ogeyn sababka ay u le’anayaan.  Waxa naga dhintay hal dhallinyaro.  Mid kalena waynu sugaynaa.  Cid u danqaneyso oo Soomaali ahina ma jirto—waxa aad arkeysaa odayaal siyaasiin is-mooday oo ka hadlaya mushkiladda Soomaaliya hayeeshee aan ogayn in ay iyagu yihiin mushkiladda dhabta ah.  Waxa aad arkeysaa islaamo markii dhibtu dhacdo albaabada kugu soo garaacayo, oo lacag qaaraan ah ururinaya sidii in dhibtu ay halkaa ku istaagayso.”

Ugaaso waxa ay gacanta dul saartay foolka hore ee wejiga, sidii qof madaxa xanuunayo.

“Horta odayaashu kuwo fiicanna way leeyihiin oo maslaxadda iyo midnimada kaa jecel,” ayay Hooyo Filsan ku jawaabtay, “islaamahaa kuu soo haray: iyaguna awood kale maanta ma hayaan.  Waa qaxooti.  Waa masaakiin.  Afna ma yaqaaniin. Haye, dhibtu mar waliba waa ay taagan tahay.  Raggii waad ogtahay xaalkooda.  Ii sheeg, maxay islaamuhu sameyn karaan oo aan ahayn inay soo qaaraamaan?”

Waxa la soo garaacay ilbaabkii. 

“Soo dhaaf,” ayay ku dhawaaqday Hooyo Filsan.

Waxa soo galay islaamo is-daba dudaya.  Tiradoodu waa afar.

“Salaamu calaykum!” ayay tiri islaan hor-kacaysay islaamihii kale.

“Wacalaykum wasalaam,” ayay tiri Hooyo Filsan, “horay u soo dhaafa!”

Islaamihii iyagoo saf ku socda ayay gudaha soo galeen.

“Ugaaso habayarahaa soo fadhiisi,” ayay Hooyo Filsan amartay gabadheeda.

“Dad fadhi u yimi ma nihine,” ayay tiri middii islaamiha hogaaminaysay, “waxa aynu u nimid in aad soo quftid lacagtii aad qarsanaysay.”

“Ilaah ha na siiyo wax aynu soo qufnee maxaa jira?” ayay tiri Hooyo Filsan oo muusoonaysa, “bal horta soo fadhiista, oo noo warrama.”

Islaamihii waxa ay iska siibeen kabihii, kuraastii fadhigana salka saareen.  Ugaaso ayaa waxa ay durbadiiba islaamihii soo hoos-dhigtay biyo qasan oo qabow.

“Gabadhaan ma adigaa dhalay?” ayay tiri islaan ka mid ahayd islaamihii.

“Haa, magaceedu waa Ugaaso,” ayay Hooyo Filsan tiri, “Ugaasooy, islaamahaan waa ayeeyooyinkaa ama habaryarahaa, kii hadba kuu fudud.  Maamadaan waxa la yiraah Muraayad, maamadaan kale waa Axado, maamadaan kale waa Suuban, maamadan kalena waa Barni.”

“Barasho wanaagsan, ayeeyooyin,” ayay Ugaaso si dabacsan u tiri, “anna waa Ugaaso.”

“Ayeeyo iyo habaryaro iyo eedooyin, wax walbaynu kuu nahay,” ayay tiri Axado oo ah islaantii hoggaaminaysay islaamaha.

Waxa wada qoslay islaamihii iyo Hooyo Filsan iyo Ugaaso.

“Filsaneey,” ayay tiri Axado, “waxa qaaraan loo ururinayaa reer Sowt Afrika wiilashoodii lagu laayay.  Waxa adiga lagugu soo qoray boqol doollar, gabadhaadana boqol.”

“Haddee habayar boqolka ma meelahaay iska saar-saaran tahay?  Mise ku dhawaaqiddeedaa sahlan?” ayay ku kaftantay Hooyo Filsan—kaftan doqon-ma-garato ah.

