4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Xilliga Doorashooyinka & Doorka Soomaalida Mareykanka
fiogf49gjkf0d

Qore: Ismail Jirde Warsame
Sunday, June 08, 2008

 

Soomaalida reer Ameerika waxey ka mid yihiin dadyowga laga tiro badan yahay, inta badan waa soo galooti cusub, waxaana kusoo badanaayo waayahaan dambe dadka ayaga qaato jinsiyadda Ameerikaanka ah. Haddaba waxaa inala gudboon in aynu ka qeyb qaadanno arrimaha waddankaan ka socda guud ahaan, si aan wax ula qaybsanno dadweynaha Mareykanka ah. Waxaa hadda socda doorashooyin xasaasi ah. Nasiib wanaag waxaa ku jira tartamayaasha murashaxa asaga ka socda xisbiga dimuqraaddiga ah Senator Barrack Obama, ninkaas oo ujeeddooyinkiisa siyaasadeed eey si aad ah u waafaqsan yihiin danaha dadka Soomaaliyeed, kuwa dadka soo galootiga ah, muslimiinta, dadka dhaqaalaha yar iyo guud ahaan dadka Marykanka ahba sidey u badan yihiin. Waxaa kaloo xusid mudan murashaxa la tartamaayo Obama in uu yahay Senator John McCain oo asaga siyaasad ahaan kasoo horjeeda inta aan kor xusay oo idil. Sidaa aawgeed dadka Soomaliyeed ee Ameerika ku nool waxaa la gudboon iney ogaadaan waxyaabaha eey kala aaminsanyihiin murashaxiinta inta aysan codkooda siinin qofna. Kaliyana u codeeyaan hadba murashaxii danahooda iyo qaddiyaddooda la wadaago. Murashaxiintaas ha noqdaan kuwa lookalka amase midka heer madaxweyne.

 

Senator Barrack Obama & Oday Somaliyeed -

Isha Sawirka: The Drudge Report

Soomalida Ameerika waxey ku kala baahsan yihiin gabi ahaanba dalka Mareykanka, waxeey ugu badan yihiin gobollada Minnesota, Ohio iyo California, balse waxaa sidoo lagu arki karaa jaalliyado muuqda gobollada Maine, Arizona, Wisconsin, Nebraska, Illinois, Georgia, Massachusetts, Colorado, Washington State, Oregon, Washington DC iyo nawaaxigeeda, iyo waliba New York. Meel kasto oo eey Soomalida joogaan waxey ku caan baxeen dukaamada hilib xalaallada iyo ganacisiyada yar yar oo kala duwan. Maadaama aanu nahay dad soo galooti ah, muslimiin ah, laguna tiriyo dadka laga tiro badan yahay, waa inaan midoownaa oo aan la jaan qaadno dadyowga kale ee Mareykanka kuwooda noogu fikrad dhow. Haddaba si arrintaas lagu xaqiijiyo waxaa muhiim ah inaanan marti ka ahaanin waddankaan oo aanu la soconnaa arrimahiisa meesha eey marayaan, barannaa shaciyadiisa iyo taariikhahiisa, indho gaar ahna ku fiirinno siyaasiyiinta lidka ku ah danaheenna iyo diinteennaba.

 

Haddaba maadaama eey meel xasaasi ah marayaan doorashooyinka dalka Mareykanka. Kuwaasi oo soo maray heerar kala duwan ayaa hadda lagu tilmaami karaa iney guda galeen waji cusub oo taariikhi ah. Waxaa iskugu baxay tartankii ugu dambeeyay labada Senator oo kala ah Obama & McCain kalana matala xisbiyada dimuqraaddiga iyo Republicanka. Doorashada sanadkaan waxey si gaar ah u xiiso galisaa dadka ayaga laga tiro badan yahay, dumarka, dhalinyarada, iyo waliba dadyow fara badan oo isugu jira nooc kasta. Mar marka qaarkood waxaa la bar bar dhigaa waqtigaan waagii 1968dii oo markaasi uu tartanka ku jiray Robert Kennedy oo asagana xiisad badnaa. Waxaa jira sababo fara badan oo ka dhigay doorashooyinka 2008ka mid ayada muhiimad gaar ah u leh dadyowga Mareykanka. Sababahaas waxaa ka mid ah: dhaqaalaha waddanka oo hoos u dhacay, dhibaatooyinka uu abuuray dagaalka ciraaq, qeymaha shidaalka oo kor u kacay in kabadan boqolkiiba boqol illaa iyo intii uu Bush madaxweyne noqday, Karbon Labo Oksaaydka oo kusii badaneeysa jawiga oona loo aaneeyo iney ku lug leedahay dhibaatooyinka la xiriira cimilada iyo heerkulka caalamka, iyo arrimo fara badan oo aanan halkaan lagu soo koobi Karin.

