4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Been, Boob, Beec iyo Xoog: Dhaqanka dawlad-buruburinta
fiogf49gjkf0d

Cabduraxman M.Cabdullahi (baadiyow)
Axad, December 14, 2008

 

Siyaaso waa been, waa boob, waa beec iyo xoog, sidaas ayey ugu sawirantahay fahamka inta badan dadka Somaaliyeed. Maxaa sidaas ka dhigay? Waxaa ka dhigay dhaqanka siyaasiyiinta Somaaliyeed. Laakiin, siyaasadu run ahaantii ma aha sidaas, waa qaabka iyo farsamada xukunka, waa fakir waaya aragnimada aadamiga salka ku haya, waana cilmi la barto. Siyaasada saxda ah waxey ku dhisantahay sidii loo heli lahaa dawlad wanaagsan oo keenta cadalad iyo hurumar dhaqaale. Siyaasiyiinta dhabta ah waxey uhorseeddaan dalkooda cadaaladd iyo hurumar ku dhisan sarenta sharciga iyo xurmeynta aadamiga. Hogaanka siyaasadeed ayaa wax burburiya ama horseeda humar, nabad iyo nolol. Hadaba ka warama hadii hogaanka siyaasadeed ku yimaado BEEN, BOOB, BEEC IYO XOOG, oo ah afarta tiir ee siyaasadda Somaaliya?  Arimaha aan sheegayo lama ogola in laga hadlo oo waxey taabaneysaa runta, Somaaliyana been badan ayaa ku tagtay, waxaana marin habaabiyay “siyaasiyiintooda” iyo “aqoonyahaannadooda” qaarkood. Waxaa dadka lagu mashquuliyay iney raadiyaan sanbuus afar gees ah”. Waxaa lagu mashquuliyay iney ka hadlaan mar kasta qabyaalad aan muuqan oo dareen iyo dabeyl ah. Waxaa laga dhigay qabiilnimada wax Somaali ugaar ah. Dadweynaha looma sheegin sida caalamka oo dhan ugu dhisanyahay qabiilo iyo qabyaallad. Heerka kharibaadda fikirka Somaaliga waxaa la gaarsiiyay meel fog. Mar kasta oo la soo hadal qaado mushkilada Somaalida, waxaa lala soo boodayaa “mushkiladeynu waa qabyaalad! qabyaaladuna waa kansar”! Waa waxaan daawo laheyn, in la gubo ama la gooyo ma ahee!  Waxaa la moodaa inaan mushkilad kaleba ayan jirin, waxaana lagu qarinayaa dulmiga iyo dhaqan xumidda, waana marin-habaabin loo baahanyahay in la fahmo oo laga gudbo.

 

Erayada ah cudurka na hayaa waa qabyaalad, dawadiisuna waa inaan iska daynno, waxey la mid tahay,  cudurka na hayaa waa boorane, waa ruxaan, waa mingis”.  Dawada cudurkaas waa in lagaa tumo, lagaa madlo, lagaa xoolo siiyo. Cudurka noocaas ah, laguma daweyn karo hababka cilimiga ah ee la yaqaan. Sidaas darteed, dareen beeleed dawo ma laha, diinta Islaamkuna lama dagaalin, laakiin waxaa dawo leh oo in laga hortago la rabaa waa ficilka dulmiga ku dhisan iyo cadaalad daridda. Qaabkii loola dagaalay qabyaaladda wuxuu ku xukumay Somaaliya xabsi daa’im siyaasadeed, geeri dawladnimo iyo dagaal-beeleed aan natiijo laheyn. Waxaa sheekadaas la hadal hayay muddo dheer, wax natiijo ahna lagama keenin. Waa in hadaba lagu daraa eexda qabyaaladda qaybaha dulmiga iyo cadaalad xumuda waxyaabaha keeni kara oo sidaas loola falgalaa, sheegaduna ku dhamaataa.  

 

Bilawgii gobanimodoonkii, ayaa waddaniyiinta Somaaliyeed waxey isku qanciyeen si loo xoojiyo Somaalinimada in qabyaaladda laga dhigo wax la isku ceebiyo isla markaasna la amaano waddaniyadda. Sidaas ayaa af-maalka laga adeejiyay si loogu canbaareeyo suugaanta sida heesaha, gabayada, guurowga, shiribka, baraanburka, riwaayadaha iwm. Waxaa ka soo wareegtay 65 sanno asaaskii xisbiga Leegada (SYL) oo la asaasay 1943, kaas oo ahaa xisbigii wadaniga ahaa ee ugu horeeyay Somaaliya, hadaba mashruucii la dagaanka qabyaaladda maxaa ka hirgalay? Maxaa ka haray waddaniyadii iyo midnimada umaada?  Ma in qabyaaladda lala dagalamo ayaa khalad aheed? Ma sidii iyo qaabkii lagula dagalamay ayaa khaldanaa?  Doodaan waa iney noqotaa mid miirqabta oo xasilan, waafaqsanna cilmiga. Sidoo kale, waa in la kala saaraa fikirka waddaniga ah iyo ficilka siyaasiyiinta sheeganaya iney yihiin waddaniyiin. Waxaa kale oo mudan in xisaabta lagu daro, in la kala saaro diinteyna Islaamka ah iyo ficilka dadka diinta Islaamka magaceeda ku hadla.