“Naa waynu is-naqaanaaye kiishashka iyo hulalka soo qufa,” ayay ku qeylisay Axado.

“Habayar i dhageyso,” ayay tiri Hooyo Filsan oo Axado garka tuujinaysa, “markii aan lacag hayo, anigaaba jecel inaan bixiyo wixii sadaqo ahee aan bixin karo, oo wallaahaan weligeey la ii tilmaamin taa.  Laakiin intaad tiro iska soo cayimataan ha ula tegina dadka.  Biil baa la iska rabaa.  Afrika waa laga soo qeylinayaa.  Masaajidda waxa ay u baahan yihiin lacag joogto ah.  Waxa taa kuu dheer qaaraamada yaryaree is-garab ordaya.  Naftaadiiba waxa laga yaabaa inaadan wax u qabsan saa lacagtii yareyd ee ku soo galaysay waxa ay ku baxaysaa boqolaal shiddo oo sida tareenka sanka isu saaran.”

Islaamihii waa aamuseen.  Ugaaso waxa ay eegaysaa hooyadeeda Filsan.

“Ina adeereey laguu warran,” ayay tiri Axado, “waxa aad sheegaysidoo dhib ah way jiraan.  Hayeeshee mid kugu keli ah ma’ahan.  Wejiga Ilaah baan ku dhaartayee waxa aynu haatan soo marnay islaan korinaysa caruur agoon ah, oo kaaga daranee waxa bil ka hor tahriib kaga dhintay labo wiil, oo ay iyadu dhashay oo labaatan jir iyo kow iyo labaatan jir ah.  Iyadu ma shaqeyso, oo waxa ay qaadataa Es-Es-Aay, oo ay weliba biil uga dirtaa labadaa wiil ilmahoodii agoomoobay iyo xaasaskoodii.  Saas ay tahayna iyada xitaa waa aynu soo marnay, oo aynu wax ka soo qaadnay.  Dee dhibtu kuma haysato keligaa, dhibtuna waa iska badan tahay, yaah….”

“Habayar waa runtaa dhibtu waa badan tahay,” ayay tiri Ugaaso oo hadalka Axado ku kala gooyneysa, “laakiin markii aad qolkaan ka baxdaan hal arrin oo aadan horay u maqal iga qor, oo xusuusnow: qaaraan ma xalliyo dhibta.  Dhibta xallinteedu waa dhib.  Laakiin dhib xallinteedu uu qaaran noqday waxa ka raagis badan dhib xallinteeda dhib loo maray.  Dhib qaaraan lagu xalliyay waa boogta oo dusha laga dhayay.  Boog dusha laga dhayayna ma bogsato.  Dhib xallinteeda dhib loo maray, oo laga wada munaaqashooday, oo shooryo iyo wada-tashi iyo qaadaal-dhig iyo turxaan-bixin cilmiyeysan laga yeeshay, qalbi saafi oo saliim ahina lala kaashaday, tawakul Allena lagu qatimay waxa ay dhashaa dawo, oo boogtii ayay sal iyo baarba u dhaydaa.  Boog kor iyo hoose laga dhayayna waa bogsataa, Alle idinki.” 

Hooyo Filsan waxa ay indhaha ku gubtay Ugaaso.  Waxa ay gabadheeda uga turaysaa in uu carab ama il bin’aadam ku dhaco, qaasatan islaamahan Ugaaso labada goor dhali kara.

“Oo gabaryaheey hadda maxaad leedahay?” ayay tiri Axado oo Ugaaso huruufaysa. 

“Wax kale ma lihiye,” ayay Ugaaso tiri, “waxa aan qabaa in kheyr Allaha idinka siiyo hawsha aad qabanaysaane laakiin ay xaqiiqdu taagan tahay, waaqucuna ina tusinayaa, in qaaraanku uu noqday mid joogto ah, uuna joogto ahaan doono illaa Soomaalida Muslimiinta ahi ay dib isugu noqdaan oo ay dhibtooda salkeeda u daadegaan, oo baaraan meesha ay arrini ka quruntay.  Waxa la yiri, ‘Dheefeey ku mee?’  Sayte, ‘Dhib baan ka hooseeyaa.’”

