4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Xukunkii Dhagax-ku-dilka ee Caa'isha
fiogf49gjkf0d

Qore: Cabdulfatah Maxamed Cabdulle
Jimco, Nofember 07, 2008

 

Gabadha magaceeda la dhaho Caa’isha (Luul) Ibrahim Dhuxulow waa gabadhii lagu fuliyey xukun dhagax-ku-dil ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo taariikhdu markii ay ahayd October 27, 2008.

 

Haddaba dhacdadaas oo warbaahinta Soomaaliyeed ay siyaabo is-khilaafsan uga hadashay, waxaan jeclaystay in aan ummadda Soomaaliyeed la qaybsado (b) xog gaar ahaaneed oo ku saabsan gabadha dhagaxa lagu dilay, (t) iyo shareecada Islaamku waxa ay ka qabto fulinta xukunka sinada, inta aan ka ogahay, iyo (j) aragti & talo soo jeedin.

 

Qoraalkan ujeeddadiisu waa in dib loogu noqdo xukunkii lagu fuliyey Caa’isha oo, iyadoo la cuskanayo shareecada Islaamka, la caddeeyo qodobbadii loo cuskaday xukunkaas, kaddibna  culummada ku xeel-dheer shareecada Islaamka ay ka hadasho ansaxsanaanta qodobbadaas. Dabcan gabadhii la dilay dib uma soo noolaanayso, laakiin dad badan oo Soomaaliyeed oo gabadha waalidkeedna uu ka mid yahay baa aaminsan in si aan caddaalad ahayn loogu fuliyey Caa’isha xukunkii dhagax-ku-dilka ahaa ee ay ku fuliyeen mas’uuliyiinta al-Shabaab ee hadda Kismaayo gacanta ku haya.

 

Waxaan si qoraal ah u soo bandhigayaa hadalladii is-khilaafsanaa ee warbaahinta laga sheegay. Dhammaan hadalladan kala duwan ee aan xiganayo iyagoo cod ahaan u duuban baan hayaa, waxaana maqal ahaan looga heli karaa idaacadihii warkaas sheegay haddii tixraac ahaan loo baahdo. Sidoo kale, xiriirka waalidka gabadhii la dilay, mas'uulkii ama hay'addii baaritaan ahaan ugu baahan waan siinayaa.

 

Hadalka Wariyeyaal Idaacadeed oo sheegay in ay goob-joog u ahaayeen xukunka lagu fuliyey Caa’isha.

 

(1) Idaacadda VOA (Oct. 27, 2008) – Wariye Cabdullaahi Nuur Maxamed (Kolombo) ayaa arrintaas ka waraystay  Sahra Cabdi Axmed oo Kismayo joogta. Sahra waxay tiri: “… gabar ayaa qudha looga jaray dhagax tan iyo inta ay ka dhimaneysay taas oo lagu soo eedeeyey in ay gashay fal dembiyeed”. Markii wariye Kolombo uu Sahra weydiiyey waxa uu ahaa fal dembiyeedku waxay ugu jawaabtay “… inkastoo maamulku uusan si rasmi ah u sheegin, misna warar hoose waxay sheegayaan in gabadhaasi la sheegay in ay gogol dhaaf samaysay; shareecada Islaamka markii loo bandhigayna waxay sheegeen xubnaha maamulka ah in gabadhaasi ay muteysatay in dhagax qudha looga jaro”. Kolombo ayaa weydiiyey Sahra in gabadha magaceeda iyo da’deeda goobta laga sheegay, waxayna ugu jawaabtay “…Goobta waxaa uun laga sheegay magaceeda oo waxaa lagu sheegay Caa’isha Ibraahim Dhuxulow, hase ahaatee da’deeda lama sheegin … gabar yar ayey iigu muuqatay”. Hadalka wariye Sahra intaas wuu ka badnaa laakiin nuxurka ayaan kasoo qaatay.

