4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Doorasha Dwoaldda Dhexe iyo Codka Soomaalida Canada
fiogf49gjkf0d

A R A G T A D A
HIIRAAN ONLINE
Talaado, Sebtembar 23, 2008

 


Saddexda xisbi ee ugu waaweeyn dalka Canada ayaa kala ah Conservativeka, Liberaalka iyo NDBda
Oktoobar 14-keeda ayaa dadka Canada ay u dareeri doonaan doorashooyinkii dowladda Fedraalka.  Saddex xisbi oo waaweyn ayaa u tartamaya codka muwaadiniinta Kanada iyo midka Soomaalidaba - xisbiyadaas oo kala ah Xisbiga Conservative-ka; xisbiga Liberal-ka iyo xisbiga NDP. Soomaali haddaan nahay waxa aan ku khasban nahay in aan coddayno, waayo haddii aan codkeenna dhiiban weyno – dadkii codeeya ayaa noo doori doona cidda na xukumaysa.
 
Su’aasha is weydiinta mudan waa ayaannu codkeenna siinaa?
 
Qaabka ugu habboon ee arrintaa go’aan hufan looga gaari karaa waa iyada oo la tilmaamo isla markaana la isla qeexo waxa danta noo ah Soomaali haddaan nahay, kaddibna aanu qiimeyn ku samayno haddii siyaasaadda xisbiyada tar-tamaaya ay tahay mid waafaqsan arrimaha aannu danaynayno.
 
Waxaa kale oo aannu yeelli karnaa in aan is bar-bar dhigno ballan-qaadyadii, wax-qabadkii iyo mawaaqiftii xisbiyada iyo dadka sharraxan ee doonaya in aan codkeenna ku taageerno, taasi waxa ay noo sahli karta in aan doorasho caqli iyo cilmo ku salaysan aannu samayno.
 
Waxaa iyaduna xusid mudan in saddexda xisbi ay leeyihiin taariikh dheer, dhaqan soo jireen ah, falsafad siyaasadeed iyo mabaadii’ay ka duulaan intaba.
 
Xisbi kastaa in ka mid ah bulshada Canada ayuu ku tiirsan yahay oo danahooda taageeraa. Tusaale ahaan, xisbiga Conservative-ku weligiis dabaqadda wax haysata iyo ganacsatada ayuu matali jirey; Liberals-kuna waxa ay sheegtaan in ay dabaqadda dhexe ee loo badan yahay ay danahooda ka shaqeeyaan. Xisbiga New Democratic party ama NDP iyaguna waxa ay u doodaan dadka danyarta ah iyo kuwa laga badan yahay; waxaa kaloo lagu yaqaan NDP in arrimaha akhlaaqda la xiriirta ay wax walba ogol yihiin.
 
Taariikhda Canada, labada xisbi ee Liberal-ka iyo Conservative-ka ayaa talada dalka isku bad-badalayey; doorashadaan soo socotana waxa ay u badan tahay in midkood uu soo baxo, dowladda dhexana uu dhiso.
 
Guulaha xiriirsanaa ee labada xisbi ee Liberalka iyo Conservative-ka waxa ay ka dhasheen labadaas xisbi oo mid kastaa meel saaro danaha dadka cod-bixiyayaalka ah ee uu ka soo jeedo, intaa kaddibna kolba xisbigii guulaysta waxaa gacan siin jirey qayb kale oo bulshada ka mid ah oo iyana aalaaba loo ballan qaado in danahooda la tix-gelin doono; kooxaha xisbigii guul rabaa uu ballan-qaadyada siiyo iyana codka siiya waxa ka mid ah: qoysaska, macalimiinta, dadka shaqada ka fariistay, beeraleyda, ganacsatada kobcaysa, qoomiyadaha kala duwan ee Canada ku nool (sida Hindida, Chinesse-ka Yuhuudda, iwm); badanaana siyaasadaas waa ay u shaqaysaa labadaas xisbi.
 
