4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Dad baan aqoone dowladnimo waxay tahay
fiogf49gjkf0d

Qore: Abdulkadir Mohamud (Jangali)
Thursday, October 30, 2008

Hal ku dheggaan waxaan ka soo xigtay Cali-Mattan Xaashi oo horrantii todobaatanaadkii ku soo qorijirey jariidaddi Xidiigta Octobar maqaalo tixana ah oo cinwankoodo ahaa “Dad baan aqoone dowladnimo waa maxay?”. Cali-Mattan oo ka mid ahaa 25tii sargaal ee xukunka kala wareegijiray dowladdii rayidka ahayd 21kii Octobar 1969 ayagoo ku eedeyey mus-maasuq iyo caddaalad darro ay dowladdu kula dhaqantay shacbkeeda, ayu (Cali-Mattan) durbadiiba dareemay in rag ka-mid ah Golihii Saree Kacaan ay bilaabeen xumaantii ay ka dhiidiyeen. Waxaan qoraaldiisii ka xasuustaa erayadaan: “Ubaxa iyo Celeemaha qoyan shacabka Soomaalidu noogu ruxi meyn xiddigaha garbeheena ku taxan iyo aragga wajiyadeena toona ee isbadal dhab ah oo caddaalad iyo horumar ku dhisan ayey nagasugayeen.”

Ummadkasta madaxda u talisaa dhabaha siyaasadeed ee ay u qeexdo ayey ku dhammataa shacabkeeduna waxaa jihadu ka luntaa marka ayey madaxdeedu ka aradandtahay ama ka dhardhigato cadaaladda kana qaawantahay siyaasad cad oo hirgelisa hormar dhaqalane iyo bulshaba. Hadaba annagoo ka dheregsan wixii horay uga dhacay Soomaaliya ayaa waxaa haboon in la-is-weydiiyo maxaa Soomaaliya maantay horyaal, yaase hogganka u haya? Waxaa Soomaaliya horyaal: 18 sano oo qabyaaladii ka xoogbatay qaranimadii una kala qooqobtay Soomaalidii tuulo - tuulo iyo gobol - gobol. 18 sano oo carrurta Soomaalida 95% laga oomiyey aqoontii qarnigaan 21aad. 18 sano oo horumarkii dhaqaalaha iyo cafimaaadka dad iyo duunyaba cirfaka u taaganyihiin baaba’. Ummadaas qaranimadeedii sii wiiqmeyso dhinac-kasta oo aad ka eegtaba ayaa waxaa garwadeen u ah: Saddex madaxweyne, saddex baarlamaan iyo saddexdooda raiisul baarlamaan, wasiiro, hogaamiye kooxeedyo, burcad badeed iyo burcad dhuleed. Garwadeenadaas oo dhani waxay si toos ah iyo si dadbanba u hoos yimaadaan taliska Addis-Ababa oo u fududeeya: Xagardaamooyinka, jiha wareerka iyo mustaqbal xumida qabiilka ku dhisan ee ummadda Soomaalida haysata.

 Wuxuu kaloo taliskaasi u fududeeyaa hubka iyo dhaqaalaha lagu dagaalamo, dhiirageliyana kala qabsashada magaalooyinka ay burcad dhuleedku kala qabsadaan, abaabulka dib-u-heshiisiinta beenta ah iyo isku diridda dhibta ah, kala qoqobidda iyo barakicinta shacabka intii dalka ku soo noqatay iyo intii deganeydba. Taliska Addis-Ababa wuxuu ku talagaly in ay Soomaaliya saas ku jirto muddo dheer illa addunku ka daalo sheekadeeda Soomaalida, shacabkeeduna quusto kuna milmo Ethiopia iyo keenya inta dhimatay ama carro kore u dhooftay mooyaane, taas oo ka xarrifsan caqligii uu dhawaan soo bandhigay Donald Kipkorir oo ahaa Kenya iyo Ethiopia in ay xoog ku qaybsadaan Soomaaliya kala qeybsadaanna dhulkeeda. Baahida Ethiopia ay bad u qabto iyo waxaa wada kulmay xeebta dheer ee soomaalida oo dowladla’aan ahaaa 18 sano iyo karti xumida hogaamiye kooxeedyada Addis-Ababa isticmaaleysay. Mugdi kuma jiro Ethiopia go’aankeeda iyo rajadeeda hanashada xeebaha Soomaalida mustaqbilka soo socda, haseyeshee waxaa la yaab leh shacabka Soomaalida oo aqoontiisu halkeeda hajoogtee garashadiisu sareeyso waxa ka indhasaabay halaaga Xabashida iyo inta ay ku shaqeysataa ku wadaan.