 

McCain &  Rod Parsley  - Isha Sawirka Mother Jones

Barrack Obama oo ah ninka madaxweynenimada kula loollamayo John McCain ayaa sida ka muuqata hadalladiisa iyo ficilladiisaba aad ugu dhow danaha bulshada Soomaliyeed ee ku nool Mareykanka. Sidoo kale waa nin aad uga fikrad duwan siyaasadda dibadda marka la bar bar dhigo John McCain oo la mid ah haddiiba uusan kasii xag jirin Bush. Obama wuxuu aaminsan yahay in khilaafaadka Mareykanka iyo waddamada eey xurgufta ka dhaxeyso lagu xalliyo si nabadeed, ixtiraam iyo diblumaasiyad caqliyeysan, halka uu McCain ka aaminsan yahay in la isticmaalo cudud military, hanjabaad iyo siyaasad ku saleeysan kibir iyo isla weyni. Obama wuxuu si cad u sheegay inuu miis wada hadal la fariisan karo madaxda waddamada Mareykanka kula loollama siyaasadda sida madaxweynaha Venezuella, Hugo Chavez, midka Iran, Mahmoud Ahmedinejad iyo kuwo kale oo kala geddisan. Senator Obama wuxuu ku tilmaamaa weerarkii ciraaq mid qaldanaa, wuxuuna ballan qaadaa inuu dagaalkaas joojin doono haddii la doorto, uuna baddali doono fakir maskaxeedka ceynkaas oo markii horeba sababay ku dag dagidda dagaallada gardarrada ah. Wuxuu kaloo sheegay inuu baddali doono dhaqanka siyaasadda Mareykana eey haatan ku socoto oo ah duulitaanka faraha badan, iyo cabsi gelinta shacabka Mareykanka oo uu maamulka Bush isticmaalo. Wuxuu Ballan qaaday inuu baddali doono habka canshuuraadka loo qaado, isagoo ku dhawaaqay inuu u yareeyn doono dadka dan yarta ah isagoo markaa kordhin doono canshuurta dadka maal qabeenka ah iyo shirakada waaweyn ee dadka maciishadda ku qaaliyeeyo. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu raqiisin doono qiimaha caafimaadka, kuna dadaali doono sidii loo gaari lahaa daryeel caafimaad bilaash (Universal healthcare) ah oo lasiin doono dhamaan shicibka. Senator Obama wuxuu sheegay iney dowladda maal galin doonto waddanka gudahiisa oo lacagta hadda lagu qarash gareeyo dagaallada loo baddali doono sidii ardayda waxbarashada looga bixin lahaa, buundooyinka loogu dhisi lahaa, adeegyada bulshadana loo hormarin lahaa.

 

Dhanka kale John McCain ayaa ku dhawaaqay inuu sii ballaarin doono dagaallada uu Mareykanka kaga jiro caalamka oo mar la weydiiyay xilliga quman in ciidamada Mareykanka laga soo bixiyo Ciraaq uu yiri “ xitaa boqol sano oo kale waan sii joogi karnaa haddii loo baahdo” Senator McCain oo nafsaddiisa xiriir weyn la leh sharikadaha ugu waaweyn dalka Mareykanka, asagoo xaaskiisa eey tahay hormuud sharkad wayn ayaa ah nin ku howlan sidii canshuuraadka looga dhimi lahaa shirkadaha waaweyn. Wuxuu aad uga soo horjeedaa mashaariicda eey dowladda maal geliso oo lagu kaalmeeyo bulshada dan yarta ah. Isagoo ugu yeero “wasteful spending” ama kharash gareyn macna daro ah. Halka uu damacsanyahay kordhinta miisaaniyadda ciidamada iyo in lasii huriyo colaadaha hadda dibadda. Sidoo kale John McCain waa nin la wadaago Islam nacaybka saaxiibbadiisa Republicanka ah, waxeyna ku muuqataa khudbadahiisa iyo hadalladiisa, asagoo ku celceliyo iskuna xiro ereyada “argagixiso” iyo “Islam”. Wareysi eey la yeelatay shabakadda internetka ee la yiraahdo beliefnet ayaa lagu weydiiyay in qof muslim Mareykan ah uu madaxweyne ka noqon karo dalka Mareykanka. Wuxuu Senator McCain ku jawaabay “ Maadaama xeerka waddankaan lagu aasaasay uu yahay saldhigga krishtaannimada, aniga waxey ila tahay in qof Kirishtaan ah diin ahaan kaga wanaagsan yahay hoggaamiyenimo kan Muslimka ah”. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu asaga door bidi lahaa qof ey isla diin yihiin oo macnaheeda yahay inuu Kirishtaan ahaadaa. Haddaba wuxuu Senator McCain hilmaamay sida ku cad qodobka koowaad ee sharciga Mareykanka in ay dowladda dhexdhexaad ka tahay diimaha oo idil, iyo in eysan dowladda ku saleysnaan doonin wax diin ah, iyo shicibka eey xor u yihiin diin alla diinteey doortaan. Waxaa intaa dheer hogaamiye kaniisadeed oo lagu magacaabo Rod Parsley oo gacan saar weyna la leh John McCain inuu si cad ugu hadlay hadallo ka dhan ah Islaamka, Pastor Pasley wuxuu ku tilmaamamay diinta Islaamka diin been abuur ah, wuxuuna sheegay in waxyaabihii Mareykanka loo aasaasay eey ka mid ahayd burburinta Islaamka. Sidoo kale wuxuu aflagaaddeeyay Ilaaheey iyo rasuulkeenna naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee. Sida ku qoran Jariiradda Mother Jones bishii Febraayo 26, 2008, McCain waxaa lagu arkayay magaalada Cincinnati ee gobolka Ohio asagoo la ololeeynayo Rod Parsley, McCain oo weliba ugu yeeray inuu yahay la taliye diineed. Sidoo kale Mr Parsley wuxuu ka sheegay isu soo baxa lagu taageerayay McCain inuu yahay hogaamiye ad adag oona ah mid ku dhaggan qaddiyadda kuwa xagjirka ah ee dhinaca midig.

