4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Doorasho Xor iyo Xalaal ah: Muqdishu iyo magaalooyinka kale
fiogf49gjkf0d

E R A G T A D A
HIIRAAN ONLINE
Talaado, Sebtember 02, 2008

 


Hiiraan Online ayaa qoraale hore ku boorieysay in muwaadin kasta oo Soomaali ah uu xaq u leeyahay/leedahay in ay doortaan madaxdooda. Soddonkii sano ee aynu soo dhaafnay, xoogaga ku dagaalamayey Soomaaliya waxay iska indhatireen qodobkaan muhiimka ah sharcigana ku taagan. Waxaan waliba si gaar ah hoosta uga xariiqeynaa muhimadda ay leedahay in Degmooyinka, Gobolada ay soo doortaan guddoomiyayaasha degmooyinka iyo kuwa gobolada sida ku xusan nidaamka qaabka federaalka. Waxaan ku canaananeynaa dowladda Federalka in ay tanaasulaan qaabkan ku dhisan magacaabista ama jago ka qaadista duqa magaalada Moqdishu. Dadka reer Muqdishu waa in ay doortaan qofka madax ka noqonayaa magaalda Muqdisho.

 

Heshiiskii ay dhawaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihiisa ku soo gaareen magaalada Addis Abba ayaa qeexayey maamul u sameysnta Gobolka Benadir. Bal inta aanan u gudagalin qiimeynta heshiiskaas, aan marka hore isla fiirino waxyaabihii lagu soo heshiieyey.

 

In maamul loo sameeyo gobolka Benaadir muddo 15 casho ah:

 

2.1 Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waay ku heshiiyeen in jagada madaxtinimada ee gobolka Benaadir ay bannaanaato si ay u fududaato sameynta maamul cusub.

 

2.2 Ra’iisul wasaaraha isaga oo la tashanayo Madaxweynaha in uu soo magacaabo gobolka Benaadir guddi sare  oo ay  howshoodu tahay:

 

            a) Xaqiijinta maamul uu yeesho gobolka Benaadir ilaa iyo inta maamul sare loo sameynayo.

            b) In laysku soo aruuriyo guddi sare oo soo doorta maamulka sare ee Gobolka, madaxweynahana uu wareegto uu ku ogolyahay ka soo saaraa.

2.3 Guddiga Sare waa in ay nidaam ku soo xulaan xubnaha wada tashiga iyo maamulka sare ee gobolka

 

Sida ku cad heshiiskaan dadweynaha reer Moqdishu lagama codsan in ay soo doortaan duqa iyo guddoomiyaha Gobolka. Marka waa xulasho (ee ma aha doorasho) uu Ra’iisul Wasaaraha soo xulayo Guddi Sare  isaga oo markaas kala tashanayo Madaxweyanah. Guddigaas sare ee aan la soo dooran ayaa soo magacaabayo guddiga wadatashiga oo markaas soo doorandoona maamulka sare ee Gobolka.

 

Waxaad moodaa in dowladda federaalka ay ka leexleexanayso xuquuqda dadweynaha reer Muqdisho ay u leeyihiin in ay soo doortaan madaxdooda. Nidaamka federalka ayaa wuxuu qeexayaa in maamulada gobolada, degmooyinka iyo xaafadaha soo doortaan dadweynaha, arrintaas ayaadna moodaa in seddexda masuul ee dowladda ugu sareeya uu mugdi kaga jiro awood qeybsiga sidaa ku cad dastuurkii lagu soo heshiieyey. Dadweynaha reer Muqdishu iyo dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin in codkooda ku soo doortaan cid ay rabaan.

 

Dadweynaha oo loo ogaalado in ay codkooda dhiibtaan waxay door weyn ka cayaareysaan dib u heshiinsiinta iyo nabadeynta dalka Soomaaliya. Doorasho xor waxay dib u soo nooleyneysaa dhaqanka, waxbarashada iyo caafimaadka dalka Soomaaliya oo in muddo ah dhibaato ku jiray. Madaxda la soo doorto waxaa laga rabaa in ay wax ka qabtaan dhibaatada nabadgalyo xumada, horumarinta caafimaadka, shaqo la’aanta iyo waxbarashada oo ay aad ugu baahanyihiin dadweynaha sida magaalooyinka Xamar, Kismayo, Beled Weyne iyo meela kale.

 

Ayada oo laga faa’ideysanyo wanaaga soo khordhay, haddii ay ahaan lahayd heshiiska lagu gaaray magaalada Jabuuti iyo sida ay beesha caalamka markaan isha ugu hayso arrinta Soomaaliya gaar ahaan Qaramada Midoobi oo aad moodid in markaan daacad ka tahay xal u helidda dhibaatada Soomaaliya ayaan waxaa lagama maarmaan ah in la qaato qodobada soo socda haddii la rabo in maamul wanaagsan loo sameeyo magaalada Muqdishu iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya:

 

  1. Dowladda Federaalka iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaga oo la tashanayo indheergarad Soomaaliyeed iyo mucaaradka jecel doorasha xorta ah ay si wadajir ah u sameeyaan guddi doorasho (Electoral Commission) oo madaxbannaan laguna kalsoonaan karo. Qaramada Midoodi, Mareykanka iyo Midowga Yurub waan in ay gacan weyn ka geystaan.
  2. Guddigan Doorashada waa in uu ahaadaa mid dhexdhexaad ah oo kulmaya dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Ujeedada waa in uu guddigu sahlaa in dadweynaha reer Muqdisho ay soo dooran karaan madaxdooda.
  3. Bulshada Caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobi ma aha in ay taageeraan madax si qaldan loo soo magacaabay, taas markaas meesha ka saareysa xuquuqda qof waliba uu u leeyahay in wax soo doorto. Haddii ay taa dhacdo, waxaa sii xumaadoonta kalsoonida lagu qabo Qarmada Midoobi.
  4. Ugu dambeyntii, ayada oo laga faa’ideysanyo bishan barakeysan ee Ramadaan, waxaan ku talineynaa in kooxaha uu dagaalka ka dhexeeya ay dagaalka joogiyaan. Dadweynaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho waxay in muddo ahba ku jireen dagaal joogto ah. Hiiraan Online waxay aaminsantahay in dadweynaha loo naxariisto oo dagaalka la joojiyo gaaar ahaan bishan soon ee barakeysan


Aragtidaada ku soo hagaaji [email protected]

 





Click here