Doorashadaan socota, labada xisbi ee Conservative-ka iyo Liberal-ka, labaduba waxa ay caddeeyeen iyaga oo weliba buun-buuninaya waxa ay u qabanayaan qoomiyadaha Canada oo ay codkooda danaynayaan. Tusaale ahaan, 24-kii bishii September madaxa xisbiga Liberal-ka, Stéphane Dion, ayaa khdbad ka jeediyey xarun ay leeyihiin Jaaliyadda Yuhuudda ee magaalada Winnipeg, waxa uuna Dion shaaca ka qaaday in haddii la doorto uu 75 milyan oo dollar u qoondayn doono ammaanka iyo waardiyeynta xarumaha dhaqanka iyo meelaha ay ku cibaadaystaan dadka Canada ee laga tirada badan yahay - sida jaaaliyadda Yuhuudda. Sidoo kale, isla maalmahaas, Stephen Harper, madaxa xisbiga Conservative-ka ee hadda talada haya ayaa tagey xaflad dadka Hindida ahi ay lahaayeen waxa uuna ballan qaaday haddii dib loo doorto in dowladdiisu ay ka furi doonto xafiis ganacsi gobolka Gujuraat. Wargeyska Toronto Star oo tilmaamaya macanha ka danbeeya tegidda xafladda ee Raíisul Wasaare Harper iyo ballanqaadka reer Gujuraat ayaa shaaciyey in uu doonayo codka 145 kun oo reer Gijuraat ah oo ku nool Toronto iyo nawaaxigeeda.
 
Ballan-qaadyada kala duwan ee loo samaynayo kooxo kala duwan halkaan laguma soo koobi karo. Waxa aanse og nahay in madaxda labada xisbi oo waaweyn, Stephen Harper and Stéphane Dion, in ayan tegin xaflad, xarun, masjid iyo xafiis Soomaalida Canada; waxaan kaloo cad in aan afkooda laga hayn waxa ay Soomalida Canada iyo Soomaaliya toonna u qaban doonaan haddii ay guulaystaan.
 
Rajo kama qabno in la arko Stephen Harper oo ahmiyad siinaya arrimaha Soomaalida Canad iyo midda Soomaaliya. Waayo, intii talada ay isaga iyo xisbigiisu hayeen ayaa la arki lahaa wax-qabadkooda.
 
Sidoo kale, xisbiga Liberal-ka markii ay talada hayeen dadaal kuma ay bixin wax ka qabadka dhibaatada Soomaaliya iyo danaha dadka Soomaalida ah ee Canada. Weliba iyada oo gobolka Ontario ay inta badan ka codeeyaan dad ka badan laba boqol oo kun oo Soomaali ah. Waxaa intaas dheer, in Liberal-ku ay codka Soomaalida mar kasta ku tashadaan oo isa siiyeen!
 
October 14, Soomaalidu in ay codkooda dhiibtaan ayaa looga fadhiyaa. Su’aalahan ayaana na horyaal.
 
Ma waxaan u codaynaa Xisbiga Liberal-ka oo ah xisbiga kaliya oo Harper iyo muxaafadkiisa xukunka ka ridan kara. Anagoo og markii ama haddii Liberal-ku ay guulaystaan in aanayba dib noo soo jaleecayn; illeyn sidaas ayaa dhici jirtey sanadihii hore oo aan durbaanka u tumi jirnaye.
 
Dhinaca kale, ma u codaynaa mise waan iska deynaa xsibiga NDP-da, oo ah xisbi aad ugu dooda dadka danyarta ah oo Soomaalidu ka mid tahay. Waxaase xusid mudan in xisbigan NDP-du aanu heli doonin tiro codka ugu badan isla markaana aanu dowlad soo dhisi doonin. Soomaalida badankeedu xisbigaan waxa ay ku khilaafsan yihiin falsafaddiisa ku aaddan arrimaha anshaxa iyo akhlaaqda.
 
Hiiraan Online waxay ugu baaqaysaa Soomaalida Canada in ay dareenkooda kaalmaystaan isla markaana ay codkooda dhiibtaan 14-ka Oktoobar.
 
Marka la eego sida arrintu u tahay laba daran mid dooro, waxaa hubaal ah in dad badani iyaga oo candhuufta dib u liqaya ay codkooda dhiiban doonan.
 
Aragtidaada halkan ku soo dir: [email protected]



 





Click here