“Naa Filsaneey,” ayay tiri Axado, “illeen waxa guriga kuu jooga Cabdullaahi Xaajigii Bii-Bii-Sii-da oo gabar ah?”

Waxa qoslay islaamihii.  Hooyo Filsanna way isaga camirtay.

“Gabadhu way iska qiireysan tahay,” ayay Hooyo Filsan tiri, “xumaan kama ahan.”

“Weligay ma maqal ‘qaaraan xal ma noqdo’,” ayay tiri Axado.

“Qaaraan la bixiyay oo xal la moodo,” ayay Ugaaso tusaalaysay, “waa dab la baqtiyay, dhimbilihiisana iyagoo nool laga tagay.  Way jirtaa in markii qaaraan la uruurinayo uu qof walba oo Soomaali ahi jecel yahay in uu Alle ku raalli-geliyo wixii uu la baxayo.  Hayeeshee dab dhimbilihiisu ay nool yihiin in mar labaad ama siddexaad ama boqolaad uu holci doono la yaab ma’ahan.  Ruuxii u guntada maslaxaynta qowmiyadda Soomaalida—iyo guud ahaanba bini’aadnimada—waxa uu isku dayay inuu baqtiiyo dhimbilaha si aysan ugu qaxmin dab holcaya.  Raalli ahaansho Allena halkaasay isugu ururtay—ruux qaaraamay waa sidii ruux demiyay dab ololaya oo markaa shidan, umaddana ka badbaadiyay; ruuxiise demiya dhimbilaha qaxmaya, oo salka caano qabow uga shuba, waxa uu suuliyay dabkii weynaa oo soo rogaan-celin lahaa.  Qaaraan dabkuu baqtiiyaa; dhimbalahase ka tagaa.  Dab ay dhimbilihiisu qaxmayaanna waa dab jooga, oo nool.  Qaaraame waxa uu badbaadiyaa ummad dhibban xilli cayiman, waxana la arkaa in berito qaaraamihii loo qaaraamo; dhanka kale, dhimbil-demiye waxa uu badbaadiyay naftiisa iyo nafaha umadda, ma qaaraan tago, mana loo qaaraamo.  Barwaaqo iyo baraare iyo caano cadna dhex-mushaaxaa maadaama uu dhibta xallinteeda uu u maray dhib—ma’uusan raadin qaaraan laab-la-kac ah.  Xalka dhib baa loo maraa.  Dhib baa dheef dhasha.  Qaaraan xal ma ahan.”

Waxa si yasid ku jirto madaxa la luxday Axado. 

“Habayar, aan ku weydiiyee,” ayay tiri Ugaaso oo aan ka neefineyn islaantii Axado, “ma waxaad u qaaraamaysaa in aad badbaadisid qof kale, hayeeshee berito adiga markaaga laguu qaaraamo?  Ogowse qaaraame iyo loo-qaaraame dhibtu way u siman yihiin inta ay dhimbiluhu nool yihiin.  Marka soo kuuma dhaanto in naftaada iyo tan umaddaba aad badbaadisid oo aad xal run ah raadisid?  Xal ka sal-ballaaran qaaraan?  Xal tayo leh?  Xal waara?”

Waxa is-eegay islaamihii, oo hadalkii Ugaaso ayaa cunaha uga daadegi la’.

“Habayaryaal,” ayay tiri Hooyo Filsan oo islaamihii sasabaysa, “gabar noocaan ah ayaa ii joogtee ha u bixina hadalkeeda, hahaha.”

Ugaaso way aamustay.  Axadona lugta ayay dhulka la dhaceysaa.  Jiq ciil la tiri.

“Mayee waxan la yaabay,” ayay Axado tiri, “meelaha yaryaree ay ka hadleyso: waaxay dhimbilaha ay sheegayso?  Iyo boogta la dhayayo? Ma miyigii Soomaaliyaynu joognaa?”

