4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Midab Takoorka Apartheid-ka Oo Ka Soo CusboonaadayKoofur Afrika
fiogf49gjkf0d

A R A G T A D A
HIIRAAN ONLINE
Talaado, Sebtembar 16, 2008

 


© 2008 Hiiraan Online 
Dukaanleey Soomaali oo  jooga duleedka Johannesburg 

Mabda’a  Apartheid-ka ee midabtakoorka ah waxaa ku dhan caddaalad darro iyo naxariis la'aan mida ugu xun. 1990,markii xisbiga ANC uu guusha gaaray, meela badan oo adduunka ah, ayaa waxaa loo qaatay in midab takoorkii  ka dhammaaday waddanka Koofur Afrika. Nasiibdarro, dadkii madoobaa  oo ka xorroobay midabtakoorkii loo yaqaanney Apartheid-ka iyaga lagu hayey,  ayaa waxay ku hayaan kiiyoo kale qaxooti badan oo Afrikaan ah oo dalkooda marti ku ah.  Soomaalida ayaa hadda ah jaaliyadda  aadka ula ildaran cadowtinimada iyo foolxumadii laga dhaxlay midab-faquuqidii caddaankii yaraa uu ku hayn jiray dadka madow ee reer Kuufur Afrika.
 
Jaaliyadda Soomaliyeed ee Koofur Afrika, waxaa si joogta ah loo dhacaa xoolahooda, hantidooda, iyo lacagtoodaba. Waxaa Soomalida halkaas joogta lagu dilaa oo nafta looga qaadaa, dab lagu gubo guryahooda iyo dukaamadooda,  bastoolado, faasas iyo dhagxanba. Wax ay Soomaalidu cadaabkaas ku galabsatay, waa iyadoo ay wadankaas ku soo kordhiyeen ganacsi xoog leh oo dhaqaalaha dalkaas iyo magaalooyinkiiba kobciyay oo camiray.
 
Madowga Koofur Afrika ayaa laga filayey in ay si aad ah u fahmaan dhibaatada caddaalad darrada  la xiriirta in la duudsiyo xaqa uu qofka bini’aadamka ahi u leeyahay in uu shaqeeysto, noolaado ama meesha uu doono u safro, taas oo koobeysa macnaha Midab Takoorka. Ayaga ayay ahayd in ay ka dhiidhiyaan dilka cunsurinimada ah ee ku saleysan dulmiga qof lagu dulmiyo furashada dukaan ama ganacsi goobo gaar ah – maaddaama xilligii midab kala sooca ay caddaanku Koofur Africa ka wadeen, dadka madow iyaga lagu dulmi jirey marmarna lagu dili jirey, socadka iyo safarka xafadaha caddaanku dago. 
 
Shacabka Soomaaliya ayaa la ogyahay qayb weyn ka qaatay xoreynta Koofur Afrika, madowga Koofur Afrika waxay abaalkii loo galay ku gudeen dil iyo dhac loo geysto qaxootiga Soomaaliyeed .
 
Dhibaatadaan ayaa dadka qaarkiis ku sheegaan in uu ka soo jeedo  jaahilnimo ama xaasidnimo markaas abuurta  naceybka loo qabo dadka ajinabiga ah ee ku nool dalka Koofir Afirka.
 
Madaxda xisbiga taladaya haya ee ANC oo indhahooda ku soo arkay dhibaatada xanuunkeeda ayeey ahayd in ay ilaaliyaan xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalkooda sida uu qorayo sharciga u dagsan adduunka.
 
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalakaas, ayaa waxay hadda la amakaagsanyihiin sida ay reer Koofur Afrika durbaba u halmaameen xanuunkii uu soo mariyay dilkii, cadaadiskii iyo ilhaanadii uu 1990 ka hor ku hayay midabtakookii ay ka xoroobeen.  Xornimaddas oo ay dadka Soomalidu qayb wayn  gaarideedda iyo hanashadeedaba ku lahaayeen, naasiibdarase hadda ay u muuqato in abaalkoodii noqday dil, argagaxisnimo iyo ihaano tan ugu xun.
 
Dadaalkii Soomaaliya ay u gashay ka xoraynta reer Koofur Afrika, midabtakoorka,  ee  la haa  Af iyo adinba, waxaa qaybo ka mid ah, goob jog ka ahaa,  Madaxwayne Thabo Mbeki, oo isagoo nin dhalinyaro ah, ka mid ahaa wafdigii ANC da ee markaas lagu martiqaaday Shirwaynhii OAUda ee ay Soomaaliya hagaysa, oo lagu qabtay Magaalada Muqdishu June 12-16, 1974.
 
Waxaa nasiib daro ah inaan hadda dowlada Koofur Afrika ayan ka hadlin dilka, dhaca, iyo Dhibaatooyinka kale ee lagu hayo dadka Somaaliyeed. Soo qabasho dadka Soomaalida laaya iyo dadaal in la horkeeno maxkamadaha, iyada bal daaba.
 
Haddii aan nahay bahda Hiiraan Online, waxaannu aad uga xun nahay Ummada Soomaliyeed ee dilka iyo dac-daradu ay ku hayso dalkaas Koofur Afrika. Waxaan kaloo ka xunnahay inayan jirin dowlad Soomaaliyeed oo xataa awoodda inay codkeeda arrintaas foosha xun adduunka gaarsiiso.
 
Waxaan ugu baaqaynaa dowlad iyo hoggaanka ANCda ee dalkaas koofur Afrika, inay wax ka qabtaan naxariis darada lagula kacayo dadka Sommaliyeed ee wadankooda ku nool, maxaa yeelay iyagaa dowlad ah. Dowladna waxa ugu horeeya ee ay dowlad ku tahay, waa sugida ammaanka, kala dambaynta, xasiloonida iyo dhowrida  bani’ aadamnimada.
 
Sidoo kale, waxaan ka codsanayna dowladaha lagu bartay dhowrida xuquuqul insaanka, sida Kanada inay deg-deg u bilaabaan abaabul ay magan-galyo Siyaasadeed ugu fidinayaan / ku siinayaan daka Soomaaliyeed ee ku hoos dulaysan xukunka dalka Koofur Africa – Kuwaas oo danbiga ay galeen ay tahay oo kaliya in ay ganacsi furteen.. 
 
Fikraddaada u soo dir: [email protected]

 





Click here