4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Talaabooyin Wax-ku-ool ah oo Dhanka Nabadda Loo Qaaday
fiogf49gjkf0d

A R A G T I D A
HIIRAAN ONLINE
Tuesday, July 22, 2008

 


Labadii usbuucyada aynu soo dhaafnay , dadka siyaasadda Soomaaliya ku looltama  ayaa qaaday  tallaabooyin wangaasan oo lagu soo dabaalayo nabadeynta Soomaaliya. Baarlamaanka dowladda federalka ayaa ansixixisay heshiiskii ay Dowladda Federalka iyo mucaaradka ay bisha June 9keedii lagu saxiixay dalka Jabuuti. Sidoo kale labadii garbood ee maxaakiimta Islaamka oo isku khilaafsanaa heshiiskii Jabuuti ayaa shir uga bilaawday magaalada Sanca ee dalka Yemen. Warbixinada halkaas immaanaya ayaa sheegay in ay heshiis wada gaareen sidii loo dhammeyn lahaa khilaaf u dhexeeya golaha maxaakiimta.
 
Maalintii Sabtida ee bishan Luuliyo 19keedii ayaa Guddiga Dhexe ee xubnaha dib u Xoyenta Soomaaliy,  shir ku yeesheen magaalada Jabuuti, waxay ku ansixiyeen heshiiskii Dowladda iyo Xubnaha Mucaaradda oo ku gaareen 9kii bisha Juune. Sida laga soo xigtay Suleymaan Colaad Rooble  oo ah wasiirka warfaafinta ee  xubnaha dib u Xoreynta Soomaaliya, waxay si buuxa u taageereen heshiikii la gaaray (191kii xubnood waxaa u codeeyey 106 xubnood ). Arbacadaan nagu soo fool leh ee bishan Luuliyo 23keeda, wafdi isugu jira Dowladda Federalka iyo xubno ka socda mucaaradka ayaa la filayaa in ay warbixin ka soo jeediyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taas oo ah hurumar weyen, muujineysana in Jamciyadda Qaramada Midoobi  ay daacad ka tahay  nabadeynta dalka Soomaaliya.
 
In kasta oo ay arrimahaas ay horumar wanaagsan, hadane xaaladda gudaha Soomaaliya ayaa ah mid aad u qalafsan. Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaya dagaalada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda (Maxaakiimata Islaamlka iyo ururka Al-Shabaab) taas oo dhalisay in dad badane ay ka qaxaan guryahoodii, dhibaatoyin isugu jira dil iyo afdoobna loo geystay dadka u shaqeeya hay'adaha samafalka.
 
Ururka maxaakiimta Islaamka ee uu fadhigoodu yahay Casmara ayaa waxay bilaabeen in eedeyn u soo jeediyaan xubnihii kale ee Maxaakiimta Islaamka ayaga oo ku eedeynaya in jabiyeen heshiiskii ay ku wada gaareen magaalada Sanca. Sido muuqata, ugu badnaan xubnaha Guddiga Dhexe ee Golaha Dib u Xureynta Soomaaliya ayaa taageersan heshiiska ay horkacayaan mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Shariif Xasan Sheikh Adan. Haddii ay aaminsanyihiin  nidaamka Dimoqaardiyadda ayaa waxaa haboon in xubnaha mucaaradka ee Casmara ay tixgaliyaan heshiiska ay ansixiyeen guddiga Dhexe ee Golaha dib Xoreynta Soomaaliyeed.
 
Waddanka Eritrea oo kaalmo dhaqaale iyo mid milatariba siinjirtay xubnaha mucaaradka ayaa aad uga xun sida madaxdii hogaanka u haysay mucaaradka in ay ku wareegaan saldhigna ka dhigtaan dalka Jabuuti. Waxaa hubaal ah in mucaaradka wali jooga dalka Casmara ay dowladda Eritrea ku cadaadineyso in ay ka dhaga adeegaan qodobada heshiiska is kasta ee u wanaagsanyahay.
 