“Habayaryaal gabadhu way iska qiiraysan tahay,” ayay Hooyo Filsan tiri, “Soomaalida iyo Muslimiinta ayay meel iyo magac fiican la jeceshahay.  Xumaan ha u qaadanina.”

            “Ayeeyo Ugaaso,” ayay tiri Axado, “caruur baad tahay.  Qaaraan weligiisuu jiray.  Adigoon dhalan buu jiray.  Anigoon dhalan buu jiray.  Soomaaliyoon dhalan buu jiray.  Qalad ha ka fahmin.  Cimri iyo waayo-aragnimo markii ay kuu kordhaan ayaad wax fahmeysaa, taa iga qor ayeeyo.  Adduunyadu waa mushkilo socoto—saman-aakhir baa lagu jiraa.  Dabkii shidmay berigii uu Qaabiil dilay Haabiil ayaa weli shidan, oo holcaya.  Marka ayeeyo, hadda caruur baad tahayee adigaa wax fahmi doono.”

Waxa muusootay Ugaaso.  Afkeedana xiratay—maslaxooyin dhowr ah awgood. 

“Naa heedhe maad na dirtid?” ayay tiri Axado oo ku qeylinaysa Hooyo Filsan, “waa ku sidee? Allow tolkayaga hanaga reebin!”

“Habayar idinkoo gacan maran insha Allah idinma dirayo,” ayay tiri Hooyo Filsan oo ka xishoonaysa in ay islaamuhu faro-marni ku laabtaan, “Ugaaso kac hooyooy boorsada ka soo bixi hal.”

“Anigaa bixinaya, Hooyo,” ayay la soo boodday Ugaaso oo boorsadeeda furaysa, “hoo, ayeeyo Axado.”

Islaamihii hal mar ayey Ugaaso u duceeyeen.

“Gabadhaadu waa fariid,” ayay tiri Barni oo intii hore oo dhan aamusneyd, “laakiin ha soo korto—markaasay wax fahmi doontaa, insha Allah.”

“Insha Allah,” ayay ka daba tiri Hooyo Filsan, “waa runtaada, insha Allah.”

Waxa qososhay Ugaaso.

“Ayeeyo maxaad ku qososhay?” ayay tiri Axado.

“Ogaada xaqa oo la arko Alle kuma uusan xirin da’,” ayay Ugaaso ku kaftantay, “‘Taladu mar bay qofka reerka u yar ku jirtaa.’  Waa maahmaah Soomaaliyeed.”

“Yaah, maxaad tiri, maahmaah?” ayay tiri Axado oo qosol la ilka-caddeynaysa.

“Maahmaahyada aad bay u uruurisaa,” ayay tiri Hooyo Filsan, “si aad ah.”

Waxa qososhay Ugaaso—islaamihiina waa la qosleen.  Jewigu waxa uu isu bedelay mid kaftan iyo maadeysi.  Hayeeshee Ugaaso weli farriin baa u harsanayd in ay gudbiso—in kale oo badanna way la gabanaysaa, oo islaamaha ka qarinaysaa.  Maslaxaddeedaa ku jirto.

“Haddii xaqa aragtidiisa da’ lagu xiray,” ayey Ugaaso ku doodday, “Alle Quraankiisa kuma uusan xusi lahayn wiilkii yaraa ee saaxirlowgu macallinka u ahaa ee Buruuji; amase wiilashii dhallinyarada ahaa ee godka ku dhuumanayay ee Kahfi; sidoo kalena Rasuulku muusan ka dardaarmeen in Caa’isha oo toban jir ahi ay dadku cilmiga nuskii iyada ka qaataan.”

Hal mar bay islimiihii iyo Ugaaso iyo Hooyo Filsan ku wada salliyeen Rasuulka.

“Habayareey gabar cajiib ahaa kuu joogto,” ayay tiri Suuban oo garabka ka taabanaysa Hooyo Filsan.

