4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Dhibaatada Qaadka & Dhoohnaanta Dowladda Ingiriiska
fiogf49gjkf0d

 A R A G T I G D A
HIIRAAN ONLINE
Thursday, June 26, 2008


- Khatka waa laba nooc: - miiraa iyo hereeri
- Miiraagu wuxuu ka baxaa dalka Kenya
- Hereeriguna wuxuu ka yimaadaa dalka Itoobiya
- Qiimaha  halkii marduuf waa £3 ama qayaastii $6
Waxaa la werrinayaa in Xisbiga Muxaafadka ee waddanka Ingiriiska uu qorshaynayo in haddii la doorto uu qaadka joojinayo.Arrintaa ah joojinta ka ganacsiga, isticmaalka iyo dhoofinta qaadka waa qorshe dhaxal-gal ah ayna ahayd in xilli hore ay Ingiriiska ka hirgasho. Beddelidda siyaasadda dalka Ingiriiska ee waqtigan taas oo ah mid qaadka albaabada u furtay, waa mid ay dan weyni ugu jirto waddanka Ingiriiska iyo waddamada dunida sida kuwa Midowga Yurub, Maraykanka iyo Canada.

 

Qaadku waddamo badan ayuu imminka mabnuuc ka yahay sida dalalka: Canada, New Zealand, Belgium, Ireland, UAE, Denmark, Tanzania, Zambia, Germany, Switzerland, Finland and the United States. Maddaama qaadka la keeno laguna dhex gado waddanka Ingiriiska, nasiib darro, wadankan waxa uu noqday xarunta la soo mariyo lagana abaabulo qorshayaasha si suuqa-madow ah qaad lagu gelinayo dalalka qaadka xaaraan-tinimeeyey.

 

Albaabka qaadka ee dalka Ingiriiska ka furan, kaalin weyn ayuu ka qaatay khataraha iyo dhibaatooyinka qaadka. Ciidamada ammaanka, hay’adaha ilaalinta xudduudaha iyo kuwa canshuuraha uruuriya ee waddamada qaadka joojiyey, dhib weyn ayay kala kulmaan qaadka sida dhuumaalaysiga ah looga soo daabbulayo dalka Ingiriiska.

 

Warbixin Xafiiska Qaramada Middoobey u qaabilsan Daroogada iyo Denbiyada ayaa sheegaysa in sannadkii 2003-da ilaa 16 waddan ay qabteen qaad dhan ilaa konton tan. Waddanka Canada ayaa ugu badnaa dalalka qaadka qabtay, waxaana lagu qabtay 25 tan oo qaad ah. Sannadkii 2004, waddanka Maraykanku waxa uu isna qabtay 50 tan oo qaad ah. Haddaba, haddii masuuliyiinta waddanka Ingiriiska iyo kuwa Xafiiska Qaramada Midoobbey u qaabilsan Daroogada iyo Denbiyada ay ka soo bixi lahaayeen waajibka ka saran u aqoonsiga qaadka daroogada uu yahay, waxaa hubaal ah, in ay dhibaatada ka dhalatay Qaadka sida qarsoodiga ah dunida loogu faafinayo ay sida aay hadda tahay ka yaraan lahayd.

 

Waxaa xusud mudan in dhibaatada qaadku aanay ahayn mid ugub ah. Dhab ahaantii, hay’addii la oran jirey The League of Nations ee ka horreysay hay’adda Qaramada Midoobey ayaa sanadkii 1933-dii arrinta qaadka ka hadashay. Waxaase wax laga xumaado ah, Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Daroogada iyo Denbiyada, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), iyo ururada kale ee caalamiga ah, in ay ka baaqsadeen in ay qaadka u aqoonsadaan daroogoda khatarta ah ee xaqiiqo ahaan uu yahay.

 

Dalalka Itoobiya iyo Kenya ayaa ah labada dal ee ugu horreeya soosaaridda iyo ka ganacsiga qaadka. Waxaase xusid mudan, in inta badan dadka Kenya iyo Itoobiya aanay qaadka cunin. Dadka qaadka beerta iyo kuwa ka ganacsada waxa ay qaadka u arkaan il-lacageed oo burqanaysa; dowladaha Kenya iyo Itoobiyana canshuur badan iyo lacag adag ayay qaadka ka helaan. Qaadkaas intiisa badan Soomaaliya ayaa loo dhoofiyaa inta kalana Soomaalida qurbaha joogtaayaa laga daba-geeyaa – iyada oo dalka Ingiriiska la soo marsiiyo.  

