4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Guusha Obama oo taariikh cusub jeexay
fiogf49gjkf0d

Maxaan ka faa’idi karnaa?

 

Qore: Axmed Ugaas

Barak Obama wuxuu gaaray guushii ugu horreysay ee uu nin madow ka gaaro siyaasadda Mareykanka. Wuxuu ku guuleystay inuu noqdo murashaxa Xisbiga Dimoqraadiga ah u tartamaya kursiga madaxweynenimada, isagoo loollan la galaya John Mcain oo ka taagan Xisbiga Jamhuuriga.

 

Waxay noqotay arrin taariikhda gashay. In badan maysan mala-awaali karin in Obama ku soo bixi doono tartanka Xisbiga Dimoqraadiga dhexdiisa ah marka la eego qodobadan:

 

  • Obama waa nin da’ yar oo aan waayo-aragnimo siyaasadeed oo sidaas u badan lahayn. Wuxuu jiraa 46 sano, waana markii ugu horreysay ee uu soo galo senate-ka. Waxaad waayo-aragnimadiisa sii dhayalsaneysaa marka aad barbardhigto Hillary Clinton oo 2 mar senate-ka soo gashay. Waxay sidoo kale soo noqotay marwada koowaad ee dalka iyadoo u dhaxday Bill Clinton oo 8 sano ka ahaa madaxweyne (1993-2000).
  • Obama maaha nin hodan ah oo caan ka ahaa Mareykanka, maadaama dadka siyaasadda haweysta ay u badan yihiin hantiilayaal. Hase yeeshee Obama wuxuu ururiyay lacagtii ugu badneyd ee taariikhda Mareykanka loo uruuriyo tartanka doorashada ee xisbi dhexdiisa ah, iyadoo dadku ugu yabooheen $256 milyan. Halka Hillary Clinton deyn gaareysa illaa 20 milyan lagu leeyahay ololaheeda.  
  • Waa nin madow ah oo aabihiis uu dhowaan soo galay Mareykanka. Dad badan ayaa aaminsanaa in qof ka soo jeeda qowmiyadaha laga tirada yahay, sida madowga, aysan haweysan karin jagada ugu sarreysa Mareykanka.
  • Waxay muujineysaa in shacabka Mareykanku ay u baahan yihiin isbeddel ay keenaan dadka da’da yar. Hal-hayska uu xushay Obama (isbeddel la rumeysan karo) waa mid si weyn looga baaraan-degay, isla markaana ka tarjumaya tartankiisa. Taasi waxay caddeyneysaa inay shacabku isbeddel doonayaan, isbeddelkaasna uu ka iman karo da’yarta.
  • Waxay doorashadani soo bandhigtay awoodda dahsoon ee dadka da’yarta ah iyo gobollada yaryarka ah. Hillary Clinton waxay xoogga saartay dadka waaweyn iyo gobollada dadku ku badan yihiin. Hase yeeshee Obama wuxuu na baray in da’yartu noqon karaan awood weyn maadaama dadka taageerayay ay u badnaayeen dhallinyaro madow iyo caddaanba leh. Sidoo kale waxaa laga faa’idi karaa awoodda gobollada yaryar markay isku tagto inaysan ka xoog badan tahay tan gobollada waaweyn.
  • Waxay shacabka Mareykanka diideen inuu qaab boqortooyo u eg uu ka billowdo Mareykanka. Hadday oggolaadeen in wiil iyo aabihiis ay madaxweyneyaal noqdaan, markan ‘waxaan ahaan jiray marwadii koowaad’ waxay noqon weysay wax dadka lagu soo jiito.

 

Inkastoo guusha uu gaaray Obama aysan damaanad-qaad u ahayn inuu ku guuleysto kursiga Madaxweynenimada, haddana marka la qiimeeyo waxyaabaha uu xaqiijiyay, waxaan oran karnaa intaan ayaaba guul u ah.

 

Taariikhda cusub ee uu dhigay Obama waxay waddada u xaareysaa inaysan mucjiso ahayn in qof xilli dhow soo galay Mareykanka, aan hantiile ahayn, isla markaana ah ka soo jeeda qowmiyadaha laga tirada badan yahay uu noqon karo madaxweyne la doortay. Waa arrin aan ka dhici karin dal kale aan ka ahayn Mareykanka oo lagu tilaamo inuu yahay dalkii fursadaha badnaa.

 

Haddii la soo koobo waxaa laga faa’idi karaa guusha Obama in Mareykanku yahay dal wada fursad ah, qof kasta oo dadaalana uu mustaqbal ka sameyn karo Mareykanka. Obama wuxuu noo muujiyay in ciddii dadaasha ay mustaqbal ifaya ka sameysan karto Mareykanka, iyadoo waxyaabihii la aaminsanaa inay wax tarayaan oo dhan aysan culeys badan sameyneyn: sida qowmiyadda, hantida, waayo-aragnimo siyaasadeed, iyo inaan soo-galow tahay.


WQ. Axmed Ugaas
E-mail: [email protected]



 





Click here