 

(2) Idaacadda Radio Daljir (Oct. 28, 2008) – Waxay sii deysay hadal uu dadkii goobjoogga u ahaa xukunka la fuliyey u jeediyey ku xigeenka garsooraha maxkamadda Kismaayo; wuxuuna sheegay laba qodob oo sida muuqata loo cuskaday fulinta xukunkaas oo kala ah (1) in gabadhu ay qiratay in ay sineysatay, iyo (2) in ay guur xalaal ah soo martay. Hase ahaatee da’da gabadha ma sheegin. Wariyaha Radio Daljir uga soo hadlay Kismayo wuxuu sheegay in maamulka al-Shabaab ee Kismaayo ay diideen in wax sawir ah ama filim ah laga qaado goobta xukunka lagu fuliyey.

 

(3) Idaacadda VOA (Oct. 27, 2008) – Waxaa laga sii daayey war rasmi ah oo ku saabsan da’da gabadha dhagaxa lagu dilay; warkaas waxaa bixiyey mas’uul sare oo u hadlayey maamulka Al-Shabaab ee magaalada Kismayo oo magaciisa la dhaho Sh. Xasan Yacquub wuxuuna yiri: “… gabadhu 25 ilaa iyo 26 jir gabdhaha u dhexeeya ayey ahayd; … sinada iyada ayaa qiratay; qiraalkeeda ayaana lagu xukumay… kaddib markii ay qiratay su’aalo badan baa la weydiiyey in ay bal waalan tahay ama ay xanuunsan tahay ama dhimirka looga jiro ama ay horay u soo waalan jirtay baa la weydiiyey; intaba way beenisay; … ma waalni ayey tiri”.

 

Sida ku cad hadalka Sh. Xasan Yacquub waxaa muuqata in da’da gabadha la dilay lagu saleeyey qiyaas iyo mala-awaal: “… gabadhu 25 ilaa iyo 26 jir gabdhaha u dhexeeya ayey ahayd …” iyo in fayo-qabkeeda maskax ahaaneed caddayn looga dhigay qiraalka gabadha la dilay: “… su’aalo badan baa la weydiiyey in ay bal waalan tahay ama ay xanuunsan tahay ama dhimirka looga jiro ama ay horay u soo waalan jirtay baa la weydiiyey; intaba way beenisay; … ma waalni ayey tiri”.

 

(4) Idaacadda VOA (Oct. 28, 2008) – Waxay waraysatay aabbaha Caa’isha wuxuuna sheegay hadallo liddi ku ah warkii rasmiga ahaa ee kasoo baxay maamulka Al-Shabaab.

 

Aabbuhu wuxuu caddeeyey:

(1)  in Caa’isha ay ahayd gabar aan horay u guursan;

(2) in Caa’isha ay jirtay 13 sannadood (iyo bilooyin);

(3) in Caa’isha ay xeebta Kismayo ku kufsadeen saddex nin oo ay uga dacwootay maamulka al-Shabaab ee Kismayo gacanta ku haya; iyo in saddexdaas nin laba ka mid ah ay xabsi ku jiraan, kan saddexaadna uu fakaday.

(4) in xukunka Caa’isha ku dhacay ee dhagax-ku-dilka ah aysan jirin mas’uuliyiin ka socda maamuka al-Shabaab oo kala soo xiriiray.

(5) in Caa’isha ay taleefoon u soo dirtay isaga maalintii dhagaxa lagu dilayey; nin sida uu sheegay ahaa ilaaliye gabadha la joogay baa la soo xiriiriyey si Caa’isha ay u macsalaamayso waalidkeed uguna sheegato lacag dhan 100 shilin (Kenyan Money) oo dayn ahaan loogaga lahaa Xerada Qaxootiga ee Xagardheer, Kenya, in uu aabbaheed ka bixiyo.

(6) in Caa'isha ay ahayd gabar fud-fudud.

 

Xog-warran qof ahaaneed

 

Anigu, waxaan shakhsi ahaan u garanayaa waalidka Caa’isha dhalay oo aan muddo afar sannadood ah ku wada noolayn Xagardheer, Kenya. Sidoo kale gabadha dhagaxa lagu dilay (Caa’isha) xilligi ay dhalatay goob joog baan u ahaa. Waxay ku dhalatay Cisbitaalka Xagardheer ee Dhadhaab , Kenya . Dabcan si dhab ah uma xusuusto maalinta iyo bisha ay dhalay, hase ahaatee dhalashadeedu waxay ku beegan tahay inta u dhaxaysa bilihii u dambeeyey ee sannadkii 1994 iyo bilihii u horreeyey sannadkii 1995; taas oo qiyaas ahaan da’deeda ka dhigeysa 14 sannadood oo wax yar uun dhiman. Xilliga ay dhalatay waxaan ka mid ahaa shaqaalaha cisbitaalka ay ku dhalatay oo markaas ay gacanta ku haysay hey’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF-Belgium.