 

Tusaale ahaan, shayga labaad oo dalka Itoobiya dhoofinta coffee-ka u soo raaca waa qaadka. Cilmi Baaris dalka Ingiriiska ay ku sameeyeen

Cultures of Consumption Research Programme waxay leedahay, “Canshuurta sanadihii sagaasha-maadkii ay Itoobiya ka heshay qaadka waxay cel-celis ahaan dakhliga dalka Itoobiya ka ahayd boqolkiiba 1.7. Dhinaca kalana kharashka Itoobiya sanadahaas uga baxay daryeelka caafimaadku waxa uu ahaa cel-celis ahaan 1.2, taas oo macnaheedu yahay in Itoobiya ay dakhliga qaadka ka soo gala ku daboosho kharashka daryeelka caafimaadka.” Xogtaasina waxa ay caddaynaysaa in dhoofinta qaadka ay Itoobiya - ganacsato iyo dowladba - u tahay il-dakhli oo sida dur-durka ay biyuhu uga burqadaan, uu dollar uga burqanayo.

 

Ahmiyadda uu qaadku Itoobiya u leeyahay ayaa keentay in aqoon-yahanno Itoobiyan aha ay qayb ka noqdaan ol-olaha sumcad u raadinta qaadka. Dr. Ezekiel Gebissa, oo uu dhashay Itoobiya ahna barre jaamacadeed kuna  guuleystey abaal-marinta sanadlaha ah ee Fulbright scholar - taas oo isugu jirta aqoon-kororsi iyo cilmi baaris – ayaa ka mid ah dadka u ban-baxay qiil u raadinta qaadka, isaga oo qoray, “Muslimiintu waxa ay qaadka u cunaan si aanay salaadda uga seexan. Beeralayduna waxay u cunaan si ay awood iyo adkaysi ugu helaan shaqada adag oo saacadaha badan ay qabtaan. Reer magaalka in ka mid ah waxay u isticmaalaan raaxaysi. Beeralayda taagagga sare ee latin America, caleemaha geedka kokaha waxay u cunaan si ay kulay uga helaan. Taasina la mid maaha ujeedada dadka Maraykanka ahi ay u isticmaalaan daroogada koo-keynta ee laga sameeyo geedka kokaha. Dhab ahaantii, ku habsaanka daroogada koo-keynka la mid ma aha isticmaalka labada kun oo sano soo taxnaa ee dadka Koofurta Amerika ay isticmaalaan caleemaha geedka kokaha. Beeralayda iyo ganacsatada itoobiya iyo waddamada Geeska Afrika, qaadku waa dalag-lacageed ay ka shaqaystaan dad malaayiin ah”

 

In kasta oo ninkaas uu isku dayey in uu qaadka qiil u sameeyo, haddana Ururka Caafimaadka Adduunka oo ka warbixiyey cilmi-baaris qaadka laga sameeyey, waxa uu tilmaameen  in maanka iyo maskaxda qofka qaadka cuna lagu garto, “hammi badan, hiyi kac iyo haab-haabasho ka maran xasiloonida”

 

Oraahda ah qaadku salaadda ayuu sahlaa, waa mid yaab leh! xaqiiqada qaadkana ka durugsan; haddii aan isticmaalo weeraha Ururka Caafimaadka Adduunka – waxaan oran karnaa waa oraah hammi xambaarsan kana leexsan xaqiiqada.

 

Indhaha waa laga laaban karaa hiilada aan hufneyn ee aqoon-yahanka Itoobiyaanka ahi uu u sameeyey (si kas ah ama si kama’a ah) dalkiisa iyo dadkiisa qaadka ka lacagaystay. Waxaase filan waa iyo wax laga tiiraanyooda ah, arragtida aan loo meel-deyin ee aqoon yahanno Soomaaliyeed arrinta qaadka ay kala shir-yimaadeen; iyaga oo ayaan darro, doonayo in ay gacan ka geystaan fasaxa iyo fiddidda isticmaalka qaadka.

 

Wargeyska National Post ee Canada ka soo baxa, ayaa wariyey sharci-yaqaan Soomaali ah oo ah midka kaliya ee qareenimo Canada uga shaqaysta in uu dadaal ugu jiro sidii ay Canada xanibaadda uga qaadi lahayd qaadka. Sharci-yaqaankaas waxa uu ku dooday, “Bulsha kasta oo Canada ku nool waxay leedahay wax dhaqankeeda ahmiyad u leh … Qaadku bulshooyinka Soomaalida iyo Yamanta ayuu gaar u yahay. Haddaba markii qaadka denbi laga dhigo waxaa weeye waxaad denbi ka dhigtay dhaqanka bulshooyinkaas. Sharci kasta oo saameeya dad gooni ah isaga oo kuwa kale aan saamayn waxa uu si toos ah uga hor-imaanayaa Axdiga.”  