 

Fikirka waddanigu wuxuu ka saleysnaa bilawgiisii hore in dadka Somaaliyeed yihiin muwaadiniin usiman xuquuqda iyo waajibaadka, loona kala faquuqin qaabiil, degaan iwm. Wuxuu ku saleysnaa in la dhawro diinta Islaamka, la hurumariyo, lana hirgeliyo isla markaasna dalka aan loo sameyn qaanuun khilaafsan mabaadi’da Islaamka.  Arinkaas wuxuu ku qoranyahay dustuurkii Somaaliya loo sameeyay 1960. Dadka Somaaliyeed waxey shirko ku yihiin dalka Somaaliyeed. Wixii ka dhexeeya xubnaha shirkada waxey aheed in loo sinaado. Waxey aheed in loo sinaado shaqada dawladu bixiso, ruqsooyinka ganacsiga iwm. Waxey aheed in loo sinaado xukunka dalka oo ruuxii saamileyda intooda badan codkooda siiyaan uu dalka utaliyo, hadii shaqadiisa loo bogi waayana shaqada laga eryo. Waxyaabaha aan sheegayo waxey ka noqotay Somaaliya riyo iyo sidii odagii Somaaliyeed oo wiilkiisa ku yiri markii uu ku celceliyay cadaalad ma aha sidaas: mandhow! weligeyba cadalad iyo sinaan waan maqli jiray, laakiin anigu meel lagu hayo ma arag!”.  Hadaba jawabtu waa muuqataa oo shaki kuma jiro in ficilkii siyaasiyinta Somaaliyeed uu khilaafsanaa fikirkii wadaniga ahaa iyo aragtida Islaamka ee loogu yaboohay dadka Somaaliyeed. Taasna waxaa la dhihi karaa waxey sal u tahay, dhaqan siyaasadeed soo xoogeysanaya maalinba maalinta ka dambeysa oo horjoogsanaya soo celinta qaranimada Somaaliyeed iyo dib-u-dhiska dawladnimadeeda.

 

Laga soo bilaabo 1956, waxaa dhaqan siyaasadeed u noqotay siyaasiyiinta Somaalida intooda badan dhaqan-xumada Afar-geesoodka ah: BEENTA, BOOBKA, BEECA iyo XOOGGA (BBB-X)

 

1. BEENTA: Waxaa siyasiyiintu xalaaleysteen been sheegidda iyo af-miinshaarnimada. Waxaa dhaqan noqotay beenta iyo marin-habaabinta. Siyaso aan been la shegeyn waxey aheed shay “ bidco ah”. Waxaa la iska iloobay in beentu tahay dambi ka mid ah dambiyada ugu waaweyn Islaamka, iney tahay calaamada munaaqfaqnimada. Inkasta oo xataa ummadaha horumaray siyasiyiintoodu sheegaan waxyaabo been ah mararka qaar, hadana dhaqan joogto ah ma aha, waana laga xisaabtamaa, la iskuna ceebiyaa.

 

2. BOOBKA: Eraygaan micnihiisu waa in si khald ah loo qaato wax aan xaq loo lahayn sida wax ruux kale leeyahay ama wax dadka ka dhexeeya. Si wax loo boobo waxaa la adeegsan karaa xeelado kala duwan sida la fakashada, xisab is-hoosgelinta iwm.  Tusaale, hantii dadweynaha waa la boobay oo si khladan ayaa koox ama qof u qaatay, geelii reerka waa la boobay, dhulkii waa laboobay, gabadhii waa la boobay oo waa lala caray si loo guursado, doorashadii waa la boobay oo cod been ah ayaa sanaadiiqdii doorashada laga buuxiyay. Xeeladaha boobka waxaa mararka qaar la adeegsadaa xoog, laakiin shardi uma aha boobka.  

 

3. BEECA: Waa eray loo adeegsado arimaha ganacsiga. Baddecada ayaa la kala iibsadaa, la kala gataa, la beeciyaa, laakiin hadaba waa maxaa beec siyaasadeedku?  Waa dhaqan siyaasadeed ku dhisan in la kala gato codka, wa musuqmaasuqa aabihii iyo hooyadii iyo laaluush bixin looga talaabsanayo qaanuun kasta. Bal ka waramay meeshii laga xalaaleysto gadashada codka? Meshii ayan dambiba aheyn oo aan lala xishooneyn in laaluush la kala qaato? Bulsho dhan oo ruuxii xoollo heysta iibsan karo madaxnimada?  Silsiladda beecu waxey la bilaabataa doorashooyinka guud, xubnaha la soo doorto ayaa codkooda u beec-geeyaa kuwa u tartamaya madaxnimada dalka. Si loo bixiyo kharajka xad-dhaafka ah ee siyaasadeed, madaxda dawladdu waa iney boobaan hantida dadweynaha iyo mucaawinooyinka dawladaha kale bixiyaan!  