 Uma muuqato in su’aali ka taagantahay in Soomaalida indho-la’aan iyo dhega-la’aanba uu ku riday qabiilku, kaas oo aan ka wada sheekeyno xumaantiisa kuna hadal qabsanno had iyo jeer ereyadii murtida iyo garaadka sare xambaarsanaa ee Cabdullahi Timacade “Dugsi maleh qabyaalidi waxay dumisu mooye”. Haseyeeshee aad bey u sahlantahay in shacabku tageero haddi madaxda garwadeenka u ahe qaranimo ugu baaqaan kuna dhaqmaan caddalad iyo qabyaalad laa’aan.

Caado ii ma’aha in aan si shaqsi ah cid wax uga sheego siyaasadooda iyo ficiladooda mooyaane siddaas darteed aanoo sii afeefanyaa bal Soomaaliyey miisaanka saara ragga hogganka idiin haya oo aqoon iyo dadnimo halkeeda ha joogtee, kartidooda wax qabad iyo meel marin siyaaasad dibad iyo gudaba in ay Addis-Ababa taagtaagnyihiin mooyaane wax ay Soomaaliya u hayaan ama siyaasad cad ay oo hirgelinayaa mid qaran iyo mid qabiiltoona ayaa noo sheegikaraaya? 44 sano ka hor annaga oo bad qabna ayu Cabdirisaq Xaaji Xussen (Rai’sul-wasaarihii 1964-1967) laha Soomaliyeey madaxadiina ku xusha karti iyo hufnaan, mantayna aannagoo qarnimo ka qaawan ayaa waxaa na horboodaya, karti iyo hufaan daayey shaqsiyaad aan hadal xattaa ku-soo jeedankarin shan qofna kuwo qabyaalida indhaha iyo dhegaha tirtay mooyaane.
Haddaba qof-walbow isweydiiye raggani xaaladdaan xun Soomaali maka saarikaraan; maxaase saldhig u ah 18ka sano oo addunku nagu caayo shirarkii nalooqabtay kartixumi darteedna aan fulinweyno waxaan ku soo heshiino? Jawaabto waa maya, waxaana saldhig u ah raggaan burcad dhuleed u badan oo aan lahayn karti cahdi lagu fuliyo iyo dareenka coleyska goa’nadii shirarka ka soo baxayey toona. Hadaba mar haddi raggan hoggaan xumidooda iyo karti-xumidooda la arkey, waddo laqaadana ay bixin-kariwaayeen ma xoolahaad soomaaliyey ka liidataan, xooluhuba markay wadadu ka xiranto wadiiqa kalena waayaan wado cusub bey jeexdaan ee ma tagnaadaan 18 sano sideenoo kale wada xiran. Tan labaad inta ku fakareysa in shisheeye dowlad Soomaali u dhisayo ama ciidan sheeyey nabad iyo xasiloonin u keenayo bal dib u xassusta inta shir kooxahaan loo qabtay iyo inta jeer ciidan Soomaaliya la keeny. Ilaa Rumaanki (Roman empire ) tariikhda mid dhaw iyo mid fog toona laguma hayo dowlad shacabkeeda xoog ku muquunisa qowad-kasta oo ciidan ha wadatee oo Siyaad iyo Mengistu ayaa cibaar noogu filan. Dowladi waxay shacabkeed kaga adkaan kartaa oo keliya markay sharciga u degsan dhowrto, caddaladna ku dhex-dhaqdo ummaddeed, siyaasad horumarineedna u qeexdo.