“Maashaa Allaah,” ayay Hooyo Filsan la soo boodday, “waxa ay intaasi ka warrameysaa arrimo aan loo joogin, iyo taariikh hore.  Sidaan hore idiinku sheegayba.”

“Waa fiican,” ayay Muraayad tiri, “Ugaasooy ka faa’ideyso waqtigaaga.”

“Iyo caqligaagaba,” ayay Suuban ku waanisay, “annagu sidaan marna jiko ugu jirnay, marna caloosha ilmo ugu sidnay, marna ilmaha u korinaynay ayaa cimrigii naga dhamaaday.  Adiga haatan ka faa’iideyso noloshaada—hooyadaana ka duceyso.  Waad liibaani, Alle idinki,e.”

“Waad mahadsan tahay, ayeeyo,” ayay Ugaaso ku tiri Suuban.

Il-biriqsiyo ayaa la kala aamusnaa.

“Filsaneey haddee annagu waa aynu sii soconaynaa,” ayey tiri Axado, una sii duceysay Ugaaso, “ayeeyo Allaha ku barakeeyo oo ajar ha kaa siiyo sadaqada.”

“Aamiin,” ayay Ugaaso tiri.

“Dhimbilahaad sheegeysay waa kuwo adduunee Allaha sadaqada kaaga xijaabo dhimbil adduun iyo tu naareedba,” ayay Suuban ku daba-xejisay, “reerkana Allaha ku xifdiyo sadaqada, oo balaayo muuqata iyo midaan muuqanba kaga qabto, oo mowtida reerka xaq ku leh gaarsiiyo.”

“Aamiin,” ayay hal mar si wadajir ah u yiraahdeen.

“Idinkana kheyr iyo ajar Allaha idinka siiyo dadaalkiina,” ayay Hooyo Filsan ku tiri islaamihii oo sii baxaya.

“Mayee waa sidaas,” ayay tiri Axado, “waa naga dadaal.  Maxaan kaloo qabannaa?”

Waxa baxay islaamihii oo sidii ay ku yimaadeen oo kale isku daba-dudaya.  Hooyo Filsan waxa ay xirtay ilbaabkii.  Inta soo noqotay ayay eegtay Ugaaso.

“Ugaaso, aniga i maqal,” ayay tiri Hooyo Filsan, “afkaaga xiro: dadkaan isma fahmaysaan oo waxa aad adigu arkayso iyo sida aad u aragto wax uma arkaane cagaha dhig. Joog, naa joog.  Oo carabka habraha iska ilaali.  Oo il-laacada iska ilaali.  Warkayga maqal.” 

“Hooyo illaa iyo intaan soo qaxnay illaa iyo haatan waxa un la ururinayaa lacag qaaraan,” ayay tiri Ugaaso, “miyaan dhibta laga hor-tagi karin? Miyaan baahida jirta la haqab-tiri karin? Maxaysan ummadaha kale u qabin qaaraan joogto ah sida Soomaalida? Adigoose deyn qaba, oo qaaraankii hore laguugu leeyahay, maxaa keenay in lagaa qaado qaaraan kale?” 

“Haye hadda, haye hadda, waad billowday, waa markaad is-cuncuni jirtay,” ayay tiri Hooyo Filsan.

“Hooyooy markii aan afka kala qaadaba naqaskaad igu dhejisaa,” ayay Ugaaso ku catawday, “anigu cid kale aan la sheekaysto oo aan ku kalsoonahay ma qabo aan adiga ahayn.”

