4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
QAYLODHAAN (Gabay cusub)
fiogf49gjkf0d

Inj. Maxamed Cali Cibaar
Sunday, May 11, 2008


Marka dib loo milicsado taariikhaha dhow, illaa iyo markii ay xornimada  qaadatay Soomaalidu, sanadkii 1960kii, ayna midoobeen labadii gobol ee Waqooyiga iyo koofurtu, waxaa lagu hayay jillaafooyin ka imaanayay dowladaha gobolka iyo quwado kale oo waaweyn. Waxaana la rumeysanyahay in hagardaamooyinkaas la dardargeliyay wixii ka dambeeyay dagaalkii Soomaaligalbeed ee ay Soomaalidu sanadkii 1977kii la gashay, kuna jebisay, gumeysiga Abasiinya. Waqtigaas oo uu cadowga umadda Soomaaliyeed ku baraarugay awoodda aan la dhayalsan karin ee ka soo muuqatay Bariga Afrika.

 

30kii sanadood ee u dambeeyay waxaa ku socday Umadda Soomaaliyeed, baab’in arxandarro ah oo loo adeegsanayay gacmo Soomaaliyeed iyo kuwo shisheeye intaba. Waxaana la dhihi karaa guud ahaan geyiga Soomaaliyeed ma jiro gobol iyo guri aan dabkii la shidayay gaarin, goortu haba kala duwanaatee. Ugu dambeyntiina, wax marba dabin la soo maleego oo maalinba ay meel soo joogto,waxaan maanta markhaati ka wada nahay xaalad musiibo oo aad u murugo iyo xanuun badan badan.

 

Gumeysigii Abasiinya oo ahaa cadowgii uu muddo qarniyaal ah loollanku naga dhaxeeyay ayaa maanta ka arriminaya guud ahaan gayiga Soomaaliyeed, si toos ah ha uga taliyo amaba si dadbane.Wuxuuna muddo 500 oo maalmood ku dhow gacanta ku hayaa Qalbigii qaranka Soomaaliyeed, oo uu calankiisii ka dulbabbanayo, xasuuq nooc walba ahna uu ka geysanayo, isagoo ay arrinkaas ku gacansiinayaan, calooshooda u shaqeysteyaal Soomaali ah iyo qowado kale oo shisheeye oo dano aan sahlaneyn ka leh deegaankeenna.

 

Gabayga Qaylodhaan, oo ka dhashay fikir ku wajahan arrimaha aan soo xusnay,

wuxuu ka hadlayaa waxyaalihii sababay silica maanta lagu suganyahay. Waxaa kale oo uu gabaygu xambaarsanyahay digniin culus oo tilmaameysa in haddii aan lala imaannin dadnimo uu xaalku meesha uu maanta taaganyahay aad uga sii xumaan karo. Wuxuuna ugu dambeyntii gabaygu soo gudbinayaa talooyin ku wajahan, qaababka looga dabaalan karo musiibadaan qarada weyn iyo qaranjabkaan nagu dhacay, Rabbi ha na dabaqabtee.


Gabayga Qaylodhaan,wuxuu ku bilaabmayaa:

Qalbidhagaxey Soomaaliyey qaafil baad tahaye

Qeyrkaa inaad u hormartoo qaddarin aad mudato

Qarannimo qofkii kula jeclaa inaad qurxoonaato

Qabri wuxuu la galayaa hungoo iil adow qodiye

Quraan iyo xadiis kuma kariyo qawl indheergarade

Qolof daxala iney fuushay iyo qallashay mooyaane

Laabtaadu qoyi mayso oo wey qarribantahaye.

 

Waa seef  qurgoysaa la yiri quud xun kii jecele

Shacbiyahow qaloon lagu go’oy qabato hoos taallo

Qirshi baad caqligii siisatiyo qarash aan buurneyne

Garashada qolkii lagu ogaa quful lagaa saarye

Qalalaase lagu baabi’iyo qax iyo guurguurid

Qubqac iyo colaad waxan aheyn  kuma qabowshaane

Haddaad qiiro weli leedahood dhab u qushuuceyso

Qaraar haba ahaatee runtaan soo qaddimayaaye

Qaylodhaanta u dhug yeelo iyo qatarta soo fool leh.

