4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Is-qab-qabsiga Is-bahaysigu Nabadduu Caqabad Ku Yahay
fiogf49gjkf0d

A R A G T I G D A
HIIRAAN ONLINE
Monday, June 02, 2008


Wafti ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa todobaadkan gaaray Jabuuti, si ay u qiimeeyaan dadaalada dib-u-heshiisiineed ee Soomaaliya kuwaas oo uu hormuud ka yahay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

 

Sida dhabta ah, arrinkaasi waa talaabo ay faa’iido ugu jirto  Soomaalida, waayo  dalkaan dhibaatadu ku daba-dheeraatay muddo ayuu ka maqnaa raadaarka Qaramada Midoobey. Wafdiga Golaha Ammaanka waxa ay Jabuuti u yimaadeen in ay si ka-fool ka-fool ah ula kulmaan labada garab ee ugu waaweyn garabyada Soomaaliya isku haya, kuwaas oo ah madaxda Dowladda Federaalka  ku meel-gaarka ah iyo masuuliyiinta Is-bahaysiga Dib-u-Xorraynta Soomaaliya.

 

Soomaali badan ayaa rajo ka qaba wareegga labaad ee wadahadalada dib-u-heshiisiinta ee DFKM iyo Isbahaysigu in uu noqdo talaabo yididiillo keenta. Dalka Jabuuti ee kulaka nabadda martigaliyey, Madaxweynahooda iyo weliba Dhex-dhexaadiyaha Qaramada Midoobay, intuba si daacadnimo ah ayay u doonayaan Soomaaliya in nabad lagu soo dabaallo.

 

Nasiib darro, waxay u eg tahay in Isbahaysigu uu moog yahay fursadaha soo ifaya. Kaba-darane, Isbahaysigu waxayba bannaanka soo dhigeen khilaaf weyn oo dhexyaal, iyada oo adduunka iyo ummadda Soomaaliyeedba ay ka filayeen bisayl siyaasadeed iyo dhiiranaan ku aaddan baadi-goob nabad Soomaaliya ka curata. Waxaaba weliba xusid mudan, in Bulshada Caalamka horraantii ay isku dayeen in Isbahaysiga laga tashado oo la takooro.

Xaqiiqada ah in Golaha Ammaanku ay Jabuuti ugu soo safreen in ay la xaajoodaan Isbahaysiga iyo DFKM ah ayna taageeraan dadaaladda dib-u-heshiisiineed, waxay daliil u tahay in bulshada caalamku ay ku qanceen in DFKM ah iyo Isbahaysiga ay labaduba lama hurraan u yihiin nabad Soomaaliya ka dhalata.

 

Halkii laga filayey Isbahaysigu in ay ka faa’iidaystaan fursadda mar-la-aragta ah iyo qancidda caalamku ay ku qanceen dalabkii ugu weyn dalabyada Isbahaysiga ee ah - ka saaridda ciidamada Itoobiya ee waddanka Soomaaliya - ayaa waxaa muuqata in Isbahaysigu ay u tafa-xayteen is-qab-qabsi noqon kara mid iyaga kala daadsha.

Xaalku waxa uu marayaa in garabyada Isbahaysiga ay qarka u saaran yihiin in ay fashil iyo faa’iido darro ku dhammeeyaan farsadda iyo albaabka dib-u-heshiisiineed ee furmay.

Dhab ahaantii, arrintani waa mid yaab leh una eg fursad dhummin baaxad weyn, gaar ahaan marka la eego dhibaatada Soomaaliya ka taagan iyo baahida loo qabo in loo deg-dego nabad iyo dib-u-heshiisiin.

 

Aragti Hiiraan Online ay daabacday 14-kii bishii Abriil, 2008, oo ciwaankeedu ahaa “Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Sheekh Shariif: Laba Shakhsi oo u Muuqda in ay Soomaaliya Nabad ka Dhalin Karaan” ammaan badan ayaan huwinney Sheekh Shariif, guddoomiyaha Isbahaysiga fadhigooda yahay magaalada Casmara.

Bogaadintaasi, shuruudaan kor-dhinay oo ma ahayn mid iska furan, waxyaabihii aan  qornayna waxaa ka mid ahaa, “In kasta oo ay jiraan tilmaamayaal muujinaya tallaabooyin loo qaaday dhanka nabadda iyo dad karti hoggaamin leh oo hurmuud ah sida Sheekh Shariif, haddana waa lagama maarmaan in aan hoosta ka xarriiqno caqabado daba-geddiyi kara dadaalada nabadda. Laba ka mid ah caqabadahaas ayaana noqon kara imtixaanka ugu danbeeya ee halbeegga u noqon kara heerka hoogaaminta ee Sheekh Shariif. Midda hore, haddii waan-waanta socota ay miro nabadeed ka dhashaan waxay noqonaysaa in DFKM iyo mucaaradku ay noqdaan maamul wadaag. Waxaanse sir ahayn in aan jacayl dhex ool labada dhinac, qola kastana ay dhinaca kale dhagta dhiigga uga dartay dad kumanaan kor u dhaafay. Haddaba, sida ay labada dhinac uga gudbaan dhibkii kala gaaray uguna gudbaan gole maamul waa culays dhammaantood hor imaan kara, gaar ahaan Sheekh Shariif.  Mid kale oo taas ka sii culus waa arrinta la xiriirta Al-Shabaab. Dagaal-yahanada Al-Shabaab kuma qanacsana dadaalada dib-u-heshiisiineed ee Isbahaysigu /ama Sheekh Shariif uu la wado DFKM ah. Xamakaynta Islaamiyiintaas dagaalka adag galay, islana saxsan, aadna u fiigsan waa xaajo aan sideeda u fududayn. Ku qancinta Shabaabka in ay joojiyaan falax-goodiga kana qayb noqdaan maamul meel dhexe la isugu yimid ayaa noqonaysa arrin kale oo taabata ama lagu miisaamo herka ay qodan tahay  hoggaaminta Sheekh Shariif.”