“Maamo anigu wallaahi in uu naqasku kugu dhago ma doonayo,” ayay la soo boodday Hooyo Filsan, “intii dad cadow iyo war-xumo-tashiil ah aad la hadli lahayd, waxaan jeclahay in aan ku dhegaysto oo aad hadashid.  Hayeeshee hooyooy waxa aad mar walba isku dhibtaa arrimo ay dadkoo idil wada arkaan, saas ay tahayna ay ka aamusan yihiin—cilmi la’aan dadka kama ahanee waxa ay suganayaan waqtigeeda.  Adigoo cunug yar ah, oo bidhi-bidhi leh, oo dad ku garab-taagan iyo cid lagaaga cabsado aan lahayn baa isa soo mutaxaya.  Dadka xilligaan jooga waxa ay leeyihiin sheekaysi hoose, xulufaysi, iyagaa iska kaa xiga, la-sheeko ma tihid, la-talo ma tihid…marka arrimahaas aadan ogeyn baan ogahay, oo waxa aan kuu nacayaa in laguu arko lakad soo taagan.  Wanaaggaaga ayaan hooyooy jeclahay, adiguna taa macallin baad ku tahay.”

Waxa neefsatay Ugaaso.

“Hooyo,” ayay Ugaaso cod deggan ku tiri, “waan ogahay in aad ii soo martay dhib badan.  Welina aad ii dhibtoonaysid.  Kheyr Allaha kaa siiyo.  Cid kale maanta kuma kalsooni aan adiga ahayn—adigaa saaxiib ii ah.  I love you, Hooyo.”

“Adigana kheyr Allaha ku siiyo,” ayay Hooyo Filsan tiri.

“Hooyo dheh, ‘I love you, too!’” ayay tiri Ugaaso oo kaftamaysa, “Ingiriiska isku day.”

Waxa wada qoslay Ugaaso iyo Hooyo Filsan.

“Maamooy waad ducaysan tahay,” ayay Hooyo Filsan tiri, “laakiin kakanaanta iska dhaaf—oo ha isa soo mutuxin.  Iskana ilaali isha habraha aniga i dhali kara.”

            “Hooyo macaan,” ayay Ugaaso tiri, “keliya waxa aan daneeynayaa in ay Soomaalidu wax fahmaan, oo ay dhibta arkaan, waxna ka qabtaan, oo sharaf helaan.”

“Taa sahal kuma dhacayso,” ayay la soo boodday Hooyo Filsan, “maamo adiga Ilaah waxa uu ku siiyay qalbi fiican.  Laakiin waxa aad sheegaysid haddii ay dadku maqlaan, waaba laguugu qoslayaa.”

Waxa qososhay Ugaaso.

            “Wallaahi,” ayay tiri Hooyo Filsan, “adduun ma joogno.  Mar horena waan ku iri: waxaad yeeshaa ciddii aad caqli iyo cilmi ku siyaadin kartid wax tar—laakiin isaga aamus arrimahan kale ee waaweyn.  Waa lagaa weyn yahay, oo lagaa cilmi badan yahay, oo lagaa waayo-aragsan yahay, oo lagaa indho-dheeryahay.  Is nab, oo ha isa soo mutuxin.  Waa iga talo.”

            Ugaaso waxa ay dhuuxaysay hadalkii Hooyo Filsan.  Mararka qaarkood, waxa ay Ugaaso ku fekertaa darajada ay Hooyo Filsan gaari lahayd haddii ay Soomaaliya ku heli lahayd fursad waxbarasho.  Waxbarasho heer sare ah.  Waxa ay Ugaaso marar badan is tustaa sawir ah hooyadeeda oo barafasoorad noqotay—adduunkana caqligeeda iyo turisteeda ku kala furdaaminayso, u kala nasteexaynayso, kala maslaxayso, kala asturayso, heshiisiinaysana.  

“Horta Hooyooy mid xasuusnow,” ayay Ugaaso tiri, “diinta Islaamka waa il-baxnimo.  Macaankeeda waxa uu ruuxu dhadhamiyaa markii uu barto, oo uu dhuuxo, oo uu ku dabaqo noloshiisa maalmeed.  Hooyooy waxa aan garowsaday in ruuxu uu u baahan yahay caqli iyo xikmad.  Caqliga waxa la siiyaa, oo uu Alle ku karaameeyay, bin’aadamka oo dhan—si ay xaqa ugu gartaan.  Laakiin xikmadda lama wada siinin bin’aadamka oo dhan.  Caqligu waxa uu kuu qurxin karaa talo, laakiin xikmaddu waa midda kuu kala saaraysa dhibta ama dheefta ay taladu keeni karto.  Xikmadduna Hooyooy waxa aan aaminsanahay in ay ku timaaddo taqwada Eebbe Weyne.  Iskama timaaddo.  Nasiib-darro, waxa badnaaday dadyow wada caqli miiran ah, hayeeshee ka qatan xikmad ay xal ku gaaraan—Soomaalideennaba ha u badnaadaan,e.”