 

Nasiib wanaag, taariikhda dhalashada ee Caa’isha oo saxan waxaa laga heli karaa Hey’adda Qaxootiga ee UNHCR oo mar kasta laga diiwaan geliyo cunug kasta oo u dhasha qaxootiga ku nool guud ahaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab (Xagardheer, Ifo, iyo Dhagaxley).

 

Shareecada Islaamku maxay ka qabtaa falkaas?

 

Shareecada Islaamku si cad oo aan mugdi ku jirin ayey u qeexday xukunka sinada; waana laba nooc (1) in boqol garbaash (jaydal) lagu dhufto qofkii sineysta oo aan horay guur xalaal ah usoo marin, iyo (2) in dhagax lagu dilo qofkii sineysta oo horay guur xalaal ah u soo maray.

 

Labadaas qaybood waxaa hoos imaanaya qof qaan-gaar ah, oo aan waalnayn oo qirta in uu sineystay ee raba in laga oofiyo xadkaas; waxaase muhiim ah in in la hubiyo: (1) haddii ay dumar tahay in ay uur leedahay; haddii ay uur leedahayna xukunkeeda dib loo dhigo ilaa ay ka dhasho; (2) in ay qaangaar tahay; (3) in ay maskax ahaan fayowdahay.

 

Qofka (ama dadka) aan qiran sinada balse lagu soo eedeeyey waxaa ku xiran shuruud, waana in la helo afar qofood (oo sharci ahaan markhaati gal ah) oo ku marag fura in qofka (ama dadka) sinaystay ay falkaas ku dheceen. Markhaatiyaduna waa in ay ka marag furaan in ay indhahooda ku arkeen labada cawro ee dadka sineystay oo isku jira.

 

Xukunka sinnada ma aha mid fudud oo si sahal ah loo fulin karo, wuxuuna ka mid yahay xukunnada Islaamka ee loo baahan yahay markhaatiyo badan, hubsasho baaritaan xeel-dheer iyo maxkamad si caddaalad ah xukunkaas u fulisa.

 

Haddaba haddii la eego caddaymaha laga helayo waalidka gabadha la dilay, waxaa muuqata in xukunkii lagu fuliyey Caa’isha Ibraahim Dhuxulow uu ku dhacay si aan waafaqsanayn shareecada Islaamka.

 

Waxaa habboonaan lahayd in xukunkaas dhagax-ku-dilka ah aan lagu deg-degin ee baaritaanno badan la sameeyo. Kiiska gabadhana laga qayb-geliyo waalidkeed, iyo dhakhaatiir kale oo gabadha ku sameeya baaritaan caafimaad iyo mid dhimir ahaan intaba. Laakiin mar haddii xukunkii uu dhacay lana fuliyey, waxaan u soo jeedinayaa guud ahaan Culummada ku xeer dheer Shareecada Islaamka gaar ahaan wadaaddada xukunka fuliyey in xukunkaas dib loogu noqdo oo dhab ahaan loo caddeeyo qodobbadii loo cuskaday xukunkaas iyo ansaxsanaanta qodobbadaas.

 

Gebagebadii, waxaan tacsi u dirayaa waalidka Caa’isha ee hadda ku nool Xagardheer, Kenya. Culumada Soomaaliyeedna waxaan ka rejeynayaa in ay jawaab waafi ah ka bixiyaan xukunka gabadhii la dily. Jawaabta Culummada waxay ka hor-tag u noqon kartaa falkaas mid la mid ah in uu soo noqdo; sidoo kale waxay qancin iyo samirsiin u noqoneysaa waalidka gabadhii la dilay.


C/fataax Maxamed Cabdulle

Ottawa, Ont. Canada

abdulfatah@yahoo.com 



 





Click here