4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Asalka Dhibaatooyinka Gobolka Hiiraan: Maqnaanshaha Maamul Sharciya
fiogf49gjkf0d
A R A G T I G D A
HIIRAAN ONLINE
Isniin, May 26, 2008 

Qormadaan waxa aan u hibeyney gobolka Hiiraan oo aan magac-wadaag nahay, iyada oo  talooyinka siyaasadeed ee qoraalkani uu xambaarsan yahay ay ku wajahan yihiin dhammaan gobolada iyo degmooyinka Soomaaliya – Galgaduud ilaa Gedo iyo weliba inta u dhaxaysaba.

 

Markii aan u guda galnay diyaarinta qormadaan, waxaannu dhegeysannay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka- Soomaaliga. Mowduuca xiligaas ka socdey waxa uu ku saabsanaa Gobolka Hiiraan! Waxaaba filan waa nagu noqday in wariyaha BBC-du uu markaas waraysannayey laba shakhsi oo ku wada sugnaa gobolka Hiiraan kuwaas oo mid-kastaaba uu ku doodayey in uu yahay guddoomiyaha sharciga ah ee gobolkaas. Waxaa iyaduna la yaab nagu ahayd in warriyaha BBC-du uu ku wargeliyey labada “guddoomiye” siyaasi kale oo ah Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Isbahaysiga Casmara ka dhisan in uu tagey degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula Burte – kuwaas oo ah degmooyin muhiim ah ee gobolka Hiiraan isla markaana wakiilka Isbahaysigu uu ku hawlan yahay  dhisidda maamul gobolkaan ay isku haystaan labada  nin oo sheeganaya guddoomiyenimda.

 

  - Halkaan ka dhageyso wareysi ay BBCda la yeelatay labadaan masuul oo ay dowladda KMG ah soo magacowday -  By Yusuf Garad, BBC

 



Waraysigaas BBC-da, mid kasta oo ka mid ah labadaas nin, sharci ahaanta sheegashadiisa guddoomiye-nimo, waxa uu ku salaynaya magacaabid uu sheegay in uu ka haysto mid ka mid ah musuuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka, sida Madaxweynaha, Wasiirka 1-aad ama Guddoomiyaha Baarlamaanka ee DFKM ah.  Waxaase yaab leh in Qodobka 11-aad ee Axdiga DFKM ah uu dhigayo in, “Dowladda Federaa ay tahay in ay yeelato maamul baahsan oo ku salaysan qaab-federaali ah.”

 

Axdigaasi waxa uuba sid cad u qeexayaa in ay gobaladdu si madax-banaan ay u maamulayaan arrimaha la xiriira, “waxbarashada, caafimaadka, waddooyinka gobolada, dhowridda deegaanka, ciidamada booliska ee gobolada, guryeynta, horrumarinta biyaha iyo korontada, horrumarinta beeraha iyo maaraynta biyaha, horrumarinta xoolaha iyo daaqa, kobcinta ganacsiga gobolada, dejinta, diyaarinta dastuurka gGobolada, samaynta calanka iyo astaamaha gobolada, xullidda guddiga doorashooyinka gobolada, qaadidda canshuuraha, kor-u-qaadidda ciyaaraha, dhaqanka, hiddaha; bixinta shatiyada ganacsiga iyo dhismaha, faya dhowrka, caafimaadka guud,”

 

Shakhsiyaadka sheegta guddoomiyenimada gobolka Hiraan, waxa ay u eg tahay in ay moog yihiin ama ay ka hoos baxday  - sida ku cad Axdiga DFKM ah - in dadka reer Hiiraan ay yihiin kuwa ay tahay in laga raadsado ogolaanshaha madaxnimo iyo maamulidda gobolka. Waxaa cad waraaq laga soo qaato DFKM ah ama xukun marooqsi kale in uu yahay mid aan sharci ku dhisnayn dadka reer Hiiraan iyo Soomaali oo idilna aan u cuntamin.