Codbixin ay internetka ku qaaday HOL. Soomaalida badankeeda 70% waxay taageereen Heshiiska lagu gaaray Jabuuti
Dowlad waliba iyo madaxdiiduba waxay wax walba ka hormariyaan danta dalkood (dalka Soomaaliya mooyaane). Dowladda Eritrea dan weyn baa ugu jirta in ay dowladda Itoobiya sii joogto dalka Soomaaliya muddo aad u dheer, sababta oo ah haddii ciidanka Itoobiya ee maanta ku sugan Soomaaliya ay dib ugu soo laabtaan dalka Itoobiya, waxay si toos ah u tagidoonaa xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea. Taasna dan uma ah dalka Eritrea. Waxay danta qaranka Soomaaliyeed ku jiraa in ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan dalka Soomaaliya waana sababta ay Soomaalida badankooda 70%  (Codbixintii HOL) ay soo dhaweynayaan heshiiska ay Qaramada Midoobki ka wado dalka Soomaaliya kaas oo qeexaya in afar bilood gudahooda ay ciidamada Itoobiya kaga baxaan dalka Soomaaliya.
 
Sababta ugu weyne ee Soomaaliya ay in mudda ahba aysan dowlad u lahayn ayaan ah in dad Soomaaliyeed ay mar waliba ka cagajiidayaan heshiis kasta oo dan u ah ummadda Soomaaliyeed.  Waxaa hal heys noqoday kalmadda  "LOOMA DHAMMA".  Kalmadaas ayaa ah oraah ay markii horaba abuureen dadkii dagaal ogayaasha ahaa oo waligood diidanaa in ay dowlad ka dhalato dalka Soomaaliya.
 
Waxaanan shaki ku jirin waddan jaceylka Sheikh Xasan Daahir Aweey, Gen. Jaamac Maxamed Qaalib, Amb. Axmed Cabdi Xashi (Xashara), Zakariya Maxamuud Xaji Cabdi iyo madax oo kale oo ah Xubnaha mucaaradka ee ku sugan magaalada Casmara. Waxaana taas daliil u ah sida ay uga soo horjeysteen joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya. Waxaasi shaki weyn ku jiraa fikirkood ka soo horjeeda heshiiska ay wadaan Qaramada Midboobi oo dan weyn ugu jiro ummadda Soomaaliyeed. Waxay Hiiraan Online ugu baaqeysaa madaxdaas in ay wax waliba ka hormariyaan danta ummadda Soomaaliyeed
 
Mucaardka fadhigoodu yahay Casmara iyo Ururka Al-Shabaab waxay awood u leeyihiin in sii dabajiidaan hehiiska lagu gaaray Jabuuti. Haddii kaalmo dhaqaale iyo mid ciidanba ay mucaarada Casmara ka helayaan dowladda Eritrea, waxaa hubaal in ay haystaan kaar ay ku qarbudaan heshiis kasta oo la gaaro. Taasna wuxuu keenidoon dagaal dad badan ay ku dhintaan oo dhexeeya xubnaha iska soo wada horjeeda. Arrintaas mid la mid ah waxay ku dhacday mujaahidiintii Afganistaan oo ayaga isku jeestay markii ay iska saareen ciidankii Midowga Sofiyeeti (Soviet Union).
 
Madaxda  ka dambeysay heshiiskan Jabuuti ayaa leh calaamooyin lagu garto waddan jecylka.
Madaxdaas waxay u hureen naftooda waxay ka tanaasuleen jagooyinkii ay hayeen (gaar ahaan Guddooyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliyeed). Xubnaha mucaaradka ee Casmara waa in fursad siiyaan walaalohooda kale ee ku sugan dalka Jabuuti. Waa in ay sidoo kale ka dhaadhiciyaan dowladda Eritrea in ay taageerto heshiiska ay Qaramada Midoobi ugu baaqday dalka Soomaaliya. Waana arrinta ay Soomaali badankeeda rabto iyo ugu badnaan xubnaha mucaaradka

Fikraddaada ku soo dir: [email protected]



 





Click here