 

Qorraxdii aroor soo baxdee uu qaddaro Eebe

Maalinba qisey leedihiyo qasnado taariikhe

Quruumuhuna kuwo qorboshayoo qarfe ku diifeysan

Iyo waa dar quwad  sheegta oo qooq u hodayaaye

Adigana Quraanshoy haddaan taada qiimeeyay

Qaacidada nacabkana dersiyo qidadda aad moogtay

Waxa dhagar qamiir kuu aheed qarsin ku fuuqeyso

Cudur lagu qombobo iyo waxaad qaaxo boobeyso

Adigoo quxuxuu lahoo qufac la luudaaya

Ma-naxaan qadaadkiyo aduu qoobka kaa jiidi

Oo lagu qadaanqutinayoo qardadaxleynaaya

Qow inaad ka duushaan ka baqi qar iyo haadaane.

 

Taariikh qaddiimoo fog iyo garasho qaangaar ah

Qab waxaad laheyd beri awood quusin cadowgaada

Iyo qulubka waayahan ku galay qayirka kaa muuqda

Qoborradaad ka soo jeeddo iyo qurunka kuu huursan

Qolo-Laandkanaad ku digrisiyo kala qannaaskaada

Qalaanqalka lagugu beerayiyo qabyo ku faankaada

Quushaashaa inaad caashaqdiyo quursi iyo liidid

Oo qabbaanku ku hoggaamiyiyo qaa’inkiyo tuuggu

Qabanqaabaduna saaka tahay Qandhicilley kaalay

Qaadan waayay qowsaarnimiyo qaabdarradan taalle.

 

Qasdilaayey adaa qabi ah oon qaddiyad leyne

Adigeys qonfaayee qaniin kuma haweysteene

Qarbudaadda adigaa ka hela qabarka dhiilladaye

Sida caanihii kuwa qurqurin dhiigna ku qubeysta

Qaatiliin intaad dabatubnayd qabqable haamaan ah

Qaadicul-dariiqyada intaad qiil u bixinaysay

Qaballuus habaarqaba intaad burcad qaliifeysay

Ood qumayga awliyo laheyd quuta xaaraanta

Intii uu qisaas kii mudnaa hagayay qaanuunku

Waa qarracan waxaad dhaxashayoo dhaayahaa qiriye.

 

Ummadyahay qabiil caabbud iyo qadaf ku naafeeye

Qamrigii sidiisoo kaluu qasay dareenkiiye

Waa  kaa sidii aad qac tahay qallibay maankiiye

Qarjac-qarjac hadduu xaal tagoo laysba qalanaayo

Haddii uu dugaag baahi qaba kugu qamaamaayo

Ood eeyo qadadooda tahay qarjamsan meydka ada

Bisadana quraac kaa dhigteen qanjir aan reebeynin

Oo haadda soo qaraabataa  gawin qalfooftaada

Dhibaatada qarada weyn miyaan laba qiyaasaynin?

Qayilaad miyaan laga koreyn qaadka cuniddiisa?

Qiiliyo waqaaliyo miyaan qaylo laga daalin?

Culimadu miyay wixii qaldamay qunyar tilmaameynin?

Abwaannadu miyay qarinayaan xaajadaan qaawan?

Qaanadaha tujaarta leh miyaaney shilinba quureynin?

Janannadii ma waxay qaayibeen qoorta laga fuulo?

 

Qaaraan mariidliyo in aad qamadi soo tuugto

Qaxootiga haddaad doorbiddiyo qurbe ku noolaansho

Ama aad qaneecaba ku tahay qaadumnimadaada

Qaxar lacag ah iyo waxaan arkaa gunnimo qaali ahe

Qorsheyaal halagaa jiroo la isku qayrayne

Baarliin kuwii nagu qurbaye dorraad na qeybqeybshay

Qabridaharre kuwii shalay dhiciyo qasriyadii Adari (Harar)

Kuwii qalinka en-ef-dhii (NFD) ku xadee Kiinya qabadsiiyay

Ee Jabuuti danab qulqulayiyo silig ku qoolaabay

Maantana qalqaaladey wadaan waxa la qoondeeyay

Dabinnada qotada dheer lahoy qubaro kuu daahi

Qandaraasku waa labadi haray qataliddoodiiye.

