4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Kulanka IGAD ee Nairobi iyo Soomaaliya
fiogf49gjkf0d

ARAGTIDA
HIIRAAN ONLINE
Jimco, November 07, 2008


Markii madaxda urur goboleedka IGAD ay asbuucaan Nairobi ugu yeereen kulan aan caadi ahayn xubnaha Baarlamaanka iyo madaxda hayahadaha dastuuriga ah ee DFKM ah, waxay bixiyeen dareen ah in ay xal weyn u soo wadaan Soomaaliya isla markaana ay isbedel weyn ku samayn doonaan DFKM oo ay aad ugu laban yihiin maalmahaan danbana ay bannaanka soo dhigeen dhaliilaha ay u qabaan fadhiid-nimadeeda.
 
Sidii caadada u ahayd, kulanka madaxda IGAD oo loo dhigay in uu yahay mid aan caadi ahayn, waa uu ka hoos maray rajada shacabka Soomaaliyeed oo in badan IGAD ku hungeysnaa, waxa uuna ku dhammaaday wixii cadaadada IGAD u ahayd – hadal badan iyo hawl yar. Marka laga reebo dhalleecaynta Raíisul Wasaaraha Itoobiya uu u jeediyey madaxda DFKM, kulanka IGAD waxa ahaa fursad kale oo dhuntay si khariiradda siyaasadeed ee Soomaaliya ee hadda habowga ah dib loogu saxo.
 
Weliba, goob-joognimada madaxda ururka Isbahaysiga ee kulanka IGAD iyo DFKM Kenya uga furmay, ayaa iyaduna abuurtay rajooyin aan xaqiiqo ku dhisnayn iyo weliba tuhun ahaa in is-bedel weyn lala damacsan yahay madaxda DFKM ah. Taasi ma ayan dhicin, waxaase kulankaas IGAD ka soo baxay amar ah dhisidda dowlad cusub – amar siinta IGAD ee dowladda Soomaaliyana qudheedu ma dhadhan wanaagsana.
 
In kastoo IGAD ay sheegtay in ay qirayso in madaxda sare ee DFKM ah yihiin kuwo Soomaaliya “curyaamiyey” sida uu Raíisul Wasaaraha Itoobiya Zenawi u hadalka u dhigay, haddana madaxda ururka IGAD waxa ay ka baaqsadeen in ay dhab ahaan ula xisaabtamaan DFKM ah oo wax-qabadkoodu noqday fashil aan la qarin karin oo cid kasta u muuqda.
 
Haddii dhaibaatada Soomaaliya aysan ahayn mid amniga la xiriirta sida uu Zenawi ku andacoodey, haddiina ay madaxdii siyaasadda ee DFKM ahi ay curyaamin keeneen, su’aashu waxay ay noqonaysaa Soomaaliya miyaysan u baahnayn siyaasiyiin cusub oo is badel iyo siyaasad hufan la yimaada.
 
Madaxda IGAD waxa ay qaraarkooda ku tilmaameen ärrin inta badan Soomaalidu ay sanooyin ogayd, iyada oo IGAD ay hoosta ka xarriiqay in, “khilaafka madaxda DFKM ah iyo tartanka micna darada ah ee dhexdooda ka jira iyo siyaasadahooda iska soo horjeeda ay yhiin sababaha ugu waa weyn ee ammaanka Soomaaliya faraha k bixiyey isla markaana dhaliyey hir-gelid la’aanta dib u heshiisiinta Soomaaliya.”
 
Halkii ay dhibaatooyinka ay farta ku fiiqeen furdaamin lahaayeen, madaxda IGAD waxay hadalkooda ka daba geeyeen baaq marran hadalkoodana ka hor-imaanaya kaas oo oranaya, “Waxaan bulshada caalamka ugu baaqaynaa in ay gacan ka geystaan kor u qaadidda awoodda hay’adaha DFKM ah kuwaas oo u baahan tayayn iyo gacansiin-farsamo.”
 
Waa wax lala yaabo xaqiiqo ka meer-meerridda IGAD iyo doodda gurracan oo marna ay eedda dusha uga tuurayaan madaxda DFKM ah marna ay ku doodayaan tabar la’aan ayaa TFG-da meesha dhigtay ee halloo gurmado!
 
Mar haddaan jawaab loo heli karin arrimaha ay IGAD isku dhex waddo ee iska hor-imaanaya, waxaa uun la oran karaa in sidii caadada u ahayd madaxda Afrika ay u gurmadeen saxiibadood xitaa haddii hoggaamiyaha la bari taalayo uu yahay mid si cad u fashilmay, dhab ahaanna aan hawsha ka soo dhalaali karin.
 
Waxqabad la’aanta IGAD ee kulankooda Nairobi Soomaalida run-kharaar uun ayay mar kale ka karorsan karaan, kaas oo ah in xalka Soomaaliya uu ku jiro Soomaalida dhexdeeda.
 
Dariska Soomaliya ee IGAD (marka Djibouti laga reebo) waxa ay wadaan waa: qowda maqashii waxna ha u qaban!
 
Hadal maran oo IGAD waan aragnaa, hawl Soomaaliya dan u ahse ma aragno.


Fikradaada ku soo dir:
[email protected]

 





Click here