 

4. XOOGGA: Marka laga hadlayo arimaha siyaasadda wuxuu noqon karaa inqilaab militeri sidii kii ka dhacay Somaaliya 1969 oo dalka ka talinayay ilaa bilawgii 1991. Wuxuu noqon karaa kooxo hubeysan sidii Jabhadahii burburiyay dawladdii Somaaliyeed. Waxey noqon karaan Maxkamadihii Islaamiga ahaa oo la dagaalamay madaxdii Jabhada. Isku soo duube, dhaqanka adeegsiga qoragga caaradiidsa si loo gaaro ujeedo siyaasadeed wuxuu Somaaliya ka jiray muddo dhan 40 sano. Waxaa xoog loo adeegsadaa siyaabo badan sida in dulmi la iska qaado iyo in xukun lagu gaaro. Gaar ahaan, waxaa inta badan XOOG adeegsigu yimaadaa markii wadooyinka kale soo  xirmaan. Waxaa kale oo la wada adeegsadaa afartaas dhaqan si wada jir ah.

 

Afarta dhaqan-xumidda siyaasadeed, ayaa siyaasiyiinta Somaaliyeed ku soo burburiyeen dawladnimada Somaaliya muddo dheer. Xukunkii dabada dheeraday ee uu Madaxda ka ahaa Jineraal Moxamed Siyaad Barre, waxaa salka ku hayay XOOG adeegsi, markii siyaasiyiintii rayidka ahaa laga kari waayay iney iska daayaan shaqan-xumida siyaasadeed ee “BEENTA, BOOBKA IYO BEECCA” doorashii ugu dambeysay ee 1969ki. Dawladii kacaanka waxaa lagu kari waayay in haddii ay xukunka xoog ku yimaadeen “xaqqa codbixinta” usoo celiyaan shacbiga. Waxey na badeen, waxey na bareen ayaa ka daran, ayaa xaalku noqoday!. Waxaa xoogeystay dhaqanka adeegsiga XOOGGA, Beentii, booki iyo beecina waa halkoodi. Jahbadihii xanaaq beeleedka oo buruburiyay dawladnimada 1991, waxey dhaqan ka dhigteen, tusalana u ahaa madaxdii ka horeysay. Waa XOOG fadaanee! Siyaaaso xaajo ku dhisan ma fadow!. Markii maxkamadihii Islaamiga ahaa ay iska celiyeen Jabhadihii xoog adeegsiga caadeytay, dadkiina u riyaaqay, waxaa lagu kari waayay “talada dadka ayaa iska leh” ee xoogiinu xaqq idiin ma siinayo inaad wax ku xukuntaan. Wixii ka dhacay waaba la ogaa. Dhaqankii XOOGGA ayaa halkiisii kasii socda iyo sacabooley mesha waxba uma yaaliin”. Inta xoogga leh in xukunka loo qeybsho ayaa lagu shaqeeyay intii ka horeysay shirkii taariikhiga ahaa ee Carta ee 2000.  Shirkii Carta wuxuu bedlay wajigii Siyaasadeed, laakiin wuxuu yeeshay cadaw badan waana kii ku dambeeyay halkii la ogaa. Shirkii Kenya ee Jabhadaha awoodda la siiyay ayaa ku shisnaa in inta xoogga leh xukunka loo qeybiyo, waxna kama naaso-cadaan.  Sida ay noqonayaan isku dayga cusub ee dib-u-heshiisiintu, Ilaahey ayaa garanaya, laakiin dhaqan cusub ee siyaasadeed kama muuqdo oo dhaqan siyaasadeedkii Somaaliyeed waa halkiisi oo waxba iskama bedilin.

 

Ugu dambeyntii, inta iska daynno eedeynta qabyaaladda oo aan kusoo daalnay, waxna ku hagaagi waayeen, ma eedeynaa dhaqan-xumada siyaasadeed ee ku dhisan BEENTA, BOOBKA, BEECCA iyo XOOGGA?  Haddii qabyaaladu ka bilaabato dareen aan muuqan oo keeni kara eex, ma la dagaalanaa dulmiga iyo eexda nuucyadooda kale duwan? Ma ugu hormarinaa dulmiga siyaasadda oo ku dhisan BBBX?  Ma ku subcinaa “iska jir cadawga ku jira! Iska jir BEENTA! Islak jir  BOOBKA! iska jir BEECCA! Iska jir XOOGGA!  Ma isla garanaa in BBBX ay tahay cadwga Somaaliyeed, tahay wax Islaamka ka soo horjeeda, tahay qaran dumiska, tahay shaydaanka weyn ee siyaasiyiinta! Haddii aan afartaas fuxshi iyo fool-xumayaal iska dayno, qabyaalad warkeed majiro! Qaran dumis dambe ma jiro!   Gunaanadkii, wadajir ma dhahnaa: Siyaaso fadaane! Been, Boob, Beec iyo Xoog ma fadaanno! Nabad fadaane, dagaal ma fadaano! dawladnimo fadaane! Janno fadaane, naar ma fadaanno!



 





Click here