 

Ugu dambeyntii waxaa laga yaabaa iney dad badan oo Soomaliyeed iska dhaadhiciyaan inaanan laysku halleyn Karin siyaasiyiinta mareykanka labada dhinacba oo  kulligood la haaystayaal u yihiin yuhuudda. Marka si dhab ahaan ah loo eego waa run oo yuhuudda waxey ku leedahay Washington olole xooggan (Strong Lobby), sidoo kale waxey ku hormareen dhanka dhaqaalaha iyo mediyaha ayagoo u badan dadka leh iyo kuwa tifaftiroba, balse tiro ahaan kama badna dadka muslimiinta ah. Ilaa wixii ka dambeeyay qaraxyadii New York, waxaa batay cadaadiska lagu haayo Muslimiinta Mareykanka, oo waxaa soo baraarugay muslimiin faro badan oo ogaaday in haddii eysan la tartamin bulshooyinka kale ee dalkaan ku sugan in looga hormari doono loollanka xagga siyaasadda iyo dhan kastaba. Waa inaan ku biirnaa ururrada bulsho oo ku dadaalo difaacitaanka dadka soo galootiga ah, dadka la dulmiyay iyo weliba muslimiinta eey dhibaatada kasoo gaartay xanaaqii ka dhashay qaraxyadii September 11. Ururradaas waxaa ka mid ah ACLU oo micnaheeda yahay ururka xornimada shacabka mareykanka, CAIR, golaha xiriirka Muslimiinta  Mareykanka. Labadaan ururba waxey mar kasta u doodaan xuquuqda dadka dulman, waxey ka caawiyaan dadka xagga sharciyada iyo abuukatayaasha. Dadka siyaasadda garabka midig wey necebyihiin labadaan ururba. Idaacadaha loo yaqaanno talk showga oo badanaaba neceb soo galootiga guud ahaan, Muslimiintana gaar ahaan ayaa aad duqeeya labadaan urur ayagoo ku eedeeyo macaawinada eey u fidiyaan shicibka la cabburiyo. Waxaa ka mid ah wariyeyaasha aadka u neceb Muslimiinta, Sean Hannity, Rush Limbaugh, Michael Savage, Glenn Beck, Michael Medford iyo kuwo fara badan oo sidoo kale ka siman nacaybka eey u qabaan Senator Obama ayaguu xitaa mar kasto isticmaalo magaciisa dhexe oo ah Xuseen kuna eedeeyo inuu si qarsoon Muslim u yahay lana shaqeeyo argagixisada. Xisibiga Republicanka ayaa ayaga kaba dhigay Islaamnimada wax leysku caayo ayagoo si bareer ah u caadeystay iney u aflagaaddeeyaan Islaamka. Waxaa ka mid ah siyaasiyiinta Republicanka ah ee aflagaaddeeyay Islaamka Congressman Tom Tancredo oo laga soo doortay Colorado, Rep Virgil Goode oo  laga soo doortay Virginia iyo Congressman Steve King oo kasoo galay Iowa. Soomalida oo ah dad ay ku kulmeen  ineey ka tirsan yihiin dadka laga tirada badan yahay, dadka ugu hantida yar, dad madow ah, iyo weliba Muslimiin waxey isku darsadeen dhamaan intii waxyaalood oo eey Republicanka necbaayeen sidaa aawgeedna waxeyba noo arkaan cadaw dabiici ah (Natural Enemy) mana ahan inaan xitaa hal cod ku qasirno xisbiga republicanka. Inteenna codeyn karta waa inaan garab istaagnaa Senator Barrack Obama oo haddii uu eebbe idmo la rajeynaayo inuu wax badan ka beddelo hoggaanka Washington.


Ismail Jirde Warsame, BA,

International Affairs/Political Science

University of Maine

E-mail: [email protected]

 



 





Click here