 

Qaalin geela oo waa la dhacay laba is-qaareysay

Qarjaruufo waxaan dhaaminoo qoysas kala gaaray

Adna godobsokeeyood quftaad qumani mooddaaye

Ma huraan qaraabo ah intaad deriska qoomaysay

Qoqob iyo intii aad Warmoog qashin u heeseysay

Oy quracyo isku tookhayeen qoryo abaareystay

Ku qamaartay nabad iyo samaan lagu qaxweeyaaye

Faa’iduu qilaaf dhalo haddaad qandi u hoorhoorsan

Qibladaad ku socotaahi  wey ila qalloocdaaye

Qalbiyada la dhaawacay intaad ka dhaqdo qaanjeerta

Danta guud inaad u qunto ood qanacdo yaa roone.

 

Ilmo uu shallaay kaa qubiyo inaad qamuunyooto

Iyo qosol marbey simanyihiin oy ku qadiyaane

Waanada haddaad qushi tiraa Qoolaney talada

Qarni inaad dulleysnaato iyo qoomamaa xigiye

Inta aan qariidaddoo bedelen qayax wax loo sheegin

Qaaradda dalkaan la eg intaan qowlad laga waayin

Oon Quddus sideedii dhulkii qoom kaleba yeelan

Adiguna qariib aadan noqon ku dhex qaloonaaya

Sida Qasaa intaan niman qalaad jiidan qalanjooyin

Oon ubadka la qafaalayaa xabsi ka qaaqleynin

Inta aan masaajidda qataar weyn qab lagu siinnin

Oon  diinta qodob lagu xarrimi qaalli ku dhawaaqin

Qaramada midoobana hadhow qasab ku taageerin

Qaalis Muslim ah haddii aad tahood Qani ka yaabeyso

Ood naar qaxeysoo ka biqi laysku quminaayo

Qabyaaladda ka dheerow intii mabda’ qurraafaad ah.

 

Qaafleyda gabayga ah haddaan soo qatimo caawa

Qawi tiisa lama baajin karo sheyga kuu qorane

Inkastoo ay qaflad nagu hayaan quwado soo duulay

Oy qamarka heehaabiyoy quusi badaheenna

Hubka qananaxleeyana berriga qiiq ka kicinaayo

Mar  haddii Jihaad loo qumoo laysku qalabqaato

Mujrimiinta wadnahaa qarrari oo qandhaa diliye

Goorta laysku qaabilo dagaal wey qarqarayaane

Qumbulado waxaa uga darnaan qaanso iyo leebe

Quruuruxan ku tuurtuureynaa qarxin Insha-Allaahe

Ha qalqalina Weynaha dad qiray kuma qasaaraane.

 

Rabbigii fircoon iyo qarqiyay boqorro Qaaruun leh

Abrahana shimbirihii qabdhabay ku diray qoolleyda

Oo Namruudkii qalcadaha lahaa ku qahray hoygiisa

Qafuur iyo Qudduud iyo Qudduus Qaaliq iyo Qaafir

Qayuum baan ku dhaartaye kuwaan kibir is qaadqaadi

Qulhuwalle haddey diidayaan Qaaddir amarkiisa

Waxay qooshayaan waa sun ay qalaf ku leeyiine

Qaaddadana annagaa u dari oo ku qalam siinnoo

Qaanteennii wey hunqaacayaan qaras ka sii dheere

Ha qalqalina Weynaha dad qiray kuma qasaaraane.

 

Ha qalqalina Weynaha dad qiray kuma qasaaraane

Ha qalqalina Weynaha dad qiray kuma qasaaraane

Ha qalqalina Weynaha dad qiray kuma qasaaraane.

 

-         Halkaan ka daawo jabkii Gumeysiga Abasiinya 1977kii !!!

Halkaan ka daawo xasuuqa uu maanta geysanayo cadowga Abasiinya !!!



Inj. Maxamed Cali Cibaar
[email protected]


 





Click here