 

Haddaba, meeshii Sheekh Shariif lag filayey uruka Al-shabaab in uu Isbahaysiga ku soo daro, garab ka tirsan isla Isbahaysigooda, kuwaas oo Casmra ku sugan, ayaaba isaga ku eedaynaya in uu ku tuntay Axdiga Isbahaysiga.

 

Hiiraan Online ma raac-raacdo khilaafyada garabyada siyaasadda Soomaaliya lamana kala safato isku-dhacyada DKMG ka dhex-dhaca iyo khilaafka soo kala dhex-galay Isbahaysiga. Waxaan danaynaa una duuban nahay oo kaliya, Soomaaliya sidii nabad ay uga taabba geli lahayd.

 

Sheekh Shariif waxa uu u baahan yahay in uu xasuus-naado DFKM iyo Bulshada Caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka, in  shakhsi ahaan isaga aanu tix-gelin gaar ah lahayn. Sababta hadda loogu soo joogsanayo loona siiyanyo qaddarinta, waxa ay tahay uu kaliya madaxnimadiisa ururka mucaaradka ah ee hubaysan; sidaas darteedna adduunku waxa ay ka filayaan in uu gacan ka geysto sidii loo dhammayn lahaa colaadaha Soomaaliya uuna u noqon lahaa horyaal nabadda gacan ka geysta.

 

Haddaba, haddii Sheekh Shariif uu barqo cad ka dhaqaajiyo dadkii ay isla socdeen ee dagaalamayey, culays siyaasadeed iyo ahmiyad gaar ah midna isagu uma yeelanayo DFKM, bulshada Caalamka iyo weliba dadka Soomaaliyeed.

 

Dhinaca kale, garabka Isbahaysiga ee ka gadoodsan Sheekh Sharif, waxa ay u baahan yihiin in ay ogaadaan, hoggaamiye ahaan Sheekh Sharif waxa uu u baahan yahay in uu leeyahay awood uu ku sahmin karo, taas oo uu kula hadli karo kuna qiimeyn karo dhammaan awoodaha ku lug leh xiisadda Soomaaliya ka aloosan.

 

Kaddib markii uu soo bandhigo hindise iyo hor-dhac heshiis ayay xaq-u yeelan karaan Golaha Dhexe iyo Xubanha Isbahaysiga in ay aqbalaan ama diidaan hindisayaasha hoggaamiyahooda. Adduunku sidaas ayuu u shaqeeyaa – ama Madaxweynaha Maraykan ha ahaado ama masuul is-kaashato shaqaale ah ha noqdee. Madaxda ayaa hindise keena, xubnaha ama xil-dhibaanaduna waa anxixiyaan ama hor-is-taagaan.

 

Qaylo- dhaanta afka la furto iyada oo aanba la arag hindisaha hoggaamiyaha waxa lagu tilmaami karaa aragti-gaabni siyaasadeed – waa markii si niyad sami ah loo qiimeeyo, waxaana la tuhmi karaa in ay qaylo-dhaantu ayba tahay ifa-faale muujinaya doonid la doonayo in xaaladda ay sii murugto.

 

Soomaaliya xilli kala guur ah ayay maraysaa. Bulshada caalamka waxaa ka muuqata in ay doonayaan in wax laga qabto dhibaatada Soomaaliya. Dowladda Federaalku waxay muujisay dadaal ah in ay isku duubnaadaan oo aanay kala daadan.Ummadda Soomaaliyeed (oo Isbahaysiga aad u taageeray), DFKM ah oo gacan nabad-doonid ah u soo fidisay, Qaramada Midoobey oo kulanka nabadda fududaysay, midkoodna uma fadhiyin is-qab-qabsiga waqtigaan ka aloosmay Isbahaysiga.

 

Isbahaysigu waxa ay u baahan yihiin in ay far-isku-fiiqana ka koraan. Ummadda Soomaaliyeed sooma dhaweynayso siyaasad-ciyaarkaan curdanka u eg.

 

Dhab ahaantii, is-qab-qabsiga Isbahaysigu waa caqab kale oo ka dul-curatay nabadaynta Soomaaliya.

 


Wixii tusaala ah noogu soo dira: [email protected] ama  [email protected]


 





Click here