 

Isqab-qabsiga ka dhex-taagaan shakhsiyaadka sheeganaya guddoomiyenimada gobolka ama kuwa dhisaya maamulada, waa arrin aad u saamaynaysa nolosha boqolaal kun oo dadka reer Hiiraan ah. Isku-dhacyada gobolka ka caal-waayey waxay gobolka Hiiraan ku hayaan khatar weyn oo taagan noqotay - taas oo keentay, dhimasho, dhaawac, iyo labaatan sano oo jaah-wareer ah.

 

Gobolka Hiiraan wuxuu ku yaalaa bartamaha dalka Soomaaliya, waxaana gobolkaa ka soo jeeda siyaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya sida madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya Mudane Adan Cabdulle Cismaan, siyaasiga isna magaca dheer ku lahaa siyaasadda Soomaaliya waqtigii lixdamaakii (1960) Mudane Sheikh Cali Jumcaale iyo Mudane Cabdullahi Ciise Maxamed,  Ra'iisul Wasaarihii ugu horeeyey ee Soomaaliya waqtiga Soomaalida Koofur la siiyey dowladdii daakhiliga ahayd (Somalia under the Italian Trusteeship Administration).  Dhanka kale, odayaal dhaqameedka gobolka Hiiraan waa kuwa si weyn looga qadariyo dalka Soomaaliya, marka suura gal ma aha in gobolkaas maamul xumi iyo, dagaalo iyo dhibaato joogta ah la soo daristo gobolka Hiiraan.

 

Waxaan aragnaa in dadka reer Hiiraan (iyo dadka Soomaaliyeed ee degmo iyo gobol kasta ku nool) in ay mudan yihiin – xaaladdaan murugsan mid dhaanta.

 

Haddaba si loo xakameeyo burburka dhacay ayna suurto-gal u noqoto in dib loo agaasimo adeegyada daruuriga ah ee bulshada kuwaas oo labaatanka sano dayacnaa, dadka reer Hiiraan iyo dadka Soomaaliyeed ee degmo kastaa waxaa waajib ku ah in ay samaystaan maamullo hoose ee heer degmaad iyo heer gobol ah. Waxaa noo muuqda in ay waajib tahay dadka ku nool Beled Weyne, Buula Burte, Jalalaqsi, Matabaan iyo Maxaas in ay doortaan guddoomiyayaal iyo guddiyo degmo kuwaas leh karti iyo hufnaan ay ku gutaan xilka iyo waajibaadka ka saran dadka reer Hiiraan ee muddada dheer aan helin maamul hufan oo u adeega.

 

Sidoo kale, waa in ay dhacdaa doorasho ka hir-gasha gobolka oo idil taas oo dadka Hiiraan ku nool ay ku dooranayaan guddoomiye gobol oo xilkaas u gudan kara hufnaan ku qotonta rabitaanka dadka gobolka – iyada oo qofkii masuul noqda markii la doono xilka doorasho looga qaadi karo. Masuuliyiin is-magacaawday iyo madax DFKM ay korka gobolka Hiiraan uga  keentay mid-koodna kuma guulaysan karo in uu hanto ama uu hor-koco dadka reer Hiiraan, kuwaas taageeradoodu  ay lagama maarmaan u tahay  wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo baahiyaha dhaqaale, waxbarasho, caafimaad, kaabayaal-dhaqaale iyo horumarineed ee ka jira gobolka Hiiraan.