“Car aan taa kaa diido,” ayay Hooyo Filsan ugu jawaabtay gabadheeda, “waxaadse yeeshaa, oo talo waalid iga ah, is-nab, oo madaxa hoos u rido, oo ha isa soo mutuxin.”

“Boqol mar baan isku dayay taa, Hooyo,” ayay Ugaaso tiri, “laakiin waxaan caroodaa markii aan arko dhaadhac badan iyo talo-xumo iyo dhib aan xal loo raadinayn.  Waa wareegto.”

“Dadku waa masaakiin,” ayay Hooyo Filsan tiri, “taa maanka ku haay.  Meel ay aadaan iyo meel ay ciirsadaan ma jirto.  Dhibtuna waa joogto.  Marka hooyooy kakanaanta iska dhaaf.  Ciddii wax qaaraamaysa iyo ciddii kaleba adigu shaqo kuma lihid iyo dood.  Haddii aadan shilin heli karin iyo haddii kaleba, ammaanka ugu dadaal.”

Ugaaso waxa ay ka kacday kursigii fadhiga, oo soo qabsatay kitaabkii Arbaciinka ee uu qoray Imaam Nawaawi.  Waxa ay rogrogtay baalashiisii.

“Hooyo,” ayay Ugaaso tiri, “ma ogtahay shanta tiir ee Islaamka waxa ka nool afar?”

Hooyadu waxa ay ku dheegagtay Ugaaso.  Sidii qof ay dhegehiisu ku cusub yihiin hadalka ka soo yeeray Ugaaso.

“Culimo badan ayaa qabta,” ayay Ugaaso tiri, “in tiirka Zakada uu maqan yahay.  Ma la yaaban tahay, Hooyo?”

Hooyo Filsan juuq ma oran.  War bay sugaysaa. 

“Hooyooy taajiriinta Muslimiinta badi waxa ay ka bakhayleen bixinta zakaatul-maalka,” ayay tiri Ugaaso, “nasiib-darro, markii Ramadaanka la gaaro ayay masaajidda afur geeyaan si ay dadka isaga jeediyaan, oo intaas nafci uga dhigaan.  Waa beer-laxawsi.  Uf!”

“Waaba ii afkaaga,” ayay Hooyo Filsan tiri, “in tiirka Zakada uusan nooleyn.”

            “Hooyo,” ayay Ugaaso tiri, “ma’ogtahay haddii taajiriinta Muslimiinta ay zakaatul-maalka bixin lahaayeen in aan la arkeen qax iyo gaajo ku yimaada Muslimiinta?”

Hooyo Filsan way aamusan tahay.   

“Zakaatul-maalka waa dakhliga baytul-maalka,” ayay Ugaaso tiri, “baytul-maalkuna waa haqab-tirkii baahida Umadda Muslimiinta.  Markii uu dhib dhaco looma baryo-tageen hey’ado caalami ah—looma baryo-tageen Yurubta iyo Mareykanka.  Waxa baahida Muslimiinta kaafin lahaa baytul-maalka.  Soomaalidana waxay ka mid tahay Muslimiinta.  Xusuusnow, Hooyo, wax walba shuruud iyo cilladba leh.  In uu baytul-maal dhismo waxa laf-dhabar u ah zakaatul-maal, in ay zakaatul-maal soo xarooto waxa laf-dhabar u ah nabadda, nabadna waxa laf-dhabar u ah caddaalad, caddaaladna waxa laf-dhabar u ah khaliifada Islaamka, khaliifo Islaami ahna inay askunto waxa laf-dhabar u ah himmad iyo fikir sare, himmad sarena waxa laf-dhabar u ah Muslim leh taqwo iyo sama-fal, in Muslim taqwo leh la helana waxa laf-dhabar u ah ku dayashada Suubanaheenna iyo asxaabtiisa, caleyhi salaatu wasalaam—shuruudahaasoo dhanna waxa fure u ah in la helo towxiid barax-tiran.”   

