4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Heshiiska Dowladdda iyo Isbahaysigu Waa Talaabo Wanaagsan
fiogf49gjkf0d

A R A G T I G D A
HIIRAAN ONLINE
Monday, June 16, 2008


Heshiiska nabadeed ee asbuucii tagey waddanka jabuuti ay ku wada galeen Dowladda Faderaalka ku Meelgaarka iyo Isbahaysiga Dib-u-xorraynta Soomaaliya, waa tallaabo dhinaca wanaagga loo qaaday. Waxaase xaqiiqo ah in ay tahay talaabadii ugu horreysey ee hayaanka dib-u-heshiisiinta oo ah safar dheer oo dhib badan.

 

In kasta oo marka si guud loo eego ay tahay in la soo dhaweeyo heshiis nabadeed, haddana waa muuqataa in heshiiskani uu yahay qabyo ama mid aan dhamays-tirnayn, aanna loo gundo degin arrimihii waa weynaa oo la isku hayey. Guud ahaan heshiisku  waa mid aan faah-faahsanayn, in aan la heshiin ayaase ka darnaan lahayd.

 

Heshiiskan Hiiraan Online waxay u aragtaa bilow wanaagsan, waana soo dhaweyneynnaa, anagoo arragna in uu heshiiskani hor-seedi karo wadashaqyn iyo is-uruursi siyaasadeed oo cusub kaas oo mideeya inta nabadda oggol -  faquuqina kara kuwa isfahanka diida – labada garabba.

 

Hoggaamiyayaasha Isbahaysigu tanasul weyn ayay muujiyeen, waxayna mudan yihiin in geesinimadaas nabad-doonka ah lagu ammaano. Iyada oo taas la tixgelinayo bulshada caalamka iyo Qaramada Midoobey waa in ay iyaguna arrintaa uga jawaabaan dadaal dheeri ah in ay ku bixiyaan sidii loo xaqiijin lahaa dalabka Isbahaysiga oo ah saaridda ciidamada Itoobiya - taas haddii la helo  Isbahaysiga dhiirra-gelin siinaysa.  

 

Haddii la xaqiijin-waayo saaridda ciidamada Itoobiya, waxaa hubaal ah taasi in ay dhiirra-gelin u noqonayso kuwa mayalka adag, ayna keeni karto in geeddi socodka nabaddu uu fashil ku dhamaado.

 

Bogaadin ayay mudan yihiin Dowladda Jabuuti iyo Wakiilka Qaramada Midoobey, Axmed Walad Cabdalla, gacanta weyn oo ay heshiiska ka geysteen iyo hufnaanta ay muujiyeenba.

 

In kasta oo aan heshiiska taageernay dadkana aan ugu baaqayno in la taageero, haddana wel-wel ayaan ka qabnaa sida heshiiska uu u hir-geli karo. Dadka heshiiska dareensaday waxay aad ugu hawlan-yihiin fasiraadda erayo ay kad mid yihiin macnaha dhabta ah iyo waxa looga jeedo weedha “ciidamo ku filan”. Anaga taa waxaa nooga daran sida heshiiska uu u dhaqan-geli karo. Tusaale ahaan, ma hubno in Dowladda iyo Isbahaysigu ay suuro gelin karaan qodobbo ka mid ah heshiiska gaar ahaan labada arrin oo aasaaska ah ee kala ah xabad-joojinta iyo keenidda ciidamada nabad-ilaalinta ee baddalaya ciidanka Itoobiya. Waxaaba jirta in koox ka tirsan Isbahaysiga ayba mar hore ku dhawaaqday in ayan tix-gelin siinayn qodobada heshiiska, gaar ahaan kuwa la xiriira xabad-joojinta.

 

Waxaa kale oo aan og nahay in bixitaanka ciidamada Itoobiya ay ku xiran tahay keenidda ciidamo nabad ilaalineed oo ammaanka ku filan. Nooma cadda in bulshada caalamku ay awooddaan amaba ay diyaar u yihiin  in ay ka hawl-galaan dalabka ciidamo nabadda suga oo ka yimid garabyada Soomaalida. Shakigu waxa uu sii badanayaa, markii dib loo xasuusto hadda ka hor fashilkii Qaramada Midoobey ay Soomaaliya kala kulmeen iyo weliba jiritaaka meelo badan oo aduunku uu danaynayo, sida Afganistaan iyo Daafuur, kuwaas oo weli u cakiran la’aanta ciidan nabadda ilaaliya.