Soomaaliya waxaa Rabbi ugu gargaarey oo ay ka dhimanweydey muddaas dheer ee 18 sano ah, dadka dibadaha lacga uga soo dira oo gaareysa $1.5 billiyan iyo ganacsatada Soomaalida oo hibo u leh xirfadda ganacsiga. Alle ka sokowna waxaa aritaan suurtigeliyey XAWAALADAHA LACAGTA oo dowrka ugu weyn ka qaatay gaarsinta lacagta cirifkasta ee Soomaaliya, taas oo keentay awoodda lacgta adag ee wax lagu soo waarido iyo awooda wax gadashada shacabkaba. Haseyeeshee waxaan shaki ku-jirin in ay mustaqbilka dhow xawaaladuhu istaagidoonaaan haddaan Soomaali dhisan dowlad dhaqangasha sanooyinka fooda nagu-soo- haya. Oddoroskaani wuxuu salka ku hayaa dhowr arrimood oo ay ugu muhiimsanyihiin:
a)
Reer Galbeedka oo xawaaladaha lacgta iyo bankiyada xisaabaadkoda hayaba caddeyn kaddonaya cidda lacagtu gacanteeda gasho, ayagoo uga baqaya maalgelin argagixiso.
b)
Dadka lacagta dira oo sii gaboobaya mardhowna intooda-badani aakhiro u jihaysaneyso, faca ka dambeeya ama carrutooduna aan laga sugi-doonin lacag u dirid saaxiibo, qaraabo iyo ehel-toona oo haddayba la-yeebaan tan waaridkood diro.
Haddi Soomaali hurdada ka kacdo oo mar-un humaagsato mustaqbilkeed oo ay dowlad wadada toosan ku hagaajinkarta dhisato; waa-suurobikartaa in dhalinyarada dibadaha ku nooli ee waxbaratay ay ka qaybqaataan dhismaha dalka: aqoon-gelinta iyo maalgelintaba lagamase-yaabo in ay dhalinyaraddaas xaaladdaan hadda Soomaali ku-jirto iyo mid lamida-toona ay lacag u diri-doonaan Soomaaliya iyo qaraabadooda-toona.

Sidduu ciidii dhaweyd ku baaqay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in Soomaali fadhiga kakacdo, diidana waxaan u qalmin. Waxaana waajib ku ah ganacsatada, aqoonyahannada, culumada iyo madax-dhaqmeedeedyada Soomaalida hoggaamin dhab ah oo aan qabyaaladi ku jirin iyo kooxo-kooxtoona oo Soomaaliya lagu badbaadiyo.

Waxaanna ku talin lahaa si hoggan iyo madax KARTI iyo HUFNAAN leh loo helo in guddi qaran ay dejiyaan xeerar lagu xiro madaxad iyo hogaaminta Soomaaliya. Cidda Soomaaliya garwadeenka ka noqoneysa tusaalo aahaanna waxay ilatahay:
1) In ciddi isu-sharaxda jago aan la dooranba. Soomaaliya xaalaadda ay mareyso madaxdeeda waxay ahayd in la-baryo ee ma-ahayn in ay rag lacag ku bixiyaan si loo doorto.
2) In ciddasi aysan si cad -cad oo caan ah ugu qyebqaadan dagaaladii sokeeye.
3) In ciddasi Soomaaliduna aaminkarto addunkuna ictiraafikaro, maxaayeelay saddexda Madaxweyne ee Soomaali maantey hoggaansha, midkoodna lama citiraafsana oo Mareykan-kii Habashida Xamar geeyeyba, waatay bilihii na-soo-dhaafay lahayn Dowladda Federaalka ah (TFG) ma ictiraafikarno laakiin hawlgalla ciidan baa-na-dhexmarikara oo keliya sida Soomaaliland.
Waxaan qoraalkeyga ku soo gunaanadayaa Soomaaliyeey dowladnimadu ma aha shaqsiyaad jagooyin loo doorto ama loo magacaabo ee waa wax-qabtaka ay fulinayaan isku duubka hay’adaha qaranku oo hoggaan siyaasadeed leh.


Abdulkadir Aden Mohamud “Jangeli”
E-mail: [email protected]


 





Click here