4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Waa in laga hortagaa dilkaan Joogtada ah
fiogf49gjkf0d

A R A G T I D A
HIIRAAN ONLINE
Talaado, July 08, 2008

 


Waxaa la joogteystay dilka aqoon-yahannada, waxgaradka Soomaaliyeed iyo dadka ajinabiga ah gaar ahaan kuwa u shaqeeya ha’adaha samafalka iyo saxaafadda. Sanooyinkii aynu soo dhaafnay, dad wajiga dabooshay iyo kuwo uu u furan yahay ayaa waxay dileen boqolaal Soomaali ah oo aad looga qaddariyo mujtamaca iyo dad kale oo  waddanka soo booqday. Halkaan kuma soo koobi karno magacyada dadka sida khaarajinta ah lagu dilay Soomaaliya. Intii aan qoraalkan aynu ka shaqeyneynay ayaan waxaan maqalnay in qof kale oo hawl wnaagsan ummadda u hayey lagu dilay magaalada Muqdisho.
 
Sida ay ugu guuldarreysteen Dowladda Federalka iyo mucaaradkuba joojinta dilalkan isdabajoogga ah (hadeysan ayaguba ka dambeyn) ayaa waxay qasbi doontaa in uu abuurmo kacdoon bulsho oo loo dhan yahay oo ka soo horjeysta dilalkan Diinteenna iyo dhaqankeennaba aan meel ka soo gelin.
 
Haddii aad fiiriso dilalka la geysanayo ayaa waxaa kuu caddaaneysa in ay tahay mu’aamaro qoto dheer oo siyaasadaysan dadna ay ka danbeeyaan.


 
Axaddii aynu soo daafnay bishuna ay ahayd July 6, 2008, ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay madaxii hay’adda UNDP Somalia Cusmaan Cali Axmed. Dilkan ayaa wuxuu dhacay isaga oo marxuumku ka soo baxay masaajidka halkaas ee uu ku soo tukaday Salaaddii Cishaha. Axad, June 21, 2008, Eng. Maxamed Xasan Kulmiye oo ahaa madaxa haya’dda CRD ee gobolka Hiiraan yaa lagu dilay magaalada Beled Weyne. Enj. Kulmiye wuxuu  halkaas  in mudda ah  si hagar la’aan ah uga shaqeyn jiray howlaha heshiinsiinta iyo nabadeynta ee gobolka Hiiraan. Arboco, July 2, 2008, Cabdikariim Sheikh Ibrahim oo ahaa ganacsade caan ah aadna u kaalmeyn jiray agoonta Soomaaliyeed ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho. Marxuumkaas ayaa wuxuu xannaaneyn jiray in ka badan kun caruur ah. Isniin, June 30, 2008, Siyaad Orow oo madax ka ahaa hay’ad samafal oo la shaqeysa hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa la afduubay ka dibna la dilay. Sabti, June 7, 2008, Nasteex Daahir Faarax oo ahaa wariyihii BBCda uga soo warrami jiray Kismaayo ayaa lagu dilay magaalada Kismaayo.


 
Nofeembar 4, 2004, Gen. Maxamed Cabdi Maxamed, oo ahaa sarkaal sare ee ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la dilay isaga oo ka soo laabanaya salaaddii subaxnimo.  July 11, 2005, Cabdulqaadir Yaxya Cali oo ahaa madaxa hay’adda CRD ayaa si naxariis darro ah lagu dilay gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho. Jimco July 28, 2006, Cabdalla Deerow Isaaq Wasiirna ka ahaa Dowladda Federalka horayna u ahaan jiray Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay irridda masaajid ku yaala magaalada Baydhabo markii uu soo tukaday salaaddii Jimcaha. Runtii halkaan laguma soo koobi karo dilalka noocaas oo loogeystay dad aanan waxba galabsan.
 
Waxaa hubaal ah in dadkaas wax dilaya aysan aqoon u lahayn dadka ay dilayaan. Mana jirto dhibaato uu geystay oo loo dilayo. Taas waxaa daliil u ah dilkii Ms Kate Peyton oo u shaqeynjirtay BBCda oo lagu dilay Moqdisho ayada oo markaas joogtay wax ka yar saacado. Taas waxay kuu caddayneysaa in dadkan la dilayaa horay loo soo qorsheeyey dilkooda. Sidoo kale waxaa muuqata in dilalka noocaan ah dadka geysta yihiin laba qofood iyo wax ka badan, goobta uu dilkaas ka dhacayana lagu arki karo dad badan oo marqaati  noqon kara. Waxaa halkaan ka soo baxaysa in dilalka noocaan ah ee ka dhacay Soomaaliya ay yihiin qaar si xeel-dheer looga soo shaqeeyey dad baddanna ay ku lug leeyihiin. Waxaa kale oo xusid mudan in ay jiraan dilal noocaan oo kale oo aad u fara badan oo laakin nasiib darro aanan la soo shaacin.
 
Haddii aan dilalkaan si kale u fiirino, dadkan maalin waliba la dilayo kuma dhimmanayaan lama-dagaan aysan dad ku nooleyn. Fikrado kala duwan ayaay Soomaalidu ku sheegtay dadka ka dambeeya dilalka noocan ah. In kasta oo aysan fududayn in Soomaaliya laga baaro dad dambiyo galay xaaladda ka jirta awgeed, haddane waxaa jira Soomaali aad ugu xeel dheer, gudaha iyo dibaddaba, aqoon wanaagsana u  leh barritaanka dilalka noocaan ah. Suura gal ma ahan in dilka boqolaal qofood uu daboolnaado abidkeed oo aan la ogaan cidda ka danbaysa.
                                                               
Soomaalida ku nool dibadda waa in ay qayb ka qaataan xal u helidda dilalka joogtada ah ayaga oo la kaashanaya khubarada dalalka ay ku noolyihiin. Waxaa jira habab casri ah oo lagu ogaan karo dadkii ka dambeeyey dilalkaan iyo waliba kuwa soo abaabula.Soomaalidana war iskuma seegana, wax-qarintana kuma fiicna.
 
Waa in gal (file) loo furaa qof kasta oo lagu dilay Soomaaliya. Maxkamadna la horkeenaa dadkii ka dambeeyey dilalkaan. Arrintaan oo faraha laga laabto oo la iska daawado, waxay u xun tahay sida dilka qudhiisa; waxayna u ogolaaneysaa in dambiilayashii horay u dilay dad horyaal ah ay haddane sii wadaan dilalka inta hartay.

Fikraddaada ku soo dir: [email protected]



 





Click here