 

In kasta oo dowladda Itoobiya ay canshuur faro-badan ka hesho qaadka la dhoofiyo, haddana waxaa xusud mudan in gobolka Tigray oo ay ka soo jeedaan madaxda Itoobiya in qaadka laga mamnuucay. Xaqiiqadaas kaliya ayay ahayd in ay hurdada ka kiciso Soomaalida ka diimmoon ama is moogaysiinaysa dhibaatada qaadka uu ku hayo bulshada Soomaaliyeed.

 

Haddii la eego ummadaha adduunka oo idil, dadka Soomaaliyeed ayaa ah kuwa dhibaatada ugu badan ay qaadka ka soo gaarto. Dalka iyo dadka Soomaaliyeed qaadku waxa uu daba mariyaa dhaqaalaha xaddidan ee dad iyo daleed. Maalin kasta diyaarado badan ee qaad ku shixnan ayaa Soomaaliya uga yimaada dalalka Kenya iyo Itoobiya. Waxa ayna diyaaradaas dalka Soomaaliyeed si deg deg aha ugala dillaamaan malaayiin doolar oo aan dib u soo noqon-doonin.  

 

Dadka Soomaaliyeed waxa ay noqon lahaayeen dad hoodo iyo ayaan leh, haddii dhibaatada qaadku ay ku ekaan lahayn isdaba maridda qaadka iyo doolarka. Dhibaatooyin kale oo waaaweyn oo isugu jira kuwa bulsho, kuwo dhaqan- dhaqaale iyo kuwo caafimaad ayaa ka dhasha qaadka Soomaaliya loo soo waarido. Ugu horrayn, qaadku qabatin ayuu u keenaa dadka cuna. Ragga qayilaana waxa wakhtigooda dilla todoba saac oo cunid ah iyo toban saac oo qaadiro ah. Dhibaatooyinka kale ee qaadku dhaliyo waxaa ka mid ah bur-burka qoysaska, aabayaal inta badan caruurtooda ka maqan iyo fidinta cudurrada faafa sida qaaxada.

 

Adduunkaan isa-suran (globalized) dhibaatooyinka qaadka keeno Soomaaliya kuma koobnaan doonaan. Tusaale ahaa, saddex bilood ka hor, dalka Ingiriiska waxaa laga helay nooc cusub oo cudurka Qaaxada ah – cudurkaas oo ah qaaxo ama TB aan daawadu wax ka tari karin. Nin Soomaali ah ayaa cudurkaas laga helay, kaas oo la karan tiilay. Dhacdaan khatarta xambaarsan waa lagama maarmaan in ay baraarug u keento madaxda iyo masuuliyiinta dalka Ingiriiska oo intii muddo ah is moogeysiiyey khatarta daroogada qaadka ay u keeni karto bulshada Ingiriiska. Sir ma aha in cudurada HIV-AIDS iyo idka qaaxadu ay faro ba’an ku hayaan dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Waxa ay ahayd in ay maanka ku hayaan madaxda dalka Ingiriiska iyo masuuliyiinta Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Daroogada iyo Denbiyada in qaadka Ingiriiska la keeno ay geedaha ka soo jaraan, kala guraan, ay xir-xiraan, dibadana u soo diraan danyarta Itoobiya iyo Kenya ee ka shaqeeya beeraha iyo mir-fishyada qaadka.  

 

Wax lala yaabo ma aha qaadka Ingiriiska la keeno kaddibna loo soo gudbiyo daafaha dunidain  uu yahay mid cuduro wadan kara. Cunnidda qaadka lagu cuno qolal dad badan ay fadhiyaan ayaa iyaduna ah arrin u nugul is-qaadsiinta iyo kobcinta cudurada faafaha sida qaaxada.

 

Gebo-gabadii, waa qorshe wanaagsan hadalka ka soo yeeraya Xisbiga Muxaafidka ee Ingiriiska; hadalkaas oo ah in xisbigaasi uu qaadka joojin doono haddii iyo markii uu talada dalkaas qabto. Dhinaca kale, aamusnaanta dabada-dheeraatay ee xafiiska Qaramada Midoobey ee Daroogada iyo Denbiyada uu ka aamusan yahay dhibaatada qaadka waxay muujinaysaa xil-gudasho la’aan aan cududaar lahayn.

 

Dalka Ingiriiska iyo Xafiska Qaramada Midoobey u qaabilsan daroogada iyo Denbiyada waa in ay qaadka u arkaan daroogada uu xaqiiqo ahaan yahay;  waana in ay ka shaqeeyaan sidii adduunka oo idil qaadka looga mabnuuci lahaa.

 

Dadka Soomaaliyeedna waxaa waajib ku ah in ay u caddaato in haddii qabiilku uu yahay midka dumiyey qarankii Soomaaliyeed in qaadkuna uu yahay mataankiisa kaas oo qallajiyey dhaqankii, dhaqaalihii, iyo dheecaankii dadka Soomaaliyeed.  


Ku soo dir fikradaadda:

[email protected]



 





Click here