 

Dadka reer Hiiraan kuma habbona in ay aqbalaan xad-gudubka dadka sheeganaya in ay siyaasiyiin yihiin, kuwaas oo damac-weyn uu ka hayo in ay gobolka Hiiraan ka amar ku taag-leeyaan iyaga oo aan idan iyo ogolaansho ka haysaan dadka degaan. Waxa aan ugu baaqaynaa dadka ku nool gobolka Hiiraan, siyaasiyiinta dhabta ah, aqoon-yahanka, dadka qurbaha jooga, iyo odayaasha dhaqanka ee taariikhda leh in ay iska kaashadaan sidii loo hakin lahaa fawdada iyo xukun-marooqsiga ay gobolka Hhiiraan muddada dheer ka wadeen dad aan mudnayn in ay gobolka maamulaan. Qof kasta oo gobolka Hiiraan ka soo jeedaa waa in kaalin muuqata uu ka qaataa sidii gobolka looga suurto-gelin lahaa doorashooyin caddaalad ku dhisan dadkuna ay u madax-bannaan yihiin codkooda si ay u doortaan guddiyaal iyo guddoomiyayaal degmo iyo weliba guddoomiye gobol.

 

Sidoo kale, waxaan ugu baaqaynaa hay’adda UNDP-da iyo hay’adaha kale ee Qaramada Middoobey in ay gacan ka geystaan sidii dadka reer Hiiraan ay u samaysan lahaayeen maamul hoosaadyo tayo leh kuna  yimid rabitaanka dadka; sidiiba ay horay UNDP-da kaalin wax ku oolka ah uga geysatey taabba galka maamullo tayo leh oo ka hir-gala gobolada Baay, Bakool iyo weliba deegaanada Puntland iyo Somaliland.   

 

Xeel-dheerayaasha cilmiga siyaasadda ayaa sheega in aanu dagaal dhex-dhicin dalalka dimoqraadiga ah. Aragtidaas waxa ay ku magacaabaan Aragtida Nabadda Dimoqraadiyadda, waxa ayna ku saleeyaan cilmi baaris iyo qiimayn ku saabsan dagaal la’aanta dalalka ku shaqeeya mabda’a dimuqraadiyadda. 

 

Haddii Soomaaliya la eego, waxaan dhihi karnaa maul-hoosaadyada ka yimaada ama ay yagleelaan dadka ku nool degmo ama gobol amaba deegaan sida kuwa Puntland and Somaliland waxa ay ka hortigi karaan khatarta colaadaha dabada dheer sida kuwa ka labaatanka sano ka soconayey gobolada dhexe, Caasumadda iyo koofurta Soomaaliya. Tusaale ahaan deegaanno kala durugsan siyaasado kala duwanna ay ka socdaan sida degmoyinka Boorama, Galdogob iyo Garoowe ayaa nabad ku naalloonayey in ku dhow labaatan sano, halka deegaanno kale sida kuwa gobolka Hiiraan, magaalada Kismaayo iyo weliba Muqdisho ay ku dhex-jireen labaatan sano colaad iyo bur-bur ah.

 

Farqiga u dhexeeya deegaanada nabadda haysta iyo kuwa colaaduhu ay ka hurrayaan waa jiritaanka ama maq-naanshaha qaab-maamul dadka degaankaas ay samaysteen. Markasta oo aanay jirin maamul hoose oo dadka deegaanka hoos yimaada kuna dhasha am ku dhaca rabitaanka dadka, waxaa dhacda in ay isku dayaan in ay kaalintaas buuxiyaan dagaal-oogayaal iyo kuwo aanay isku dheelli tirnayn damacooda-siyaasadeed iyo aqoontooda iyo hufnaantooda dhabta ah.

 

Difaaca u weyn ee degmo, gobol ama deegaan uu uga hortagi karo dagaallo dibadda laga soo abaabulay, kuwo lagu danaysannayo iyo kuwo ay keentay doqonimo, waa hir-gelinta maul hoosaad loo dhan yahay.

 

Dadka reer Hiiraan waxaa wajib ku ah in ay u is taagaan xaqooda ayna doortan maamul hoosaad iyaga ka yimid iyagana matala.

 

Arrintaas oo laga gaabiyaa waxay keenaysaan xil-gudasho la’aan iyo sii socoshada colaadaha.


Wixii tusaala ah noogu soo dira: [email protected] ama  [email protected]



 





Click here