 

Iyadoo intaas oo dhammi ay muuqato  ayaan aragnaa, haddii aan nahay Hiiraan Online, in heshiiskan Dowladda iyo Isbahaysiga ay ku jirto danta Qaranka. Horraantii, masuuliyiintii DFKM iyo Isbahaysiga ee xabadda ridayey ayaa waan-waantaan aqbalay. Dad dagaal ka dhexeeyey oo nabadda doortay waxa kaliya oo ay mudan yihiin waa in nabadda lagu dhiiri-geliyo, maxaa yeelay Soomaaliya dagaal ayaa ka meel waayey oo diloodey. Midda labaadna, muddo ku siman afar-bilood oo kaliya ayuu heshisku u qabtay saaridda ciidamada Itoobiya.

   

Dadka heshiiskan ka biyo-diidsan ma hayaan waqti ka dhow afarta bilood oo heshiiskani dhigayo in lagu saaro ciidamada itoobiya. Waana arrin yaab iyo amakaag leh in la fahmo sababta dadka-Qurba joogga u badan oo wax-iska caabinta taageersan ay durbaanka ugu tumayaan sii socoshada dagaalka, iyada oo raggii halganka hoggaaminayey (sida labada Shariif) ay ku adkaysanayaan waan-waan Qaramada Midoobey ay ka shaqeeyeen, Golaha Ammaankuna uu taageersan yahay, ay tahay sida ugu dhibka yare ee lagu gaari karo  danta Qaran ee la isku waafaqsan yahay.

 

Waxaa intaa dheer, dadaalada nabadda ee iminka socda waa ay ku duwan yihiin kuwii hore, waayo shirarkii nabadda ee dhici jirey, waddamo deris ah ayaa ku danaysan jirey kana soo saari jirey danahooda. Shirka Jabuuti waxaa ka muuqata in uu ku suntan yahay dhex-dhexaadnimo (tusaale ahaan Qaramada midoobey labada dhinac midkiiba laba saac ayay siiyeen) iyo in Soomaalida loo daayo in ay is af-gartaan. In Golaha Ammaanka iyo dowladdo arrinta Soomaaliya wax ka qaban kara ay si dar-dar leh ugu jiraan isku soo dhaweynta dhinacyada Soomalida, waa xaqiiqo jirta iyo is-badal wanaagsan oo ay ahay la soo dhaweeyo laguna diirsado. Waayo, dib-u-dhiska Soomaaliya lagama maar-maan waxaa u ah gacan-ka-geysashada hagar la’aaneed ee bulshada caalamka.

 

Xag-jirnimo, si-qaloocan oo wax loo eego, tanasul la’aan iyo is-miidaamin siyaasadeed ayaa ah arrimaha sababay in Soomaaliya ay labaatan sano dhex-muquurto mawjado siyaasadeed oo mugdi ah. Heshiiskaan nabadeed waxa uu aaryada ka bixinayaa aragtida khatarta ah, dhibaata-weyne dhalisay, iminkana Soomaaliya harreeyey taas oo ah in macan-gegnimo la caaddeysto, tanasulka lagu diimo, lana dareensado.

 

 Heshiiska dalka Jabuuti ku dhexmaray DFKM iyo Isbahaysiga waxa uu siyaasadda Soomaaliya ku soo celiyey adeegsiga caqliga saliimka ah.

 

Dadka heshiiskan diiddan, waxay la gudboon in ay ogaadaan in taangiyada Itoobiya ayan Villa Soomaaliya ku sugnaadeen, haddii Soomaalida siyaasadda ku jirta ay xikmaddu hoggaamin lahayd.

 

Waxa aan aragnaa in mowqifka Soomaalidu uu yahay nabadda fursad halla siiyo. Taas ayaana maan-gal ah.

 

Soomaalidu heshiiskaan waxba ku waayi mayso - danteedana waa ay ku gaari-karaan – sida saaridda ciidamada Itoobiya, Soomaalida oo heshiis gaarta iyo Soomaaliya oo dib loo dhiso.

 

Hiiraan Online waa bogaadinaysaa raga geesinimada muujiyey oo saxiixay heshiiska Jabuuti kuwaas oo u gudbey aragti-siyaasadeedka caafimaaadka qabta oo ah in dagaalka la diido nabaddana la doorto.


Wixii tusaala ah noogu soo dira: [email protected] ama  [email protected]


 





Click here