4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Soomaalida iyo Dhaqaale sii xumaanaya ee Adduunka
fiogf49gjkf0d

A R A G T I D A
HIIRAAN ONLINE
Arboco, Oktoobar 15, 2008

 


Sida dad badani la socdaan waxaa adduunka la soo darsay  dhibtaato dhaqaale ee saameysay adduunka . Waxaad arkeysaa wadamadii dhaqaalahoodu xooganaa sida Mareykanka in ay maanta haysto dhaqaale xume iyo sicir barar aan horay u soo marin. Baaxadda dhibaatadan ayaa laga dhadhansan karaa dhibka soo gaaray waddanka Icland oo ay Qaramada Midoobi mar  ku magacaawday in uu yahay waddanka ugu wagaangsan ee lagu noolaado laakin maanta dhaqaalihiisii kacay gabi ahaanba oo Bangiyadiisii ay howlahoodi joojiyeen ka dibna khasab ku noqotay in uu deyn ka qaato wadanka Ruushka markii uu wax kaalmo ah ka waayey wadamadii dariska la ahaa ee Yurub oo ayaguba dhibka si weyn u taabtay.

Wadamadii dhaqaalohoodu xooganaa sida Mareykanka iyo  wadamada reer galbeedka ayaa dhaqaalohoodii la gilgilay oo dhowr gobood oo ganacis oo waaweyn ay kaceen taasoo sababtay sicir barar aan horay loo arag iyo ascaarta cuntada iyo shidaalkuba ay qiimuhoodu kor u kacay in kasta oo qiimaha shidaalka oo aad u soo dhacay ka dib markii ay baahidiisii yaaratay.

Hadaba Dhaqaale sii xumaanaya Sidee buu  u Saameeyn karaa dalka Soomaaliya

Dhibaatan dhaqaale ayaa saameyn weyn ku yeelandoonta Soomaaliya muddo dheer haddii uu dhaqaalaha adduunka sidaa sii ahaado. Wadamada gargaarka bani’aadamnimo siiya  Soomaaliya ayaa si weyn ugu mashquulsan xilanta dhaqaalohooda, waxaana markaa ku adkaandoonta in ay deeq dhaqaale siiyaan dadka ku dhibaateynsan Soomaaliya sida uu tilmaamay Dr. Jeffery Sachs oo ah la taliyahay xoghayaha QM.

Dhaqaalaha ugu weyn ee Soomaaliya mudada dheer ku noolaayeen  ayaa ahaa lacagta Soomaalida dibadda joogta u soo xawilaan eheladooda ku nool gudaha Soomaaliya. Dhaqaalahaas oo gaaray ilaa iyo hal (1) Bilyan oo dollar sannadkiiba. Hadaba dhaqaale xume adduunka ka dhacda ayaa waxay keeni kartaa shaqo la’aan ku timaada Soomaalida ka shaqeysata qurbaha. Shaqo la’aantaasna waxay saldhig u noqondoontaa in qurbajoogta Soomaaliyeed ku adkaato in ay  lacag u diraan eheladooda ku nool gudaha Soomaaliya ayaga  oo markaas  ku mashquulidoona sidii ay ayaguba noloshooda u soo saran lahaayeen.

Jahwareerka dhaqaale ee adduunka maanta ka dhacayo ayaa wuxuu calaamad u yahay in dhaqaalaha adduunka isku wada xiranyahay lana filayo in dhibka intaa ka sii badandoono mustaqbilka. Soomaaliya oo aysan dowlad ka jirin, dad aad u farabadana ay macluul, abaar iyo biyo la’aan  ku hayso ayaa dhibaatadan dhaqaale ee adduunka ay si weyn u saameyndoontaa mustaqbalka soo socoda.

Dhanka kale, Haddii macaawino laga waayey adduunka, waxaa Soomaalida khasab ku noqondoonta in ay isku tala galaan oo ay kheyraadka ilaaheey ku maneeystay dhulkooda ka raadsadaan sidii ay waligoodba u noolaan jireen. Taasna waxay ku dhici kartaa oo kaliyah ayada oo xal siyaasadeed loo helo mashaakil siyaasadeed ee maanta ka taagan Soomaaliya. Nabad la helo ayaa waxay asaas u tahay horumar dhaqaale, waxaani maanta jirta fursad lagu xalin karo nabadgalyi xumidada ka jirta dalka Soomaaliya.

Hiiraan Online waxay aaminsantahay in shacabka Soomaaliyeed dhib in ku filan ay la kulmeen loona baahanyahay in hadda iyo wixii ka dambeeya la raadiyo sidii dhibaatada looga qaadi lahaa ayada oo qof waliba xil iska saarayo sidii loo heli lahaa xal waara oo ka dhaca dalka Soomaaliya

Aragtidaada halkan ku soo dir: [email protected]



 





Click here