4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Gacanka Geerida
fiogf49gjkf0d

Mohamed Mukhtar
Monday, September 15, 2008

 


Gacanka Cadmeed waxa uu noqday meel ay ku geeriyoodaan dadka Soomaliyeed ee u qaxaya Yaman. Waxay Hay’adda Sare ee Qaramida midoobay u qaabilsan qaxootiga [UNHCR] ku sheegtay warbixin ay soo saartay sanadkii 2006 in 27,000 qof oo magangalyo doon ah Yaman ka soo gaareen dhanka Soomaaliya, sidoo kale 330 waxa ay ku dhinteen badda iyada oo 300 oo kalena lagu sheegay in la waysan yahay. Sida laga soo xigtay Takhaatiirta aan Xuduudda Lahayn [MSF] sanadkii 2007, in 27,960 oo ah soo galooti ay soo gaareen Yaman, 593 ay ku dhinteen badda halka 659 la waysan yahay. Sanadkaan 2008 sida laga soo xigtay Qaranida Midoobay, waxaa Yaman yimid 25,859. In ka badan 425 waa dhinteen ama waa la waysan yahay.

Waxay safaradaan halista ah la degeen nolol badan waxayna kuwa nasiibka leh ee soo gaaro Yaman sheegayaan sheekooyin xanuun badan leh oo ah haraad xad-dhaaf ah, gaajo iyo daal. Waxay dadka soo safro qaarkood doortaan inay ku boodaan badda markii ay u adkaysan waayaan haraadka, qaarkoodna waa waashaan. Dadka doomaha leh waa ay garaacaan rakaabka, marmarna waaba toogtaan, waxaana maydadka lagu tuuraa biyaha. Waxaa si is-dabajoog ah qoray-caaradiisa loogu qasbaa inay ka boodaan si ay doomanka si degdeg ah u baxsadaan. Socotada intooda badan ma dabaalan karaan waxaana loo daayaa inay badda dhammaystirto.


Waa meydka gabar Soomaliyeed taas oo laga soo tuuray doon ay la socotay

Wiil 23 jir ah oo dhawaan soo gaaray Yaman ayaa uga waramay koox ka tirsan Takhaatiirta aan Xuduudda Lahayn oo kula kulmay xeebta Wadi Al-Barak oo 30km ka xigto bariga Ahwar [Yaman ] waxuuna yiri: “ Waxay dadka sharci-darrada ku soo qaado socotada nooga soo ballanqaadeen Boosaaso [Soomaaliya] in nagula gaynaayo Yaman si koox yar-yar ah dooman cusub oo dheereeyo iyo in nala siinaayo cunto iyo biyo habboon. Si kastaba ha noqotee, waxay doonta ahayd mid duug ah. Waxay nagu soo taagaayeen hubkooda waxayna nagu qasbaayeen inaan ugu boodno gudaha badda. Waxaan ahayn 120 qof waana is-buux-dhaafinay, waxuuna safarka [180-maylka ah] nagu soo qaatay labo maalin. Ma nala siinin cunto ama biyo. Waxaa dadka qaarkood lagu xireeyay meesha hoose ee doonta. Waxay dhowr qof u dhinteen neefta oo ku xirantay, kuwii dhintay waxaa laga tuuray doonta, waxaana ka mid ahaayeen labo caruur ah. Si inoola cabsiiyo waxay inoogu garaacaayeen suumankooda si xoog leh. Mid ka mid ah dadka sharci-darrada ku soo qaado socotada waxuu nagu qubay bansiin waxuuna ina tusinaayay dabshidahiisa (Lighter).”

Degganaansho la’aanta siyaasadeed iyo saboolnimada xag-jirta ee ka jirta Soomaliya waxa ay ku qasbeen in Soomaalida ka soo qaxdo dalkooda iyo inay isku soo biimeeyaan safarada halista ah ee Gacanka cadmeed. Waxaa wax laga xumaado ah, inay Yaman u haynin wax lagu xalilo dhibaatooyinkooda. Xuseen Xaaji Axmed ooah sii-hayaha Qunsuliyadda Guud ay Soomaaliya ku lee-dahay Cadan waxuu mar yiri: “Janno ah ma laha halkaan [Yaman]. Iyaga (Qaxootida) ma ka helayaan nolol aad u fiican, waxay ka helayaan oo keliya geerida badda iyo rajo beel.”

In la raadiyo meel lagu badbaado iyo nolol aad u fiican waxay sii soconaysaa inuu qofka ku bixiyo waxa ugu qiimo wayn oo ah nafta.


Mohamed Mukhtar
London, UK
[email protected]


 





Click here