4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Bekradii xabbisnayd(The Caged Virgin)
fiogf49gjkf0d

Book Review
Faalo Buuga ay qortay Ayaan Xirsi oo lagu magacaabo "The Caged Virgin" (Bekradii Xabbisnayd)


by Sabriye Moallin Musse
Wednesday, May 28, 2008

Shabakadda AMAZON waxa ay sheegtay in buugga ay qortay Ayaan Xirsi ee la magac baxay (The caged Virgin) (Bekradii Xabbisnayd) uu kamid noqday buugaagta loogu iibsiga badanyahay dunida, inkasta oo daabacaddiisii koowaad sanado kahor la daabacay. Shabakaddu  waxay sheegaysaa in daabacad cusub oo buuggaas ah bishan aynu ku jirno bilowgeedii lasoo saaray. Daabacadda cusub ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan maqaallo iyo fikrado cusubi.

Ayaan Xirsi Cali oo iyadu asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya, iminkana dhalashada Holland haysata, sheegatana inay u dhaqdhaqaaqdo xuquuqda haweenka muslinka ah, ayaa iyadu daabacadda cusub ee buuggeedan, ugu yeeraysa haweenka muslinka ahi inay ka takhallusaan oo faraha ka xashaan “Bekranimada”.

Keddib kolkii la akhriyay qaar kamid ah afkaarta buugga ku qoran iyo qaab bandhigeedkiisa intaba, waxa soo baxay qaladaad ay gashay, kuwaas oo ah qaar ku lug leh aqoonta iyo luqada, tusinayana in aanay aqoon durugsan u lahayn diinta Islaamka.

Ayaan Xirsi buuggeedan oo mar kale Maraykanka lagu daabacay waxay dumarka Muslinka ah kaga codsatay inay ka takhallusaan “Dhaqanka Bekranimada” oo –sida ay tiri- ka dhigan “Jir-dil” dhaqanka Islaanka loogu geysanayo dumarka. Waxa kale oo ay Ayaan Xirsi dalalka reer galbeedka ah uga codsatay buuggan inay dumarka Muslinka ah ku kaalmeeyaan sidii ay “Bekranimada” uga takhallusi lahaayeen.

Qoraaga oo ay iminka marti gelisay kooxda midigta u janjeerta ee dalka Maraykanka ka talisaa, waxay leedahay: “Haweenay kasta oo Muslin ahoo Xabbiska Bekranimada ka cararta isla markiiba waxa lagu tirinayaa qof jirkeeda iibsata inay tahay”.

Ayaan Xirsi waxay buuggeeda ku timaantay in dadka aan Muslinka ahayn ee reer bariga ah sida Kirishtaanka ay ku jiraan dad gacmo furan kusoo dhoweeya inay haweenkoodu bekra-jabaan, arrintaas oo ah mid waaqica ka fog marka diimo badan laga eego.

Buugga (The Caged Virgin. Emancipation Proclamation for Women and Islam) (Bekradii Xabbisnayd. Bayaan lagu xoraynayo Dumarka iyo Diinta Islaamka) daabacaddiisa cusub waxa ku jira qisadii filinkii ay sanado kahor qortay ee (Submission) “Hoggaansamid”, filinkaas ooy Diinta Islaamka ku eedaysay inay tahay Diin dumarka addoonsata. Filinkaasi wuxuu sababay in soo-saarihiisii Van Gogh uu dilay wiil dhallinyaro ah oo muslin ahi sanadkii 2004. Waxa kale oo nuskhadan cusub ee buugga ku jira maqaallo dhowr ah iyo kulammadii ugu dambeeyay ee Ayaan Xirsi lala yeeshay.

Buugga Ayaan Xirsi wuxuu tirinayaa waxyaabaha dhaqanka Islaamka ku jira ee ay ku tilmaantay inay dumarka “Jir-dil” ku yihiin sida: Gudniinka, Dumarka oo da’ yaraan lagu guursado, iyo hagardaamooyinka dumarka lagula hayo guryaha. Buuggan oo ah daabacaddii labaad ee buuggii (The Caged Virgin. A Muslim Woman’s cry for Reason) (Berkadii Xabbisnayd. Muslimad Caqliga dartiis u Cabaadaysa), marka lagu daro qisadii filinkii (Submission) (Hoggaansamid), waxa kale oo ku jira kulamo dhowr ah, khudbooyin iyo qoraallo ay Ayaan Xirsi muddooyinkii ugu dambeeyay daabacday.