Hooyo Filsan waxa ay isku illowday dhabanno-hays.  Ugaaso ayay ku maqan tahay.  Ugaaso way aamustay, oo sugaysaa bal waxa ay Hooyo Filsan oran doonto.

“Saa nuxurka hadalkaagu waa?” ayay tiri Hooyo Filsan oo neef weyn soo tufayso.

“Nuxurku wuxuu yahay,” ayay Ugaaso tiri, “qaaraan ha raadinina ee qaran raadsha—qaranka runta ahina waa midka khaliifada Islaamka.”

“Waan gartay,” ayay tiri Hooyo Filsan, “ogowse Ugaaso, dowladnimo intaan laysla gaarin waxa taa ka horaysa in shaqsigu uu khaliif noqdo, sidii aabaheen Nebi Aadanba uu Alle ugu doortay inuu khaliif dhulka ka noqdo.  Maxaaba dowlad iyo nidaam iyo barwaaqo la gaaraa, hoggaamiyaasheenna xag diin iyo xag adduunba waxa ay siddeed iyo toban sano soo qaaraami la’yihiin nabad waarta.  Haatan oo aynu wada hadlayno waxa ay ku maqan yihiin dibadaha iyagoo qaaraan doon ah—ama qaaraan waddan dheh, ama qaaraan shaqsiyeed dheh.”

Ugaaso waa muusootay.  Hooyo Filsan waxa ay soo qabsatay tusbax si ay ugu wardiso.

“Adigase aan talo ku siiyo,” ayay Hooyo Filsan tiri, “adduunkan mar la dhiman ma ogide salaadda iska giiji, qaasatan subaxa u kac, xilligiisana tuko.  Salaaddu waa ra’sul-maalkaaga.”

“Insha Allah, Hooyo,” ayay Ugaaso tiri, “waan dadaalayaa—ii soo ducee.”

“Markuu waagu beryo,” ayay Hooyo Filsan tiri, “waxa uu daanyeerku isugu dardaarmaa, ‘Quwaax heshaa, qaroon heshaa, hala qaraabsado.’ Ee Ugaasooy subaxa u kac, oo wanaag ka bari Alle, baryadiisu waa qaniimo weyn,e.  Daanyeerkuba dantiisa waa gartay ee salaadda u roonow.”

Ugaaso waxa ay foolka hore ka dhunkatay hooyadeeda oo tusbaxii ku wardinayso.

“Hooyo,” ayay Ugaaso tiri, “yuu aar ismaarti.  I love you!”

“Cakuye af-qalaad,” ayay tiri Hooyo Filsan, “I love you, too!”

Ugaaso qosol ayay la dhacday, Hooyo Filsanna waa muusootay.

“Hooyo,” ayay Ugaaso oo kaftamayso tiri, “hadalkan danbe ee khaliifada ku saabsan haddii aan islaamaha u sheegi lahaa waxaan ka cabsaday in Madaxweyne Buush oo caga-caddaan ku ordaya uu iigu soo galo xaafadda Siidar.”

Waxa qososhay Hooyo Filsan, oo tusbixiina isaga qasmay iyo werdigii.  Ugaasana waa la qososhay.  Hooyo Filsan waxa ay eegtay saacaddii surnayd derbiga qolka fadhiga. 

“Waawareey,” ayay tiri Hooyo Filsan, “naa inoo soo adeeg intaan la xiran hilib xalaalka.” 


Qore: C/Laahi Jano

Fadlan wixii talo iyo tusaaleyn ah iigu soo tebiya iimeelkan: [email protected]



 





Click here