QALADAADKA QORAA AYAAN XIRSI

Ugu horreynba qoraagu waxay isku dayday inay isku xirto diinta Islaamka iyo nidaammka Patriarch (Maamul ku dhisan inay raggu bulshada u taliyaan), arrintaas oo jariidada (The Guardian) ay ku tilmaantay qalad, maxaa yeelay nidaamka (Rag-raaca) (Patriarchy) ma aha mid ku salaysan diin ee waxa weeye nidaam ka taagan xoog ku xukumid  iyo kormeerid waana nidaam ka jiri jiray nidaamyadii qabiika ku dhisnaa, kana jira mujtamacaadka iminka jira qaarkood, sidaas darteedna diin gaar ah laguma salayn karo. Haddaba, Ayaan Xirsi waxay halkaas ku weyday magacii ay huwanayde ahaa: (Qof u dhaqdhaqaaqda Xuquuqda Haweenka), maxaa yeelay dhaqdhaqaaqeeda waxay ku jeedisay diin gaar ah ee uma aanay jeedin nidaamka Patriarch ee dhaqdhaqaaqyada dumarku ay kasoo horjeedaan, sidaas darteed waxa weeye (Qoraa ku kacsan Diinta ISlaamka).

Waxa intaas dheer, qoraaga oo ku adkaysanaysa in aanay muujinayn wax farqi dhaqan ah oo u dhexeeya bulshooyinka Islaamka ah, iyadoo ka dhigaysa tijaabadii shaqsiga ahayd ee ay iyadu soo martay mid muslimiinta oo dhan kadhex dhacda ama Muqdisho haku noolaadeen ama Sidney-Australia eh. Haddaba kala geddisnaanta dhaqan ee ka jira bulshooyinka Islaamka ah oo ay soo bandhigi weyday waxay kamid tahay ceebaha uu buuggeedu huwanyahay, sida ay qorayso jariidada “The Australian” ee kasoo baxda dalka Australia. Jariidadu waxay intaas ku daraysaa: “Qoraagu buuggeeda waxay ku salaynaysaa tijaabo shaqsi ah. Waxa weeye gabar uu dhalay nin siyaasi ahaa oo mucaarid ku noqday xukuumaddii Siyaad Barre ee Soomaaliya ka jirtay sanadkii 1969kii. Markii ay shan sano jirtay bay hooyadeed iyadoon ogayn gudday, taasina waxay ahayd dhaqan qabiileed Islaamka kahor jiray, gebi ahaanna qabaa’ilku ay ku dhaqmi jireen diinta ay doonaan ha haysteene”.

Jariidadu waxa kaloo ay isweydiinaysaa taariikhda Ayaan Xirsi oo uu muran weyni ka taagan yahay, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii intay Holland u haajirtay, ay hawsha siyaasadda gashay, noqotayna Dimoqraadiyad, dabeetana si aan hordhac lahayn halmar dhanka midigta mayalka adag isugu weecisay.

Jariidadaas kasoo baxda dalka Australia, qoraaga Irfan Yusuf, wuxu weeraray sheekada Ayaan Xirsi ee oranaysa: “Xiriirka Muslimiinta iyo Eebbe ka dhexeeyaa waa mid cabsi ku dhisan”. Wuxuu yiri: “Hadalkaasi wuxuu tilmaamayaa aqoon darrida ka haysata diinta Islaamka”. Qoraagu wuxuu intaas ku daray: “Tixraacyada ay buuggeeda kusoo qaadatay ee Aayadaha Qur’aanka ahi aad bay u yaryihiin”.


Diyaariye
Sabriye Moallin Musse
Minnesota-USA
E-mail: [email protected]



 





Click here